XIKMADO KOOBAN. BY Mohamed Musa Sh. Noor

xikmdo kooban

   XUSHMEE DAREENKA DADKA

In aad xushmayso dareenka dadka waa mid dantaada ku jirta, ma ahan in aad u aragto in aad dadka ugu danaynayso, waa in aad maanka ku haysaa in aad dadka ka mid tahay wax walba oo dadka dhibayana ay ku dhibayaan wax walba oo aad doonaysana ay dadku doonayaa, sidaa darteed qaddari qiimaha uu qofku leeyahay xitaa haddii ay ka horimaanayso maslaxaddaada qaar maxaa yeelay, qiimaha qofka ma ahan wax adiga lagaa baryayo waa mid uu siiyay Rabbiga abuurtay, sidaa darteed waa in aan qof walba ku qaddarinaa dareenkiisa iyo doonistiise inaga oo aan ku dabbaqayn dareenkeena iyo doonisteena, maxaa yeelay wax qiima kula leh ayaa qofna qiima la lahaan Karin, sidaas si la mid ah wax aan qiima kula lahayn ayaa qof qiima sare la leh, hadaba aan is xushmayno oo is qiimayno isna qaddarino.

 

  TILMAANTA NAFTAADA

Dareenka ay dadka ka muujiyaan shaqsiyaddaada dhabta ah marka dhanka wanaagsan laga eego waxay kor u qaadda mooralkaaga Dadnimo, mar walba waxaa wanaagsan marka tilmaan aad naftaada ka bixinayso in tilmaanta dadka ay kaa aaminsan yihiin ama ay iyaga kuu baxsheen aad isku tilmaanto, maxaa yeelay, waxa aad wax u tilmaamayso waa ayaga, sida ay ayaga wax u doonayaaan in ay u dareemaan ama u arkaana in aad wax ugu sheegto waxay qayb ka qaadataa is fahamkiina guud, sidaa darteed Tilmaanta naftaada mar walba heerka ay ka taagantahay dhanka Bulshada aad ku dhex nooshahay ka eeg, oo ha noqon qof tilmaamaya wax aan la aqoon amaba la ogayn.

 

 XUSUUS CELINTA

Dib u celinta Xusuusta ma ahan mid sida badan saamayn kaga yeelan karta Nolosha aad waqtigan ku jirtid, sidaas ay tahay hadana xusuusta wanaagsan in dib loo milicsadaa waa mid iska wanaagsan oo dhista Niyadda.

Sideedaba Tala ahaan qof aan kula talin lahaa in uu dib u qooraansado xusuusihiisa hore ma jiro, hadana waxaan dhihi lahaa haddiiba ay jirto Duruuf keenaysa in dib loo celsho xusuusta, waa in xusuusta wanaagsan la xusuustaa oo kuwa xun aysan qayb ka noqon sakan ka mid ah noloshaada.

Hadaba waxaan ku oran lahaa dib ha isku celin ilaa ay jiraan wax munaasab u noqon kara dib u noqoshadaada, marka aan sidaa leeyahay waxaan uga dan leeyahay waa in ay noqotaa xusuus celintaada mid aad ka heli kartid wax soo jiita naftaada waxna kugu dhiiri galin kara.

 

QURUXDAADA JOOGTEE

Joogtaynta is qurxinta qofka waa mid qayb ka qaadata kor ahaanshiyaha Niyadda qofkaas, sida badan oo aad isku habayso waa inta badan oo niyaddada ay kor tahay, haddiiba marka aad Sawir galayo ama Xaflad aadayso  ama Casuumaad kale aad muuqaalkaaga si wanaagsan u ekaysiin karto, maxaa diidaya in muuqaalkaaga aad sidaa mar walba u joogtayso u ekaanshihiisa.

Dhabta marka laga hadlo, waxaa wanaagsan in qofku uusan isku qurxin dadka sidaa ha ku dhahaan ama sidaa dadka xagooda uga muuqo, waxaa wanaagsan qofka marka uu Muraayadda isku eegayo in uu garawsan yahay naftiisa in ay tahay midda qanaacada koowaad leh ee aysan dadku ahayn.

Qurxudaada joogtaa si heerka qanaacada naftaada uu mar walba kor u ahaado, inta badan ee naftaada aad ku qanacdaa  waa inta badan oo ay dadku kaa qancaan.

 

 NAFTAADA NABAD SII   

Nabadda waa shayga kaliya ee uu Noola kasta u baahan yahay inkastoo macanaha laga kala fahamsan yahay uu mar walba kala duwan yahay, hadana waxaa wanaagsan in qofku Nabad uu u helo naftiisa, waa laga yaabaa in aad su’aalo iska waydiiso sida qofku uu nabad ugu goobi karo naftiisa.

Taas waxaan kaa leeyahay naftaada Xaq waxay kuugu leedahay in ay nasiino hesho, in aad ka yarayso Buuqa iyo wax yaabaha kale ee ka guuxaya qalbigaada, ma ahan in aad noqotaa mid u taagan Buuq Muran Dagaal iyo Dood aan dhamaan iyo ku fakiridda mar walba aad ku fakarayso luggooyada ama luqaafada aad qof la maagantahay, inta aad arrimahaas aan soo sheegay aad ku jirtid naftaada nabad maahan, maxaa yeelay marna adiga ayaa isku maqan, marna Dad kale ayaad ku maqantahay.

Hadaba daji naftaada oo waxay mudantahay ku abaal mari, marka aad fikir badan iyo buuq badan aad maankaaga galinayso waa in ay noqotaaa mar aad maslaxaddaada ka fakaraysid, qiimaha nolosha ayaaba ah mid aan sidaa u badnayn oo aan la ogayn xilliga uu ku egyahay ama xilliga uu bilaaban karo.

 

DUMARKU WAA GUUSHEENA

Dumarku waa saldhiga koowaad ee guusheena, maxaa yeelay Nin walba oo maanta gaaray heer sare qofka ka dambeeya oo ka dhigtay sida uu yahay waa hooyadiisa oo Dumar ah, waxaa soo raaca xaaskiisa, oo iyadana qayb wayn ku yeelan karta heerka uu gaarayo ninkaas.

Hooyada mar walba tilmaanta aan ka bixin lahaa dhankeeda ayaa ay iska ah dhanka khayrka, oo ma jirto hooyo xun, waasa laga yaabaa in garashada xageeda ay hooyooyinka ku kala dheereeyaan.

Dhanka Xaaska waxaan dhihi karaa sida lagu helo xaas wanaagsan oo u taagan horumarka noloshaada gacana kugu siin karta in aad tiigsato hadafkaaga nolosha ayaa ah nasiib uusan nin walba heli Karin, in ninku xaas leeyahay ma ahan micnaheeda in uu gaaray heer nolosha, xaasaska qaar ayaa laga ducaystaa oo laga shallayaa qaybta ay ka noqdeen noloshaada.

Gunaanadka hadalkayga ayaa ah in Yasmada iyo tilmaan xun ka bixinta dumarka ay nagu yaraato, way jiraan Dumar wanaagsan sidaas si la mid ah kuwa xun, balse waa in aan ogaanaa in saldhigeena Guusha  ay dumarku yihiin.

 

 ISI SAX ADIGA  

Khaladaadka dadka ma ahan in uu kuu muuqdaa, marka aad damacdo in aad qof ka waaniso khalad uu ku dhex jiro waxaa wanaagsan inta aadan afkaaga kala qaadin in aad hubiso bal in aad ka dahirantahay khaladkaas iyo in kale, xitaa haddi waaydan dambe aadan khaladkaas samayn, ma yahay mid ka zuulay dhankaaga oo aadan marnaba dib u samaynayn xaalad kasta haba kugu timaadee?

Hadaba isi sax marka hore kadib marka aad hubsato naftaada ayaad usii gudbi kartaa dadka kale sixiddooda, taas waxaa soo raaca in adiga naftaada ay jiraan waxyaabo badan oo aad ku xuntahay kuna khaldantahay, marka uu qof ku waaniyo waa in aad ka qaadataa oo aadan naftaada mahdin una arkin mid ka dahiran khalad oo dhan.

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN