XEERKA XARAFKA (DA’DA) W/Q: Barbaariye, Bashiir Cali Xuseen

XEERKA XARAFKA (DA’DA)

Xarafka (D) waa xarafka lixaad ee taxa alif ba’da afkeenna hooyo, waana xaraf laba dhawaaq yeesha marka erayada la qorayo, maxaa yeelay, afka carabiga waxaa isku xiga deel iyo thaal, balse, taxa alif ba’da ku ma jiro xarafka (Thaal) haddana waynu adeegsanna.

Da’du waxay da’ noqotaa marka ay sadar ka billaabato iyo marka ay xaraf shibbana ah ku xigsato, haddiise ay laba shaqal dhexdood soo gasho, dhawaaqeedu wuxuu noqonayaa: (Thaal), tan kale, da’da soo geli karta laba shaqal dhexdood, haddii aad dooneyso, in ay kululaato laba da’ baad ka dhigeysaa (DD) si ay u kululaadaan ama loo shido. Tusaale ahaan:-

Dowlad marka aad rabto inaad qodob ku joojiso waxaa khasab kugu ah, inaad da’da laba laabto oo aad qorto DOWLADDA, haddiise aad hal da’ kaliya qorto xarafka danbe wuxuu kaa noqonayaa: (Thaal) dhawaaqii adkaana meesha waa uu ka baxayaa.

Tusaale kale: Dadaal, saadaal, socdaal iyo qaar kale oo ka sii badanba dhawaaq ahaan waxaan ka dareemeynaa xarafka: (Thaal) oo aan alif ba’deenna ku jirin cod ahaanna noogu barxan socodka ereyada, waxaadse xeer ahaan ku kala soocan kartaa amaba aad ku kala garan kartaa sidan:- haddii uu xarafka da’da ahi uu shibbane ka soo horreeyo sida magaca ah “WARDA” xarafka dhawaaqiisa da’ adag oo sax ah buu yeelanayaa, haddiise uu xarafka da’da ahi uu ka soo horreeyo shaqal sida magaca ah: “Ladan” deelku (Thaal) buu noqonayaa.

La soco, deelku wuxuu kululaada oo kaliya marka uu sadar ka billowdo iyo marka uu laba laabmo, haddiise isaga oo keligiis ah oo aan shibbane ka horreyn aad qoreyso mar walba dhawaaqiisu (Thaal) buu noqonayaa sidaana waxaa ka dhigaya xeerka da’da.

U hiilli afkaada hooyo.

W/Q: Barbaariye, Bashiir Cali Xuseen

NAGA LA SOO XIRIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN