XIKMADO KOOBAN. Qore: Mohamed Musa Sh Noor

xikmdo kooban

XIKMADO KOOBAN

 

 Xusuusta Dadka

Xusuusta dadka waxaa saamayn ku yeesha mar walba ficilka ama Dareenka aad dareensiisida wanaag iyo xumaanba, ma ahan waxa ay dadka qiimeeyaan qiimaha Qaninimo ama Faqrinimo, ee waa afcaashaada iyo sida aad wax u dareensiiso.

Hubaal waxaa ah in qofku uusan xasuusan Karin 30 sano ka hor xaaladdaada sida ay ahayd ama heerkaaga nolosha, balse wuu xasuusnaan karayaa ficilka aad u gaysatay waanaag iyo xumaan wuxuu ahaaba, sidaa darteed waxaa wanaagsan in qof walba iska hagaajiyo afcaasha uu dadka kula dhaqmayo si xusuusta dambe ee dadka ay u noqoto mid wanaagsan.

Afcaashaada oo aad wanaajiso waa mid gogol xaar u noqon karta ama saamay ku yeelan karta dhashaada dambe ama adiga naftaada haddiiba waqtigu kugu simo.

Tusaala gaaban waxaa kuugu filan Aayadda 81aad ee Suuratul Kahfi, marka ay isi soo raaceen Nabi khadar iyo Nabi Muuse, oo uu Nabi Khadar u sharaxayay Nabi Muuse sababta uu u toosiyay Darbiga kuwii diiday in ay marti ahaan u sooraan ayuu ku yiri “ waxaa iska leh darbiga laba Wiil oo Agoon ah, darbiga hoostiisana waxaa ku jira kanzi, (khasnad maal ah) sababta sidaa loo yeelayna waxay ahayd doonista uu Alle doonay in ay helaan hantida aabahood meesha ugu duugay, wanaag uu aabahood wanaagsanaa darteed”

Hadaba waxaan ka fahmi karnaa meeshaas in wanaaga ama afcaasha wanaagsan ee aad samaysid ay saamayn dambe ku yeelan karto awlaaddaada ama adiga naftaada, sidaa darteed aan ku dadaalno hadalka iyo Ficilka wanaagsan.

 

 

  HA IS CADDIBIN

Dunida kuma aadan imaan talo adiga aad leedahay, sidaas si la mid ah waxa aad quudanayso, iyo waxa aad noqon doonto, iyo waxa aad samaynaysaba, wax tala ah kuma lihid, xitaa xilliga aad ka tagayso dunida, marka haddiiba sidaas ay tahay noloshaada oo qaabka aad u maaraynayso aadan wax tala ah ku lahayn, waa maxay sababta aad u wal washo?

Laga yaabee qaarkiin in aad igula doodaan in aysan sidaa arrintu ahayn, waana soo dhawaynayaa fikirkiina, balse, dhabta ayaa waxay tahay in wax aan xaga Rabi laga soo ogolaan uusan qofku samayn Karin, qof walbana Qorshe Rabbaani ah ayuu ku yimid dunidan, waxaana jira Dariiq loo jeexay qaabka uu noloshiisa u hagayo, xitaa haddii uu qofku ku doodo in waxa uu gaaray ama noqday uu ku gaaray Dadaal xagiisa ah.

Hadaba Alle waa midka og waxa u wanaagsan iyo waxa aan u wanaagsanayn noloshaada, muhiimadda waa in aad isaga aamintaa, ogaataana wax kugu dhacaya in aysan jirin ilaa uu isaga qaddaro mooyee, Dadka la rabo in ay noloshaada ka mid noqdaana nuuca ay doonaan ha ahaadaan way noqonayaan haddii qaddartu ay ku jirto, sidaa darteed, ma ahan in aad u dag dagto naftaadana aad ku caddibto wax aysan tabar u lahayn, maskaxdaadana aad ku daaliso wax aan calafkaaga ahayn, marka aad waysana aad nafsiyan is canaanato ama iska dhaadhiciso in aad tahay qof Nasiib xun ama aad ku fakarto in aad tahay qof uu Alle ka hiilshay, waana sida ay ku fakaraan dadka aan Alle aaminsanayn.

Hadaba ku kalsoonowo Allahaaga, ogowna in wax walba oo laguu qaddaray adiga oo dunidan ka qaadan aadan ka tagayn, Cid kaa hor istaagi kartana aysan jirin.

 

 

   TAABASHADA QABLIGAADA

Maalin walba Qoraal ayaan idinla wadaagaa, waa laga yaabaa qaarkiin ay dhibsadeen qoraaladayda, qaarkiina ay ku farxaan, qaarkiina aysan ka helin oo ay is dhahaan waa maxay ninkan howl la’aanta ah, balse dhabta sidaas ma ahan.

Inta wanaaga ku fakarta waxaan rajaynayaa in ay mar walba u xiisanaan doonaan  aqriska qoraaladayda, inta xumaanta jecelse waxaan ku leeyahay ama I dhibsatay sidan “laga yaabee in aan xagiina ka ahay sida shumac yar oo laga dugsado mugdiga, kaas oo waqti kooban ku ifa goobta lagu shitay, ugu dambayntana iska dhiima, balse rajadayda ayaa ah in wanaaga iyo qoraalada aan maalin walba idinla wadaagayo ay qaarkiin saamayn gaar ah ku yeeshaan, qalbiyadiinana ay taabtaan.

Qoraal aan aniga leeyahay mar walba uu qalbigaada taabto, waxay la mid tahay aniga Maxamed Muusa ah oo qalbigaaga taabtay, Wanaag ma ahee Xumaan iyo lugooyo wax idinkuguma soo qoro, waxaan rajaynayaa intiina cafiska badan in aad iska key cafin doontaan, haddaan si aadan jeclaysan qoraaladayda idiin taabsiiyay, muhiimadda ayaa ah in  aan idinla wadaago wax walba oo wanaag ah oo ku dhisan Xikmad iyo is tusaalayn kale oo dhan walba taaban karaysa, aad ayaan idinkaga raali galinayaa wixii aydaan jeclaysan oo aan idinla wadaagay, wanaag wax ma dhibee xumaanta ayaa daran.

 

  ISKA FARAXSANOW

Nolosha waa mid waqtiyeesan, sidaa ay tahayna waxaa wanaagsan in Waqti walba sida uu yahay looga faa’iidaysto oo waqti walba si xikmadaysan aad u qaadato, adiga oo cabiray ama miisamayaa waxa kuu soo kordhay ama kaa nusqaamay, waxa kaa khaldamay ama aad saxday, dhamaan waa in mar walba aad tahay qof dhinac walba ka miisaaman oo ka xisaabsan.

Dadku ma jecla kuwa xisaabiya, dadkuna waa kuwa kuugu yimaada sida waqtiga uu kuusoo wajaho, qaar ayaad kala kulantaa Wanaag iyo Qibrad, qaarna Shallayto iyo Murugo, sidaas si la mid ah waqtiga.

Hadaba ma ahan in aad tahay ama waqtiga noloshaada aad ku beer darayso adiga oo cuqdadaysan, una cuqdadaysan Waqtiga ama qof ka mid ah dadka noloshaada soo mara.

Wax walba oo nolosha ka mid ah waa laba laba,  Muugo iyo Farxad, farxadda waa mid nafciya badan leh, naftaada ayay mar qancisaa oo sawiro qurxoon ayay gudahaaga u gudbisaa, sidaas si la mid ah cadowgaaga ayay murjisaa marka ay kula kulmaana adiga oo faraxsan, Farxadda waa laba Nuuc, midna waa Qiyaali mindna waa Dhab, labadaba laguma qasaaro, sidaa darteed, waxaa wanaagsan in mar walba aad farxad muujiso.

Murugada waa mid gudahaaga gubta, maskaxadaada disha, kuu sawirto shallayto iyo dhamaadka noloshaaada, sidaas si la mid ah waxay farxad galisaa cadowgaaga, waxay soo saartaa daciifnaantaada, waxay kaa dhigtaa mid dullaysan, oo wajigaaga iyo qaab dhismeedkaaga ayay dishaa, ma ahan wax lagu faano ama la kasbado Murugada, sidaa darteed waa in looga fogaadaa murugada, farxad dhabeed iyo mid qiyaali ahba.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN