XEERKA QOYSKA EE 1975 – Qaybta 2aad
Qodobka Koowaad. – Qodobka soshaalka ah ee xadidaad la xadidayo ragga iyo guurarka iyo cadaalad darrada dumarka ku dhacayso , waxyaalahaan maanta la wado ee quotada adduunka iyo qoyska sinnaantiisa.
Qodobka Aafaraad. Qodobka afaraad wuxuu ahaa qodob aad xasaasi u ahoo, wuxuu ahaa dhaxalka.
Qodobkaas dhaxalka inay gabadha iyo wiilka ay u siman yihiin wixii dhaxal ah iyo wixii xuquuq ah ee bulshada ka tirsan.
Annagu urur ahaan ma wadin: Wasaaradda Caddaaladda ayaa wadi jirtay; Cabdisalaan Sheekh Xuseen oo berigaa ka ahaa wasiir, Sheekh Xasan Cadullaahi Allaaha الله\ u naxariistee, oo markaas ahaa xubin wayn oo xagga diinta, Maxammad Aadan, Maxamd Sheekh Cismaan, guddi bay ku jireen annaga lanama weydiin.
Dawladaha carabtu si “silent” (waa eray ingiriis ah oo macnihiisu yahay “aamusan”) ah ayay qodobkaas afaraad looga haray. Annaga laakiin…waxaan dhahnay illaa wa illaa in la hirgeliyaa sharcigaas. Wasaaradda Caddaaladdaa wadatay.
Maalinta haweenka waxaan ku beegnay 11 Jannaio oo ahayd maalinta “Hannoolaatada” oo ay leegadu dagaallamaysay oo gabar Xaawo Taako la yiraahdo lagu dilay bartamaha Xamar.
Stadiumka intaan la imaan ayaa waxaa dhacday in Golaha Saree ee Kacaanka oo uu Maxammad Siyaad hoggaaminayo in la yiri:
“War maanta dumarkii baa dabbal degaya, United Nation-na waxay soo saartay qodobbo: maxaan u qaban karnaa?”
Lagama fiirsan sharcigaan ha la aqriyo, sharcigaan ma hirgeli karaa, yacnii “emotion” (waa eray ingiriis ah oo macnihiisu yahay “laablakac”) ayaa maamulka dalka lagu maamulayay.
Waxay yiraahdeen aan u baas maraynno sharcigaan. Just like that! Xeerka Qoyska…Anigaa hadalka furay (Waana shirka Stadium-ka la isugu yimid maalinta haweenka), kaddibna waxaa igu xigay Xasan Abshir oo dhinaca kale ka taagnaa. Kaddibna madaxweynihi khudbad buu qaatay….Ilaahay الله\ ha igu cadaabo haddaan been sheego, waan ag taagnaa….wuxuu yiri:
“…Haddana waxaan maraynnaa twenty first century kun sagaal boqol shan iyo toddobaatankii baan maraynnaa, sidaas darted waad siman tihiin. Maanta wixii ka dambeeya wax la yiraahdo nus ma jirto walaa rubuc walaa tumun, ragga iyo dumarku waa siman yihiin.”
Kaddib shir ayaa lagu qabtay teatarka, ayna kasoo qaybgaleen culummaday ka mid yihiin Sheekh Cali Suufi, Sheekh Aadan Sheekh Cabdu Allaahi, Shekh Maxamad Iimaan, Sheekh Abauukar Suuley. Madaxweynuhu wuxuu yiri:
“Been ayaa la iga sheegay oo la yiri wuxuu dilay culummadii dalka. War culummadii dalku waa kuwaanaa horteyda safan: sheikh hebelow istaag… war dhallinyaro sakhraamiin ah oo
ciyaalusuuq ah oo ay imbeeraaliyada caalanku dabada ka wado oo qalqal dawladda geliyay ayaan xiray oo dil ku xukumay…”
Hal ninoo wadaad aha oo yiraahdaa waa beentaa, hal nino waadaadoo yiraahda waa qalad lama arag geddigood way wada aamuseen ….the bloody sex equality in Somalia (oo macneheedu yahay: “simidda ragga iyo dumarka oo dhiig ku daatay”)…..26 january 1975 waa la toogtay…waxay ahaayeen toban nin.
Sharcigaas magacyo badan ayaa loo bixiyay sida “Cali Xiniin”..waana dhaqan geli waayay.”
Intaasaan kasoo qaatay warka marwo Mudane Drs. Maryan Xaaji Cilmi, ayadoo ku mahadsan taariikhdaas ay noo reebtay.
Faallo gaaban
Waxaa halkaas ka muuqda inuu mashruucaan ahaa mid Soomaaliya dibadda looga keenay, oo dalka maraykanka (New York, UNO) iyo dalalka carabta, uusanna ahayn mid Soomaaliya ka askumay.
Waxaa kaloo ka muuqda inuu ku salaysnaa go’aan kasoo fulay Golaha Saree e Kacaanka, oo ahayd hay’adda siyaasadeed oo dalka u talisay.
Guddiga Xeerka Qoyska
Guddiga ay marwo Drs. Maryan Xaaji Cilmi sheegtay in loo magacaabay Xeerka Qoyska waa kuwaan:
Kow. Dr. Cabdu Al Ssalaam Sheekh Xuseen, Wasiirka Diinta iyo Caddaaladda, una dhashay Dabarre.
Laba. Dr. Col. Maxamad Sheekh Cismaan, xubin Golaha Saree e Kacaanka, una dhashay Murursade.
Saddex. Sheekh Xasan Cabdu Allaahi, oo Jaamacadda Al Azhar ee arliga Masar kasoo baxay, kaddibna Wasiirka Diinta iyo Caddaaladda noqday, una dhashay Isaaq, kana sii ahaa Habar Yoonis kana sii ahaa Isxaaq.
Afar. Dr. Maxammad Aadan Sheekh Maxamuud, bartayna takhtirnimada iyo qalidda dadka u baahan, noqdayna Wasiirka Caafimaadka, kaddibna Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare, kaddibna la taliyaha madaxweynaha JDS, una dhashay Celi Marreexaan.
Raggaas, Allaha الله\ u wada naxariistee, waxaa maanta ka nool Dr. Cabdu Al Ssalaam Sheekh Xuseen.
بسم الله الرحمن الرحيم
Warka Wariyah Sonna ee Dugsiga Booliska ee Muqdisho Sanadkaan laba kun shan iyo toban ayaan waxaan marka hore taleefan ku waraystay, kaddibna aan magaalada Columbus, Ohio ee dalka maraykanka kula kulmay nin ka mid ahaan jiray madaxda Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya sanadka kun sagaal boqol shan iyo toddobaatanka, ka mid ahaana madaxda wariyaha Dugsiga Booliska goob joogga ka ahaa dilidda ragga loo haystay arrinka la xiriiray Xeerka Qoyska ee 1975. Waxaan marka hore uga warramay warkuu walaalkay Bashiir Sheekh Xuseen Cismaan iiga sheegay la kulankiisa madaxweyne Maxammad Siyaad Barre Allaha u naxariistee eek or ku xusan, kaddibna waxaan waydiiyay hadduu goob jog ka ahaa Dugsiga Booliska ee magaalada Muqdisho subaxa la toogtay ragga halkaas lagu toogtay, wuxuuna yiri: “Anigu goob jog kama ahayn, waxaase ii warramay wariyeheenna mar war walba goobtaas warka nooga soo tebiya, wuxuuna ii sheegay oo yiri: “Marka hore waxaa la keenay goobtaas raggaas qaarkood, oo isku mar lama wada keenin. Markaasuu Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Badbaadada oo goob joogga ahaa wuxuu amar ku bixiyay in raggaas tiirka lagu xiro, kaddibna xabadaha lagu rido. Markaasuu taliyaha ciidanka xabbadda ridaya wuxuu Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Badbaadada ku yiri: “Xabbadda lama ridi karo jeer aan amarkaas ka maqalno afka madaxweynaha, siduu sharcigu dhigayo. Raggiina ma wada dhamma ee aan isla sugno” Xikmada ku jirta waxay tahay inuu madaxweynuhu amarka goynta naftaas leeyahay, intaan xabbadda la ridinna uu qofkaas cafis u fidin karo. Waxaa u jawaabay Xeer Ilaaliyaha Maxamadda Badbaadada Col. Cabdinuur (waana Col. Cabdi Nuur Yuusuf in Yuusuf Tumey sida la iigu sheegay, oo Cumar Maxamuud, Reer Mahad u dhashay) oo ku yiri: “Anigaa xilkaas qaaday ee ragga ha la toogto, inta maqanna marka la keeno ayaa la tooganayaa.” Markasaa inta geedka lagu xiray la toogtay. Ragga intiisa kalena waa la keenay oo ayagana inta geedka lagu xiray la dilay.” Waa intaas warkuu ninkaasu ii sheegay. Waxaa hubaal ah inuusan wariyuhu ahayn qofka kali ah oo goobtaas ku sugnaa, oo dad kale oo askar iyo shicibba lehba way joogeen, oo waxa halkaas ka dhacay u jeeday oo maqlayay, wayna fiicnaan lahayd in dadkaas ciddii laga helo la warsado hadduu arrinku sida wariyahaas laga wariyay oo aan soo sheegnay u dhacay oo uu goobtaas khilaafkaas ka dhacay iyo in kale. Intaasuu ninkaasu ii sheegay, waana nin aan ka rumaystay inay sidaasu wax u dhici kareen, isagoo hayay xil u suurta gelinaya inuu xogtaas ogaado, iiguna warramay sida isagoo goob jog ahaa oo kale iyo sida ayadoo ay shalay dhacday oo kale, iyo niyad samiba, oo runta iyo beenta waa la kala yaqaannaa. Ninkaas ii warramayna, ragga la dilay midkoodna qabiil lama wadaagin, siduusan madaxda dawladda midkoodna uusan qabiil ula wadaagin.
Anigu qaanuun iyo sharci yaqaan iyo qareen toona ma ihi, waxaanse maqlay in dawladaha adduunka marka qof dil lagu xukumo uu amarka ugu dambeeya ee dilkiisa leeyahay madaxweynuhu. Dalkaan aan hadda joogo oo maryakanka, tusaale ahaan, amarka ugu dambeeya waxaa iska leh “The Governor” oo ah guddoomiyaha gobolkaas, oo taleefan fulinta dilka qofkaas ku amra. Dalkaan maraykanka qofka dil ku xukaman maalinta la gooyay in la dilo waxaa la keenayaa qolka lagu dili lahaa oo xabsiga ku dhex yaalla. Qolkaas waxaa dhex taalla sariir suuman leh, markaasaa qofkaas sariirta la saarayaa, kaddibna suumanka lagu xirayaa, waxaana sariirta dhineceeda taagan ninka cirbadda ay ku jirto suntan lagu dilayo ku mudi lahaa. Markaasuu sariirta ku xiriyaa. Qolkaasu wuxu leeyahay darbi muraayad ka samaysan. Muraayadda gaasheeda waxaa yaalla kuraas ay fadhiyaan dad ka socda qofka la dilayo reerkiisa, iyo qareenkiisa iyo qof ka socda xeer ilaalinta guud. Waxaa kaloo halkaas fadhiya qof taleefan ag yaallo oo sugaya amarka guddoomiyaha gobolka (governor) in qofkaas sariirta ku xiran oo ay u wada jeedaan dhammaantood la dilo, ama dilkiisa dib loo dhigay. Markuu amarkaas helo, ayuu qofka taleefanka haysta amarka guddoomiyaha gobolka u sheegaya ninka qolka ku jira, kanoo hadduu amarku ahaa in ninka sariirta ku xiran la dilo uu cirbadda ku mudayo ayadoo ay dadka qolka dibaddiisa fadhiyana u jeedaan, markhaatina ka ahaanayaan sida loo dilayo ilaa uu ka dhinto. Hadduu amarku ahaa in qofkaas sariirta ku xiran dilkiisa dib loo dhigayna, suumanka ayaa laga furayaa oo qolkuu xabsiga ku lahaa dib loogu celinayaa. Golaha Murtida iyo Madadaallada Ninkaasu wuxuu kaloo ii sheegay inuu madaxweynuhu Golaha Murtida iyo Madadaalada kula hadlay soomaalida, oo ay ka mid yihiin culummada ugu waawayn ee dalka, uuna u sheegay dambiyaday galeen raggaasu iyo sababta dilka loogu xukumay.Wadaad kasoo horjeestay hadalkaasna ma jirin. Aniga laftayda oo qoraalkaan dhigaya goob jog ayaan ahaa shirkaas oo u dhacay siduu ninkaanu ii sheegy, shirka Stadium-kana goob jog ayaan ka ahaa. Ninkaan ii warramay waxaan u diray qoraalkaan intaanan daabicin, inuu warkiisu sidaas ahaa, waxaanna waydiiyay inuu oggolaado inaan magaciisa qoraalkaan ku sheego, wuuse iga aamusay. Saddex warqadood ayaan saddex goor u kala dhigay inuu hubiyo inuu warkiisu sidaas yahay, waxaanna waydiiyay inaan magaciisa qoraalkaan ku dari karo. Saddexda goorba wuu iga aamusay oo iima soo jawaabin. Markaasaan u gartay inuusan raalli ka ahayn inaan magaciisa sheego.
LA SOCO QAYBTA 3AAD Arbacada dambe insha allah
W/Q: Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM