XILKASNIMO (Qore/ XUSEEN WADAAD)

Xilkasnimo

Xilkasnimo, waa laba eray lammaan oo leh ama yeelanayo micno mug iyo miisaan wayn. Xilkasnimadu, waa sifo toolmoon oo togan oo u baahan in ay kol walbaa aragti iyo ficil walbaa oo la qaadanayo ay sal u noqoto.

Haddii la waayo middaas, waxaa booskeeda haabanayo oo fadhiisanayo xilkasnimodarro ama xilkasnimo-xumo oo iyadu noqonayso sifo silloon ama taban oo ay qumman tahay in kol iyo goob kastaahiba laga leexdo.

Waxa suuragal ah in aad si maalinle ah u aragto ama aqridaba falal iyo aragtiyo kaa yaabiyo gurracnaantoona. Waxase ay gurracnaan kula noqonayaan mugga aad ku daymooto aragti xilkasnimo, ishaaduna ay bacleesho xagallo badan.

Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN