Xasuusihii Suubban! W/Q: Cabdikariin Shardi

Xasuustu waa awoodda ay maskaxdu ku keydiso dhacdooyinkii hore. Caawa oo kale, waxa aan mahdinayaa xasuusahayga, marna waa eersanayaa. Gar iyo garasho toona ma ahan, in aan xasuusteyda ka cawdo. In ay guuldarro keento moyee, guuli ka sugi maayo dambiga aan xasuusta ku oogo. Si kastabase, waxa aan mahadinayaa afar gu’ ka dib xiriirkeenna, in aan si habsami leh u daawanayo maalmihii wacnaa. Maalmihii wanaagsanaa. Maalihii farxadda. Maalmihii wadajirka iyo wada-joogeenna. Haddii aan maskaxda faro feker oo aan keydka xasuusta ka codsado barbillawga barashadeenna, mar waan qiiroodaa oo farxad baan la ilmeyaa, marna waan niyadjabaa oo urugo baan la ilmeyaa. Mar kastaba, dhabankeyga illin baan ka tiraa. Waa halka aan ku kala bartay farqiga u dhaxeeya dhadhanka laba illin.

Waxa ay ahayd saddexda bisha Seermaweydo. Waa gu’ iyo xaalkiiye, waxaa geyiga badankiisa ka curtay roob lagu diirsaday oo raxmad Rabbi ay weheliso. Harooyinku waa ay buuxsameen, waddooyinkana waxaa biyo dhigay roobka. Geedahu fiix ayey oodda kasoo qadeen, shimbiruhana reynreyn bay wiiq-wiiq la lahayeen. Sida looga bartay, rahaha baa dhiida haayay, iyaga oo u dabbaaldegayay waxa cirka caadku qariyay kasoo muuqday. Weli xasuusteyda kama go’in, waxa ay aheyd galab Arbacaad. Waa aan ku cusbaa deegaanka Gololleey, muddo toddobaadyo ah ayaan joogay. Sida caadada ii noqotay maalmahaasna, galabgaabki ayaan beeraha bari ka xiga ruunka reerka usoo kici jiray. Mar xoog baan ahaa oo beeraha baan bahalada yac ka dhihi jiray, marna aniga ayaa ku daneysanayay oo ku dhexjirka dhirtaas baa muhiim ii ahayd. Waxa aan kilkisha ku watay buugga: “GASO”, waxaa ii qorshesneed in aan soo afmeero oo bal reer Jabaq geeddiga ay kaabada usoo ahayeen, ka wardoono. Waxa aan doonayay bal in aan dhammaadka nolosha reer Jabaq meel kusoo hubsado. Waa sababta aan tarmuuska dheer iyo bakeeriga usoo qaatay. Sida aan halkaan u imidna, waxa aan mahadiyay shaaxa diirran ee aan wax la siisto lahayn. Waan hubaa haddii aan ka tago in aan tabi doono, haddii aan heystana in uu wax kaleba iiga filan yahay. Sida wax duulal qaba ayaan galab walba ugu yaraan tarmuuska dheer idleyaa. Dadku waxa ay maleynayeen, in halka aan ka imid shaaxba laga cabin.

Jihada bari ayaan beerta kasoo galay. Cubcubka oo dhankeyga soo jiray ban fogeeyay, kolkaas baan jihada kale geeyay. Waxa aan isha ka buuxsanayay sisinta baxeysa ee aragtideeda maalmo ka hor ay iigu horreysay. Ismalahayn sisinta aad har iyo habeen cabtaa, geed aan laba iyo saddex mitir dhammeyn ayey ka baxdaa. Bocorka, qaraha, yaanyada, ganleyda, masaggada iyo dalagga kale ee beerta isdhexjiifo horay baan ugu ildoogsaday, balse, ma ahan wax laga dhergayo. Udgoonkooda baan laba iyo saddex jeer jiiday. Jiiditaanka baan ku dheeraaday, ilaa heer ay neeftu iga soo bixi weyso. Waxa aan ku fekerayay, in aan ruunkeyga sidaan oo kale ka yeelo, si aan kol walba u carafsado udgoonka dalagga. Waxa aan xaarxaartay meel aan sidaa iiga fogeen. Go’ yar oo aan watay baan dhinaca dhigtay, kolkaas baan salka dhulka la helay. Koob shaax ah baan shubtay. Waxa aan ku dartay caano aan inta aan waddada soo hayay kasoo maashay ri’ irmaan. Kor baan u qaatay oo afar jeer fiiq iri. Waan dhigi waayay, ilaa aan lix jeer kabbaday. Aniga oo weli u hammuun qaba, xiisaha buugga dhabta i saaranna i farayo in aan dhigo shaaxa oo aan kala furo, baan jihada waqooyi jalleecay. Waxa aan ku arkay adiga. Adiga halkaan aan hadda kaaga hadlayo.

Qacdii hore waxa aan ku moodayay jin. Caqlikeyga waa aad ka baxsaneed. Dhaayaaha ayaan kasoo celin waayay. Waa aad dhereed oo aad haddana gaabneed, adigu meel dhaxeed baad aheyd. Gacanta midig ayaad ku wadatay xaabo aad hawdka ka soo gurtay. Bidixdana waxa aad ka laaladineysay buugga: “MAANA-FAAY”. Wad caseed. Labada faruuryoodna waad u madobeed. Wejikaaga inta kale ayey faruuryahaada ka madobayeen. Waa aan la dhacay. Judhiiba hoos ayaan ka inkaaray kuwa soo saaray waxa baas ee faruuryaha lagu caseeyo. Haddiiba madowgu sidaan ugu qurxoon yihiin, maxaa waxaa lagala doonayaa ayaan isweydiiyay. Adigu waad dhoolacaddeyneysay. Horraantii waxa aan moodayay in aad aniga iigu darnaaneyso, gadaal ayaanse ka ogaaday in ay dabcigaada tahay. Waad igu soo socotay ilaa aad isoo dul istaagtay. Kor ayaan kuu fiiriyay siday cunug macallinkiisa canaananayo. Cod xabeeb leh ayaad igu salaantay. Waa aan ka daahay in aan salaanta kaa qaado. Sababta ma garaneysaa? Waxa ay maskaxdeydu ku mashquulsaneyd suurtalgalnimada salaantaada. Riyo ayey ila aheyd. Balse, ma aqaan sababta adiga oo intaa fahmaya, marka aan sida qof maran oo kale salaanta kaaga qaaday aad iila yaabtay.

Gar ayey aheyd in aan codka boobo, mar haddaad horteyda taagan tahay oo aad weli codkaada dabacsan iga haqabtireyso. In cabbaar ah ayaan kaa aamusnaa. Mar haddaan foolkaaga eegayo, waxa ay ila aheyd in aan kula hadlayo. Adiguna, waad iska dareemeysay in la ii sito. Mar dambe ayaan si dirqi ah salaanta kaaga qaaday. Waad soo fadhiisatay. Waxa aad korkeyga ka qaadatay buuggii aan watay. Waxa aan la yaabay quruxdaada iyo dhiirranaantaada. Waa laba aan la isku helin dhif iyo naadirna ay tahay kulankooda.

Cabbaar ayaad rogrogtay. “Buug ayaa kugu dhacay” ayaad i tiri. Anna midkaada ayaan kaa codsaday. Waxa aad ka yaabtay sababta aan wax korkaaga saaran u codsanayo. Aniga oo raba in aan mar kale codkaada xabeebta leh maqlo, ayaad igu tiri: “ma wax dusheyda saaran ayaa lagaa xigaa” waad i soo taagatay. Anna in cabbaar ah ayaan daymooday. Sida aad keyga ula dhacday si aan ka yareyn ayaan ugu hiloobay. Buuggii ayaan laabay. Naf yar ayaan isgelshay. Hadaltiro badan oo ay ugu muhiimsanayeen in aan deegaanka safar ku ahay ayaan daldalay. Adna sidaas oo kale ayaad igu tiri: In aan Xamar ka wada nimid ayaan ogaaday. Waan ku farxay. Malahayga adna sidoo kale. Cabbaar ayaan sii kaftannay. Daqiiqado badan ayaad ii qososhay. Waa ay isku keen baxday. Magacaaga ayaad Suubban iigu sheegaty. Anna keyga ayaan Saabbir kuugu wariyay. Taleefannada ayaan kala qorannay. Xiriirka adiga ayaa kusoo horreeyay. Aniga ayaa jeclaa in aan kusoo hormaro. Mase dhicin. Si kalgacal iyo xiiso leh ayaan kaaga qabtay.

Qofkii i garanayay wuu dareemayay in ay i soo talefoonisay qof dadka kale ka duwan. Hadal ayaad igu harqisay. Anna kaama yareysan. Waa aan diidayay in aad libinta hasaawaha iga hesho. Dhawr jeer ayaa majaraha u qabatay. Haa, hiii iyo hee maahanae marar badan ayaa saaxadda hadalkaaga moyee mid kale laga waayay. In aad aftahan tahay ayaan halkaas ka ogaaday. Marar dhaxe ayaan adba hoggaan kuu qabtay. Marar aan yareyn baad sidii Macallin ii dhageysaneysay. Anna kolka aan qosolkaaga iyo jiibtaada helo baan sii laba kacleynayay. Ma sabreyside, in aad booskaaga soo ceshato ayaad isku dayday. Ma tabar ayey iga aheyd, mise waan kuu turarayay garan mayee, si baad usoo noqotay. Si baad casharkaaga u billowday. Mar dambe oo aan maleynayo in aad kas iigu oggolaatay baan anna kalkeyga kuu miisay. La yaabkuse waxa uu ahaa marka aan arkay in waagu baryay. In habeen oo dhami agtaada ku qaato waxba ila may aheyn. Waan u quuri karayay agtaada habeenno badan, qof nasiib leh moyaane qof kale ma ayaansado. Habeenkaas farxad iyo reynreyn ayuu iigu idlaaday. Malahayga adna sidoo kale. Waa habeenkii isugu keen horreysay. Bal malee habeennada kale imiseynu wada hadli
karnaa!

Maalmo kale oo wanaagsan ayaynu wada joognay. Mar dambe ayaad ii sheegatay in aad Xamar foogta u jarmaadeyso. Mar waan ka xumaaday marna waan ku farxay. Waxa aan kaga xumaaday in aan Gololleey sii joogi doono maalmo aan sida kuwiii hore u farxad badneyn. Marna waxa aan ku farxay in aad Xamar caddey iiga sii horreyneyso, si kolka aan imaado leyrkaaga quruxda badan ee dhambaalka farxadeed sido iigu shiddo. Subax Talaado ah ayaan ku sagootiyay. Boorso xun ee aad wadaty baan kusoo qaaday. Marka aan degmada Balcad gaariga kaa saaray baan kaa haray. Intaas waxa aan kuula socday in aan kaa ilaaliyo jinni aysan aniga moyee cid kale arki karin. Xitaa qodxaha waddada yiil ayaan kaa dhowrayay. Cid aan aniga ahayn in ay jirkaaga taabatao dambi, aan dambi ka weyneyn baan u arkayay. Marka uu isku dayay in shufeerku gaariga wado ayaan u carooday. Sababta aan kusoo waday ayaan ka shallaayay. Waxa ayna ila noqon weysay in aad sidaas iiga tagtay. Aniga oo marna cishoonaya marna is cuqdadeynaya ayaad unuunka gaariga kala soo baxday. Gacataada oo aan gacan kale iiga darmeen baa kasoo horreysay.

Gacanta ayaad ii haatisay. Aniga oo dhexbartanka dhabaha taagan ayaan anna kuu haatiyay. Ilaa gaariga ka mirqayo ma libirsan. Mar dambe oo aad sii miriqday, surkana aad sii ceshaneyso ayaan ka war helay qeylada gaari i sigay. Waxa uu u heystay in aan maranahay. Dhawr jeer ayuu i weydiiyay sababta aan u quursanayay. Marar badan waxa uu kusoo celcelshay in aan sidaani ku fayoobi qabin. Horta miyaan fayoobahay? Waxa ay ila tahay in uu maanka adiga iga kaa raacay. Kursi aad ku dhafiso dhinaciisa in uu fadhiyo ayaan maleynayaa. Hadduu jirku kaa haro, xiska ayaa diiday in uu cidlo kugu diro. Si kastaba kama xumi xitaa hadduu maanka iga kaa raaco. Waa aad u qalantaa in wax walba oo qaali ah lagu raaciyo.

Toddobaadyo ayaan Gololleey kusii nagaaday. Dambi ayey igu ahayd in aan sii fadhiyo meel aadan ka dhaweyn. Inta aan xusuusto waa dambiga kaliya ee aan kaa galay inta aan wada soconnay. Kolkii aan Xamar imid ayaad noqotay qofkii ugu horreeyay ee aan la kulmay. Inta aynu wada soconnay waa muddadii ugu dheereed ee aynu ismoogaannay. Runtii hilow fara badan ayaan kuu qabay. Dareemo aysan jirin wax loo dhigo ayaad igu soortay. Sooma xusuusan karo kulankaas. Aniga iska daaye, akhristayaasha ayaan uurkooda u baqayaa. Aniga iyo illinta waan isbarannay. In ay daankeyga ka gobo’siisana waan la qabsaday, balse, akhristahayga ayaan dareen dhowrayaa. Ma doonayo in sida aad iiga ilmeysiisay kaga oohiyo. Si kastabase ma ahayn kulan caadi ah. Wax walba oo wanaagsan ayuu ugu wanaagsana. Wax walba oo qurux badan ayuu ugu qurxonaa. Wax walba oo farxad leh ayuuna ugu faraxad badnaa. Dharka aad xirneed ayaan isku dayi doonaa in aan sawiro. Si aan marna u illaawin. Haddii aan farshaxanka sawirka aqoon lahaa, adiga oo dhammi ah ayaan ku sawiran lahaa, kolkaas baan laabta kugu heysan lahaa. Aniga iyo aqoonyarideyda sawirkase dheh!

Maalmo kale oo wadajir ah ayaa innoo billowday. Halkaas ayaad kasii jogteysay dabeecadaada mar-la-aragga ah iyo muqaada wax walbaba igaga qiimaha badnaa. Kulamo dhawr ah oo midba midka kale ka xiiso iyo xamaasad badan yahay ayaa inoo xigay. Haddii aan isku dayo in aan ka shekeeyo, sheekada ayaa ila tageyso. Heer uu akhristaha ku caajiso anna aan ku daalo. Waxa ay ahayeen kulamo aan weli nuucooda arag xataa qof ka shekeyneeysa. Waxa aanse si gaara u xasustaa habeenki Jimcaha. Waa habeenka aad i bartay saaxibtaa Saabiriin anna aan ku baray saaxiibkay Suheyb. Farriinta xun ee uu Suheyb xaggaaga iiga keenayo haddaan ogaan lahaa habenkaas kuma bareen! Qaybkase cidna ma oga. Sababta geerideenna la inooga qarshay ayaaba ah in aan col hortiis jabin.

Waxa ay inala socotoba, laba sano ayaynu soo afmeernay. Waa laba sano oo farxad iyo wadajir ah. Waa laba sano oo dahabi ah. Waa laba sano oo aan urugo is-arag. Waana laba sano oo qalin dahab ah kula xardhan qalbigeyga. Laba sano oo aan fasax ka qaatay hawlaha isku cakiran ee adduunka. Laba sano oo aan niyadjabka kala maagnay. Laba sano oo Suubbantii caashaqa agteeda aan ku qaatay. Laba sano oo aan ilmo farxadeed moyee tu murugo aysan dhabankeyga kasoo quban. Laakiin laba sano ka dib maxaa dhacay? Waxa aad noqotay ninkii boqol soomay ee baqtiga ku afuray. Waxa aad noqotay ninkii afarta rakcadood ee salaadda soo idleeyay ee atixiyaadka dambe bahal qarmuun oo aariyo ah ka wareegay. Waxa aad noqotay ninkii dharaarti oo idil afxernaa ee kolka qorraxdhaca loo dhaw yahay biyo qurquriyay. Waxa aan ku mooday mise waxa aad noqotay. Waxa aad fashay mise waxa aan kaa filaayay. Waxa aad soo qabatay mise waxa aad ku qatintay. Waxa aad sameysay mise waxa aan kaa sugaayay. Waxa aad soo qurxisay mise waxa aad qaabdarreysay. Kala duwanaa!

Sida aad u joogtay ayaan ku waayay. Meel aad cag iyo cirib dhigtay ayaan ku diimay. Jaahaaga ayaan waayay. Waan ku baadigoobay ilaa heer aan quus ku dhawaaday. Xaafaddii aad degganeyd waad ka guurtay. Jaarkaagana meel kale oo aad degtay waa ay i sheegi wayeen. Saaxibtaa Saabbiriin ayaan marar badan raadiyay. In aad dibedda u dhooftay ayey iigu xog warrantay. Ma aaminin. Ma ahayn wax la aamino. Ma quusan. Waan ku baadigoobay. Konton farriin ayaan ciwaankaaga foolbuugga kuugu soo diray. Aniga oo aan u heysan in aan farriin kuu reebay ayaan mid kale ka daba geyaa. Hal mar xataa sooma aadan xaadirin bartaada. Tuhun ayaa i galay. Wax walba ayaan aamini waayay. In aad geeriyootay ayaan u fahmay. Haddana way ila noqon weysay. Shaydaanka ayaan iska naaray. Lagu naar dheh. Ma waxaas ayuu isku dayayaa in uu ii meeriyo. Duf ku bax. Lagu waa. Meel xun ka dhac sheydaanow. Ma hadda ayaad isku dayeysaa in aad rugta aan farxadda ka qaato iga soo xirto. Lagu xir. Xarig iyo xabsi aan dhammaan gal.

Bil ayaa laga jogaa xilligi aan ku waayay. Dharaar iyo habeen ma nasto. Adiga uun ayaan ku baadigobaa. Aniga oo markaas uun masaajidka ka imid oo gurigeyga jiifo ayuu saaxiibkay Suheyb iigu soo galay. Maxaa ku helay, maxaa sidaan kuu galay iyo weydiimo aan ogaa in cidwalba i warsaneyso ayuu billaabay. Waxa uu se i weydiiyay su’aal aan ka yaabay. “Suubban hadmaad kala tagteen?” Ma fahmin waxa uu yiri. Waan ka aamusay. “Maxaad iigu sheegi weysay in Suubban maanta la guursanaayay?” Ayuu ii raaciyay. Ma GUUR ayaan af labadiisa ku iri. Toban su’aalood ayaan weydiiyay. Waan dhididay. In uu ila kaftamayo ayaan u qaatay. In uu i dajiyo ayuu isku dayay. Laakiin xilli aan degi karo ma aheyn. Waxa uu ii sheegay in foolbuugga uu ku arkay dhambaalka hambalyada arooskeeda. Waa degay. Waxa aan iska dhaadhiciyay qof kale ayuu ku qalday. In uu i tusiyo ayaan ka codsadey. Mise waaba iyadi. Waa Suubban oo gacanta midig nin weyn oo aad u madow heysto. Waa Suubbanti aan aqiin. Suubbantaydii caashaqa. Waa naftii kale ee igu dhex nooleed. Naruuruhii dunida iyo nalkii ii ifayay, aniga oo dayaya ayuu damay. Xataa ma naxuusin ee mar qura ayuu dam yiri. God madow iyo gudcur ayaan galay. Taleefankiisa ayaan darbiga ku dhuftay. Isaga ayaan ku qaraaray. Sida uu isaga waxaa falay baan faaq ku iri. Wuu iga tagay saaxiibkay, isaga oo ila yaabban. Habeenkii oo idil indho isma saarin. Waa habeenkii labaad ee aan dartaa u soo jeedo. Laakiin labada habeen farqi aan yareyn ayaa u dhaxeeyay. Habeenna farxad ayaan la hooyan waayay habeenna murugo ayaan indha-isla-gelin waayay.

Saddex habeen iyo maalin ayaan sidaa ahaa. Maalinta afaraad ayaad bil iyo beryo ka dib markii ugu horreysay farriin iiga timid xaggaada. Waa aan aamini waayay. Waa ay dheereed farriintaada, inta ugu muhiimsanse waxa ay u dhignayeen; “waa ku salaamay abboowe. Raalli iga noqo. Waan ogahay in aadan sidaa raalli ku noqoneyn, blase, sida aad uga xuntahay ayaan uga xumahay. Waa aan ku jeclaa weliba si dhab ah. Balse calaf isku ma aanan lahayn. Weligeey waan ka shalayn donaa qiyaanada iyo dhagarta aan kuu geystay. Cafis ayaan kaa dalbanayaa. Mar kale iga raalli noqo abboowe. Waqtigu kuma ciilo. Qof iga wanaagsanna Allaah ha kuu sahlo. Ma rabo in aan mar dambe wada hadalno ama aan wada kulanno. Waxa aan rabaa in aan sidaan isku nabedgelinno. Nabadeey iyo noole kulantee. Dharaaruhu kuma ciilaan.”

Cakuye Alla calaf. Calaf ku teh. Duf ku bax oo dabeylo iyo daadad ku qaad. Dharaaruhu ma ciilis ayaa iigu dhiman. Ma intaan ka badan ayaa qof la cilaa. Waa maxay ciilka aad iiga duceyneyso, war miyaadan u heyn in aad i ciishay inta qof la ciilo.

Waxaa laga yabaa in aad isweydiiso afar gu’ ka dib waxa igu dhaliyay qoriska qisadeenna. Waan ogahay in habeen hore cunug kuugu dhashay isbitaalka SOOS. Afar gu’ ka dib waa adiga iyo curadkaa. Waa adiga iyo farxaddaa. Waana aniga iyo murugadeey. Eebbe ha kuu bareeko curadkaaga iyo reerkaagaba. Inta nolosha kuu dhiman farxad iyo fayoobi ku qaado. Waa ducadadee dharaaruhu kuma cilaan. Kol walba adiga iyo tamashleyntaa aniga iyo tiiraanyadey!

W/Q: Cabdikariin Shardi
shardi424@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya

  • NAGA LA SOO XIRIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN