Xitaa Aakhiro saf ha ila soo galin! W.Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

Sac

Xitaa Aakhiro saf ha ila soo galin!

Isku imaanshihii iyo kulankii xiisaha badnaa, ee na dhaxmaray horteed, Waxaan ahaa mid ku hammiyo in aan maalin uun hebel barto oo aan is horfariisano.

Hiigsi dheerna waan u galay sidii aan saaxbkaas muhiimka ah, isku haleeli lahayn, Howlgalo badan oo aan u sameeyay sidii aan u hanan lahaa darteed, waxay noqdeen kuwa aan ku hungoobo, sidaasna waxan ku kula huleelnay dhowr saaxiib oo aan horey u lahaa, Kadib markii aan u arkay in eysan jeclayn horumarkayga, Waayo iyagu waxay ahaayeen kuwa yaqaana hoyga uu galo hebelka aan raadinayo, weeyna iga hagradeen in eey i haliishiiyaan.

Mar alla markaan maqlo, dad hebel hadalkiisa hayo, Dhagta ayaan hoos u hoos u raaricin jiray, Xitaa haddii aan howl hayo, dhagaysigiisa darteed baan hakad u galin jiray.

Hubaashii qaar badan oo hareerahayga ku wareegsanaan jiray, wey dareemeen heerka aan dartiis u gaarsiisanahay, Marwalbana halhayskiisa ayey igu habi jireen.

Waxaan aaminsanaa in helitaankiisu yahay, Hillinka guusha loo maro, La’aantiisna aan ahay, mid aan hal talaabo horey u qaadi karin.

Hoodo iyo nasiib aan ku helo ma lihi ayaan dhowr mar hoosta iska iri, Walow aan an ka hawo ka jabin inaan maalin uun is haleelno.

Aduun waa howlba hoowle, Maalintii danbe Waxaa ii hirgashay inaan Hebel si toos ah isaga hornimaado, Si fiican ayaan hab u siiyay isaguna si ka daran, ayuu sacabada iigu hooriyay, Oo waxuuba iigu hambalyeeyay haleelitaanka aan is haleelnay.

Halkaas ayeey ka bilaabatay howraar iyo heshiis aad u heer sareeyay, waxaanan noqonay kuwa hadh iyo habeen aan kala harin. Saacado kaliya oo aan kala habsaano ayaa ham iyo walwal noogu filnaa, sidaasi awgeed ayaan maalintii danbe, hoosta ka xariiqnay inaanan marnaba kala habsaamin daqiiqadba allaha ka dhigee.

Hillowga iyo hamuuntii aan u qabay waxey i hilmaamsiiyay howla badan oo aan lahaan jiray, Asxaab badana dartiis ayaan ku kala harnay, Nin walbo oo damco inuu hebel wax iiga sheego waan hiifi jiray, waxanan isku haystay inaan ahay nin hayo hillinkii guusha.

Helitaankiisa dartiis waxaa ii suurtagashay inaan gaaro qaar ka mid ah hadafyadeydii, Kuwa kalena aan gaaritaankooda sii hiigsado anoo isaga ka dhiganayo buundo aan hogaga uga talaabo, mana ogi xiligaasi inuu isagana hadafkiisa yahay, Sidii uu inbadan iiga halayn lahaa.

Hal mar hadduu iiga qosliyo hadaf uu ii saxay, waxuu i dareesiin jiray haraanti danbe oo maalmo badan hiirtaanyo igu reebto, waxbase uma arkayn oo waxaan ahaa nin indhaha ka duuban.

La soco Q2AAD.

W.Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN