“Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q25AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q25AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Haddaan sii amba qaadno qormadii taxanaha noo aheyd ee “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” tii hore waxaan kusoo qaadannay Abwaan Carabow Maxammad Axmed iyo murtidiisa maan tooxiyaha ah, gaar ahaan Shiribyadiisa dadku ay ku hal qabsaan, ee miidda wada ah. maadaama aan dhowr qoraal oo hore kasoo qaadanay kii u dambeeyay wuxuu noo joogay, laashin: Caraboow oo Xaflad lagu daahfurayay Ceel matoor la la hergaliyay, Iskool iyo Isbitaal weyn oo Deegaanka Ceelbacad lagu hornariyay, xafladdana waxaa hoggaamiye ka ahaa Laashin Carabow sidaan hore usoo sheegay. Laashin Carabow waxaa u soo jawaabay Abwaan la yiraahdo, laashin; Maxammad Macallin Xasan Oofay (Gaab Ganay) wuxuuna tirayay: Guurow aad u dheer iyo shirib la socda wuxuuna u dhacay sida tan:

1. Ishaara guud anoo diri rabaya aragti meel dheera
2. Abwaannada kaleetood anoo wax u ishaaraaya
3. Orod kuma bilaawmee anoo aalyar soconaaya
4. Albaab xiran inaan furo anoo udub dhigguu jeeda
5. Aaladaha wax lagu keydiyiyo agabka Taariikhda
6. Inyan baan ka eegaye waxaan ku arkay aan sheego,
7. Dadku waa abkow iyo abtiyo odaya wiilkiiye
8. Marna waa ayeeyaya marwiyo inanya saan qaade
9. Waa ahlya saaxiib haddana waa ilma adeere
10. Arar laguma daahee haddaan galo ujeedkayga
11. Atoor iyo anoo heer Cariif hore u aadaaya
12. Oo Aadan Gacamay Sinyare ka ag dhawaynaaya
13. Afrax yaalka iyo heer ordow aaqil sharafeedki
14. Axmed yareya Aw Cali Ismaan ubadki maamuuska
15. Odawaaya heer Dool cadde iyo Jilib igaartiisa
16. Ilma Dhega cadde iyo Aw Barre iyo Aarka Cali Shuute
17. Ismaan Coonya Aw macallin iyo ahalka Guuraaye
18. Abshir doodshe Carabow akhyaar ina Cagey aaqil
19. Abwaan Daahir nimankow ushaya Aarmiga u haayay
20. Axmed Diinle Cali Maalinnow ganacsiguu aaday
21. Abkow Yuusuf Dhicisow raggow amarka siinaayay
22. Ma ognahay haddii aag la galo meesha uga aaddan?’

23. Amuuraha anoo meela sare ka abbir qaadaaya
24. Asalkeeda taariikhdu waa agabya sooyaale
25. Sidi loo ekaan jiray haddii aan is kuba eegno
26. Inaan lays inkirinay bulshadu hore ku aaddaa
27. In la ororsanaadaa dadka u aayatiin wacan
28. Ummad waliba reer la ogyohooy aamintaa jiraye
29. Afka laga hadlaa iyo wax qabad kula arwaaxdaaba
30. Eed kuu galyaa iyo murtida kugu ammaanyaaba
31. Anfac kula baxshaa iyo difaac kula ag joogaaba
32. Ninkastoo abaal gala marbow si u arkaayaahe
33. Aaqil Kuufurow arag anow yahay ujeedkaygu
34. Aw Nuur Cumarya anigoo Shiqdhiye helay akhbaatooda
35. Oo adeer Dhegoole ii aftaxay idanka nii siiyay
36. Aw lama-lameystana murtida lagu amaanaayo
37. Afayeenki guud inow yahaan odorosaynaahe
38. Axmed Nuurya inankiisu waa lama ilaabaane
39. Aw Jimcaale Guuxaay anoo meel dhaw ka arkaaya
40. Layskuma ilxuma waana lays ahal yaqaannaaye
41. Ma ognahay abwaan Xuurshe iyo erayadii Diinle.

42. Nimankay astaantuu aheyd ul iyo dhoolgaaddu
43. Ilma Timira daamay ciddey ku abtirsaayaane
44. Ammaan inay muddaysteen anoo dhab u abbaaraaya
45. Ilaaladi Talyaanigu markay kibir ataagaysay
46. Unuggii Baldaasyadu markow aaqillada dhaafay
47. Irmaankiyo horweynkiyo markow aarankii rogayay
48. Awood bow is moodaye markay oloshay baaruuddu
49. Uugaawga milagay maqleen xaalkuna adkaaday
50. Ayaxow ciddiisiya ma tebin araggi reerkaase
51. Arfax iyo Ilmoolaya Xildiid eelka may maqale
52. Aw Maxamad Tiisoow tolnimo uguma eehoone
53. Abtirsiyadi Holowlaya ma arag ubadki Daammeeye
54. Aw Caamir iyo heer Ugaas la ma aqaan wayne
55. Ilma Cigalle iyo reer Xabeeb meesha may imane
56. Aadan iyo Quluul iyo Idiris looguma ergayne
57. Arfax Dhaarte iyo looma tegin Aarki Jirifow’e
58. Akhbaar looma dirin Seennigii aragga dheeraaye
59. Indha Giirya heer Aw Ismaan lama ogaysiine
60. Ubbaalaya ma wacan wiilashii loo albaabiyay
61. Aagga nimanki loo qeybi jiray awoy may dhihine
62. Oroday kusoo wada jireen idil dhammaantoore
63. In yar looma sugin oo intaa waan ogsoon nahaye
64. Allay inya baryeeney xarbiga hore u aadeen
65. Askar kama billaabine ninkii amarka siinaayay
66. Minow eraya jees jees u badan ku andacoonaayo
67. Odayaashanow qaar ku yiri dalab igaarkaagi
68. Afkaa ciidda loo daray ragbay egertu saarrayde
69. Aarmi iyo waxaa laga hantiyay aalad iyo saade
70. Ablay iyo Xagaafay sidaas ugu adkaadeene
71. Isirbaa ku jira aan gumaysi oggolaanayne
72. Ma ognahay adeer iyo abtiba reerka ugu aaddan?’

73. Haba laga adkaadee rag waa aana gudayaahe
74. Arbaciinki wiilki maalinkow dib u akuuseeyay
75. Isxaan nama dhex yaallee inow aarsadow rabaye
76. Ma ognahay sidow aaqil Yeber aragtiduu qaatay?’

77. Abaal qarannimow mudan yahaya ubaxya maamuuse
78. In is waay eshii laga hormariyo ow astaahilaye(S.Y.L.).
79. Aqligaya tacliintuba maray si u il duufaane
80. Aqoon yahannadaan eed la rabay waasa kala iile
81. Ma ognahay amuuraha la yacan oo indhaha beelay.

82. Intaas kuma ekayn rabo warkee horay haddaan aado
83. Alloow kaaga aalbaa tiraa ubadka qaarkiiye
84. Haddow ahalka dhowraad qalbiga uga arwaaxdaaye
85. Haddow erayga miisaan u dhigo wow abtirisaahe
86. Haddow ahalu Diin yahay Ilaah baa la mahadshaaye
87. Adduunkaan horuu soo marnaya iminka aan joogno
88. Aadan Cumar Idirisaa bulshada ugu ildheeraaye
89. Markow Alifka Beydka leh agaasimihi keenay
90. Ee laga aqbalay jiitintana laga aqaan waayay
91. Ma ognahay abwaankii saree iinta yar u laabay?’

92. Sidi Aar Libaax oo ugaar meel fog ka arkaaya
93. Isha wiilki libiq sii jiree yara wax eegaayay
94. Ergow Faranji soo diray marow eed ka tebanaayo
95. Nacas lama ammaanee mugadi aamus laga waayay
96. Ugaaskaa albaabada u furay odoroskiisiiye
97. Ablay gees u dheer iyo asoo agabya gaashaan leh
98. Erayada markow soo bandhigay aaladdana qeybshay
99. Ee la la abjamay wiilashow amarka siinaayo
100. Intaysaan akhbaartooda dhihin eebadaya dhooshu
101. Ma ognahay imaan duulihii guusha ku adkaaday?’

102. Koraygoo agaasimay dadkuna kala adduun raacday
103. Afrax Maxamad Yare maalintay uubatadu boobtay
104. Abuur looma reebine mugadii oodda loo jebiyay
105. Akhbaartaas markii inya la helay nabddu aanfowday
106. Af qayaxan markii nalan ku yiri eraya miisaan leh
107. Ninkastoo ogaal lihi markow aabi la hinraagay
108. Inyar looma sugu waxaan damiirku oggolaanayne
109. Ishoon libiqsanayn maalintii uurka la colloobo
110. Orod iyo dagaal waxan ahaynow aqligu diiday
111. Utunbaa qalbiyada uga tiil eel xanuun badane
112. Aleel iyo sawaxan baan maqlaya ubadki juuciise
113. Ololbaa dhegaha iiga dhacay daahna ma u waade
114. Afjar ducada raadkaan haddeer sii arki lahaaye
115. Awalkeeda sheekadii halkaa ka amba qaadaysay
116. Igaar geeri waa loo dhalay iyo ahal difaaciiye
117. Axdibaan ku maray inaan gunnimo lagu albaabayne
118. Agoontii ma loo ciil dhacshana aakhirku ahaaday
119. Intaan reer Abaajiya imaan Aarki Cali Muuse
120. Aadanoo horjoogaya intaan heer Cabdi imaan
121. Annaan unuggi Haadsoonshe maqal xaajada adkaatay
122. Adeer Maalin Dhebednaan la dhihin inamu guur beeshay
123. Afrax Boobe iyo Ay ka dheqe amarkiyoon gaarin
124. Ilaahbaa la mahadshaye cid kale male awooddaase
125. Ma ognahay raggii inya afjaray lagu ammaanaayay?’

126. Adoo aragti dheeraa marbay kaa afxirantaaye
127. Oora toora sare maalinbay ka indha beeshaaye
128. Abwaannada gabyee meel dhexaa eray ka doontaahe
129. Abtiyaalahay waagi ay eeddu kala gaartay
130. Oday keenadkii iyo markow ahalku dhiillaabay
131. Aaqil Cumar Marow maalinkii loo igmaday howsha
132. Erga culus markii uu hor kacay ee la ula saartay
133. Arrimihi garsoorkaya murtidi lagu ijaaboobay
134. Idaarada xaqaa maalinkow udubbaduu taagay
135. Mar uunay ahaataba run waa la adillaystaaye
136. Imaamkaa sidoo qoray asay oobbiga u tiile
137. Akiimiyaha dhaqankay ku tahay saan hadduu iriye
138. Mar haddow abkowgay cadliga dhigay as-aaskiisi
139. Ummad sharaf ku noolaata waa inaan ahaannaaye
140. Ma ognahay astaama jiree dhaxal awowgeyn ah?’

141. Intaas waysla aragnaye haddaan hore u sii aado
142. Isbitaalka Ceelbacad anoo ewelka siinaaya
143. Iskoolka iyo Jaamaca anoon si u illaabaynin
144. Al-Furaadya Ceel Cali dhulkaa uunka jira naaxa
145. Isha Ruunnirgood iyo halkow agabku noo yaallo
146. Wixi aan ka iri meel kalaan ku arki doonnaaye
147. Ummad waliba taajkeeda waa lagu ammaanaaye
148. Haddaan ina Ugaas jirin sidaa uma ekaateene
149. Axmed Yuusuf maamulaha guud kama ahaayeene
150. Aw Ibraahin Habarwaay afayeen ma noqoyeene
151. Al-Nicmaya haddii aan u koco aagga Cali Aadan
152. Nimankiis abaabulay markay eber aheyd meeshu
153. Ee inya amuura derseen yiri ka aalmayno
154. Ee inya ergada soo dirsaday Xamar usoo aadday
155. Iyo kuwi agaasimay intaan laysu arag beesha
156. Iyo kuwii aqbalay maalintii la oggolaanaayay
157. Iyo kuwii Ilaahay dartii furay akoonkooda
158. Afka kii ka taageeray iyo kii anfaca dhiibay
159. Iyo uurka kii uga farxee alaa u alla tuugaayay
160. Dhankastoy ahaataba raggii noo arriminaayay
161. Iyo kuwi addeecee haddana ugu abaal haayay
162. Ilaahow ammaankaaga geli kuu ergaan ahaye.

163. Ninba aratidiisow hadlaa iyo aqoontiise
164. Eray iga dardaarana haddaan uunka maqashiiyo
165. Akhbaaraan usoo xulay haddaan ahaladuu sheego
166. Amasaan ujeedada dhabtaa ummadda gaarasiiyo
167. Marka hore Ilaahay waxida amarku waa saase.

168. Axad la lama tuugee shirkiga aamin ka ahaada
169. Awaamiirta fuliyoo aqbala waajib kana oofsha
170. Ha ilduufinnina ee sunnada gowska ku adkeeya
171. Hayeeshee aqoontaya jahligu kala iftiin roone
172. Dadka ahalu Diina ee asturan ee edbane fiican
173. Ahalkaya qaraabada dulmiga kuma addeecaan
174. Xaqa ma inkiraan baadilkana kuma adkaystaane
175. Albaab cid u xirraay amar la’aan kuma andaahaane
176. Naagaha ajnabigaa salaan lama abbaaraane
177. Eray jilicsan lama qeyb sadaan mana ataagaane
178. Iyagoo ujeeda xun indhaha kuma adkeeyaane
179. Ma abaabulaan waxaa Islaamku oggolaanayn
180. Ahalada ma yeelaan yasmana ma oggolaadaane
181. Si kastoy ahaataba dadkuu aragti dheeraada
182. Haddaan ahalu iibaan nehee xaqa abbaarayno
183. Asaxaabti meel waa inaan uga ekaannaaye
184. Ilaahay ka baqa ee bidcada Diinta ka ilaalsha.

185. ha aqoonsanina waxaan sharciga Eebbe ku ahaannin
186. Ha aqbalina walaxaan sunnada lagu addeecaynin
187. Intaas waan ogahay waana layga aqbalayaahe
188. Ilaahay dartiis iyo akhlaas hay naga ahaato!”

Markii uu halkaas soo dhigay Abwaan Gaab Ganay ayaa waxaa shiribka nikaxa ah bixiyay; guddoomiya guddiga maaulka lana dhashay Abwaanka guurobay oo la yiraahdo aqoon yahan Xuseen Macallin Xasan (Al-Xuseen) wuxuuna ku shirbay;

“Arrintu saas ma way ahayn
Abwaanku waa iftiiniyee!”

Waa guurow iyo shirib koobsaday wax kasta ee ay ummadi leedahay gaar ahaan deegaanka laga hadlayo iyo sooyaalkiisa taariikheed, waana guurow uu ku kala dhigdhigay laaahin; Gaab Ganay,

Kuna wacdi, waano, dhaqan, sooyaal, iftiimin dhacdooyin deegaanka ka dhacay oo kala kaan ah waa laahin wax badan xog ogaal u ah guud ahaan iyo gaar ahaan degmada Ruunnirgood iyo deegaannada hoos yimaada, waxyaabaha cajabta leh waxa ka mid ah inow guurowgaas aadka u dheer una dhumucda sarreya aanu ka aqrinayn xaansho lagusoo qoray, ee uu is la golaha la joogo ka curinayay, waxayna ka mid tahay calaamadaha lagu yaqaanno laaahimiinta Gole ka fuulka ah iyo awooddooda curineed. qeybtaan intaas ayaan kusoo afxirayaa maadaama guurowgu aad u dheer yahay, qeybta xigta ayaan kusoo qaadan doonaa jawaabtii iyo Shiribkii Laaahin; Carabow maxamad Axmed bixiyay; iyo guuroow la socda iyo dhowr shirib oo uu goobta ka sheegay, ee la soco, haddii Eebbe idmo!’

 

W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

 

SHEEKOOYIN