“Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q26AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q26AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Haddaan sii amba qaadno qormooyinkii taxanaha noo ahaay ee “Xeerka iyo Xigmadda shiribka” waxaan kusoo dhex jirnay, shiribyada Laaahin: Carabow Maxamad Axmad Xasan Gaduud. Haddaan ku bilaabo Guurow aad u qiima badan oo uu tiriyay xafaladdii aan qeybihii hore kusoo qaatay, sidaan soo sheegaba shirib kasta ee Laashinku tiriyo, waxa ka horreya guurow, ama gabay, sidaa aawgeed mar kasta waxaan ku iba furaya guurowga maadaama uu shiribka ka hor dhacayo, wuxuuuna ku guuroobay;

1. Mahadaan u naqay Eebbehay kuman malaayiina
2. Ma’wi Ceel haddow nooga baqay milayadii beerti
3. Meeshaan horaan joogi jiray muluq ahaanteydi
4. Marradii Sugwaay Aadanoo ma hurtadaydiiya
5. Iyo magaci Daa,uudna waa lagu mantaaneeyay
6. Lixdi meele reer oda Maxmuud Macallin raacsiiye
7. Iyo Maxamad Cumaroon hal mara saacad laga maarmin
8. Maqaabkii adeeroobahaay maamul sharafeedki
9. Manhajkii sagaallay ku yiil baydka madaxdiisa
10. Iyagoo midnima gaarayoo meel i sula jeeda
11. Maroodiga waxay qaban karaan mirir gadaashiiye
12. Mad-madow qofkow uga jiraa madax Shabeel leeftay
13. Ama malaka-mowdkeediyoo maqane seef haystee.

14. Hayeeshee sidaan maqalka qabo oo rag ii mariyay
15. Marki macallin Oofay ardada sadar u meeraayay
16. Rabbi how maciinee wadaad mila maahayne
17. Muudday Maxaad Cumar ayaa maamul sare haayay
18. Iyo madaxdi heer Cumar Gobay lagama maarmaanki
19. Millateriga Cali Shuute Nuur mudane Aw Xayle
20. Abkow Nuur Madooboo murtida mowle ugu deeqay
21. Caweeyoo wuxuu maya yiraa cidi marsiinaynin
22. Miin dhigow Warsama Aadanoo muumin taladii leh
23. Mas,alooyinkii Xaydaraa iga hor muuqdaane
24. Anigoon Maxmuudyaal ka tegin iyo macaantoodi
25. Oon Maxaad Faray gaar mareyn hadal ma seegaanki
26. Wiilki Maalin Gacal iyo anon magac Dureer reebin
27. Ama maal qabkii Fanaxahaay mahad ha gaartee
28. Oon maqaab Caddow ina Gadiid meel cad uga moodin
29. Ama miiddanow ina abkow shiiqi magaciisi
30. Maqaawiirte hore oo ahayd mudanayaashayne
31. Muran uma dhexeynoo kurtood waa is maqlaayeene
32. Haddaanoo malaayiin cilmi leh iga hor muuqdaan
33. Kollay magaca beeshaanu waa mihi ka sii miise
34. Mad-madow qofkow uga jiraa madax Shabeel leeftay
35. ama malaka-mowdkeediyoo maqane seef haystee.

36. Afartaa macneeyaye markaan marin kaluu leexdo
37. Mowduuca anigoon ka bixin amasa miinlayda
38. Meged iyo makaa’iilya surur maanyadaya maarka
39. Maal malagya Ceel gowl ilaa dibirka meegaaran
40. Maanyeerta geed raran ilaa murugta qoodhiile
41. Mantaan dheer Maxaad Cali Guduud moosinka Abaaji
42. Muska leba xorow soo marsii ee mar kore aaddi
43. Ma’wigow walaal Daaci muday Bacadlanow muuqdo
44. Maamadi dalkeenna ku taal iyo mabaaxiiye
45. Inay midigya bidix ii yihiin labada meeloodba
46. Maraay ood magooglaya halkaan moxoggi deegaana
47. Meeshii Baldaas lagu dilaya muuqa leba Naarre
48. Maraay Naawireed mooyihii marinki Shiilaale
49. Muqladii Gergaab iyo dhulkaas Geela lagu maalo
50. Halkay maqasho noo tiillayoo mowle nagu deeqay
51. Milkidiisi doollay aheyd iyo maqaamkiisi
52. Mana maqal dad nagu maagayoon meyd ka rarin waaga
53. Inkastoosa duul maashash xumi muran la soo jeedo
54. Muusaya adeeryaalna waa niman ma hiigaana
55. Oo muujad fara weyn lohoo megeg alluu dhiibay
56. Millateri haddii loo kacana sidi Mareeykaana
57. Dad haddow musweyn yahay macnaa lagu yaqaannaaye
58. Mad-madow qofkow uga jiraa madax Shabeel leeftay
59. Ama malaka-mowdkeediyoo maqane seef heestee.

60. Adoo meyra geel soo rartaye maalis iyo yeey leh
61. Ama madaxu kuu duuban yahay ee majihi daashay
62. Marras ooman maataan wax cabin minanki kuu jiifto
63. Mantaanihi Yabaal biya ka jire miirihiya jiirti
64. Ama Maxamad Baarruu dadbiye maalma ku lasoo dhax
65. Waa soo wada marnee Mowlahay mahad ha loo jeedsho
66. Maxamuud Saneeyaa ku maqan marin habaawgaase
67. Inaan moora guul kheyr lahayn oy mushkilo tiillay
68. Waa waxaad maleeysaane yaan qalad wax loo moodin
69. Maskaxdoo shaqaysaa adduun laga macaashaaye
70. Milki Doolle leeyahay inaan cidi maquunaynin
71. Mad-madow qofkow uga jiraa madax Shabeel leeftay
72. Ama malaka-mowdkeediyoo maqane seef heestee.

73. Marradaan Sugwaay Aadan waa sharaf mashiinkeede
74. Maraakiib dagaal huuriyaan la la mataal maagin
75. Marki uu Cabdulle Raage yiri madar kiyaa jooga
76. Murti yahanki Soomaaliyeed madixi Suugaanta
77. Annii macallinkii gabay ahaa iyo muftaaxiisi
78. Mad-madowga iyo beenta waa la is ka moosaaye
79. Milayadii beertiba hadday biya u muuqdaane
80. Ee anan maqal riyeed laga shubeyn awrka moxoggiisa
81. Macbuudkii sidaas noo gartaan mahadinaynaahe
82. Mantaanaha Abgaal waa inaan meel isugu keenno
83. Si magaaladaan loo cammiro laysna marxabbeeyo
84. Misna maamul gobal loo heloo Maanya iyo Xeeb leh
85. Mahaddaaya Ceel muluq macnay nala wadaagaane
86. Mad-madow qofkow uga jiraa madax Shabeel leeftay
87. Ama malaka’mowdkeediyoo maqane seef heestee.

88. Ma’wigaya matoortaas hubbane maalka lagu iibshay
89. Waxa mahadinaa meytadiya anunka muuqdaane
90. Inaan maanta maanan ahayn wada maciinsayno
91. Minhaajkaya xaddiiskaa qabaan labada meeloode
92. Rabbiyow maslaxa caama dhali kuu martaan nahaye
93. Allahayow musbaaxaa iftaye iyan madoobaadin
94. Maaligul muluugaa tahaya mowlihii saro’e
95. Macbuudow ku tuugnaye Allow sahal muraadkayni
96. Aniguna madluumaan ahaye ducada aan meershay
97. Rabbiyow maqbuulaya ka yeel tii la mahadaayay
98. Muslimkaad abuurtaan nahaya muuminiin dhabahe
99. Mad-madow qofkow uga jiraa madax Shabeel leeftay
100. Ama malaka-mowdkeediyoo maqane seef heestee.

Markii uu halkaas soo dhigay guurowgaas yaab ka leh laashin: Carabow Maxamad Axmad wuxuu ku nikaxay, shirib aan ka qiima yareyn oo afarray ah. Wuxuuna ku shirbay;

“Magaawshe muurriyaa ka weyn
Afarse waa u muuqatiin,

Niman maqaamya maal lohoo
Madaxahaad u muuqatiin,

Niman dadkoora maatadaa
Maal gelsha waa u muuqatiin,

Niman wax maanta soo madow
Malay karaad u muuqatiin,

Magaci doolle waa midee
Rag meel marshaad u muuqatiin,

Markasta oo shirib labaalay ka badan la bixiyo, xeerka shiribku wuxuu qabaa inow leeyahay lug nikax ah waana lagama maarmaan oo waxay ka mid tahay waxyaabaha laaahinka lagu qabsan karo, waxaase ka qaatay laahin lagu magacaabbo laashin Muluq oo yiri;

“Yaan maqaloo warkiisa moog
Macnaa ku jira meel walbee!”

Markii shiribkii iyo guurowgii laashin Carabow halkaas ku dhamaaday, waxaa soo galay laashin; Jimcaale Guuxaay, oo guuroobaya wuxuuna yiri:

1. Deelka gabaga daawyadan ma tirin wayga daxalaystay
2. Anna waa duqooboo ma qabo dirac ahaanteydi
3. Marki ay da’dayduna yareed layna dararsaayay
4. Dal-dallaansiyaan geli jiraya doodya koba lays
5. Kuna deyri maayee danaa maha i gey haysa
6. Da,daydana waxaa laga gartaa daanka iyo foolka 
7. Dugaal iyo waxaan fiirsadhaa derin habiin taale
8. Inkastoo damiirkaygi kacay ugu dambayntiiya
9. Haddii aanan diiwaanka gelin duula qoran foogta
10. Danaanadi an soo qaadayaa deraja beleehe
11. Dadna woxow i heybshaa wixii Daaro laga keenee.

12. Dadkaan duulna dalabow ku yimid duulna deris waaye
13. Duulaa haddaba daallan oo daabad soo koraye
14. Duulaa dalxiis inya ku yimid daahsanoon naqan
15. Duulaa diyaarada watoo nagu kor duulaaya
16. Duulaa dariiqyada roggaan daawash korahaaya
17. Haddii lays kusoo darana damiir holacahaa keentay
18. Kusa daahi maayee warkaan daar furoo ahaye
19. Raggi loo diyaarshaa haddaan iga dambeeyaane
20. Dibaddaya dalkaa laga rabaa waxay damoostaane
21. Qof walbay damiirtaada iyo maqalka soo deyso
22. Haddii duul aqoon lihi yimaad oo i daba jooga
23. Daablay warkeed lama raboo waa lagaa dedaye
24. Dadweynaha waxaan farax geleyn looma soo dirinee.

25. Ninki Daa’inkay jecelyahaa Diinta garanaaya
26. Ninki Daa’inkay jecelyahaa nabad ku daanyooda
27. Ninki Daa’inkay jecelyahaa duunya badan soofsha
28. Ninki Daa’inkay jecelyahaa daaqya biya haysta
29. Ninki Daa’inkay jecelyahaa hela dad dhowraaya
30. Waxba hadalku yow ila durgine waxaan kusoo duubay
31. Waxaan uga danleeyahay haddaan idin dareensiiyo
32. Duca iyo xaddiis waxan ahayn idinma deeqaane
33. Ilaahow dareen haydin gelin daa’in waligiinba
34. Dadki meel ka muuqdana waqaad daraf lahaatiinee.

Markii uu halkaas soo dhigay laashin: Jimcaale Guuxaay, intii uusan bixin shiribkii nikaxa ahaay waxaa makarafoonka boobay laashin la yiraa: Xuurshe Xasan Yeberow oo guurow dhegta farta la gashtay wuxuuna ku guuroobay;

1. Ninki mila ku doortee u tahay dowlo la ogaaday
2. Ood dooman leedahay baddaa dahab la yaallaahe
3. Sidi dayax gacmeednaad u tahay dunida guudkeeda
4. Diinta Eebbeheeyaasa wacan inaan ku daalnaaye
5. Duugaabi meysoo dibaan uga nacfaynaahe
6. Damac iyo hunguriyaa dadkii uga darraadeene
7. Dabbaabaadya Aakowga fudud danaha nuucaasa
8. Waa sii diin ducaynaye Ilaah haydin derejeeyo
9. Dayax shan iyo tobnaad tihiin daa’in weligiinee.

10. Dareen Eebbehey idinma galo daa’in waligiinba
11. Daaf waqowsan kaa ridin indhaha lagu dammoohaayo
12. Oon dabeylu kaa gelin lugaha duurka lagu aado
13. Gacmahana dagaal kaa galee waqaysan kaa duufin
14. Waa nii diin ducaynaye Ilaah haydin derejeeyo
15. Dayax shan iyo tobanaad tihiin daa’in waligiinee.

Markii uu halkaas soo dhigay Xuurshe Xasan Yeberow laashimiin badanna ay u shibban yihiin ayaa waxaa labada guurowba shirib ku nikaxay Laashinka hore ee Jimcaale Guuxaay wuxuuna ku shirbay asigoo xafladda asalkeeda sheegaya, oo yiri Ceelkaas:

“Daaru-nicmow dadkuu yaqaan
Waxaana dalbay heer dan weyn.

Mar kale ayuu kusii naqsaday laashin Jimacaale Guuxaay, wuxuuna ku shirbay:

“Dabeecaddiinu daa’imay

Wax diimoon danta soo dhigtaa”

Markii intaas shiribkii iyo guurowgii ku idlaaday ayaa waxaa golaha soo dhex joogsaday laashin Cabdulle Cali Maalin oo aan marar badan soo qaadannay shiribyadiisa iyo guurowgiisa aan ka liidan. Haddii laaahimiin waaweyn oo qaansa jiid ahi gole isugu yimaadaan, waxaa xeerka Shiribka ka mid ah in shirib kastoo la bixinayo guurow ka horreyo, waana meesha lagu kala haro, daab layduna ku banjarto. Daablay waxa la yiraahdaa laashimiinta shiribka kaliya yaqaan ee aan guurowga iyo gabaga aan odorosi karin, maxaa yeelay is la meesha la taagan yahay ayaa laga abuuraa oo ma ahan wax aad hore usoo diyaarsatay. Halkaasna waxaa ku hara laashinkii aan u babac dhigi karin madaafiicda ka dhacaysa afafka laashimiinta qalin jebiyay ee ulaha gurubsaday, xeerka shiribka waxaa kale oo ku jira, in laashinku yiraa: 

Alle kama sawabiyo, 
Allena siima gaarsiyo
Aqab dheer Allow saar
Hana soo aruurinin
Inti Alifka deysaya
Afmaashii horaa yiri
Waxay aragtay maaqaanee.

Waana gogol dhigga mar kasta ee xarafka la beddelayo xaraf kalena looga guurayo haddaba laashin Cabdulle wuxuu saaray barnaamishkii socday Xarafka “TA’ wuxuuna ku guuroobay:

1. Tallaabaa kaltama taaqti waran tuurya gacanaa leh
2. Towfiiqda inow Eebbehey heer tusaa roon
3. Iyo tiirarka Islaamka iyo tobadiyo Diinta
4. Teleefoonya taarees beddelay kalana taag roone
5. Tii,am iyo tarii’ays beddelay kalana taag roone
6. Tobankiya labadi baaco iyo ceel in lagu taagto
7. Tubba iyo Matooraa beddelay kalana taag roone
8. Adduunyadu siday beriga tahay foogta uma taale
9. Waxaan idin tusaaleeyayoon talo idiin jeedshay
10. Tikid aakhiraadaa u jaran duul walboo taagan
11. Adduunyadana waa laga tegaa daa’in tali maysid
12. Qof walbana waxay uun tartow gelaya taariikhda
13. Waxaad tacabtay tooxweyn cadaad kala tegeysaa
14. Waxaad taagatana Aakhiraad ugu tagaysaaye
15. Taariikh lagaa qoray adoon uur ku tabaraabin
16. Oon laga tallaabseyninaa duul walba u taale
17. Diintana ku taagnaadha waa duulba tabartiiye
18. Tubihii qiyaamaade Aakhiro la tegi doono
19. Miisaanka kala toosiyeey raajicii tahaye
20. Tanaad waa qof Jinna tegaye Aakhira ku taajiraye
21. Intaan taarig gaal tuugi lahaay towbadaa furanee.

22. Intaas waa ta’diib iyo tarbiyo tala Islaam waaye
23. Hadii taan u imidaan galee idin tusaaleeyo
24. Toddobada hoyaad ee sugwaay sumadda tiirkaa leh
25. Ilaahaa ku toosiyay inay sharafka tiirshaane
26. Dadka tacabka iyo xoolaha lehee tubaha guuraaya
27. Oo meel taraag dheerehey ceel ka taagaaya
28. Taladiisa curadkaa lahaay laguna towfiiqye
29. Inta kalena waa taabacoo toobi kuma leexan
30. Tafaraaruqow daran hadday niman tashaayaane
31. Inkastoo adduun tira jitoo taama noqon doonin
32. Walleen tiigti kama roona iyo tuba tallaabtuu kac
33. Ninki lama talaatiin tegee tobanu dheeraatay
34. Waa tallaaba gaagaabiyoo male tahriib dheere
35. Kuwi talada diiday tafyadi noo la toognaayna
36. Waa laga tallaabsaday xaqay iyan ku taagnayne
37. Tolweynaha adoogaanya aa gooyay taladiisi
38. Inay maamul taagnaay annii tiir Islaamkaa ah
39. Sida nalan tusaaleeyay Diintuna tilmaamayso
40. Tarantoorya gaal dhigay ma taal tacab Islaam falayee.

41. Hayeeshee talaadaya arboco kalama toobtaane
42. Niki nala taraarehe tolweynihi adoogaanya
43. Oo daa’in nagu taaganoon iga tag yeeleynin
44. Wixi ay shareecadu tilmaameena tuuraaya
45. Talyaanigi gumeystaha ahaay waagow talinaayay
46. Taran toorya uu noo dhigana been tilmaamaaya
47. Tacabaa mahaan ii galana laga heleyn toog wal
48. Ka tashada tafyow taale saan uga tallaabsaynay
49. Idinkoon ka teginoo shareecada Islaam taagan
50. Sida nalan tusaaleeyay Diintuna tilmaamayso
51. Tarantoorya gaal dhigay ma taal tacab Islaam falayee.

Markii uu halkaas soo dhigay laashin Cabdulle Cali Maalin Guurowgaas Qiimaha badan, wuxuu ku nikaxay shirib aan ka liidan, oo afarrey ah wuxuuna dhahay:

“Turaabu Afareey tagtaa
Taariikhda muslimkeey ku taal,

Ma taallo taran toorya gaale
Tacabya jirjireey tagtaa,

Meel tuulana haddeey ku taal
Tallaaba mitireey tagtaa,

Meel aan la tagin toog hortaa
Anigaa taabsadeey tagtaa,

Haddeey timmaado tii ILLAAH
tooxweynya guud cadeey tagtaa, (karfan)

“Afmeer”

Taariikhdi gaalo waa tixraac
Haddaa tiri ka toolbar keen!”

Shiribka waxaa loo maraa xeerarkaas quruxda badan, iyo wadiiqooyinkaas laysla ogolyahay. laashimiinta gola ka fuulka ihina sidaas ayay ugu tartamaan, waxaa dhacda in mararka qaar golayaasha lagu shirbo xilli kabadan labaatan iyo afar saacadoow xamaasad aawgeed ku darsoo laashimiinta sidaa u shirbaya kuma arkaysid halabuur adeegsanaya eraya uu hore u yiri, ama kuwa ay dad kale hortiis dheheen, taa beddelkeedana dareen kacsan iyo awood curineed ayay ku gaarsiiyaan ilaa iyo intii la doono. ma jirto god suugaaneed socon kara ammin ku dhaw xilliga aan soo sheegay si kastoo abwaanna isugu yimaadiin, shiribka mooyaane. haddaba sow dhihi kari mayno waa godka ugu culus suugaanta Soomaaliyeed ee ma guurtada ah.

la soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo.   W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN