XEERKA QOYSKA EE 1975 – Qaybta Koowaad. W/Q: Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

1379799_511762472253556_114867032_n

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله رب العالمين، والثناء لله، وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد وعلى آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا

كلما ذكر الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد

Xeerka Qoyska ee 1975 – Qaybta Koowaad

Cilmigu waa ammaano siduu Ilaahay الله Quraanka noogu sheegay, waana cidda ammaanadaan leh loo gudbiyaa. Ogaalkuna cilmiguu ka mid yahay Ammanadaas qaybteeda hore ayaan soo gudbinayaa, ujeeddo kalena kama lihi.

Xaajji Bashiir Sheekh Xuseen Cismaan “Bashiir Lugey”

Markay taariikhdu ahayd bisha Shacbaan ee kun afar boqol sideed iyo labaatan iyo bishii ka horreyseyba ee Rajab رجب\ una dhiganta bilaha Luulyo iyo Agoosto laba kun iyo toddoba ayaa waxaa ii warramay walaalkay Xaaji Bashiir Sheekh Xuseen Cismaan, “Bashiir Lugey”, wuxuuna iigu warramay gurigiisa ku yiil Springfield Virginia ee dalka maraykanka, wuxuuna iiga warramay laba kulan oo uu la yeeshay madaxwaynaha Soomaaliya Sarreeye Gaas Mudane Maxamad Siyaad Barre, Allaha الله\ labadoodaba u naxariistee.

Bashiir wuxuu yiri:

“Marka raggii “Xeerka Qoyska” ka mudaaharaaday la xiray, dilna lagu xukumay, ayaan waxaan u tegay madaxweyne Maxamad Siyaad Barre, aanna ku iri:

“Maxaa kuu geeyey Quraanka, maxaadse ku falaysaa dilka raggaan?”

Wuxuu yiri:

“Anigu Quraan ma fasirin, Aayadda dhaxalka ee Suuratu Al Nisaa’-na سورة النساء\ yaan lagu dhaqmin ma oran! Arrinkaan waxaa wadatay dawladda, oo wasiirada u xilsaaran ayaa Golaha keenay, waana la aqbalay, aniguna waa ku dhawaaqay anigoo magacooda ku hadlaya.

Sarahaaan Xamarweyne waxaa ku jira haween aan dhaxalka aabayaalkood iyo raggooda wax laga siin. Miyina waxaa jooga haween aan horwenta geelay dhaxalka u leeyihiin la siin.

Aniguna soomaali oo idil ayaan madaxweyne u ahay. Marka, waxaan doonayaa inaan haweenka xaqqooda u sugo. Qofka Aayadda dhaxalka ku dhaqmayana sharcigaanu diidi mayo, oo isagay jirtaa.

Tan raggaan la xiray ku saabsanna, wadaaddo ma aha ee waa afmiinshaarro, doonaya inay dalka fitno ka dhaliyaan. Intay masaajidyada tageen ayay waxay yiraahdeen inay dawladdu gaalowday, dawlad gaalo ahna shacbi muslin ah ma xukumi karto. Fitnadaas daraadeed ayaa loo xiray.”

2

Waxaan ku iri:

“Hadaba raggaan yaan la dilin ee iska cafi.”

Wuxuu yiri:

“Anigu dilkooda waxba ku fali mayo. Haddase waxaan u socdaa Suudaan, markaan kasoo noqdana waa cafinayaa.”

Intaasoo kalena waxaa madaxweynaha ku yiri guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka Sheekh Maxamad Aw Maxamuud “Dheere” (oo ah Bashiir abtigiis Allaha الله \ u naxariistee, oo Celi Marreexaan u dhashay), madaxweynuhuna intuu igu yiri oo kale ayuu isagana ku yiri.

Madaxweynuhu wuxuu u safray Khartuum الخرطوم\ ee dalka Suudaan السودان\ wuxuuna kasoo noqday mar ay habeen barklii tahay. Markuu waagu baryayna raggii ayaa la toogtay oo la dilay.

Markaasaan ku noqday madaxwaynaha oo aan ku iri:

“Waa taad iga ballan qaaday inaan raggaan la dilini, maxaa loo dilay?”

Wuxuu yiri:

“Waxaan soo noqday habeen barkii, anigoo daallan, markaasaa waxaa la iikenay waraaqo degdeg ahaa oo la iga saxiixay. Kaddibna waan seexday. Markaan subixii soo kacay ayaan xoghaynta u yeeray inaan dhigo warqaddaan raggaas ku cafin lahaa, markaasaa la ii sheegay in qoraalka lagu dili lahaa uu ku jiray waraaqahaan saxiixay xalay markaan safarka kasoo noqday, waana la ii hoos geliyay. Markaasaan hadana warqadda cafiskooda dhigay oo aan saxiixay, aanna amar ka baxshay in Dugsiga Booliska degdeg la geeyo oo sarkaalka madaxda ka ah toogashooda loo geeyo inaan cafiyay. Warqaddaasu waxay Dugsiga Booliska gaartay ayadoo raggii la dilay.” Waa intaas warkiisu.

Bashiir Sheekh Xuseen Cismaan wuxuu ka qalin jebiyay “Machadu Al Daraasaati Al Islaamiyah معهد الدراسات الإسلامية\ ” ee ay Jaamacadda Al Azhar جامعة الأزهر\ ee arliga Masar مصر\ ku lahayd Muqdisho sanadka 1956.

Wuxuu noqday Xghaya Guud ee Xizbiga Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) 1956-1958, wuxuuna ilaa 1969 ahaa xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya, kana soo galay degmada Jilib. Wuxuu ahaa ganacsade Muqdisho laga yaqaanno. Wuxuu ku dhintay Springfield, Virgina, USA, Allaha الله\ u nxaraiistee Apriile 2015.

3

بسم الله الرحمن الرحيم

Marwo Mudane Drs. Maryan Xaaji Cilmi Guddoomiyah Ururka Haweenka Soomaaliyeed

Waxaan fiirsaday waraysi uu Ducaale kula yeeshay Marwo Drs. Maryan Xaaji Cilmi, marwada madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya S/Guuto Mudane Ismaaciil Cali Abokor TV-ga Horn Cable (https://www.youtube.com/watch?v=dcSWGQ3r0Iw), oo la shaaciyay saddex iyo labaatanka bisha Jannaayo laba kun afar iyo toban.

Waraysigaasu wuxuu ku saabsanaa “Xeerka Qoyska” ee Soomaaliya ee kun sagaal boqol shan iyo toddobaatanka (1975). Waxyaalahay marwadu noo iftiimisay waxaa ka mid ahaa inay tiri:

(Kow) United Nations ayaa waxay soo saartay baaq waxayna ku magacawday sanadka 1975: “Inernational Woman’s Year/Sanadka Haweenka ee Caalamiga ah”.

Saddex qodob oo waawyan ayaa lasoo saaray (Waxaana soo saartay UNO oo ku saabsan haweenka):

1.Equality, sinnaan.

2.Development, horumarin.

3.Peace, nabad.

Waxaa sponsor ahaa United Nation, oo waxay ahayd arrin dawladeed oo ma ahayn waxay ururro iska wataan. Guddigii loo magacaabay oo la oran jiray Internnational Preparatory Committee, guddiga diyaar garaynayaa sanadkaas shan iyo toddobaatanka ayaan member ka noqday. Pakejkii (pacakge) baan soo qaadannay, waxaan nimid wadanka, waxaa nalo qaybiyay riijanno: Afrika Aasiya…Somaaliya ayaa lagu qabtay “Regional Preparatory Committee…”

(Laba) Dhinaca kalena waxaa socda sharci oo la yiraahdo Axwaalu Al Shakhsiyah الأحوال الشخصية\

ama sharciga qoyska oo muddo badanba ku dhex meer meereysanayay dawladaha carbeed oo islaanka ah, use janjeera hantiwadaagga. Waxaa ka mid ahayd Suuriya سورية\ waxaa ka mid ahayd Ciraaq العراق\ ,Cadan عدن\ .

Marka waxaa la yiri Axwaalu al shakhsiyah الأحوال الشخصية\ ama “statuto personale” ama sharciga qoyska qof walba si ha u yaqaanne, afar qodob ayuu ka koobnaa:

LA SOCO QAYBTA 2AAD

W/Q: Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Xeerka Qoyska ee 1975 – Qaybta Labaad  Arabacada dambe insha allah 

SHEEKOOYIN