Xiisaddii Xiskayga Dhoofisey! W/Q: Axmed Cali Abokor.

aniga

 Xiisaddii Xiskayga Dhoofisey!

Waxa waliba wax keena jira,sidaas aawadeed waa tii Soomaalidu odhan jirtey ‘’ Sheekoba sheekay keentaaye’’.Waa maalin aanan hadda xasuusan maalinta ay ahayd.Walow aan xasuusto goorta ay ahayd oo aan shaki igaga jirin iyada.Waa barqo,weliba qorraxda maanta diirri-maad laga dareemayo,ay dadka qaar hiifayaan huurka jira,aniga se shidanaaba shidan oo waxa gabbaad ii noqday galaas aan wax ku dhigan jirey goorahaas oo kale.Macallinka maanta noogu jira waa bare aan xiiseeyo oo xurmeeyo.Iskama xiiseeyo ee wuu iga kasbaday.Waana nin kal furan oo haddana kaftan badan .

Halka loo gu ladhay aqoon durugsan iyo duruus hufnaan.Inta uu kula sheekaynayo waxa aad mooddaa in loo qorsheeyey ,oo looga dhigay dahaadh macaan casharkiisa, si loogu qudh-qudhiyo dersigiisaas.Kolka uu kuu warramayo waa haddii aad fursad u heshid inta uu ku kexeeyo buu marba qaarad ku geynayaa,kuna dawaafinayaa ;halkaas kaaga hadhi maayee illeen qalbigaagu waa ku qariibayaaye ,waa uu kuu sharraxayaaya oo kaa shaafinayaa ;ku darsoo meelo aad niyadda iska weyddiinaysey oo lahayd tolow meeshaas quraadaha iyo dhalooyinka ka samaysan maxaa loogu talo-galay?Iyana dadkaas meeshaas kusii qulqulayaa xaggee usii anbanayaan?Kuwan iska qoslayaa maxa ay ku qoslayaan? Ma badawnimadaaday arkeen ?Waa ka xabbad iyo xabbad kuugu sheegay ;isaga oo aan isu kaa xariifin oo aan isu kaa waalin.Ma aha in uu intuu diyaarad ku saaro kula raacayo,ama gaadhi .

Shayga uu kaaga faalloonayo in uu inta uu gacanta ku qabto, kuna dhex geynaya meeshaas uu kaaga warramay adiga oo is moodaya in aad dhab u joogtid.Taas baa aan kuu wadaaye baruha maanta jawigiisa iyo kan casharkiisu waa ay ka geddisan(ka duwan )yihiin sidii hore,si dhoolla caddayn ku jirto oo qun-yar ah baa uu u wadaa,shuudh madow iyo saacad weyn oo qurxoon baa uu ku gaadhan yahay.’’Maanta macallinku ma xaflad baa uu u socdaa ?’’Ayaa aan is weyddiiyey,misana isugu jawaabey ‘’ oo ma xafladaha uun baa dhar wanaagsan loo xidhaa?’’.Tan danbe intii aanan garawshiyo naftayda ka siin ,waanigan dib u gu noqday kalaaskii .Waaba waxyar ka dib sidii dhaqankiisa aan kuu gu sheegay ,sheeka yar buu tibix nooga siiyey.Waa adduunka horumaray iyo himilooyinka ay ku taamayan.

Hab-dhaqankooda iyo hal-abuurkooda maanta,iyo weliba xaalka aan maanta taagannahay laftigeennu?Oo maxaa iyaga iyo innaga isaga keen xidhan?Waa weyddiin macquula haddii aad I warsato.Waa sidaas aad tilmaamtee uunkaas horumaray ee hana-qaaday.Waa tan koowaad ee,waa ummad aan koon ku wada sugannahay,hiigsigooda iyo la beretenkooduna waa innoo muhiim.Oo iyagu maxaa ay innoola tartami waayeen?Jawaabteeda adiga ayaa aan kuu deynayaa.Waxba yaan ku fogeyn ee oo irrido iyo albaabbo reerood kugu la meeraysane ;maanta casharka aan qaadanaynaa waxa uu daarran yahay dhul aan wada xiisaynaynno .

Waa dhul weynaha Jaynaha,carabaha cammiran,Ruushka sii ridan,Maraykankan midabada badan,iyo Ingiriiskii waayo inna gumaystey.Aasiyada fog iyo tan dhow.Halka aanay ka madhnaya Afrikadan aan joogney.Waa qaaradda qiimaha badan ee maanta lagu wada akeekamayo.Khayraadkeeda waqtiga dhow iyo kan fog loo wada xusul duubayo sidii qoloba gaarkeed u dheefsan lahayd.Dhulka aan booqashada ku tegaynaa ashqaraarka iyo amakaagga yaalla ma cabbiri kartid adigaagan hadda akhrisanay!Haa,waa runtay waa dhulka baaxaddaas iyo bedkaas leh.Muddo aan ku qiyaasay shan iyo toban daqiiqo gudohood, oo la marayo Yurub badhtankeeda baa aan ka hadhay macallinka iyo ardaydiisaba.!Oo maxaa iga reebay ?Si yar oo aan ku tala-gal lahayn ayaa aan mar-qudha isu sawiray oo barbar-dhigay dhulkayga aan ku faano iyo kana an hadda booqashada aan la ii fasixin ku joogo!Oo tolow sharci darro ma la igu xukumi lahaa haddii la ogaan lahaa in aan dalka bilaa sharci kusoo galay?’’Oo dee maana tegey.’’

Hadda saad kusoo gashay ?Haaheey,xaq ayaa aad u lee dahay in aan kuu sheego sida aan kusoo galay.Waa siduu macallinku uga sheekaynayey baa weyddiin aan isku maguujiyey(isku tuuray),waxa ay sababtay su’aashaasi in bado feker ah aan galo’’.Qurux badanaa oo qaabaysanaa dhulkani ,oo bal dadka dhulkaa ka sii qurux badan sida loo qaabeyey?!‘’Ayaa aan idhaahdaa ,misana ‘kaagu ba waa uu ka qiimo iyo qaaya badan karaa baa aan is idhaahdaa’waa se haddii laga shaqeeyo !Waana uu qalmaa.Miyaa la arkay qof webiyaal waaweyn ku dhaata,carro-dihin dhul leh,roobka goor iyo alleyl hela,kalluun hadalkiis daa!Haddana ka qatan oo ka qaawan.Waxa aan ku war-helay macallinka oo su’aal bilaa turxaana faraha igaga bixiyey!Miyaan garanayaa ninkaa maqan baan ahaa!

Dalkeenna taladiisu adiga iyo aniga ayaa ay ka go’daa!Waa se goorma?

W/Q: Axmed Cali Abokor.

Email: Qudeef44@gmail.com.

Facebook: Barta facebooka ee  Axmed Cali Abokor

SHEEKOOYIN