Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q17AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q17AAD

Haddaan sii amba qaadno qormadeynii “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” ee taxanaha noo aheyd, qeybtan waxaan uga sii hadlaynaa shiribyada Laashin Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil” in yar oo ka mid ah. Inta aanan shiribyadiisa saameynta leh u galin, aan dulmar kooban ku sameynno dhalashadiisa iyo dhimashadiisa Eebbe ha u raxmade.

“Illaahoow na badbaadiyoo

Na bixi baadilkaa batee”

Laashin Taraawiil Eebbe ha u raxmade: wuxuu aad uga tiiraanyooday dagaalladii qabaa’ilka ee aan xad go’an iyo leheyn meel dagaalka lagu joojiyo ama waqti u muddo ah. Markii uu arkay hab-dhaqankii mooryaanta ayuu ummadda u duceynayaa, Allena u baryayaa in waxa kan Eebbe ku dhinac dhigo.!

Nimanyahow delleganee buke laysku dirayaahe
Duulyahoow nasaqanee indhaha daafku ka hayaa
Dibiyaheey hertamayeen ogeyn waxa dantoodaahe
Dalaafnimadu waa waxaan waqtiga uga dambeynaahe
Waa laami roob iiga da’ay dooddan furayaahe
Dad xunyohoow markaad ka la dishiin diracya dhowr gaari
Nimanaa durbaan tumanayaan farax daraaddiise”

Isdaaya heesku duulinee

Dalkiinnaa loo danleeyehee!

Sida gabayga iyo shiribka uu ku nikaxayba ka muuqata waa dardaaran iyo canaan uu soomaalida ka la duldhacayo markii uu dhibkoodii batay, ee maara looga waayay is dilka, waana shirib dhacay gabay gadaashii ama guuroow, meel uu ka soo laabtay ama ka tegayna ma jirto oo Soomaalida guud ahaan iyo gaar ahaanba si toosan iyo si dadbanba waa u la hadalyay waana u senyaaleeyay Eebbe ha u naxariistee.

Dallaaladiisku kiin direen

Is doobadkiinnu waa dilkood

Mar kale waxaa uu leeyahay daba dhilifyada isku keenna diray, marna inaan heshiinno ammaan is fahanno dani ugu ma jirto, ee goorma ayaad ogaan doontaan, waana Shirib cad oo aan caad saarneyn!

Aaween duqoowdi lixda daah

Dayac tirkaan dadkii lahaay

Wuxuu leeyahay aaween odayaashii Hawiye, ee wax galka ahaay; mey kala qabtaan labadaan beel ee walaalaha ah ee is dagaalaya, waana dagaalkii loo yaqiinnay “Afar biloodka” waa halkii laga yiri: haddii la yaabo yaasiinka” sidaa darteed abwaanku wuxuu u qeyshanayaa walaalihii kale ee Hawiye, bal inay arrinta iyo dagaalka dhexda ka qabtaan. Laashinku wuxuu ahaa nin  jecel in nabad lagu wada noolaado laguna wada jiro.

Siraadya sakaraatul mowd

Dadoow sugaa ma yeelyo saas!

Waano, wax sheeg iyo wacdi ayaa ku dhan. Wuxuu yiri: markii uu waayay wax dhageysta cuqaasha iyo dadkii wanaagsnaaa, ayuu runta u sheegayaa, uguna goodinayaa in Sakaraatul mowd xanuun badan la mari doono iyo siraad ka sii xanuun badan oo saakin ka afbadan tinta dumarkana ka jilcan qalqalloociisana aanay jirin wax lagu tilmaami karo. Sidaa aawgeed dad ku fikiraya in waxaasu sugayaan ma sameeyo waxa aad ku sugantihiin ayuu dadkii ku waaninayaa.

Waxaan ku sacba hooriyaa

Sawdkaan ducaa Alloow saxiix

Guuroow dheer uu dardaaran iyo duco ayuu tiriyay, markaas ayuu shiribkaan ku nikaxayaa, wuxuuna leeyahay Ilaahoow ducadeyda aqbal, oo waxaan kaa toogay Eebboow isii.

Harti bireysan heeryadiis

Ninkeey ku soo herteey hortaal

Waa shirib guubaabo ah iyo caraadin. Wuxuu leeyahay ninkii ratigiisa bireeya sababa jira aawgood ama is kiis ha u bireeyo ama dan kale oo qasabtaye, waxaa hubaal ah, in ciil haayo haddii xeerigii ratiga, sida, kabadii, kalihii, ceynkii, dhafarkii iyo haamankii ku soo heraan anna uusan heysan wax kale ee uu ku rarto ciil u ma dhinna iyo caloolyow, waana taas midda laashinku dadka ku carraadinayo inay iska daayaan dagaalka iyo is leynta, wuxuuna u sheegayaa inaan marna lagu kala adkaaneyn dagaal, waxay sii caddeynee mahmaahdii aheyd “dagaal lagu ma ka la raayee waa lagu raad go’aa

Wuxuu siday ku seyriyee

Sixir fur xow ah saaxiraa?

Waa shirib su’aal ah ee uu weydiinayo laashinkii kale ee ay saaxibbada ahaayeen Laashin Cabdulle Aw Muuse Eebbe ha u wada raxmadee: laashin Cabdulle Aw Muusena su’aashaas wuxuu ku furay shiribkaan wuxuuna yiri:

Sixir furkoodu waa salaam

Summeyneey isu seexiyaan

Waa jawaab waafi ah: wuxuuna leeyahay inay heshiiyaan beelaha is dagaalaya wax u dhaama male iyo inay biraystaan “Sumal iyo summeyn” oo dhaqan iyo caado u ahaa dadkii hore ee wanaagsanaa, walina meelaha qaar ku dambeeya oo haddii laba beel colaaddu dhex marto beelna summalka, waa wanka,e laga qaado, halka beesha kalena summeynta laga qaado ee dhexdooda lagu bireeyo halka ay isugu yimaadiin, kana dhigan ballan iyo axdi ama dhaar beeshii ballantaa iyo dhaartaas ama heshiiskaas ka baxdana la dhihi jiray Alle ayaa garabkooda ka baxa! Waa dhaqan soo jireen ah, walina jooga oo nool sidaa darteed laashin Cabdulle Aw Muuse(A.U.N.) wuxuu yiri: Salaan iyo summeyn loo bireeyo ayaa daawo u ah.

La sugi maa sancaan aheyn

Si xun u sheegyadiiska saar

Waa laashiin Taraawiil oo mar kale ku soo noqday markii laashin Cabdulle Aw Muuse ka jawaabay su’aashiisi, wuxuuna leeyahay markaan waxa kaliya ee xalkeeyno ku jiro waa inaan iska saarnaa kuwa sida xun dadka wax ugu sheega ama isku dirayaasha loo yaqaan, laashin Cabdulle Aw Muuse oo shiribkaas Laashin Taraawii xoojinaya ayaa soo galay wuxuuna yiri: waa runtaa oo;

Waxayna ku sugnaa kartaa

Qalbi saliima oo safoon

Wuxuu yiri: laashin Cabdulle Aw Muuse in kuwa sida xun wax u sheega la iska saaro waxay ku imaan kartaa ama ku sugnaa kartaa oo kaliya qalbi nadiif ah macnaha saliim ah, oo wax kasta oo xumaan ah saafi ka ah. Waa Shirib is kaabaya, xoojinaya oo qiima badan labada laashinna ku fikir wadaageen. Eebbe ha u wada naxariistee.
In taas ayaan kusoo koobayaa Shiribyadii Laashin Cabdulle Raage inkastoo aan meela kale ku soo qaadan doono, ee la soco qeybaha xiga oo aad u xiisa badnaa doona.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Cuute23@hotmail.com 

La socdo qaybta 18

W/D: Xasan Kaalin Cuute “Shirib maal”

SHEEKOOYIN