Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q30AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q30AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Qaybtaan oo ah tii ugu dambaysay ee aan kusoo afxiri doono Xeerka iyo Xigmadda Shiribka. oo muddo sannad ah taxane noo ahaa, kuna soo bixi jiray Mareegta Laashin.com waxan kusoo gaabinayaa qoraalkii dhexda ahaa ee aan uga faalloonayay Shiribyada Laashin: Macallin Xasan Maxamuud Maxamad “Macallin Filadheere” (A.U.N.).

Shiribkaan waxa la yiraa: “Alif-Ya” wuxuuna ahaa shirib ay ku tartameen Macallin Xasan Filadheere (A.U.N.). Iyo laashin jaalkiis ah oo ay goob wada joogeen ayaa si loo kala saaro, labada laashin loona ogaado kan ku horreeya suugaanta. Waxay joogeen Gole shiribeed aroos ah, sidaa darteed waxa lagu heshiisay: in laashinka koobaad bixiyo shiribka hore laashinka dambana bixiyo shirib la ujeeddo ah oo ka dul dhashay. Inkastoo shiribkii oo dhan aanan wada hayn haddana wuxuu u dhacay habkaan:

“Haddow guraa amow gurdaa
Gaadaarta gacantuugu haay,

Laashinka kale:

Amase guryantooy ahaaw
Gaad ha kugu garuuf dhabee.

Habaru yay ku haatinoo
Haanya horaad huruu dhameey,

Laashinka kale

Ama mid haanahaan qabnaa
Herti la soo hagoog xummaaw.

Shirib habkaas u baxay ayuu ahaa oo ka bilaawday: “ALIF” kuna dhamaaday, xarafka ugu dambeeya af-Soomaaliga ee “Ya” sidaa aawgeed wuxuu ahaa (22). Shirib oo (22). Kale ka dul hoortay, ninna kuma guulaysan tartankaan oo laashinka kale wuxuu ahaa halabuur aan ka liidan Macallin Filadheere Eebbe ha u wada naxariistee.

Halka kani sidi haadkiyow ku hun dhuraa meesha,
Halka kalena halawgeenni ceel hoomo u aroori,
Adigana hashii kaa maqnayd hadawga yeera
Halka na la hoyaayana hingow maha la fiijaahe
Ee yaan lagaa hor marin dhaanku waa halalabaynaaye
Oo dhoonta biya howga wayn hiladu waa buuqe.

Waxa is raacay Macallin Xasan Filadheere (A.U.N.). Iyo nin ay saaxibbo ahaayeen, macalinku wuxuu u socday cid uu muraad ka lahaa ciddana waxa u joogtay geber laysku arkay oo Raggu ku xifaaltamaan, oo barbaarku yiraahdaan: yaa la hadli kara iyo yaa maanta soo wadan kara? Ninka macallinka la soo jidqaaday oo gebedha ay u la tiil ballan ah inay raaci doonto, xilligaas, ninkaan oo qalabkii berigaa raggu haysteen ee Dumarka lagu wadan jiray sita iyo macallinkii ayaa waxay u soo dhawaadeen ciddii ay u socdeen, ee Macallinku muraadka ka lahaa ninka la socdana cidda gebedhoodu u ballan san tahay. Macallin Xasan ayaa ninkii saaxibkiis ahaa wuxuu u jeexay kaarto la yaab leh; wuxuuna ku yiri: Jafka ii gal guriga laabkiisa ama muskiisa, gabadhana waxa la dhashay laba wiil. Macallinkii wuxuu u tegay ciddii uu danta ka lahaa markii la soo dhaweeyay ciddiina uu waraystay ayuu arkay nin aan is qarinayn oo guriga qalab la jiifa, oo Gabadhu ballamisay, iyo Hooyadii cidda dhashay oo xasuunsan, markaas ayuu asoo labadii wiil waydiinaya wuxuu macallin Xasan yiri: hebel waaba kan ee aaway hebel? Waxa lagu dhahay: Ceelki ayuu u dhaaniyay. Macallin Xasan markii uu ogaaday xogta iyo halkay wiilashii  kala jiraan, ayaa wuxuu ku muusannaabay, gabagaan kor ku xusay asiga oo maqashiinaya ninkii saaxibkiis ahaa ee uu jafka soo geliyay, wuxuu yiri:

Halka kani sidii haadkiyow ku hundhuraa meesha,

Wuxuu ula jeeda wiilka la jooga Hooyada xanuunsan, ee gebedha la dhashay.

Halki kalena halawgeenni Ceel hoomo u aroori,

Wiilkii kale ee gebedha la dhashay wuxuu ninkii maqashiinayaa inow ceelki jiro oo owsan caawa joogin agagaarka.

Adigana Hashii kaa maqnayd hadawga yeeraaya,

Ninkii ayuu u tilmaamayaa halka ay jirto gebedhu wuxuuna leeyahay gabadhii aad doonaysay waxay jirtaa “Durbaanka yeeraya”

Halka nala hoyaayana hingow maha la jiifaahe,

Ninkii jafka ku jiray, wuxuu dhegtiisa ku dhibcinayaa in nin gebedha qalab u sita oo asigana ballan u la taallo oo aan is qarinayn uu guriga jiifo.

Ee yaan lagaa hormarin dhaanku waa halalabaynaahe,
Oo dhoonta biya howga wayn hiladu waa buuqe.

Markii uu saaxibkiis u sheegay halka ay kala jiraan raggii gebedha la dhashay nin aan is qarayna uu guriga joogo ayuu kula dardaarmayaa yaan lagaaga hor marin, ee ka gaarsii hiladana yaan hortaa biyaha laga dhamaysan, hilo waxa la yiraahdaa: Warta ama galka biyuhu galaan, Ceelkana waa loo adeegsadaa.

Macallin Xasan Filadheer Eebbe how raxmadee wuxuu ahaa macallin iyo laashin: ilbax ah cid kastana la fac ah oo dhalin yaro iyo waayeelba fahmi kara sida aan kasoo barannay dhaqankiisa iyo dabeecaddiisa wanaagsan.

Kariim anoo la kaashahaa
Kabaalle waa kidbay karaa,

Shiribkaas Laashinku wuxuu haystay beesha Kabaalle oo beesha Macallin Filadheere ee Ciise Harti kala dhaxaysay xifaaltan shiribeed.

Kobihiyaan isku kahnee
Karbuunadaada noo kax sii.

Shiribkaanna wuxuu ku haystay is la beesha aan soo xusay ee kaftanku kala dhaxeeyay, derisna ay yihiin iyo ood wadaag.

Karood helihi karanaay
Kulankow koofi dheer lahaay,

Shiribkaas waxa lagu yiri: Macallin Xasan Filadheere (A.U.N.). Wuxuuna uga jawaabay:

Xaad ii karood karoodisaa
Kobtayda kabsa maysidee!”

Mar kalena waxa lagula shiribay, Macallinka:

Kutub xun oo koboo kalaa
Ma keentay koofi macsiyeed?”

Waa shirib gef ku ah Kutubka Qur’aanka iyo macallinkaba waa shirib ninka bixiyay uusan waxba xeerin dhaqan iyo Diinna meel uga dhacay waxaase uga jawaabay Macallin Filadheere;

Kutub miyaa Koboo kalaa
Korkaagu haysu soo kudee!’

Macallinku wuxuu u sheegay inaan Kutub iyo kob laysla meel dhigi karin ninkina wuxuu ku yiri korkaagu haysusoo kudo, oo ah canaan ee aan ahayn habaar.

Mar kalena wuxuu ku shirbay macallin Filadheere (AUN).

Kalaamadaad kas ii tiraa
Katiitay koombo kuula taal.

Macallinka shiribyadiisu waa tira badan yihiin waxayna ku bexeen munaasabado kala geddisan, shiribkuna waa siiqo isku wada xiran, sidaa dardeed shiribkaan dambo laba hab ayaa losoo weriyay, oo kala ah;

In Macallinku aaday qabiil ay colaadi kala dhaxaysay laakin ay sinji wadaagaan, kaddibna qabiilkii ku la shirbay hadallo aanu u qalmin, sidaana ku yiri: waxay noo tahay markii aad timaadaan “Katiito iyo Kaxarrow” oo ah dhulka ay degto beesha Macallinku ka dhashay.

Habka labaad oo lagu sheegay inow kala jeeday wax walboo xun ee aad igu dhahdiin waxay kayd idiin yihiin oo hortiinna la keenayaa maalinta Dambaysa ee Aakhiro sidaa darteed waxan idinku daynayaa Eebbe.

Haddaba labadaa aragti ee lasoo dhiraandhiriyay waxa saxan tan dambo, macquulna maahan inaan dhahno Sheekha ayaa u ribaynaya ummaddii uu ku xiiqayay inay hanuunaan oo ay hagaagsanaadaan. Inkastoo shiribka lagu kaftamo haddana hal shirib oo xagal leh ama qalloocan macallinka laga masoo werin, sidaa aawgeed aragtidaas ayaa ah tan ka turjumaysa dhabbihii macallinku shiribka ula jeeday.

Minaan shacbaanka lay shabbayn
Shiiqaygi maanta waa shumaa.

Shiribkaanu wuxuu ahaa shiribkii ugu dambeeyay ee afkiisa laga guntay Macallin Xasan Maxamuud Maxamad “Macallin Filadheere” (A.U.N.). Wuxuu Aadan Yabaal kasoo raacay gaariga loo yaqaanno “Biikaab” oo ah laanroobal qaybta dambe laga jaray ee bira loo yeelay macnaha dul bannaan ah, wuxuuna u socday Sheekh Muxyaddiin Celi (AUN). Oo shiiqiisi ahaa inow soo salaamo, qaddarta Eebbe ayaa wax walba ka wayne iyagoo gaarigii dushiisa ku shirbaya ayaa wuxuu kula gaddoomay Degmada Balcad ee Gobalka shabeellaha dhexe, halkaas ayuuna ku geeriyooday Macallin Xasan Filadheere (1980). Asigoo leh: Shiribkaas aan kor kusoo xusay ee Sooyaalka u galay daqiiqadihii noloshiisa adduunka ugu dambeeyay.

…….DHAMAAD……

 

W/Q/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN