Xiddigihii Rajada W/Q: Axmed Cali Cabdi

unnamed

Xiddigihii Rajada

Geeddi wuxuu ahaa kuray aad ugu fiican waxbarashada waxa uuna u kallahaa aroor hore dhiska Quraanka halkaas oo uu ka aflaxay macalinkiisa Aadan, Geeddi waxa kale oo uu dhigtaa dugsiga Ramaas waana fasalka 5aad ee dugsiga dhexe, waa arday aad looga jecelyahay labada goobood ee uu wax ka barto.

Inkastoo uu yaraan ku waayey hooyadiis, Geeddi naxdintaas ma ilaawin weli, coloolyowga hooyo la’antuna waa laxowga ugu weyn ee haysta, haddana waxa uu la noolyahay aabbihii oo ay subaxa hore u wada bixi donaan socdaal dalxiis lagu geyn doono Geeddi.

Bulxan waa aabbaha Geeddi wuxuu aroor hore toosiyey inankiisa si ay masjidka ugu soo oogaan salaadda arooryo ka dibna ay ugu baxaan safarkooda, sidii horay loogu yaqaanayba Geeddi waxa uu ku soo laabtay hoygoodii markii uu soo tukaday salaaddii, wuxuuna akhristay quraankii raatibka u ahaa waxaana la gaaray waqtigii safarka.

Bulxan iyo Geeddi yare wey kasoo ambabexeen magaaladii ay daganaayeen iyaga oo ku safraya baabuur dheeraynaya, wuu faraxsanyahay Geeddi waxaana la barayaa dhirta iyo xayawaanka ku cusub ee aanu horay u arag, isagoo mar walba weydinaya aabbihiis su’aalo ay ka mid yihiin “magaceed meeshaani aabbe ?, Xayawaankaas maxaa loo yaqaan?…. IWM”, Bulxan oo isku dayaya inuu Geeddi si fiican uga il-bogto shimbiraha qurxoon iyo dhirta bilicda leh wuxuu hoos u dhigay xawaaraha baabuurka wuxuuna macallin ugu noqday Geeddi baridda dhirta iyo deegaanka, mar Bulxan gaariga wuu hojiyaa si uu miro uga guro wiilka ama uu u cabbo xareedda balliyada waran, Geeddi oo aad u faraxsanna wuxuu seexdaa marna ku dul ordaa dhulka oo dooggu qariyey.

Safarkii haddii muddo lagu jiray Geeddi wuu yara daalay wuxuuna u sheegay aabbihii inuu gaariga istaajiyo si uu u seexdo cabbaar dhirta hoosteeda ee aanu waligiis hoos jiifsan, hagaag ayuu ku jawaabay Bulxan wuxuuna gaarigii ka weeciyey waddadii isagoo ku dhaweeyey geed aad u weyn oo hoos harac ah leh, Geeddi isagoo hididiilo wacani wajigiisa ka muuqato ayuu lasoo dagay gogoshiisii wuxuuna usoo dhaqaaqay dhankii geedka wuuna seexaday, laxow iyo dareen aabbe ogide waxa uu Bulxan gaar ka hayey wiilkiisa, wuxuuna isku tiiriyey jiridda geedka isagoo salka dhulka ku haya, wax yar ka dibse hurdadii baa kaga takarisay, layaab ma lehoo waa astaamaha naxariista iyo dooggee, wuxuu kacay xilli himhimow ah oo mugdiga habeenka oo sii liicaya aawadii aanan si wacan loo kala sooci karin xaga uu baabuurku ka xigo iyo jihada qiblada, wuxuu toosiyey Geeddi oo hurdo wacani u socotay ” toos aabbe aanu tukanee kadibna socdaalnee ” ayuu yiri Bulxan.

Tukashadii kadib waxaa lasoo fuulay gaarigii waxayna sii wateen safarkoodii, Xilli barwaaqo ah inay tahay dareentay adba’e, waxaa yimid roob mahiigaan ah oo aad u xoog badan, Bulxan wuxa uu kordhiyey xawaaraha gaariga si uu uga gaaro tuuladii uu u socday taas oo Geeddi loo dalxiis gayn lahaa, qadaraha eebbe kaa xoog badan sida uu wax u rabo bayna mar walba ahaane Bulxan waxa si lama filaan ah gacantiisa uga baxay maamulkii gaariga, aragtida wadada oo liidatay awgii iyo xawaaraha gaariga oo sarreeyey, hal haleel ayuu isugu dayey inu hojiyaha baabuurka qabto, lakiin dadaalkaas oo dhan waxba kama ahaan waxa is rogay gaarigii oo ay saaranyihiin Bulxan iyo Geeddi.

Miyir beel iyo dhaawacyo halis ah ka dib waxaa soo miyirsaday Geeddi oo jugo soo gaareen, wuxuu ka soo baxay gaarigii isagoo ku dhawaaqaya ” aabboow “!!, xilligaas waxaa waddada ku soo gaaray gawaari safar ah waxaana sii dhammaanaya roobkii, Geeddi oo dul fadhiya aabbihii kuna leh “aabbbe ka kac” asii aan Bulxan noolayn, waxaa lasoo joogsaday nin ka mid ah dadkii sadcaalka ahaa, kor waayeel wa wada indhee, dhakhsaba wuu dareemay in inanka yari aanu garanayn waxa helay aabbihii ee u la toosi la’ yahay, waxa uu qabtay gacanta isagoo qalbiga u dajinaya ayuu ku yiri ” adeer wuu soo toosi doonaa” inkastoo Geeddi uu arkayo dhaawacyda aabbihii soo gaaray haddana ma filayo Geeddi in tani ugu darsanto geeridii hooyadiis,

Geeddi wuxa uu u dhaqaaqay dhanka geed u dhawaaa oo waddada hareerteeda saaran isagoo ilmaynaya, raggii waxay bilaabeen inay gutaan waajibkooda oo qaban-qaabiyaan aaskii Bulxan.

Geeddi dareen inaan sidii caadiga ahayd wax u socon, wa aadanee wuxu bilaabay inuu dadka wax warsado wuxuuna u tagay ninkii dadka ugu soo horreeyey waxa uuna weydiiyey waxa aabbihii helay ” adeer aabbe Allihii uuntaa oofsaday waana ku raali ” ayuu yiri ninkii, Geeddi hadalka intiisa dambe wuu liqi kari waayey wuxuuna kusoo celiyey su’aal ahayd ” yaa ku sheegay inuu ku qanacsanyahay? ” ninkii oo fariisinaya Geeddi aya yiri: “adeer marka aan tawxiidka ku dhawaaqayno waxaan raali ka nahay xukunka Eebbe mawdkuna waa lama gafaan ” Geeddi wuu xaqiiqsaday inuu aabbihiis waayey, waxaa daatay xiddigihiisii rajada waxaa mugdi isu badalay iftiinkii noloshiisa, waxaa doorsoomay dhammaan farxaddii dalxiiska maanta, waxaa kala joogsan weyday ilmadii indhihiisa, intaas waxaa u dheer fekerka iyo welwelka kalinimada, maskaxdiisa oo wadarayn la’ farxadihii iyo murugooyinkaan is xigay dartood wuu miyir daboolmay markale.
Geeddi oo la soo aasay aabbihiis Bulxan ayaa waxa lagu soo celiyey hoygii uu magaalada ka daganaa isagoo ay weheliyaan qaraabadiisa, durba wuxuu dareemay cidlo iyo murugo hor leh, garab la’aantu kala xanuun badane waa habeennimo, wuxuu dhex joogaa gurigii uu farxadda iyo rayn-raynta kaga baxay oo uu ugu soo laabtay mugdi iyo cidlo. Waxaa ku so dhacdhacaya hadaladii aabbihii ee dhiirri galinta iyo ballan-qaadyada ahaa, inkastoo aabbihii dareensiin jiray inuu kali noqon karo ee laga rabo inuu dadaal ku dhaafo caqabadaha soo wajihi doona haddana marna ma ilaawi karo ballan-qaadyadii quruxda badnaa ee aabbihii u sameeyey, qaybtoodna idinka rabbi loo oofiyiyey. Geeddi garwaaqsay inaysan idinka rabbi ku ahaan kuwa kale inuu aabbihiis u rumeeyo balse wuxuu ka fakarayaa sidii isagu u gaari lahaa himilooyinkiisa.

Waxa uu usoo baxay guriga dibadiisa hurdo la’aanta iyo cidlada darteed xilli dadkii la joogay ay hawshii badnayd awgeed gataati dhac hurdo la daateen, ceel nin galay baa laga waraystaaye, Geeddi isagu waa meeraysanayaa, marna lugahaa qaadi la’ oo wuu fariisanayaa, wuxuu hal mar kor u eegay cirka ” hammigaagu ha la sinnaado xiddigaha” oraahdan ayaa ku so maaxatay Geeddi oo uu aabbihiis mar walba ka maqli jiray.
xiddigihii rajada ayuu Geeddi mar kale daalacanayaa wuxuu iskula hadlyaa ballantii aad aabbahaa ka qaadday rumee.

“Rag talo kama dhamaato” ayaa uu aabbihii ugu maahmaahi jiray markuu ka waraysanayo waxbarashada wuxuuse caawa dareemayaa cidlo isagaana go’aan qaadanaya.
Geeddi wuxuu hoosta ka xariiqday dadaal iyo inuu waalidkiis waxay ku soo tabceen rumeeyo isagoo weli eegaya xiddigahii rajada ee uu oraahyadii quruxda badnaa kusoo xusuustay.

Dulucda sheekada

Sheekadan xiddigaha rajada waxaan u curiyey inay soo muuqanayaan xidigihii rajada dalkeenna hooyo, anigoo Geeddi ka soo qaadayey soomaaliya, waxaana dadaalka iyo Geeddi-socodka dalkeenu ku jiro ku tusaaleeyey xiddigihii rajada ee Geeddi, anoo darxumooyinkii soo gaaray waddankeenna ka soo qaadaya ilmo rajonnimo ku koray (gumaysigii), haddana markii uu waqti aabbihii la qaatay waayey (dawlad la’antii) ka dibna go’ansaday inuu isagu isku tashtoo meel iska soo saaro.
W/Q: AHMED ALI ABDI

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.