Xarunta Xannaanada Caalamu Siqaar:- Xarun Waxbarasho Tayo leh W/D; Cabdinaasir X. Iidle

11781723_956412124420512_5036033294946807033_n

Xarunta Xannaanada Caalamu Siqaar:- Xarun Waxbarasho Tayo leh

Maryama Saciid Axmed “Waxaan doonaynaa inaan soo saarno Caruur Soomaaliyeed oo Mustaqbal leh, Tarbiyeysan, yaqaana la Macaamilka Bulshada, waxna tari kara Dadkooda iyo Dalkooda”.
Magaalada Muqdisho waxa ka jira Xarumo si gaar ah loo leeyahay oo lagu Xanaaneeyo waxna lagu baro Caruurta Soomaaliyeed ee da’doodu aadka u hoosayso si jir ahaan iyo maskax ahaanba ay uga sareeyan kuwa kale ee aan nasiibka u yeelan iney helaan Xanaanadaas Waxbarashada wadata, si aan wax badan uga ogaado arimahaas ayaa waxaaan booqday mid ka mid ah Xarumahaas oo la yiraahdo Xarunta Xanaanada Caruurta ee Caalamu Siqaar (Caruurta Aduunka) oo ku taala KM4, dhabarka danbe ee Safaarada Turkiga.11754838_956412314420493_7457346646906583437_o
Markaan gudaha u galay Xarunta waxaa durba I soo jiitey oo daaradda hore ka muuqda Qalab kala duwan oo ay Caruurtu ku ciyaarto waqtiyada nasashada oo yaala goobo loogu tala galay, sida Wiifowga, Baaskiilka. Baabuurta kala duwan, Meelo lagu dabaasho, Fardo fuulka, Miisanka, Qalabka lagu jimicsado iyo waxyaabo kale oo dhamaantood soo jiidasho leh.
Gudaha ayaan u sii galay Dhismaha Xarunta Xanaanada Caalamu Siqaar, waxaana aan mid mid u galay fasalada Waxbarashada iyo Qolalka ay Xaruntu ka kooban tahay oo ay ku jiraan Qolalka jiifka oo ay yalaan sariiro is dul saaran, jikada Cunnada lagu kariyo lgun diyaariyo, Qolalka lagu cunteeyo iyo Musqulaha, ka dibna waxaan arkay Caruur kala duwan oo Wiilal iyo Gabdhaba leh oo dhamaamtood qaba Lebis isku mid ah (Uniform), waxay ku mashquulsanaayeen barashada Maadooyin kala duwan oo aan ka xusi karo Quraanka Kariimka iyo Xisaabta.
Intaa ka dib waxaan Xafiiskeeda kula kulmay Maamulaha Xarunta Xanaanada Caruurta ee Caalamu Siqaar Marwo Maryama Saciid Axmed, waxay ii sheegtay in Xarunta la Aas-aasay 20/04/2015 oo ay jito sedax Bilood oo kaliya ayna dhigtaan 80 Arday oo Wiilal iyo Gabdho isugu jira, looguna tala galay 100 Arday, wixii intaas ka bandanna aanay qaabili Karin madaama ay Masuuliyadi saaran tahay. Waxaan waydiiyey ujeedka loo furay Xarunta waxaana ay tiri. “Waxaan doonaynaa inaan soo saarno Caruur Soomaaliyeed oo Must11794322_956412587753799_7553000375287065842_oaqbal leh, Tarbiyeysan, yaqaana la macaamilka bulshada, waxna tari kara Dadkooda iyo Dalkooda”.
Maryama oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in ay leeyihiin Gawaari ama Baabuur Caruurta ka soo qaada Guryahooda, si Arday walba uu Xarunta diyaar ugu ahaado 7:30-ka, Waxbarashaduna u bilabato 8:00-da Subaxnimo ka dibna ku celiyo Caruurta Guryahooda 5-ta Galabnimo, waxayna inataas ku dartay iney leeyihhin Dhaqtar Caruurta Bishiiba hal mar baaritaan Caafimaad ku sameeya.
Mar aan waydiiyey waxyabaha la baro Caruurta ay gacanta ku hayaan waxay tiri. “ Horta Xarunta waxaa ka howl gala Todoba Macalin oo lix ka mid ahi ay Dumar yihiin, Waxaan barnaa Adkaarta marka laga yimaado, Maadooyin kala duwan sida :- Carabiga, Tarbiyadda, Xisaabta, English-ka iyo Soomaaliga, Caruurta aan hayno waa labo qaybood, qaybta hore waxay da’doodu u dhexaysaa 3-6 sano, waan Xanaanaynaa waxna waan Xifdisiinaa, maadaama ay u sahlan tahay wax walba Xifdintooda, waxaan u diyaarinay Sariiro ay ku seexdaan ugu yaraan Maalintii mudo hal saac ah, Qaybta kale waxay da’doodu u dhexaysaa 6-9 sano, Xanaanada ka sokow waxaan u diyaarinaa sidii ay Iskuulada ugu biiri lahayeen iyagoo dhinacyo badan ka dhisan sida Jirka iyo Maskaxda. 11709827_956412041087187_926369907630644990_o
Waxyaabihii aan Waydiiyey Maamulaha Xarunta Xanaanada Caruurta ee Caalamu Siqaar Marwo Mayama Saciid Axmed waxaa ka mid ahaa Nadaafada Caruurta iyo sida ay u daryeelaan. Waxaana ay tiri. “Nadafaddu waa shayga koowaad ee aan masuul iska saarno, si wanaagsan ayaan uga taxadarnaa Nadaafadda Caruurta nalaku amaanaystey, waxaana jira Gabdho aan u xil saarnay Ilalinta Nadafadda Caruurta aan gacanta ku hayno, aad iyo aad ayaan u koontaroolnaa mar walba Nadaafadda Caruurta aan Masuulka ka nahay”.
Maama Maryan Saciid waa ay sii hadashay oo waxay tiri. “ Caruurta Dhigata Xarunteenna waxaan u samaynaa Shanta Maalmood ee Xaruntu furan tahay Quraac, (Rooti is maris ah, oo Farmaajo ama Malmalaado la mariyey, mararka qaar Maraq ) Qado Dhamaystiran (Baasto ama Bariis Hilib leh) iyo Casiriye (Buskut ama doolshe oo ay wehliyaan Caano ama Shaah)”. Waxay Maryama Saciid Axmed oo ah Maamulaha Xarunta Caruurta ee Caalamu Saqiir Gunaanadkii ii sheegtay iney si gooni ah Gabdhaha u baraan Cunno karinta, la macaaamilka Hooyada iyo la dhaqanka Bulshada maadaama la yiri Gabar waxbaratay waa Bulsho waxbaratay.

W/D; Cabdinaasir Xersi Iidle
Naasirx1@gmail.com
00252615503978

SHEEKOOYIN