Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q27AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”
Haddaan sii amba qaadno qormooyinkii taxanaha noo ahaay ee “Xeerka iyo Xigmadda shiribka” qeybtaan waxaan kusoo qaadanayaa laashin Caan ka ah dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Goballada Shabeellaha dhexe, Galgaduud, iyo Banaadir. Shiribyadiisana mah-maah ahaan loo adeegsado awooddooda, iyo miisaanka culayskooda dartood. dadka aan aqoonta buuran u lahayn shiribka iyo habdhiciisa waxay u haystaan mah-maah xigmadaysan. haddaba shiribyada aan ku faaqidayno qoraalkaan waxaa leh: Sheekh, Macallin, murtiyahan, Laashin: Macallin Xasan Maxamuud Maxamad (Macallin Xasan Filadheere, A.U.N.). Laashinku wuxuu ahaa Eebbe how raxmadee, hal-abuur Shiribyadiisu ku milmeen maskaxda dadyowga Soomaaliyeed ee Shiribka xiiseeya, wuxuuna ku noolaa ama uu ka soo jeeday Degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha dhexe laakin ma ahayn nin xaafad ku xayndaaban oo wuxuu shirib iyo wacdiba u aadi jiray, Xarardheere, iyo Mareeg ilaa Muqdisho maadaama uu ahaa macallin usoo joogay dhacdooyinkii saancaddaalaha, gumaytihii reer Yurub gaar ahaan Talyaaniga. Ma ahayn sheekh Caalim ah oo dadka kala xugmiya wuxuuse ahaa macallin bartay Qur’aanka Kariimka, oo shaqal ruug ah dugsina haayay oo Diinta faafinayay, Ilaahayna wuxuu ku mannaystay Murti iyo macno miisaaman, sida aan raadraaca ku helay waxa soo wax baray Sheekh Muxyaddiin Celi, Eebbe ha u wada naxariistee.
Haddaan ku billaabo shirib halxiraale ah oo uu ku xujeeyay laashin asaaggii ah oo ay goob wada joogeen. Laaahinkii xujeeyay wuxuu ku shirbay:
“Adaa Alifya wow unkee
Wahum uluufun waa intaay?”
(Wuhum-Uluufun waa aayad ka mid ah Qur’aanka kariimka ah).
أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ خَرَجُوا مِن دِيَارِهِمْ وَهُمْ أُلُوفٌ حَذَرَ الْمَوْتِ فَقَالَ لَهُمُ اللَّـهُ مُوتُوا ثُمَّ أَحْيَاهُمْ إِنَّ اللَّـهَ لَذُو فَضْلٍ عَلَى النَّاسِ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَشْكُرُونَ﴿البقرة: ٢٤٣﴾
Waa Aayadda Laba boqol Afartan iyo Seddax (243). Ee suuradda labaad ee Qur’aanka “Suuratul-Baqara” Laashin: Filadheere laguma xujayn Suuradda oo dhan, ama Aayadda oo dhan. se waxa looga soo qabtay laba eray oo ah (وَهُمْ أُلُوفٌ ). si Macallin Xasan Filadheere Guusha iyo gaashaanka shiribka looga qaado, laakin Ilaahay ayaa hibo u siiyay hal-abuurnimo cuddoon ee Wuxuu sameeyay shax cajiib ah mar haddii xaraf Qur’aan lagu xujeeyay, xarafkii ku xigana aanu ahayn xaraf lagu shirbi karo wuxuu is la markiiba is tusay inow shiribka ka rogo, xarafka uu ku socday oo ahaa xarafka “A” oo ah shaqal una rogo xarafka “X” oo ah Shibbane si aan guusha looga helin wuxuuna ku hal celiyay:
“Xabadka kamma xaarniyoo
Xadaral mowtiyeey xigtaa!”
Laashin: Macallin Xasan Filadheere, wuxuu usoo qabtay asiguna labadii xaraf ee ku xigtay, ee ahaa: (حَذَرَ الْمَوْتِ). Halkaas waxaan ka ogaanaynaa inaan marna laga tanaasulayn qaafiyadda Shiribka iyo xaraf ilaalintiisa xitaa marka ay Qur’aanka iyo Diinta joogto. Sidaan soo xusay Laashin: Filadheere (A.U.N.). wuxuu beddelay xarafkii Shiribku ku agaasinnaa, ee ahaa xarafka (A) ee shaqalka ahaa, wuxuuna u beddelay Xarafka (X) oo ahaa Shibbane, waxaana keenaysa laba ujeeddo oo lagama maarmaan ah.
Tan kobaad: waa inow ka jawaabo shiribka lagu xujeeyay ee adag, misana Qur’aan ah.
Ujeeddada labaad: waa inaan shiribkiisu Deelqaaf noqon iyo wax lagu qoslo, waana meelaha la isku gaado, maxaa yeelay waxa laguu dhiibayaa ama laguu dhigayaa, “Qob Moos” si aad ugu sirgaxato haddii aadan aqoon buuran u lahayn shiribka. waana ay adag tahay shiribkaas kore inaad xarafka (A) uga jawaabto; maxaa yeelay kuma xigo, xaraf (ALIF). ah oo loo nisbayn karo. waana lagama maarmaan in aad beddeshaa, sidaas ayaana looga guulaysan waayay laashin: Macallin Xasan Maxamuud Maxamad “Macallin Xasan Filadheere” (A.U.N.).
FG. Shiribka kore ee macallinka lagu hal xiraaleeyay seddax qaab ayaa loosoo weriyay laakin midda aan kor kusoo dhigay ayaa loo badan yahay, tusaale
1.Adaa Alifya wow unkee
Wahum uluufun waa intaay?”
2.Adayga aalli diidayee
Wahum-uluufun waa intaay?”
3.Adaa Alifya Wow dhigee
Wahum-uluufun waa intaay?”
“Aw Xasan Dheere Aabbahaa
Intaad ku aastayood ogayd?”
Waxaa xifaaltan ka dhexayn jiray labadaan beelood ee walaalaha ah, ood wadaagtana ah waa Beesha Ciise Rati ee uu ka dhashay Macallin Filadheere iyo Beesha Kabaalle oo uu ka dhashay laashinka macallin Filadheere waydiinaya shiribkaas daandaansiga ah. Waa is ka caadi in qofka marka laga baqayo, daliil la keensado, iyo hindisaad, been abuur ah ama dhacdo la maqlay la naash-naashayo si mid run ah loogu ekaysiiyo. Waxaa la sheegay: Macallin Xasan Filadheere Aabbihii Maxamuud Maxamad (A.U.N.). ayaa wuxuu ku geeriyooday asigoo Muqdisho Safar usoo ah waddada dhexdeeda. waqtiga geerida ballan la ma lihid mana taqaannid xilliga ay imaanayso’e. Waxa Marxuumkii duugay, aasay, dadkii deriska la ahaa meesha uu ku dhintay, waa halkii mah-maahdu ahayd: “Mayd ma socdo ee qofkiisa socda” haddaba qoladaan uu xifaaltanku kala dhexeeyo ayaa dhacdadaan amarka Ilaahay ah oo hore u dhacdana og ayaa ku shirbay, shiribka aan kor kusoo xusay iyagoo uga dan leh ha niyad jabo illeyn si kale kulama shirbi kartiine, waxayna yiraahdeen, shiribka kor ku xusan: Laashin: Macallin Xasan Filadheere oo ahaa wadaad is ku kalsoon Ilaahayna ku kalsoon ogna sheekadu halka ay daaran tahay ayaa ugu jawaabay, Aabbahey:
“Waxan ku aasayoon ogaay
Inaan adduun la sii arkayn!”
Markii uu sidaa yiri, laashin: Filadheere halkii cirka laga filanaayana ceeryaamo ka timid, ayaa sidii shiribka marba meel la saarayay, garabna uu ciid ka dhaartay, macallinkiina la hollin waayay waxa markaan shiribkii caay u beddelay laashin ka mid ahaa qoladii loo yimid oo asigu raadinaya waddo iyo wadiiqo uu Macallinka uga guulaysto, shallaay ayaase ka danbayn doona’e wuxuu ku shirbay, Macallin Xasanow:
“Looxyaale Lo’ ka soo fushaa
Liqaysay Lafti Aabbahaa!”
Waa dulmigii ugu dambeeyay ee qof lagu maago. Waxase caado ah marka aad sooyaalka dib u raacdo, ninkii laga yaabo suugaantiisa iyo awoodda curintiisa waa la caayi jiray. Aan tusaale usoo qaato: dhacdo suugaaneed dhex martay Cali Jaamac Haabiil iyo Sayd Maxamad Cabdulle Xasan ammin laga joogo Seddax Qarni iyo googo’ markii uu ka yaabay gabayada Cali Jaamac Haabiil ayuu Sayd Maxamad Cabdulle Xasan wuxuu go’aan saday inow caayo, abwaankaas gabaga uga yaabiyay, si uu uga debciyo waranka uu wadnaha uga haayo, wuxuuna ku gabyay:
Iidoorka hoosada Berbera ka hawisaa hay leh
Harag uraya Muusaa Carrihii hoodin jiraybaa leh
Xaal hadura Habar Yoonis iyo herer nin joogaa leh
Hadduu awrku heeryada ka rido hoogay Arabbaa leh
Hilib quruna Gadabuursigii haysan jireybaa leh
Ciisaha baqtiga hiigayiyo haqay midgaanbaa leh
Huuraale Cali Jaamac iyo huluq dameerbaa leh.
Halkaas Sayidku wuxuu u gefay Qabiillo badan oo Soomaaliyeed xeendaabka dagaalkana aan ku jirin, ujeeddaduna waxay ahayd inow yimaado baydka ugu dambeeya ee ah:
“Huuraale Cali Jaamac iyo huluq dameerbaa leh.
U fiirso Sayidku markii uu waayay wax uu ku caayo ninkaas gabayga uga yaabiyay ayuu ku sheegay inow haysto “Aalad halis ah” kuma simine wuxuu yiri: “Dameerka ayuu la aalad yahay:
Cali Jaamac Haabiil asiguna kama uu harine wuxuu ugu jawaabay:
Huluq dheeridaydiyo siduu ku arkay hoostayda
Ma haweenaydii aan qabaa hooge laga yaabye.
Kusii dheeraan maayo laakin waxaan usoo qaatay inay ahayd caaydu waddada kaliya ee ninka laga baqayo lagu waabin jiray. ee aan usoo laabto Jawaabtii uu ka bixiyay shiribka sare ku xusan Laashin: Macallin Xasan Filadheere(A.U.N.). Macallinku uma caaytamin sidii qolooyinka aan soo sheegay, illayn waxa hortaagnaa macnaha iyo masuuliyadda Diineed ee looga bartay, iyo kalsooni uu ku qabay in lagu been abuuranayo, ninkii lafihii Aabbahaa ayaa lo’du cunaysay ku yirina wuxuu ku habaaray shirib sooyaalka galay ninkiina aanfa iyo cudur adduun oo ku dhacay ku noqday, wuxuuna ku shirbay, Laashin: Filadheere
“Docaad iga duleelisee
Darab saqiirku kaa dislay!”
Darab saqiirka waxa la yiraahdaa: “Kaadida” waxaana la sheegay: markii uu sidaas ku yiri Macallin Filadheere in ninkii laga waafaqay is la goobtii oo kaadidii ka soo daysatay, ilaa uu ka geeriyoodana ka dislay haysay, waana dhacdo la arkay oo run ah. Halkaas waxaan ka fahmaynaa in macallinku ahaa dulmane la gardarraysanayo, iyo xalaal quute mustajaabu dacwa ah oo Ilaahay ka aqbalay wixii uu ninkaa ku inkaaray; waa kii xadiisku ahaa: “Ducada dulmanaha la ma soo celiyo” waxaan raadraaca ku helay inaan markaas kaddib Macallinka lagu dhihin shirib iyo hadal ku saabsan, dhacdooyinka laga soo weriyay aabbihii Eebbe ha u wada naxariistee!”
halkaas ayaan kusoo koobayaa Shiribyada Macallinka oo aad u tira badan dartood, waxaanse kusoo qaadan doona dhowrka qormo ee noo xigi doonta haddii Rabbi idmo
W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”