“Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q24AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”
Haddaan sii amba qaadno qormadii taxanaha noo aheyd ee “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” tii hore waxaan kusoo qaadannay Abwaan Carabow Maxammad Axmed iyo murtidiisa maan tooxiyaha ah, gaar ahaan Shiribyadiisa dadku ay ku hal qabsaan, ee miidda wada ah. maadaama aan qoraal iyo qoraallo kooban lagu dhameyn karin oo ay tahay in buugaag lagu qoro, shiribyadiisa uu tirinayay, waqti ku dhaw toddobaatan sano. waxaanse ku billaabayaa Guuroow aad u dheer oo uu Abwaan Caraboow Maxammad uga qeyb galay xaflad lagu daahfurayay laba ceel oo la qoday, iyo ISBITAAL aad u weyn oo laga dhisay deegaanka Ceelbacad oo ah Tuula hoos tagta Dedmada Ruunnirgood ee Gobalka Shabeellaha Dhexe. inkastoo 2012-dii Xilligii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ahaa hoggaamiyaha waddanka ugu sarreya uu DEGMO u magacaabay Ceelbacad. mase hirgalin oo waxaa ka horyimid Garabkii kale ee uu hoggaaminayay reysul-wasaarihii waqtigaas ee DFKMG Cabdiweli Maxammad Cali Gaas. khilaafkii madaxa hareeyay xilligaas iyo kala jeedashadii ololihii Doorashada ayaana saamixi waayay in degmo rasmi ah loo aqoonsado waxaase xaqiiq biya kama dhibcaana ah, inay ka horreyso magaalooyin badan oo maanta degmo lagu sheego.
Abawaan Caraboow Maxammad Axmed wuxuu ku dhashay is la tuulada Ceelbacad kuna soo barbaaray, sidaa ayuuna xaflada deegaanka wax loogu qabanayay ama lagu daah furayay labada ceel iyo isbitaalka uu hoggaamiye firfircoon ka ahaa iyo nabaddoon dadka iyo maamulka shaqada haaya u dhaxeeya, sidaa aawgeed qeybtaan dhamaanteed waxaan kusoo qaadan doonaa xafladdaas iyo wixii uu abwaanku ka yiri: waxayna dhacday 2014-tii xilligaas oo Isbitaalka la howl geliyay. haddaan ku bilaabo Guurowgiisa iyo shiribka xafladdaas lagu daah furay wuxuu ku guuroobay sida tan:
2. Meeshaan abbaaryadi la rabay waan ansixi waayay
3. Albaabkaan u xiray towr haddoow demay ileyskeygi
4. Adduunyadi lasoo maray markaan dhinac kaluu eego
5. Ifka ruux ka tegay aakhiraa lagu ogaadaahe.
6. Aayadaha qur’aankoon kortood aanan kala iillan
7. Iqra ugu horreysee jibriil ammar kusoo qaaday
8. Udgoonoow rasuulkina xafiday sidey ahaayeen
9. Urka ilashadiisee kolyoon lagu asluubeysto
10. Islaamaha arooskooda iyo aqal la aadkooda
11. Islaaxaya ilaalkooda xoolaha irmaankaya ogeybkooda
12. Aslaaxaya abuuraanka iyo inaxda loo duugo
13. Alle iyo rumeysnaan addoonimo ahaantaada
14. Nabigii illaahay sidaan ugu addeeceyno
15. Ashahaadya toowxiidka aan goorba qiraneyno
16. Wixi lagu ogaadee qalbigu nala iftiimaayo
17. Aqoontoow horreyse iskool sahal ku aas aasa
18. Isbitaal haddaad noo dhisteen Eebbe mahaddiiye
19. Eyla boorna waa dhimanyahooy degato eeleeyo
20. Alxuseenna waa nala jiryaa oo adeegihiya
21. Isaaq iyo haddaan yuusuf nahay iyo ugaaskoodi
22. Annaguna ammaan iyo ducaan ku ayideeynaa!
23. Hayeeshee haddaan sii unkoon Awrka raro saaro
24. Aasaaska anigoon ka bixin ararta suugaanta
25. Inkastooy nasoo ababiyeen Abbe iyo hooyo
26. Aqoonyahan haddoow jirin adduun lama adeegteene
27. Ustaad maan wax laga baran afkuba eray ma sheegyeene
28. Awoowyaalihii hore sidaan ogahay taariikhda
29. Aflagaaddo anigoon ka dhigin dhaqammadii aasmay
30. Iyagoo maqaar ey guntanoon Diintaba aqoonnin
31. Aw yuusuf kowniin ayaa furay awaamiirta
32. Waana laga aqbalay oo dorbadi suufki la abuurye
33. Eray loo sameeyaya haddaan alifki loo meerin
34. Ee awal qur’aankiya barteen aakhir gebigiiye
35. Iyagoo Axkaamtiya Sunnihi iyo Axaadiisti
36. Ka aflaxaye oonkiya jahligi laga ammaaneeyay
37. Allihii abuurtana yaqaan amarki soo dooni
38. Wixii lagu ogaade qalbigu nala iftiinaayo
39. Aqoontoow horreeysee iskool sahal ku aas aasa
40. Isbitaal haddaad noo dhisteen Eebbe mahaddiiye
41. Eyla boorna waa dhimanyahoo degato eeleeyo
42. Alxuseenna waa nala jiryaa oo adiigihiya
43. Isaaq iyo haddaan yuusuf nahay iyo ugaaskoodi
44. Annaguna ammaan iyo ducaan ku ayideeynaa!
45. Ibliiskay ka awteen Rabbina lama ekeysiine
46. Ahlu naar inow yahay jinnanoow ku is tareexeynin
47. Inkirmaadi Eebbana kolley malag su’aalaayo
48. iilkineey abeeso u dhextaal laba indhood weynle
49. Ambiyadii naloon soo amree aadan u horreeyay
50. udgoonoow rasuulkeeninoow aakhirka ahaaday “S.WC.W.
51. Ayaa nooga degayoo intaas waan ogsoonnahaye
52. In aqoonto eeg malaba tahay ee an laga oomin
53. Ibraahiimya muusaa sidaan Diinta ku arkeyno
54. Suxufidi illaahey bal arag sideey ahaayeen
55. Imtixaanki ay wada mareen iyo aqooshoodi
56. Mid afadi Ismaaciil dhashoon eriya geel oodan
57. Ayuu uumi sooruu tegay buuro agaheeda
58. Samsamkaad arkeyna cirbaha inanka hoostiisa
59. Illaahay ka siiyaye Kacbada laysla wada aaddo
60. Midka kale ushiisana Ibliis lagu asqeysiiyay
61. Iyadoo ilays badan lahoo yara abeesuu eg
62. Orrax dhaca iyo orrax soo baxana aad u kala jiidan
63. Wixi lagu ogaadee qalbigu nala iftiinaana
64. Aqoontoow horreeysee Iskool sahal ku aas aasa
66. Isbitaal haddaad noo dhisteen Eebbe mahaddiiye
67. Eyla boorna waa dhimanyohoo degato eeleeyo
68. Alxuseenna waa nala jiryaa oo adiigihiya
69. Isaaq iyo haddaan yuusuf nahay iyo ugaaskoodi
70. Annaguna ammaan iyo docaan ku ayideeynaa!
71. Illaahii na uuntee sammada Udub la’aan taagay
72. Arladaanna noo fidiyayoon ku is tareexeyno
73. Insiga iyo jinkana kala idmee qoloba aag geeyay
74. Ee kala ammaan geliyayee cidu is eegeynin
75. Wuxuusaan aqbalin orodya xoog kumma ahaadaane
76. Adduunyada shantaan aag ahoon aad u garaneyno
77. Afya Diintannaan kala nahaya qoloba ooddeeda
78. Afrikaanka iyo eeshiyoo ul iyo deerkeera
79. Ustureeliyoo idil iyo oroba guudkeeda
80. Oo amiirikoo xooggan tahay iyo isteedkeedu
82. Aabbahoodna waa Aadamoo taa inkiri mayno
83. Injiil Sabuur iyo Furqaan iyo Atowreeto
84. Afartii kutube Eebbeheey uunka kala siiyay
85. Oonan sida Israa’iil afkaya uurka laga diidin
86. Wixi lagu ogaadee qalbigu nala iftiimaayo
87. Aqoontoow horreeysee iskool sahal ku aas aasa
88. Isbitaal haddaad noo dhisteen Eebbe mahaddiiye
89. Eyla boorna waa dhimanyoo degato eleeyo
90. Alxuseenna waa nala jiryaa oo adeegihiya
91. Isaaq iyo haddaan yuusuf nahay iyo ugaaskoodi
92. Annaguna ammaan iyo ducaan ku ayideeynaa!
93. Adduunyada haddaa tahay addoon eriya geellaa
94. Isjiid iyo rimoorrana heleey uga adeegaane
95. Igaar iyo Gabdhana buuxa ee aradunoo joogto
96. Afcada rabbaaniya Allihi kugu ammaaneystay
97. Ehelkaya qaraabada dhammaan kugu ilaashaaya
98. Mid iishaya Agoomaha yar yare aad u wada liita
99. Haddaad uga ixsaan falin ogoow uqubi kuu waaye
100. Aakhirana waa aanfo iyo ololki Naareede
101. Idaa jaa’ ajaluhaa ishii meydka aragtaaba
102. Uur qabiid arwaax iyo mahelo Nabi illaaheeye
103. Wixi lagu ogaadee qalbigu nala iftiimaana
104. Aqoontow horreysee iskool sahal ku aas aasa
105. Isbitaal haddaad noo dhisteen Eebbe mahaddiiye
106. Eyla boorna waa dhimanyohoo degato eeleeyo
107. Alxuseenna waa nala jiryaa oo adeegihiya
108. Isaaq iyo haddaan yuusuf nahay iyo ugaaskoodi
109. Annaguna ammaan iyo ducan ku ayideeynaa!“
Iyo afaru waa arwaax,
Naag uur lohoon afar aqool
Lala ordeynu waa arwaax,
Oonlaydi aad ogeydayoon
Il ceel ka mudnay waa arwaax,
Haddii ilma iskool yaqaan
Or loo gedaana waa arwaax,
“Adeerya Aabbaya Ugaas
Arrimay goysay waa arwaax,
“Afmeer”
“Oonleydi Cali Aadamoow
Il ceel ka mudayay Al-Xuseen”!
shiribkaas waxaa yiri: Laashi la yiraa Cali Macallin Axmed Mocoow Cubayd Ookiyaaluhuna waa hoggaamiyayaashii arrinta hormarintaa ka masuulka ahaay oo la kala yiraahdo Maxammad Macallin Xasan Gerbowd (Maxammad marooco). oo ahaa guddoomiyaha qurba joogta beesha kuna sugnaa magaalada LONDON ee waddanka Boqortooyada midowday iyo Mudanaha kale AL-XUSEEN oo ahaa guddoomiyaha dadka gudaha waddanka ku sugnaa. waxaase mar kale yimid Laashin Caraboow oo yiri:
Iskoolna dhisay wow arwaax”
waxaa mar kale soo galay laashin: Cali Macallin Axmed Mocoow Cubayd
Kala aqaanin A,ya Bi’ii”
wuxuu leeyahay: dadkii iyo bulshadii halkaan ku noolayd waxay ahaayeen dadaan aqoonin sida wax loo qoro oo aan kaseyn A, B, C ,D, ama A, B, T, J, haddase Ilaahaa noo gargaaray oo Iskool iyo Isbitaalba waanu helnay mahaddaasna Eebbe ayaa is ka leh. waxaana mar kale soo galay: Abwaan Caraboow Maxammad Axmed oo yiri:
Il Ceel ka qoday Al-Furaad”
laashinku wuxuu shiribkiisa ku bidhaaminayaa ceelka labaad oo uu maaligelintiisa lahaa siyaasi la yiraahdo: Axmed Xasan Caddoow Axmed Daaci kana hirgaliyay meel la dhihi jiray Ceel Cali muuse haddana loo baxshay: AL-FURAAD maadaama ay noqotay magaalo camiran oo suuq iyo samxadba leh waana labada ceel oo xaflada dartood loo sameeyay ceelka kalena qoraalka kore ayaan kusoo xusay. waxaa mar kale soo laabanaya laashin: Cali Macallin Axmed Mocoow Cubayd.
“Ateendha dheerya eyla boor
Amaa lagu adkeyn karaa?”
Samadoo albaabada Rabbigu ood ka wada qaaday
Amarnow kasoo degay Alle ha idin abbaarsiiyo
adya ehelka aad leedohoo ahalu towxiida
Arooskiinna Eebboow ka yeel Aadan iyo Xaawo
Iyagaan abuur beelonoo ubad ka joogyaahee.
Aqlkiinna Eebboow ka yeel kii an lagu oomin
Irsiqiinna Eebboow ka yeel kii an lagu oofin
Awlaaddiinna Eebboow ka yeel sida Ismaaciilki(C.S.).
Samsamkii Ilaahay Irbaha Eebbe ugu deeqay
Irximkeenna Eebboow ka yeel Sharafu iibaanki
Odgoonow Rasuulkii ahaay lana addeecaayay
Wax oonoon iraahdana Allow iin ha gelin maanta
Abwaannadi haddaan nahay murtida lagu ammaanaayay
Aamiinya ow guuriyaan ku ayideynaahee.
Isaaq iyo haddaan Yuusuf nahay iyo Ugaaskoodi
Ilaan gurinya eegaan qallalin ubaxaan doog beelin
Ilaahow ka yeeloo naflaha ugu ayaan fiican
Adduunyadana aw muuminoon agabta daalaynin
Ilaahoow ustaad waa bulshada ubax dhiggeediiye
Aanfa iyo colaad iyo agoon oday u roon waaye
Dadoow Eebbeheey soo ambiyay kuguma eed sheegto
Walax ina adeerkiin yuwaad lama imaan waysid
Haddii umaddu meel inya timaad laysla wada aado
Idinka af-doon kuma hertiin aagga laga guuray
Ilaahoow eheeyoo ajiib igana aamiin dheh
Isku uur haddaan nahay dhaqsaa la arki doonaahe
Abwaannadi haddaan nahay murtida lagu ammaanaayay
Aamiinya aw guuriyaan ku ayideynaahee.
Guuroowgaas wuxuu ugu duceeyay mudanaha hoggaaminayay bulshada gudaha waddanka ku nool ee beesha AL-XUSEEN waxaase shiribkii nikaxa ahaay qaatay laashin Cabdulle Cali Maalin oo ku nikaxay:
Adduunyo iyo aakhiraa”
Inshaa,Allaahu waa arkee”
waxaa kusoo laabtay laashin Cabdulle Cali Maalin oo markiisa u duceynaya dadkii wanaaggaas iyo hormarintaas u sameeyay deegaanka, illeyn qofkii ama qoladii abaal kuu gasha haddii aad u gudi weyso abaalkeeda, waxaa waajib kugu ah inaad tiraahdo mahadsanid iyo inaad u duceyso, wuxuuna ku shirbay:
“Abkay Isaaqya Yuusufow
Idinku aaddi meel irmaan“
waxaa kusoo noqday Abwaan Carabow maadaama marka uu joogo dadkuba ay qaddariyaan oo aanay ka hor hadli karin suugaan iskaba daaye wuxuuna ku shirbay
Alloow afkeenna kuu ajiib“
waxaa mar kale soo noqday laashin: Cabdulle Cali Maalin oo yiri
“Aqbal waxaa leh Eebbehey
Anunku Aadanaannehee”
waxaan kusoo afxirayaa qormadaan maadaama ay ila dheeraatay Guuroow uu Abwaan Caraboow Maxammad Axmed ugu duceeyay kuna amaanay isku xirihii shaqadaa adag dadkiisa iyo deegaaniika u qabtay ee aan kor kusoo sheegay Maxammad Macallin Xasan Gerbowd “Maxammad Marooco” oo ahaa xilligaas guddoomiya qurba jooga ee deegaanka aan kasoo sheekeyay. wuxuuna u dhacay guurowgii sida tan ee ka bogasho wacan:
Ama waa mid dheel lagu bartoo dhowr gu’ kula dhaafa
Midna waa fallaar dhuubanoo nacabka loo dhiibo
Midna waa dharaar iyo habiin dhinaca kuu yaalle
Midna waa dhankaagaya jirkiyo dhuuxa iyo dhiigga
Dhufeyskiisanaan layska merin dheexa waligiiye
Anunkuu dhibaateysanoon dhimanna nooleyne
Walaalkeeyni noo dhiidhiyow dhaawac kuma gaaryo
Dhulka iyo cirkuna kuu dhaleen dheefna kama weysid
Dhaxalna Eebbehey kaama dhigo dhowr sanaa tahaye
Inta dhiibi doortana waqaan dhawaq lagaa raadin
Dhaqaatiirunay kaa dhadhayin nabarro dheecaanlee.
Adduunyadu dhibay leedihiyo dheeygag iyo oome
Dhanki aad xigtaba Eebbehey sharafta how dhiibo
Malyuun dhuteen ee kolyoon leyska daba dhoobto
Ebedkiisna aan dhicin inow dheregyo mooyaane
Ilaahay ha kaa dhigo asay dhibin wax ii dhiibe
Aniguna warkaan dhahay Rabboow dhinac ha qaadsiinnin
Adigaan dhamaad iyo billaaw dhawaq ku seegeynee.
Hayeeshee hashaan noo dhashee dhaysehee curatay
Ee dhirow dhawaan roob ku da’ay dhereg usoo daaqday
Dhiishaad u soo culatayood dhaay ku jarinaysay
Waalaalkeenna noo dhiidhiyow waa dhex kaa megene
Dhoontaada dhoontoo rarayd waqay usii dheellin
Kaamana dhaqaan dhowr qofoon tabar ku dheereynin
Mansabkaagiyoon kala dhinnayn walina dheeraada
Dhib aan ku gelinoo Macbuud kugu dhaqaaleystay
Ilaahay ha kuu dhiibo oon dhabar wareen keenin
Aniguna warkaan dhahay Rabbiyow dhinac ka qaadsiinnin
Adigaan dhamaad iyo billaaw dhawaq ku seegeynee.
Dhurwaay maanso qabee iyo dhidir asaaggiiye
Dadna kala dhabiil badan haddaad tala u dhiibtaaye
Dhegahaya dhafoorkaya dhakada dhuunta marinkeeda
Dhabarkaya halboolaha dhamoo laga dhaqaaqaayo
Dhuuxleyda hoosiya intii cagaha sii dhaafta
Dhudhumada wax lagu maamulaya faraha dhuudhuuban
Dhaayaha wax lagu eego ee dhugmada maanka
Intay kaa dhantaalmaan adduun howl ma dhaqa weysid
Adigoo dhibaateysanoo dhimanna nooleynin
Ee dhimirku kaa tegay annii xarig laguu dhiibay
Inya dheydku kaa dhaco waqaan cadawgu kaa dhowrsan
Nin dhehee haddana dhiibi kara waa dhif iyo koobe
Dhambaalkaan u diray Eebbehey kaama dhicisowyee!”
Shiribka nikaxa u ah Guurowgaa qiimaha badan waxaa bixiyay Laaahin: Cabdulle Cali Maalin wuxuuna ku shirbay:
“Dhulkaya Cirku kuu dhaleen
Adduunyo ma dhamaystirree”
Waa guurow aad u taya sarreya waxaase isku fuuqsaday ama isku qaatay ujeedadii dhamayd ee Abwaanku ka Guuroobayay Shiribkaan wacdiga iyo ducadaba isugu jira oo meela badan saameynaya, waa hubaal inaan adduunyadu dhamaystirreen oo ay qabyo tahay markasta, shiribkaanu wuxuu aad ugu dhaw yahay mah-maahdii ahayd: “Adduunyo waa Seddax” oo waligeed afar ma garaarto, waa halkii Abwaan Cabdulle Axmed Maxamuud (Cabdulle Geedanaar) shiribkiisii caanka ahaa ku lahaa:
“Adduunyo lagama dhergoo
Adoo dhex sii wadaad dhimee!”
Murtiduna meela badan ayey isaga egtahay ama ay isku ujeedo ka tahay!” Waxaase u jawaabay laashin: Carabow Maxammad Axmed wuxuuna yiri:
“Nin dhowrsanoo dhashaa tehee
Dhib kuma gaaryo dhowr habeen”
Waa duco uu ugu duceynayay Ninka aan kor ku xusay ee Maxammad Macallin Xasan Gerbowd (Maxammad Marooco) waana ninka aasaasay Ceelka ama tuulada daarunimco, iyo Isbitaalka Ceelbacad oo ah Isbitaal aad u weyn ah waxbadana deegaanka ka taray rafaad iyo dawo la’aan baahsan oo jirtana ay ku hartay, waana mudan yahay in loo duceeyo qofkii wax fiican dadkiisa u qabta. ama in loo qabto ka shaqeeya oo aan xadin hantida dadweynaha ee lagu aaminay sida aawgeed Maxammad Marooco iyo Al-Xuseen waxay kasoo dhalaaleen shaqadii loo igmaday si caddaalad ah, waana tan ay ku muteen ducada abwaanada iyo guud ahaan dadka deegaanka la hor mariyay deggan!”
Waxaa ku xigsaday Laashin: Cabdulle Cali Maalin oo ku shirbay:
“Dheddigow dhali waayayaan
La soo dhexeynay dhowr habeen”
Wuxuu toos u sheegayaa dhibaatadii tiillay deeganka inta aan Isbitaalka laga dhisin iyo rafaadkii dhaqaatiirta cudurrada daaweysa lagu qabay maxaa yeelay waxaa dhici jirtay in haddii ay Hooyo degaanka ah fooli qabato oo ay dhali weydo Muqdisho loo soo qaadi jiray, oo u jirta laba boqol iyo koton kiilow mitir(250-KM).sidaa aawgeed inta gaari qaada loo raadinayo ama Xamar looga dalbayo ama marka la qaado ee Muqdisho loo la sii cararayo ayay dhex ku dhiman jirtay ama waxaa la gayn jiray iyadoo kooma ku jirta oo ay naftu ka bixi rabto, sidaa darteed waxaa la sii wadi jiray dhowr habeen ugu yaraan (48HRS) saacadood maadaama ay bacaad tahay oo aanay laheyn wadda quman, waana taas midda Abwaanku ishaarayo in Ilaahay uga gargaaray dhibaatadaas oo ay Isbitaal baalka uga yaal heleen, halkaas waxa aan ka qaadanaynaa markasta oo bulshadu isku tashato, oo aanay indhaha uun u taagin kaalmo shisheeye inay wax qabsa karto. laakin tafaraaruqa iyo tala xumadu waa waxa kala geeya ummadaha wada dhashay, sida guud ahaan ku dhacday Ummadda Soomaaliyeed!”