Xisaab la’aanta Dadkeenna iyo Qurbaha. Qore; Mohamed Musa Shiikh Noor

faaf

Xisaab la’aanta Dadkeenna iyo Qurbaha

 

Nin baa ku siiyay nolol ka wanaagsan tii aad ku noolayd, wuxuu ku siiyay nabadgalyo jismi, balse, kuma siin mid qalbi, oo wuxuu kugu argagaxsaday waraaqo tira badan, oo albaabka kuu daadsan marka aad soo gasho gurigaada iyo marka aad ku jirtidba.

Wuxuu ku siiyay cunto aad cunto, wuxuuna kuu ballanqaaday inta aad joogto waddankiisa in aadan ka cabsoon gaajadii aad waddankaaga uga soo carartay!

Wuxuu siiyay ilmahaaga waxbarasho wanaagsan, misana kuugu daray dhaqaalo. Wuxuu ku siiyay sharcigiisa si aadan sharci la’aan u noqon, adiguna waad ku faraxday oo waxaad moodday in Jannadii adduunyada lagu galshay, markaasaad inta muusootay dadkaagii is tiri keen meeshan nimcaysan, oo ka soo wada meeshii gaajada iyo colaadda.

Been baad sheegtay, oo walaalkaa ama walaashaa aad isku caloosha ka soo baxdeen baa guursatay misana aroos dhigateen, misana ceebta kasii daran waad isi sawirteen idinka oo isugu dhaggan sidii laba si sax ah isku qabta, oo maxaa sidaa u samayseen?!

Waxaad u samayseen gaalada ha idin aaminto, oo ha idiin hirgalo kiiskiinna. Gaaladii waa idiin yeeshay ayaga oo waliba og in aad been sheegaysaan, kumannaan qof ayaa sidaa ku soo gashay, carruur iyo cirroolaba looma kala harin in qof waliba uu ehelkiisa iyo xigtadiisaba keensado, balse, maxaa dhacay keeniddii iyo faqri ka cararkii kadib?.

Masa is waydiisay ninka sidaa wax walba kuugu samaynayo, haddana, kugu bixinayo qarashaadkaas faraha badan, lacag free ah ayaad qaadataa adduunkana wax free ah kama jiraan ma is waydiisay sababta? Guri free ah ayaad dagantahay, adduunkana wax free ah kama jiraan ma is waydiisay sababta?.

Wax walba oo aad u baahatid waxaa kaa xiga uun  (fill the foam), foomkan buuxi kadibna waad helee. Cajiib. Waxaas oo dhan maxaa laguugu samaynayaa?.

20 sano ayaa dhammaatay cunuggii laguu dhalay sagaashankii qurbaha maanta waa 24 jir, ma yaqaanno afkiisa hooyo, ma yaqaanno waxa uu yahay iyo meesha uu ka yimid, haddaad waydiiso wuxuu ku oronayaa; (i am citezen of wadan hebel” balse, Waalidkay ayaa waxay ka yimaadeen Soomaliya, “so my Original is from Somalia)

Diin haba sheegin oo meeshii uu ka aadi lahaa Dugsi Quraan, School ayuu aadaa,

oo maxaa sidaa u samaysay adigaba Waalidkaa sidaa kuma yeeline? Waalidkaa Dugsi Quraan ayay ku geeyeen Quraanka ayay ku bareen Schoolna waa ku geeyeen.

Waalidkaa afkaaga hooyo waa ku bareen, adiga maxaa cunuggaaga u bari waysay?.

Waalidkaa Diintaada iyo meesha aad ka timid waa ku bareen, cunuggaaga maxaa sidaa oo kale u yeeli waysay?.

Cajiib, kaba si daranee Qamriga oo ceeb agteenna ka ahaa waa ka caadi meesha aad u soo hijrooteen. Naagta garaca ama wacelka dhashay oo agteenna ka ahayd wax aan jirin, meesha aad joogtaan waa qofka ugu tixgalinta badan, oo waxaa loo baxshay single strugling mom.

Wali lama arag oo lama sheegin qof Soomaali u dhashay oo Boyfrind ama Girlfriend iskula daggan, oo bannaystay wixii Allah xarrimay, misana isla qumman oo dhahaya xor baan ahay, Alla maxaa xornimada qalad loo fahmay! Xumaantaasna maanta ayaan haynnaa

Hooyo Soomaliyeed oo cimrigeeda KHaatumo joogo oo iyana ku dadaalayso burburinta qoyskeeda iyana waa inoo dhimmanayd, balse, maanta ayaan haynnaa

gabdho soomliyed ama wiilal soomliyeed oo ajaanib guursaday ma la arki jirin haddii ay jireen dhif iyo qaliil ayay ahayd, maanta waxaan dhihi karna xisaab ma lahan waliba haddii ay Muslim inoo guursan lahaayeen waxba nagama ba’eenee, Gaalo ayey hoosta kuwada haysata. Alla maxaa Qoom doorsamay noqonnay!

Meshii shalay gabdhaheenna marka la mehrinayo ay ka oran jireen meherkayga waa Kitaab Quraan ama Kitaab hebel oo Axaadiis ah maanta 5000 kun oo Doollar  ayaa ugu yar meherkooda

Alla maxaa la adkeeyay guurkii xaaraantana la fududeeyay!

Alla maxaa lagu farxaa haddii ay gabdhaheennu guursadaan nin ladan oo istaagga ka cabo Qamriga xumaan oo dhanna kulansaday! Maxaase loo shallaayaa marka ay guursadaan Taqi Alle oo aan waxba haysan!

Alla inta wanaagga jecel yaraa inta xumaanta jecelna badanaa!

Alla muxuu tiih inagu dhacay oo aan adduunkan la wareegaysanaynaa fasahaad iyo fisqi iyo faan aan Allah raalli ka ahayn!

Allow umadeenna u gargaar oo ka bixi dhibka haysta.

Allow kacdoonkan Gaalada loo kacdoomayo dhaxalkiisuna noqday Islaannimadii shalay oo Gaalnimo lagu baalay, Allow naga bixi.

Allow umadeenna towfiiqda iyo iswaafaqidda ayaa ka luntee u soo celi.

Allow umadeenna ku dac darraysan meel walba oo caalamkan ka mid ah u gargaar.

 

Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN