Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q6AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q6AAD

 

Shiribku waa suugaan dhedhen iyo dhumucba leh waana murti iyo macaan koobaysa wax badan oo aan si sahlan lagu soo gudbi karin ujeeddo ahaan iyo agaasin ahaanba. Waxaanse uga kaaftoomeeynaa qeybihii hore ee aan uga soo sheekeynay, warrannay! Qormadeenna waxaan ku faaqidi doonnaa shiribka hal xiraalihiisa iyo sida loogu kaftami karo, iyadoo wali aysan noo dhamaanin tireyntii aan uga hadleynay xeerka iyo xikmadda Shiribka. Qeybaha dhimman ayaanse ku soo qaadan doonnaa haddii Rabbi idmo: Ee haddaan ku soo qaadanno shirib dhex maray laba laashin oo saaxibbo ahaa waqti dheerna kala maqnaa oo ku kala lumay dagaalladii sokeeye ee dalkeyna ka dhacay ayaa si kedis ah maalin maqaayad isugu soo galay markii salaantii waajibka aheyd ee islaamka la is dhaafsaday ayaa laashinkii yimid oo af gobaadsanaya laashinka fadhiya ayaa isla markiiba ku tuuray Shirib su’aal ah wuxuuna yiri:

 

Waaba ku arki waayayee

Intaad aheyd ayaanahaan?

                 Jawaab

Heer aakhiraadya heer adduun

Heer aan ahaayba maan ogeyn!

           Su’aal?

Haddaan aad waaba ku arkee

Axamad Basooy intoow ahaay?

           Jawaab

Axmed Basooy muggaan arkee 

Waxaa agyiillay uusya dhiig!

        Su’aal?

Haddaan ma soo islaamtayoo

Immaan Abkoow ma leedihiin?

          Jawaab

Minaanan soo islaaminnaa

Illin luqmeedkiyeey agyaal

         Su’aal?

Maan aabbe koo naqdee adduun

Ku aamin yeelo saad ahaan?

            Jawaab

Igu ma iibsan aaran geel

Ibtaadana ka ma imaan!

 

Kaftankaanu sidaas ayuu u dhacay waxaase laga yaabaa dadka aan aqoonta durugsan u laheyn shiribka inaysan hore ka fahmin waxuu ku socdo ee haddaan sharraxno farshaxannimadiisa kaftaan la is dhaafsaday;

 

Waaba ku arki waayayee 

Intaad aheyd ayaanahaan?

 

Wuxuu leeyahay waan ku waayay in mudda ah ee intee jirtay? Xageed ka dhacday? Mase nooleyd?

 

Heer aakhiraadya heer adduun

Heer aan ahaayba maan ogeyn.

 

Macnaha inaan dhintay iyo inaan noolahay ayaanba kala garan waayay, maxaa yeelay, dhibtii ayaa iga badatay oo wax kasta i illaawsiisay, sidaa darteed, nolol iyo geeri ma aqaan mid aan ku suganahay ilaa hadda illeyn waqtigu waa amminkii dagaallada sokeeye dalka ka dhacayeene, qof kastana dhibka ku dareemayay meesha oow ku noolyahay!

 

Haddaan ad waaba ku arkee

Axmed Basooy intoow ahaay?

 

Adigu waad nooshay waana ka badbaadday wixii dhacayay sida ii muuqata oo waaba ku arkaaye, aaway Laashikii kale ee aan saaxibbada wada aheyn ee Laashin Axmed Basooy, ma noolyahay mase waa dhintay?

 

Axmed Basooy muggaan arkee

Waxaa agyiillay uusya dhiig

 

Wuxuu leeyahay laashin Axmed Basooy waa geeriyooday, waxaana arkay asigoo meyd ah oo la aasayo marka seefta ayaa qaadday oo laashinku waa dhintay! (AUN)

 

Haddaan masoo islaamtayoo

Imaam abkoow ma leedihiin?

 

Laashinka oo wali kaftamaya dhiggiisa kalena ku og calool furnaanta iyo shirib yahannimo ayaa leh maadaama la is khilaafay dhib badanna uu dhacay dadkuna ay is dileen haddii lagoo ceymiyo intii hartay ma na soo raaceysiin oo ma leeydiin talin karaa? mase wali halkiinii ayaad joogtaan oo madax adeeg ayaa idinku jira?

 

Minaanan soo islaaminnaa 

Illin luqmeedkiyeey agyaal

 

Wuxuu ugu jawaabayaa asigoo ka hal celinaya shiribkaa saaxibkiis ku duray isla markaanna quus taagan ayoow leeyahay haddii aan soo laaban waayo waa lay dilayaa oo leey dhaafi maayo marka waa inaan idin adeecaa halkii leey dili lahaa!

 

Maan aabbe koo naqdee adduun

Ku aamin yeelo seey ahaan?

 

Wuxuu leeyahay aniga isoo raac si aan koo aamin yeelo dadkana kaaga celiyo, maxaa yeelay haddaan anigu ku haayo cid ku hammi kartaahe ma jirtee aan aabbe koo noqdo anigana garabkeeyga soo gal!

 

Igu ma iibsan aaran geel

Ibtaadana ka ma imaan; 

 

Haddaan si kooban u sharaxno laashinku wuxuu hal celiyay anigu ku ma raacayo geelna igu ma soo iibsan, gadan, oo addoon kuu ma ihi aabbena ii ma noqoneysid oo ima dhalin, sidaa darteed, horteeyda ayaan u noolaanayaa ee aan kala wareegno!

 

Haddaan soo qaadano Shirb kale oo halxiraale ah Laaahin Rooble Mocoow (Rooble Boon) Alle how raxmade

waxaa la yiri: asigoo goob ka shirbaya ayaa laashin kale oo raba inuu dadka baro Laashin Rooble iyo qabiilkiisa aa Shirib kuu su’aalay laashin Rooble wuxuuna yiri:

 

Intaad summadda saaratiin

Intaadse sal ku leedihiin?

 

Laashin Rooble Mocoow ayaa la su’aalayaa wuxuuna leeyahay sumadda intaaad saaratiin macnaha intee Xoolaha ka suntatiin? Sumadda haddaan sii sharaxno waa astaan xoolaha lagu dhigo si loo aqoonsado reerka iyo jufada iska leh: haddaan sii ballaariyo waa sida qaran kasta ama waddan kastaaba Calan u leeyahay lagu aqoonsado marka taas ayuu weydiinayaa iyo meesha ay deganyihiin oo guryihiisa, gasadiisa, gasiinkiisa, iyo goofkiisuba ku yaalliin iyo dhulka qabiilkiisu degto! Laashin Rooble Mocoow oo dhoollacaddeynaya fahansanna shaxda laashinka kale ka damacsanyahay ayaa yiri:

 

Sumadba meel ma saarannee

Sabuul baxaan la soconnaa.

 

Wuxuu ugu jawaabay Laashinkii kale annagu meel aan degno ma jiro iyo dhul aan gooni u leennahay ee halkii gu’ga ama deyrto ka curato ee roob ka da’o ayaan aadnaa ama u guurnaa mana jirto meel aan ka ceshoonnahay oo la inoo diidayo!

Waxaa kale oo taariikhda aan qorneyn lagu sheegay in Laashin Roobe Mocoow (Rooble Boon) isugu yeeray qabiilkisa oo ahaa dadka la takooro ee lagu xadgudbay lana faqooqo, qabiilka loo yaqaan (Boon) ayaa waxa uu u dhigay kulan ama sab markii sabti ay cuneen dadkii martida ahaa iyo kuwii loo soo martiyey oo Laahin Rooble hoggaanka u ahaa ayaa sida caadada aheyd waxaa la heeraaray goob shiribeed laba saf ah waa safki yimid iyo safkii loo yimide, markaasaa laashin martida ka mid ah ayaa shirib ku duray laashin Rooble wuxuuna yiri:

 

Rabtaan haddeey ka roogsadaan

Ruun maysugu rari kartaa? (Qabiilkaaga)

 

Wuxuu ula jeedaa sabtaan, ama kulankaan haddeey ku kala tagaan meel ma isugu geyn kartaa qabiilkaaga? Oo ma awooddaa inaad ka dhigto qabiil magac iyo maamuus leh oo wada jira? Laashin Rooble ayaana ugu jawaabay maya oo.

 

Gobalna room caddeey jiraan

Gobalna room carracadeey

 

Laashin Rooble Alle hoow naxariistee wuxuu yiri: meel isuguma geyn karo mana isla joogaan isu mana geyn akro oo waxay kala jiraan koofur iyo waqooyi ama bad iyo buur waxaa la yiri: room cadde dhinaca duurka, hawdka, ama jedda loo yaqaan ayow jiray carracadna waa dhulka badda u dhaw ee la yiraa balli, deex, ama gubta, sidaa aawgeed, wuxuu leeyahay inaan meel isugu geeyaa waa waxaan soortagal aheyn annaan ammin dhaw dhici karin!

Haddaan ku soo qaadanno shirib kale oo asna aad loo adeegsado nin laashina ayaa ka soo guuray gobalka shabeellaha dhexe, gaar ahaan meel u dhaw degmada Ruunnirgood, una soo guuray Shabeellaha hoose gaar ahaan magaalooyinka Shalaambood iyo Marka markii uu maqnaa sanooyin badan ka dib ayaa waxaa leysugu yimid meel kulan ah laashin kale oo qaraaba la ahaa rabana inuu wax ka faa’iideysto ayaa ku yiri:

 

Surun deg summalnuu aroor

Siyaara joog ma saan go’yee?

                    Jawaab

Salbukaya sabuul ganleey

Nin saatay surun yeeli maa!

 

Wuxuu kula taliyay inuu dib u soo laabto soona guryanoqdo qaraabadiisa iyo tolkiisana dhexda ka soo galo, siyaarada iyo sabaha la dhigayana kasoo qeybgalo. Wuxuu leeyahay haddii aad joogtid meelaha qaraabadu ku duceysaneyso ma saan go’eysid ma dabar go’eysid mana cirib tirmeysid oo ducada qaraabada iyo tolkaaga waa lagu bullaalmaa ee naga la soo qeybgal intii meeshaas fog aad kaligaa ku noolaan lahey.

 

Salbukaya sabuul ganleey

Nin saatay surun yeeli maa!

 

Wuxuu leeyahay meesha aan ku noolahay ee Shalaambood iyo Marko, nin soo arkay beeraha ku yaalna tabcaday oo beertay kaa yeeli maayo u noqo meeshii aad ka timid oo surun iyo summal aheyd ee ha igu daalin. Salbuko waxay ka mid tahay dallaga la beerto walibo waa sidii diirta ama digirta wax yar ayey ka yar yartahay maahane waa sidii digirta ganleeyna waa middaan wada naqaan! Laashinkii markii hore su’aalay ayaa ku sii celiyay shirib kale oo yiri:

 

Sumaddu ma sideediyaa

Mase cidaad u saar tihiin?

 

Wuxuu leeyahay haddaad iga diidday soo guryanoqo walba xoolaha wali sumaddeynii naga wada dhaxeysa miyaad ku dhigatiin, mase dadkii aad u degteen u tagteen ayaad sumaddoodi qaadateen? Laashinkii soo guuray wuxuu asna ku halceliyay Xoolaha.

 

Seddex jirkooda waa suntaa

Socdaalku ha ku soo sawdee.

 

Xoolaha wali waa suntaa oo Sumaddii naga wada dhaxeysa ayaan ku dhigaa Macnaha aqoonsigii aan wada laheyn seddex jir waxaa laga wadaa inta badan lo’da ama geela waxaa la suntaa marka ay gaaraan seddex sano, sidaa darteed wuxuu dhahayaa si dadka safarka ah ama socotada, socdaalka ah u aqoonsadaan ee gurigeyga ugu soo leexdaan, si ay u ogaadaan in dad qaraabadooda ka mid ah halkaan degganyihiin, sidaas ayaana shiribka la isugu halxiraaleyn jiray una hor marsanaa walina u sii hor marayaa. Waa suugaan kooban dhawaq ahaan laakin laga wada yaqaan dhulka soomaalidu ku nooshahay Geeska gees!

Waxaan ku soo afmeerayaa qormadeydaan shirib xifaaltan ahaa oo dhexmaray Laashin Rooble Mocoow iyo laashin kale oo aan hadda magaciisa xasuusan. Waxaay isku qabsadeen anaa kaa shirib badan iyo anaa kaa shirib badan, markaas ayaa si loo kala saaro labada laashin, ayaa laashin Rooble fikir keenay yaab leh, wuxuuna soo qabtay nacnac meesha yiillay, illeyn meesha lagu xifaaltamayo dukaan dhexdiis ayey aheyd, wuxuuna yiri: Laashin Rooble Lug Shirib ah ayaan sheegayaa nacnacaan ayaanna cirka ama kor u tuuraa, ee inta owsan dhulka ku soo dhicin lugtii kale sheeg!

Laashinkii kale oo asiguna is ku kalsoon ayaa aqbalay fikraddii Laashin Rooble keenay kuna yiri lugtaada la bax nacnacana kor u tuur sidii ayuuna yeelay Laashin Rooble ayaa nacnicii kor u tuuray wuxuuna yiri: 

 

Waa xabag waana xoola gaal

 

Laashinkii kale oo jawaab laga sugayo intaan nacnaca kor ama cirka loo tuuray dhulka imaan, ku soo dhicin, ayaa yiri:

 

Xaanshaana looga yeelay Xood

 

Labadii laashin halkaas ayeey isku marxabbeeyeen iyagoon shirib isugu faaneyn oo is xushmeeynaya isna barteen kuna saaxiibeen labada lug ee shiribka ahna waa sidaan wadartoodo 

 

‘Waa xabag waana xoola gaal

Xaanshaana looga yeelay xood!

 

Laashin Rooble wuxuu ku halxiraaleeyay nacnaca waxa laga sameeyay xabag waxaana sameeyay gaalo, maadaama aan wershedo soo saaraa aaneyn dhulkaa ku oollin dadku badanaa waxay u yiqiinneen wixiiba la soo wershedeeyo in gaalo leedahay, inuu Shiribka ku quruxsaayana waa laga yaabaa illeyn laashin kale oo halis ah ayey is hayeene. Laashinkaas asna jawaabtii ku ma daahinoo wuxuu leeyahay waa runtaa oo waa “Xabag iyo Xoola gaal”

Waxayna labis, ama Xood, dhar, astur iga dhigeen Xaansho, bac ama waraaq!

Haddaba Shiribku haansahaas iyo haaneedkaas farshaxannimo, ayuu leeyahay waana suugaan qoftii fahantaa ku raaxeysato, una hinaasto inay keydsato!’

 

W/Q: Xasan K. Cuute (Shiribmaal) 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.