Xeerkan iyo Xigmada Shiribka!Q2AAD W/Q: Laashin Cuute (Shiribmaal)

                    

Xeerkan iyo Xigmada Shiribka!Q2AAD

Waxaynu hore u soo qaadanay,arrimaha shiribka iyo qaababkiisa kale duwan,waxaan soo sheegnay laba qaybood oo kala ah,shiribka Halleey iyo Labaaley, haddaba inaga oo hore usii wadi doona, waxaynu wada gelaynaa, Shiribka saddexleeyda iyo faracyo ka badan.

Shiribka Saddexaaley iyo ka badan.

Qeybta Seddexaad oo ayaan inta badan dhicin, marar dhif ah maahine, kulamada shiribka ee ragga laashimiinta ahi isugu awood sheegtaan ayaa laga yaaba labaatankii kulan shireedba mar iney soo gasha ama mar la adeegsadu, waana sidan Saddexaaleydu:

 

  • Lameey uga duwan yihiin
  • Lama walxaato deel ku taal
  • Dameera isku dayasheey
  • Duunya uga duwanyihiin
  • Dadkuna isku damqasheey
  • Dugaag uga duwanyihiin.

 

Shiribkaan lamaaleyda lagu magacaabo waa lasii badii karaa ilaa sedex, Afar, Sagaal, ilaa toban, Waala gaarsii karaa Laakin Sharciga Shiribka ayaan ogoleyn. Mar haddaad tiraa “laba waxlaato oo Miin ku taal waa inaad labadaa ku ekaataa; waxii soo raaci karaa waa hal kale oo Nikax ama Afmeer, laakin inaad tiraa lama walxaato oo aad Afar la baxdaa lagaama yeelayo, Xeerka Laashimiintana kuma jirto!

(3) Shiribkaan Seddexleey ayaa la yiraa waana hab laashimiintu isticmaalaan inta badan, waxaanba dhihi karnaa waa Shiribka ku soo xiga halleeyda xagga Curitaanka laashimiinta marka “Goob ama Gole” la isugu yimaado la isku wareysto marka lagasoo tago “Halleeyda” Shiribka kusoo xiga waa seddexleeyda waana noocyo badan yahay, wax alba oo suugaan lagu sheegana waa leeyahay, waxaanba dhihi karnaa waa qaabka ugu badan ama caynada ugu adeegsiga badan, waxaana loo adeegsadaa:

“Ammaan, Gubaabo, Dardaaran, Duco, Waano, Faan, Halxiraale, qaab walba oo suugaan loo maro!” Meel aan lagu cabbiri karin m ajirto, haddaan tusaale usoo qaato, Seddexleeydaan.

 

  • Seddex walxaato goyn ku taal
  • seddex kaleeto woow gargaar,
  • Goosaar nin waayay maad garuur
  • Ganleey ku siiso woow gargaar,
  • Go,id nin fishay moow garoob
  • Geber ka helo woow gargaar,
  • Gaadiidki ka yimaad god ceel
  • Meel geed madoole woow gargaar!
  “Laashin Xasan Culusoow”

 

 

Mar kale iyo saddexleeydan waxay noo iftiimineysaa isku xirka iyo jaangooyada saddexleeyda :

 

  • Sedex walxaato deel ku taal
  • Damooda dan Manoo yihiin?
  • Dalkeena duul indho damaa
  • Duubkuu xirtee Manoo danaa?
  • Daacad waxaa ka roon dib dhaaf
  • Daddaa dhehee Manoo danaa?
  • Dalkaanoo gaala soo degee
  • Daddaa rabee Manoo danaa?

Afmeer

  • Duuduub warkee dadkeygiyoow
  • Diinteynu ma qabtaa is doox?
            “Laashin Ibraahim Cali”
  • Seddex walxaato Miin ku taal
  • Waa mantal waana isku maan,
  • Madaxda joogta muqdishoow
  • Waa mantal waana isku maan.
  • Mooryaanya naag muqaalifaa
  • Waa mantal waana isku maan.
  • Macalim kiisya miina duug
  • Waa mantal waana isku maan:

Afmeer :

  • Madaal nin beega Mar marow
  • Miisaanka Ka dhigyaa mid haaf!

              “Laashin Ibraahim Cali”

 

  • Sedax walxaato waa dhuntee
  • Yaan dhur sugnaa haleys dhugtee!
  • Dhulkeyni hooyo waa dhunyee
  • Yaan dhur sugnaa haleys dhugtee,
  • Ku dhaqan diinu waa dhuntee
  • Yaan dhur sugnaa haleys dhugtee;

 

  • Isku dhawaasho waa dhuntee
  • Yaan dhur sugnaa haleys dhugtee!

Afmeer:

  • Dhedhemo raac ma dhiiranoo
  • Dhulkiisow cadowguu dhagraa!’

 “Laashimad Hani muxudiin”

 

  • Sedex walxaato Qaaf ku taal
  • Sedex kalaa ka sii qaraar’
  • Qurbaya meel qaboogu yaal
  • Qaxootiyaa ka sii qaraar;
  • Quusya dagaalya qayilaad
  • Qaran dummaa ka sii qaraar;
  • Qalad in leesku qaatana
  • Qor goysnimaa ka sii qaraar,

     Afmeer:

  • Qeyb qeyb intiisu qeybinnaan
  • Qurba wali usii qaxnaa?

            “Laashin Shirib-maal”

 

  • Sedax walxaato laan ku taal
  • Soo laabatee ma lib qabtiin?
  • Lixdanki Ka hor Lurki yiil
  • Soo laabayee ma lib qabtiin?
  • Lixya labaatan Leyr maqneed
  • Soo laabatee ma lib qabtiin?
  • Layloo maqneeday lix bilood
  • Soo laabatee ma lib qabtiin?

        Afmeer:

  • Luxud qofkiis ma loolamee
  • Soo laaqa laashimiintiyeey!

 

Waxaan fillayaa inaan isla fahannay macnaha Shiribkaan seddexleeyda ah iyo ujeeddooyinkoow koobayo laakin xaqiiq jirta wada ah, hubaal marka aad dooneeysid inaad intaan “Gabay” kusoo koobto Waa inaad wadda dheer iyo hoga tusaaleyn badan soo martaa, kaddib aad ku timaadaa      ujeeddada aad rabto in lagula qaato, lana garto, isla markaana lagu fahmo, iyadoon lagu wareerin laguna warsan mar kale. waa hadal Cadcad murti iyo macna isla jaanqaadayana leh oo ogaal, Aqoon, iyo garasho kuu kordhinaya, Maskax ahaan iyo milge ahaanba! Waa halka ay Abwaanno badan oo Gabyaa ahi ka jecelyihiin Gabayga iney Shirbaan, iyagoo og inuu yahay Gabaygu kuruska ama baarka suugaanta, haddana koobnaanta iyo isa saarka shiribka ayaa uga fudud inuu ujeedkiisa saddex lugood ku koobo, halkuu boqol tudcood oo gabay ah, una kala baxsan, Arar, Ubuc, Duluc iyo Afmeed tiring lahaa. Sidaa darteed Shiribka Seddexleeyda la yiraa waxaan dhihi karnaa waa qeybta labaad ee ugu caansan xagga curitaanka iyo cabbiraadiisaba aadna loo adeegsadu lana jecel yahay laguna raaxeesto.

 

La soco qaybaha dambe

W/Q: Laashin Kaamil Xasan Cuute(Shiribmaal)

SHEEKOOYIN