XOOG DOOFAAR LAGU RAACDEEYAY! W/Q: Bashiir Cali Xuseen

XOOG DOOFAAR LAGU RAACDEEYAY!

Bulshada Soomaaliyeed waa isir wadaag isu wada ehel ah, waa ilmo adeer, waa ilmo abti, waa ilmo habreed, waa isu seeddi iyo dumaashi, waa soddog iyo soddoh uu xididkooda xiriirsan yahay gobollo kasta oo ay ku kala nool yihiinba.

Waa Jicsin iyo sahay wadaag wada deeqsi ah oo marti soorka ku wanaagsan. Waa xigto iyo xigaalo is xanbaara marka ay xaajo xumaato ee ay xidid iyo xag jirro kulmaan, xandha iyo xoolana xinjirro la soo garab dhigo. Waa mag iyo qisaas wadaag ay faataxada iyo ducadaba kaafiyaan.

Waa sokeeye is jecel oo aan sina u kala maarmin soohdimana loo kala yeeli karin, laakin iminka, waxaa meesha ka muuqata in dadka soomaaliyeed federaal qabyaaladeysan la jecleysiinayo laguna kala fogeynayo, taasoo sharafka iyo magacooda Soomaalinimo lid ku ah, weliba danta guud ee qarannimo iyo waddaniyaddoodana meesha ka saareysa.

Weligeedba Soomaalidu colna ma aheyn nabadna ma aheyn oo waa ilko iyo carrab af ku wada yaal, nimcada iyo farxad ku wada noolaashahana damac iyo sed buursi wuu raaci jiray oo xoolaha waa la kala dhici jiray dhiillana wey dhinac oolli jirtay, laakinse taasi mid lagu kala guuro ma aheyn ee mid wax dhaca iyo mid soo dhiciyaba dhaqanka ragannimo isugu faanka ah ayey ka mid aheyd, oo waa lagu wada degganaa laguna wada caana maalayay.

“ Xigaba laga xige waranka xanaftiise” Soomaalida sinji ahaan, waxaa ku weyneyd is weheshiga walaalnimo iyo is wax isu tarka waranlaha marka uu shisheeye waxooda damco, maantase taasi ma jirto, waa la kala jeediyay oo madmadow baa jira hiilna isu ma hayaan haddaanay ceymiska qabyaaladdu keenin, maxaa yeelay waxaa lagu kala dilay dabinkii ahaa “Qeybi oo xukun” iyo federal laga soo min guuriyay qowmiyado kala duwan oo aan isir iyo af iyo diinba wadaagin, kaasoo ku tala galkiisu yahay in aysan soomaalidu helin midnimo cududdooda kulmisa.

Intaasi oo dhanba waxaa ka sii darnaan doona oo masiibo sharci la waafajiyay noqon doona guddiga xuduudaha ee dhowaan uu baarlamaanka federaalka ah uu ansixiyay. Is weydiintu waxey tahay «Yaa xuduudaha loo sameynayaa, ma soomaalida ayaa gudaheeda xariiqmo xuduuda ah kala sameysaneysa?».

Ku mashquulidda howlaha nuucan ah iyo fikradda federaalka beeleysan waa midda keentay dib u dhaca iyo wax ka qabad la’aanta amaankii dalka, isla markaana fashilineysa xasilinta ammaanka dalka iyo kala danbeynta maamulka guud.

Xuduudeynta Soomaalida gudaheeda ah, waxey keeneysaa kala shakin hor leh iyo kala aamin bixid nabadda cirka ku sii laasha ee waa iga talee soomaalida is dhex jooggeeda iyo wada noolaashaheeda ayey dantu ku jirtaaye, yaan leysu qaraareyn oon leysu dacareynin nabadda, shallaayduna waa xaaraane wax garadoow inta aanay wax dhicin wax qabo.

Dumarka Soomaaliyeedow sacabka siyaasad ku dara, dhallinyarooy doorkaada qaado. Aqoon yahanoow Tv-yada un ha ka booteynine inteysan belo dhicin badbaadi dalka iyo dadkaaga oo boholaha ka saar, haddii kale cilmi barashadaadu waxey noqoneysaa «Xoog doofaar lagu raacdeeyay!» iyo khasaare bar ku ma taal ah oo aan bulshada waxba u tarin!.

Marka aan leeyahay «Soomaali federaal maaha ee yaan loo abuurin fidno faceed ka reebi karta» waxaa suura gal ah in ay dad badan fikraddani igu raacsan yihiin in badanna ay igu diidi karaan oo taasi waa mid xaq loo wada leeyahay, sidaa darteed teyda un sax maaha qof kastaana tiisa un sax maaha ee garaadku ha shaqeeyo, garashaduna ha meel marto.

W/Q: Bashiir Cali Xuseen
Barbaariye@hotmail.com

SHEEKOOYIN