Xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo deegaanka W/Q: Cabdiraxmaan M. Warmooge

unnamed

 

Xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo deegaanka

 

Dadka iyo deegaanka waxa ka dhexeeya xidhiidh xooggan kaas oo soo jiray tan iyo intii aadanuhu Arlada ku noolaa. Deegaankuna si joogto ah ayuu saamayn ugu lahaa dadka oo kolba saansaanka kajira ayuu qabatimayay ama la jaanqaadayay.

Deegaan haddii aynnu qeexitaan ka bixinno, waxa lagu soo ururin karaa isu gaynta aadamaha iyo dhammaan noolaha iyo ma noolaha ku gedaaman, oo ay kujiraan kheyraadka dabiiciga ahi sida: carrada, hawada, biyaha, dhirta iyo xayawaanku.

Aadamuhunna ma yeelan karaan nolol dhammaystiran oo rayn-rayn iyo raaxo leh deegaan wanaag la’aantii, sababta oo ah waa midka uu ka helo gebi ahaanba khayraadka, noloshiisana si joogto ah u kaabta, si toos ahna uu isagu ugu tiirsanyahay.

Haddaba, kol haddii aynnu isla garannay ula jeeddada erayga deegaan waxa cad in   nolosha aadamuhu ku tiirsan tahay deegaanka. Nolosha aadanaha oo dhan ayaa ka billaabantay carrada, kuna dhammaata carrada.

Sidoo kale, waxa uu koobsanayaa deegaanku noole kala geddisan, in kasta oo uu tartan ka dhexeeyo, haddana is wada kaabaya. Isu-dheellitirnaantaasina waa ta nolosha arlada korkeeda ka dhigtay mid ka duwan ta meereyaasha kale.

Deegaanka iyo aadamuhu waa sida usha iyo diirkeeda, sida lafaha qofka aadamaha kujira ay ugu baahan yihiin jidh iyo maqaar qariya, jidhkuna ugu baahan yahay lafaha si uu u noqdo mid toosan oo awood u leh inuu dhinaca uu doono u jeesto ayay deegaanka iyo aadamuhunna isku yihiin. Saamayn taban iyo mid togan labadaba way isku yeelan karaan waxaana u sabab ah kolba sida ay isula falgalaan ama aadamuhu ula dhaqmo deegaanka.

Deegaanka dabiiciga ah waxaan odhan karnaa waa mid isu dheellitiran, waxana inta badan kala dhantaalid ku sameeya aadamaha, taas oo ku xidhan kolba sida uu u adeegsado. Fayo qabka deegaanka waxa uu sal u yahay tayo wanaagga nololeed ee aadamaha, dhibaatada uu u geystana dhibteedu isaga ayuun bey ku soo noqonaysaa.

Keating (1993, as cited in Palmer, 1998, p.36-55) isagoo ka hadlaaya deegaanka iyo dhibaatada ay u gaysanayaan aadamuhu wuxuu yidhi “Aadamaha waxa hadda soo food saartay dhibaatooyin badan oo deegaanka ah, waxaana sabab u ah fiditaanka ay fidayso bulshada dunidu – tiro ahaan, baahida kolba loo sii baahanayo cunto, xaalufinta dhulka ku hareeraysan dhul-badhaha iyo dabar go’a khayraadka nool.

Intaa waxaan ku sii dari karnaa aadamuhu waxay saamayn taban ku yeesheen dhulkii, iyagoo sababay hoos u dhac aad u daran oo ku yimid kala-duwanaansha noolaha, saboolnimadii iyo macaluushii oo sii kordhaysa, baahidii loo qabay biyaha oo sii ballaadhanaysa iyo tayadoodii oo hoos u sii dhacaysa, baahidii tamarta oo iyana sii kordhaysa, khayraadkii dabiiciga ahaa oo loo isticmaalayo si aan caqli iyo cilmiba ku jirin iyadoo ugu dambaynna ,“horumar” la tiigsanayo, bal se aan sii waarayn.

Intaas iyo in ka badanba waa inta ay aadamuhu u gaysanayaan deegaaankii is dheelitirayay. Dhammaan dhibaatooyinka deegaan ee aan kor ku soo xusnay waxay caqabad muuqata ku yihiin horumarkii iyo hore u socodkii aadamaha dunida ku nool oo dhan. Haddii aynnu dhinac kale ka eegno, aadamuhu waxa uu ka isticmaalaa khayraadka dabiiciga ah xadi aad u badan si uu kor ugu qaado ama u horumariyo tayada noloshiisa.

Xaaladdan ama arrinkani waa ta billawday hoos u dhaca dheellitirnaantii deegaankan aan ku nool nahay. Inta badan dadku waxa ay u isticmaalaan khayraadka si aan loo miidaandeyin, mana oga dhibta ka dhalan doonta, taa waxa ka sii daran fikirka iyo hawsha ay ugu jiraan qaabaynta noloshooda iyagoo isticmaalaya deegaanka, goynaya dhirta, jajabinaya dhagaxa, qodaya dhulka, gubaya qashinka, dikhaynaya biyaha ayay haddanna ugu sii dareen warshado maalinba maalinta ka danbaysa qiiqooda sii laban laabaya. Inuu sii lumo dheelli-tirnaantii deegaanku arrimahaas aynnu kor ku soo sheegnay ayaa sabab u ah. Horumarinta tignoolajiyadda iyo kor u qaadista dhaqaalaheenna inagoo ku mashquulsan ayeynnu ku dikhaynnaa khayraadka dabiiciga ah. Intaas oo dhib ah iyo in ka badanba waynnu u gaysannaa deegaanka, balse arrinka meesha yaala ayaa ah sidee ayaynu uga hortagi karnaa ama wax uga qaban kartaa hoos u dhaca deegaanka?

  • Isku day inaad bil kasta geed beerto ama ka badan.
  • Isku day inaad mar kasta deegaanka sidiisa ku ilaaliso, haddii aad isticmaashanna in aad sidiisi ku soo celiso.
  • Iska ilaali wixii loo arki karo ku-takri-fal xad-dhaaf ah, celceli (recyle) waxyaabaha dib loo adeegsan karo.

 

 

Email: Warmoge111@gmail.com

facebook: Abdirahman Mo Warmooge

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.