XOGTA XEERKA GEELA W/D: abwaan Maxamad Xuseen Faarax

XOGTA XEERKA GEELA

 

Waxaan halkan ku sharraxayaa afar qodob, oo ku saabsan XEERKA GEELA oo ka la ah:

 

  1. TAKOORIN
  2. TUBAYAAL
  3. DAMBAJOOGSI
  4. ILA

 

  1. TAKOORIN: waa xeer ku saabsan HILIBKA GEELA. Markii geelleydu ay qalato neef geel ah, waxaa jira xibin geed la saaro, oo la yiraahdo TAKOORIN, oo aysan cunin cidda geela qalatay. Waxaa qaata hilibkaas socotada ugu horreysa, ee timaadda meesha neefka geelaa lagu qasho ee raqdaa, socotada dambena waxaa la siiyaa hilib ay markaas cuno

Waa kii abwaan Garqaniiyo lahaa

 

“Tolkaa maali jirey geel intii, timishu saareyde

Tuluddii la qalana saa’ilkaa, loo tigeyn jiraye

Tacabbaa ku ba’ay maalintii, tuulo loo helaye

Hilibkii TAKOORINKA ahaa, taana saar noqoye.”

 

  1. TUBAYAAL: waa xeer ku saabsan RARKA GEELA. Sida aan wada oglanay xoola dhaqatada Soomaaliyeed, waxaa gaadiid u ah geela, sidaa dareeddeed, gaadiidkaasi wuxuu leeyahay XEER, waxaa ka mid ah qofka gaadiidka wata, ee tubku joogaa badanaaba wuxuu waddada ku la kulmaa dad waddada ku dhibaateysan oo layiraahdo TUBAYAAL sida qof oomman, qof baahan, qof canaab culus sida, qof gaadiidkii ka jabay ama ka jirradey iwm, dadkaas laga ma tago oo wixii cunto ama cibataana waa la siiyaa, wixii canaab ahna waa loo qaadaa oo gaadiidka ayaa lagu CALLAALAA.

Mid kale ninbaa nin ugu duceeyey geela iyo wiilasha ILAAHAY ha kuu barakeeyo, markaasuu kii loo duceeyey yiri geel la’aan iyo wiil la’aan ka biqi mayee wax kale iigu ducee! Wuxuu yiri sabab? Wuxuu ugu jawaabey geel la’aan ka biqi mayoo TUBAYAALKIISANA ka ma tago TAKOORINKIISANA ma cuno! Wiil la’aanna ka biqimayoo seddax abti ayaan uga duco qaaday, oo ka la ah;

 

  1. Wiilka abtigiis
  2. Hooyadiis abtigeed
  3. Aniga abtigeey

 

  1. DAMBAJOOGSI: waa xeer ku saabsan CAANAHA GEELA. Iyadoo geela la maalayo haddii marti u timaaddo, waxaa xeerka geelu dhigayaa, in martidaas geela caano laga siiyo. Waxaa jira xeer labaad, oo lagu ka la garto martidu in ay taqaanno xeerka geela iyo in kale, waxaa ka mid ah marka martidu timaaddo xerada geela hasha ay la soo kulanto iyadoo la lisayo caanaheeda waxaa la yiraahdaa DAMBAJOOGSI waxaa xeer ah caanahaas, in martida loo geeyo. Waxaa xeer kalaa, caanahaas in martidu diiddo, oo ay tiraahdo innagu DAMBAJOOGSI ma cabnee, geela caano kale oo naloogu talagalay nooga keena waa haddey xeerka geela martidaasi taqaannee, dabadeedna caanahaas waa laga celiyaa, oo geela ayaa caano kale oo loogu talagay looga soo lisaa.

 

  1. ILA: waxay ku saabsantahay XEER guud oo GEELU leeyahay, waxayna geelleydu tiraahdaa geelu wuxuu dhashay habbeen la yiraahdo (ILA). Waxaa looga jeedaa, habeen wax wada qabad, sida: ILA waraabi, ILA rar, ILA fur, ILA lis, ILA qal, ILA kaxee, ILA kici, ILA dhac, ILA dhici, taas oo cadayneysa Geela inaan qof kaliyihi ku filnayn.

 

W/D: abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN