Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q: 18AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q: 18AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Haddaan halkeedii ka sii amba qaadno, qormadeynii taxanaha noo aheyd, ee aan ku faaqideynay “Xeerka iyo Xikmadda Shiribka” qeybtaan waxaan ku soo qaadanaynaa laashin caan ah, xagga shiribkana looga dambeeyo, oo la yiraa: Laashin Cabdulle Aw Muuse (A.U.N). Haddaan ku billaabo shiribkiisa dhumucda iyo dhedhenka leh, wuxuu ku shirbay:

Madiidin hurda mooradoow

Mug yimaad iyadoo madoow!

Waa shirib cajiib ah, wuxuuna ku saabsanyahay miig iyo magaalo, maxaa yeelay, qof kasta ee wixii loo xilsaaro, ka soo dhalaali waaya, waxaa hubaal ah, inaan waxba u hagaageyn, taana waxaa la mid ah nin ummad dhan hoggaamiya aananna ka war heyn waxa ay ku noolyihiin. Waxaa kale oo isna soo gelaya nin inta xoola raacay ama soofiyay, foofiyay iska seexday ama sheeka iska doontay, waa madiidin hurday, habiinkaasna aan xoola soo xeragelin.

Majeerteen ka ma meel tagnee

Yaan Mahdi waxba kaa maqnaan!”

Shiribkan laashin Cabdulle Aw Muuse, waxaa uu ku la dardaarmayay MW Cali Mahdi, kuna leeyahay; Soomaalidu waxba is ma dhaanto, mana ka la maaranto, ee xaafad yar uun ha is ku koobin, ee isu jeri, oo isu raadi ummadda, an u waqooyeeya iyo kan u bareeyaba, waana taas midda uu leeyahay laashinku, Majeerteen iyo guud ahaan qabiillada kale ee Soomaaliyeed ka ma maaranno, ee Mudane ogoow.

Isku mashquuli midnimoo

Inta maqan hal miisa keen

Shiribkani, is la shiribka kor ku xusan ayuu kaaliye u yahay, wuxuuna Mudane Cali Mahdi leeyahay inaad ummadda isu keento ku mashquul halkii aad dana gaar ahaaneed ku mashquuli laheyd. Mar kalana wuxuu yiri laashinku;

Muslimka Mahdiyow dhashee

Afarta mad-habood mid raac!

Waa shirib dardaaran ah, oo uu ujeediyey qola aad u diiddaneed maamulkii Cali Mahdi, wuxuuna leeyahay Mahdi waa madaxweynee adigu afarta Mad-habood ee islaamku ku urursanyahay mid ka doorta, ha isku luminee, cid idiin joojineysaana ma jirto, waxaana ka muuqaata inuu Madaxweyne Cali Mahdi aad u taageersanaa laashinku, Eebbe ha u raxmade.

Laashin Cabdule Aw Muuse (A.U.N.) waxaa uu ahaa Abwaan aragti dheer oo fogaan arag ah, sida Abwaaniintuba u badanyihiin, marka haddaan soo qaato Guurow kiisa oo yaab leh, wuxuu leeyahay:


Ha’di gabaga waa taan ka heray ku mana howlneyene
Hubsiyaan ku jirayo beryahan haatufkaa badane
Niman ka la hufaayaa dhashoo marin habaawshaane
Heesaya waxaa leysku xiray hadal carruureed
Maantana dantaa igu habtee ku ma haliileyne
Hilibkeeygiyaa labada dhinac deb isu heystaayee
Hammuudaa i saarreyd beryahan hogasha ceebeede
Hurda beel iyo waxaad igu riddeen hammiya ciil weyn
Heerkaan filaayaad si fudud uga dhacdeen hoose
Cadawgiinni heelloow tuntaa waana la hubaahe
Ilaahoow habboonaa inaad dhab u heshiisaane.

Adduunyada nin herayaa ma jiro oy hibo u tahaye
Hakad gaaban waaye oo horaan uga gudbeynaa
Hayaan geeddiyaadaan nahay iyo haaman tuban guul
Ha yeeshee, hor dhici diinta waad wada hilmaanteen
Haqiyaad nacdeen baadilkina waa her geliseen
Halboowlaha walaalkiis nin jarayaa hoogayoo ba’aye
Halbowlaha walaalkiis nin jaray waa habaarsadaye
Heerkaan filaayaad si fudud uga dhacdeen hoose
Ilaahoow habboonaa inaad dhab u heshiisaane.
Nikax
“Haddaan hurda iyo hoyaad
La heysan la ma hooginoo!”

Laashin Cabdulle Aw Muuse, Eebbe ha u naxariistee wuxuu guuroowgan yaabka leh ka tiriyay, dagaalkii afar biloodka ee aadka u foosha xumaa, dad badan oo biri ma gayda ahaana lagu xasuuqay, wuxuuna ka soo horjeeday beelaha dagaallamay intey doonaan ha la ekaadeene, inta la xasuusto gabayadiisa, Shiribkiisa iyo Guuroowgiisaba laga dheehan karo, waxaa uu ahaa Abwaan mar kasta aaminsanaa in umaddu wada noolaato, nabadna lagu wada jiro.

Laashin Cabdulle Raage Taraawiil (A.U.N.) oo goobta ku la jiray ayaa waxaa uu su’aalay markii uu guurowgaas qiimaha badan tiriyay iyo shiribka nikaxa u ah sidan

Seddax walxaato Ha ku taal

Anna habaaran ma heshaa?”

Laashin Cabdulle Aw Muuse(A.U.N.) oo aan shiribku ka hoos bixin ayaa ugu jawaabay:

“Heshiisaa leydin heybiyee

Inaan la helen waa habaar,

 

Yaan lees halleyn is ma hurtooy

In la hilmaamo waa habaar,


In lammadiisu hiileheed

Haaddiisu loogto waa habaar.


Nikax


Ilaahoow soo hannuuniyoo

Haantaan shubeyno noo higaag!

 

Waa jawaab qurux badan lana socota, oo dhinac u la jeedda guurowga iyo su’aasha Laashin Taraawiil weydiiyay Eebbe ha u wada naxariistee.

Hamba shisheeye heensigeed

Hor loo baroow higteed qabyaa

Waa shirib uu ku cabbirayay mar uu arkay dhallinyaro soomaaliyeed oo debadda u sii kala dhuumanaya iyo asiga oo ka xumaa inay waddankooda cidleeyaan kana doortaan waddan shisheeye iyo hambo la siiyo oo uu u la jeeday lacagta Ceyrta ah ee qaxootiga la siiyo, waana hamba ka soo hartay ama laga soo dirqiyay ummadaha waddankooda martida lagu yahay, laakin sanaddaadaan dambo waxaad mooddaa, inay caadi iska noqotay Ceyr qaadashadu. Laashin C/lle Aw Muuse waxaa uu ahaa abwaan meel sare dhigayay aragti cabbirkiisa curin Eebbe qabrigiisa ha u nuuriyee.

Mar uu ka yaabay Soomaalida iyo dagaal jaceylka iyo riditaanki rajiimkii Siyaad Barre(A.U.N.) gaar ahaan beesha Hawiye, oo aan markaa laheyn aragti mideysan, oo maangal ah, waxaa uu ku Guuroobay:

“Sawirradaan is dilayee an garan siriqda loo qoolay
Waa leysku soofeeynayaa saacad iyo layle
Ciddii sogordohaa lagu wadaa sir iyo xeyl tuug’e
Seefey halkow nooga digay waa ku socotaa’e
Safarna ka ma gudbaan meel haddey suus ka helayaan’e
Haddii saxalya naafo is galaan yaa sanca u haaya?
Cirku sagalya maadoow baxshaa seyma ka horoobe
Markaasaa la saadaaliyaa seyr ma weytada’e
Sabti iyo khamiis laba ayaan subaxba waa ceyn’e
Suuqaba ascaartiisu waa ka la sarreysaahe
Siyaasada adduunyada maxaa loo la socon waayay
Dadkiyoo sallaanyada koraad saxarka jiiftiine
Siigada maxaa idin dhexdhigay si xun ka yaahuu’e!

Nikax
Siigada xaad la seexatiin
Xaase sedkiinna loo sitaa?”

Mar kale waxaa uu ku yiri guuroow kale oo yaab leh:

Saaman gaab riyeedaa ammaar lagu summeeyaahe
Saacad loo ma dayo caanohoo socod ku maal waaye
Ama waa sariir badar la yaal semin abaaraad’e
Haddaad seexatoy daba dhigtee galo sarmaanleyda
Aw saaniguu kaco annow socodka dheereeyo
Saantaad waddana goor casira seyma lagu duugo
Oo weer sabaabada ku rido yaa sanca u haaya?.

Sal lo’aad haddow seyma helo waa ku sirayaa
Sirsirroow ku bixiyaa sintaya sibirta reeddeeda
Inta subixi soofoow yimaad sabi adoon raacin
Subagaad ka ruxataa ilmana waa ku sabataahe
Haddii suluf abaaraad yimaad yaa sanca u haaya?.

Sibirta laga raree iyo ganuun lagu salaaxyeeba
Saroow fuushan yahay geel ninkii sidig ka maalaaye
Waana xoola saadkoor haddow beriga suuq joogo
Sanadoow jiraba toban dagaa lagu siyaaddeeyay
Sabab weynuse beriyeey dhacdoo rag is ku suun beelay
Oo la ma saf inya leesu dilay sulufku dhiigeystay
Haddii uu sarkaal jeemis wada saanadda u yeersho
Subaxneey askaru kiis gelshaan yaa sanca u haaya?.

Subac dhowr haddow yahay wadaad sama fal loo daay’e
Sokeeyuhuna waa jecelyihiin beri siyaaraade
Haddii uu salaaddiiba dukeyn yaa sanca u haaya?.

Haddey sarayac naagtaadu tahay waa u sabartaa’e
Waxay suubbi weydana mar waa lala sameeyaahe
Hadday saaraq beenleeya tahay yaa sanca u haaya?.

Sanadkoo sagaashana dadkaan saf u dagaalaaya
Oo sumcaddii inay dileen lagu saluugaayo
Salaaddiinti loo diray dadkaas gacanuhoo seyray
Siyaasaya khiyaanaa gashee yaa sanca u haaya?.

    

“Nikax”
“Maxaadse isla saansatiin
Si kale loo ma soo faftoo!”

Sida guurowga ka dhex muuqata waxa uu tiriyay xilligii 1990 iyo billaawgii fowdada dalka, wuxuuna ku ka la tilmaamayaa nacfiga ay kala leeyihiin seddaxda ul xoolaad ee noolka loo yaqaan, oo ka la ah “ari, lo’ iyo geel“. Waxaa kale oo uu tilmaamayaa arigu waxa uu ku fiicanyahay iyo inow dhumayo haddii aan laga ilaalin howdka iyo asuudka cunaya oo cadawga ah, lo’dana waxaa uu ku sifeeyay inay gacal leedahay amminka barwaaqada, laakin haddii suluf abaaraad yimaad ay baaba’eyso, oo aanay tabar weyn laheyn, geelana waxaa uu yiri: asigu waa dhikankii iyo dheemantii xoolaad, ninkii geel lehna wuxuu la mid yahay, nin deggan guri dhowr dabaq ah. Waxaa kale oo uu wax yar ka iftiimiyay wadaadka wanaagsan, iyo wadaad u e kaha.

Waxaan ku soo afmeerayaa shirib aad u taariikh fog oo dhex maray Laashin Cabdulle Aw Muuse iyo Laashin Macallin Xasan Filadheere, Eebbe ha u wada naxariistee oo aan ka soo xigtay Laashin Cabdinuur Xasan Cali, waana sida tan: Eebbe ha u naxariistee waxaa goob lagu saneeysaayo hadda ka hor laga wacay laashin Macallin Filadheere oo ahaa nin laashina shiribyadiisuna maanta ay halqabsi dadka u wada yihiin, goobta lagu saneysaayay waxaa joogay Eebbe ha u naxariistee laashin Cabdulle Aw Muuse oo isna ahaa nin laashina weliba laashimiinta kuwa ugu codka dheer, aashin Filadheerana ay aad shiribka ugu xifaaltami jireen.

Laashin Cabdulle Aw Muuse Alle ha u naxariistee waxaa uu ka mid ahaa dadka sanada dhigayay, laashin Filadheerana waxaa uu ahaa marti laga wacay sanada, laakiin waxaa bilawday guux ku aaddan in la shirbo balse laashinka martiya oo meel fog ka yimid soona lugeeyay oo aan baabuur wadan aadna u soo daalay waxa la isla gartay, horta ha la sooro oo wax ha la siiyo, maadaama haddii uu shirib bilawdo xaalku si kale noqon karo, dadka miyigu waxaa ay aaminsanyihiin in qofka baahan uu yahay qof haddoow ku habaaro ay halis tahay habaarkiisuna uu ku qabanayo, laakiin haddii wax la siiyo habiirkiisu uusan ku qaba karin, laashin Filadheere Alle ha u naxariistee, gogol ayaa loo dhigay waana la sooray asigoo wixi la siiyay cunaya ayaa waxaa u yimid Eebbe ha u naxariistee laashin Cabdulle Aw Muuse is la halkiina shirib ayow ku la riday laashinki, wuxuuna yiri laashin Cabdulle Aw Muuse;

“Waddaadki fa’a dhigoobahaay

Mohoow ka fiigayaan fadhaa”

Intaas markow laashin Cabdulle yiri: waxaa jug soo yiri oo wada yimid dhammaan laashimiinta kulanka joogtay shiribki ayaana la qaaday. Laashin Filadheere Alle ha u naxariiste hungurigi ayow gacanta ka filqaday laashin Cabdullana si kulul ayow ugu jawaabay asigoo marna u digaya marna u ribeynaya wuxuuna yiri laashin cabdulloow:

“Firsha nin moogu woow furtaa

Fara jacaansa kuu filaa!”

Intii aysan qof kale ama laashin Cabdulle ka jawaabin ayow ku sii naqsaday laashin Filadheere mar labaad waxaana uu yiri:

“Intaanan sidi feer idaad

Kuu feenan ii firaaqa yeel!”

Laashin Cabdulle asigoon jawaabin wali ayaa waxaa soo galay laashin kale oo ogaay xifaaltanka ka dhexeeya labada laashin, asigoo isku sii diraya debka labada laashin ka dhex aloolsanna basiinna ku sii shubaaya oo raba in dooddu sii xoogeysato shiribkina beddelay oo xaraf kale saaray ayaa yiri:

“Seddax walxaato miin ku taal

Sedax kaluu maleey mahayn, 


In maayo maddar EEBBEHEEY

Ka macduhuu maleey mahayn,


Maquud inoow ma’wiga ceel

Ka maax badshuu maleey mahayn, 

Macalinku inoow milqoow

Magruursaduu maleey mahayn,

Waxaa uu ku nikaxay horta, laashin Cabdulle iyo laashin Filadheeroow labadiinna;

“Waleesu kiin maleey jiree

Yaa miiddan yaasa loo mohaa?

Waxaa uu laashinkaan isku dirayaahu leeyahay inaad simantihiin xagga shiribka ayaa la idin maleeyaa, ee ninmaa shiribka ku awood badan?.

Laashin Cabdulle Aw Muuse Eebbe ha u naxariistee, ayaa ka jawaabay caraadda shiribka ka buuxda, asigoo  waxba ka ma jiraan ka soo qaadaya laashin Filadheere, iskana sara marinaya, ayaa wuxuu ku shirbay:

“Inaad magreeyso waa maqlaa 

Madaalse dhaafi maa muggii.”

Laashin Cabdulle Aw muuse iyo laashin Macallin Xasan Filadheere waxay ahaayeen laba laashin oo aad shiribka ugu xifaaltami jiray waxayna ahaayeen labadaa nin ee shiribkan caanka ah uu dhexmaray;

“Haddaad is moodday muun libaax

Anna maroodi ii maleey!”


“Haddaad is moodday mooya shiid

Anna makiinad ii maleey!”

Laakiin sida la ogyahay, ninna goodka iyo guusha shiribka la ma siin, balse dadka labadoodaba yaqaan waxay sheegaan in laashin Cabdulle Aw Muuse cuslaa, madaama shiribka gabay iyo Guuroow u reed socday
Eebbe ha u wada naxariistee.

CODSI:

Laashin Cabdulle Aw Muuse(A.U.N.) shiribyadiisu waa bad oo la ma ka la gaaro, in yar oo ka mid ah ayaana soo qaatay, waxaanse hubaa inay ka buuxaan cindiga in badan oo aqrisan doonta qoraalkaan kooban, ee ku saabsan laashinka, ee qof kasta ee shiribkiisa taqaanna ama xasuusata martiyaan uga ahay. Ciddii xog dhameystiran ka heysa, oo laashin Cabdulle Aw Muuse ku saabsan dhalashadiisii, noloshiisii, sooyaalkiisii iyo dhimashadiisii fadlan ila wadaag anoo mahad gaar ah kaaga haaya.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Cuute23@hotmail.com 

Shiribmaal@gmail.com 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.