Xorriyadda xaal ma siinaa? W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

ali

Xorriyadda xaal ma siinaa?

 

Dalalka Afrika, inta badan waxay ku soo hoosnoolaayeen guumeystayaasha reer Yurub, xilligii uu guumeystuhu haystay waddammada Afrika. Waxaa ka dhacay dhibaatooyin iyo tacaddiyo ballaaran, oo loo geystay dadka Afrikaan ka ah, iyaga oo dhibkaas ka gadoodsan ayay dadyowga qaaraddu naf iyo maalba u horeen, in ay xorriyad helaan.

Sanadkii 1960kii, ayaa lagu tilmaamaa, sanadkii xorriyadda Afrika; waa sanadkii inta badan ay madaxbannaanida heleen dalalka qaaraddu.

Soomaaliya waxay dhankeeda ka dhadhamisay qaraarka guumeysataha, waxaana ka la qeybsaday waddammo reer Yurub ah, gaar ahaan Talyaani, Faransiis iyo Ingiriis. Halgan ay hormuud u ahaayeen culimada, dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan qeybah bulshada, ayaa suurtageliyay, in reer Yurub ay ka xamaama aruursadaan Soomaaliya. Halgankaas xorriyad doonka ah, oo soo maray heerar ka la duwan, ugu danbeystii waxaa hantay ururkii SYL (Somali Youth League), oo sabab u noqday, in 1960 kii Soomaaliya ay noqoto Jumhuuriyad madaxbannaan.

Aad ayaan xushmad iyo amaalba ugu haynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed, ee ka qaybqaatay halgankii madaxbannanida loogu raadinayay dalk, dadkaas soo halgamay oo ugu danbeyntii noo suurtageliyay, in aan noqonno dal iyo dad leh: dhul iyo calan XOR ah, si gaar ah, waxaan amaal ugu haynaa, uguna duceynaa had iyo jeer, dhallinyaradii aas aastay ururkii SYL, ururkaas oo markii hore magaciisu ahaa SYC. Da’yartaasi taariikhda Soomaaliya baal dahab ayay ka gashay, waxayn ahaayeen 13 dhallinyaro ah, magacyadoodana waxaa la ii baray sidan:

  • Cabdulqaadir Sakhaawadiin Shiikh Aweys.
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan.
  • Daahir Xaaji Cusmaan.
  • Seyiddiin Xersi Nuur.
  • Maxamad Cusmaan Baarbe.
  • Xaaji Maxamad Xuseen.
  • Khaliif Huudow Macallin.
  • Maxamad Faarax Hilowle.
  • Maxamad Cabdalla Xayeesi.
  • Cusmaan Geeddi Raage.
  • Maxamad Cali Nuur.
  • Cali Xuseen Cali.
  • Dheere Xaaji dheere.

Soomaaliya markii ay burburtay oo dowladdii dhexe meesha ka baxday, qarannimadii waddanku god ayay ku dhacaday, ilaa haddana waddadii aan ku heli lahayn dowladnimo noo qalanta ma hayno!

Hargeysa oo ah magaaladii ugu horreysay, ee laga taago calan Soomaaliyeed oo xor ah, hadda laga ma xusayo 26 ka Juun iyo 1da Luuliyo, maamulka Hargeysa wuxuu sheegay, in uu yahay dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, arrintaasi weli waa qabyo; ka la go’na la is la ma garan, israacna lagu ma heshiin. Qabyo qaybsan.

Dhanka Puntland weli ma go’in, ha yeeshee, waxay mar walba ku hanjabaan, in ay ka fiirsan doonaan, ka sii mid ahaanshaha dowladda Soomaaliya! Maamullada kale ee hadda sameysmay ama dhismi doona, iyagu xitaa waxay marar badan ku gooddiyaan, in ay dowladda dhexe xiriirka u jarayaan! Dowladda Soomaaliya waxay ku soo aruurtay Xamar, baarlamaankii shaqadiisu waxay u badatay: mooshin, xukuumad ridis iyo is qabad dhexdooda ah.

Aan iswaydiinnee: dadkii halgamay wixii ay nugu soo simeen xaggeen geynnay? Soomaaliya maanta iyo 1960 kii, teebay wanaagsan tahay? Ma u egnahay dal xor ah? Haddii aynaan xor ahayn, ma cid kale ayaa na haysata, mise, innaga ayaa is haysanna?

Ugu danbeyntii, waa iga su’aale: Maanta 56 sano ka dib, xorriyaddii ay dad badani u dhinteen, u dhaawacmeen, u naafoobeen, in kale oo badanina u agoontoobeen, ma xusnaa, mise, waa xaalmarinaa?

 

F.G: Qormadan, markii u horreysay waxaa lagu daabacay Wargeyska Gobollada Dhexe

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

Facebook: Abdulkadir Ali

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com

 

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.