XIKMADO KOOBAN. by Mohamed Musa Sh. Noor

xikmdo kooban

 

Taariikhda hore

Ku faanidda lagu faano taariikhdii hore waxay daliil u tahay in waqti xaadirka la joogo aadan meel wanaagsan joogin, maxaa yeelay waxa mar walba wax lagu qiimeeyo ayaa ah waqtiga la joogo iyo xaalka aad ku sugantahay, haddii uusan xaalkaagu ahayn mid nuuraya waqtiga markaa la joogo, waxay la micna tahay in aad tahay qof xaalkiisu uusan wanaagsanayn oo maciin badan in uu dib u gocdo waqtigii wanaagsanaa ee soo maray.

 

Mahad naqa

Qofka marka uu ku dhex jiro barwaaqada ama baraaraha aan xasuusan in lagu leeyahay mahad celin, marka uu dhibka la kulmo xaq uma lahan in uu eedeeyo qof ama wax kale oo gaar ah, maxaa yeelay qofkaas waa qof aan garanayn waxa uu yahay, balse garta marka uu dhibaatooda oo kaliya.

Dhabta marka laga hadlo dhib iyo dheefba waad la kulmaysaa noloshadaa, waxaasa loo baahan yahay in labada dhinacba marka aad la kulantid uu mahad naqaagu bato, si aad u noqoto qof mar walba garawsan waxa uu yahay iyo waxa loo yaboohay qimaha ay leeyihiin

 

 

Iska cafi

Shalay dhib badan ayaa kugu dhacay, Dad aad taqaanid ayuuna kaaga yimid, Xanuun badanna waad u martay in aad ku sammirto xanuunkaas lagu xanuujiyay, balse, way kugu adkaatay in aad iska cafiso dadkaas.

Iska cafi dadkaas, maxaa yeelay cafisku wuxuu gogol xaar u noqdaa bilaabidda bog cusub oo noloshaada ah, sidaas si la mid ah wuxuu wanaajiyaa xiriirka mustaqbaleed ee dadkaas idin dhex mari kara.

Hadaba Gafka lagaa galo wuxuu u qaybsami karaa nuucyo badan, balse waxaa jira gaf aad naftaada ka gashid, kaas naftiisa waxaa la doonayaa in aad iska cafiso nafsiyan oo wax khalad ah oo naftaada aad u gaysatay aysan ku dambayn shalllaayid iyo Cabsi aad ka suubiso dhanka hor u socodka.

Waxaa kaloo jira Gaf aad ka gashid ama uu kaa galo qofka lamaanahaaga ah, isagana waxaa la doonayaa in aad iska cafisid, cafis la’aanta waa mid sii baahiso Cadaawadda labada qof sii dhex marta, amaba waxaala dhihi karaa waa mid sii abuurta Cadaawad badan , sidaa darteed si looga hortago cadaawadda oo baahda waa in cafiska lagu dadaalaa,

Inta badan  aad wax cafisid waa inta badan aad guul gaartaa, hubaal waxaa eh in Qofka cafiska badan aan mar walba laga guulaysan, waa laga yaabaa in dadka  qaarkii ay kuu arkaan Qof Nacas ah oo waxba aan iska dhicin, balse taas ma ahan mid ka tarjumaysa waaqicaaga dhabta ah.

Muhiimaddda ma ahan waxa ay dadka kaa aaminaan, muhiimadda waa waxa aad naftaada ka aaminsantahay, in naftaada aad ku kalsoonaato waa u muhiim hor usocodka noloshaada, haddii taa la waayana oo aad danayso waxa ay dadka kaa aaminsan yihiin, waxaa tahay markaas qof aan isaga isku noolayn ee u nool dad kale mar walbana dadka raali galinaya ama qancinaya.

Ma jiraan wax ka muhiimsan in naftaada aad qanciso ama aad raali galiso, hadaba waxaan oran lahaa qofka in uu isaga is cafiyo ayaa gogol xaar u noqon karta in uu dadka kale ee wax ka galena iska cafiyo haddii naftaadu aysan u carbisnayn cafiska, markaas waxba ma cafin kartid, maxaa yeelay waxay la mid tahay wax aadan aqoon u lahayn oo suubi lagu dhahay.

 

 

Maamulka Dowlad Wanaaga

Maamulka Dowlad wanaaga ma ahan mid u baahan Ballanqaad badan oo ay Madaxdu suubisaa, iyo shuruuc loo hogaansamo oo Kaliya, waxa loo baahan yahay ayaa ah in Shacabka iyo Dowladda ay dhex marto is aaminaad iyo Daacad isku noqosho

Shacabka waa looga baahan yahay in ay noqdaan kuwa aaminka ku qaba dowladdooda, maadaama ay iyaga doorteen ama ay ku yimaadeen Waddo ay iyaga wax ka ogaayeen, sidaas si la mid ah waxaa laga doonayaa Madaxada in ay ayagana noqdaan kuwa Daacad u ah shacabkooda, oo dareensan Mas’uuliyadda loo dhiibtay Culayska ay leedahay, haddii labadaas la waaye, waa Daacadnimo iyo isku kalsoonaan, markaas mala heli karo wax la dhaho Maamulka Dowlad Wanaaga.

 

Dhaleecaynta

Dhaleecaynta waxay ku wanaagsantahay wax la hubo oo aqoon loo leeyahay si wanaagsanna looga warqabo, balse, sida aan u badanahay anaga dhamaanteen Soomaali ahaan waxaan mar wlaba dhaleecayn aan loo meel dayin kala dul dhacnaa shaqsiyaadka inoo matala Siyaasadda, iyada oo laga yaabo in aanan wax aqoon ah oo gaar ah aanan u lahayn, waxaa laga yaabaa in aan maanta mid saarano oo iska cayno, mid kalana aan amaan uusan mutaysan Dusha u huwino,

Runta marka laga hadlo waxeena oo dhan waxay ku dhisan yihiin Malo, maladana waa Dambi sida ay Diinta inoo sheegtay, wararka aan ku eedayno in Madaxda siyaasadda ay ku lug leeyihiin waaa warar uu qof nala mid ah qoray kaas oo aan soo xigano oo kaliya, balse, aana Faxsi ama baaritaan dheer run ahaanshihiisa aanan ku suubin.

Hadaba marka wax la dhaleecaynayo waxaa wanaagsan in waxaas la dhaleecaynayo Xog Xaqiiqa ah laga hayo si looga fogaado khadafka dadkaas muslimka ah, adigana aad uga fogaatid in aad carabkaaga ama qalinkaaga aad wax ugu gaysato Qof laga yaabo in uusan aqoon u lahayn amaba aan ka war qabin in aad Dunida dhinac uga nooshahay oo Qof jiro aad tahay.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN