Xukun xiiso aan u qabo uma soo laabane, xilka baan iska ridayaa! Q1AAD
Guuleed waa gaban aan Garaabada afka ka qaadin habeen iyo maalin. Wuxuu ku koray agoonnimo. Aabbihii wuxuu ku geeriyooday dagaalladii sokeeye, oo xabbad wiifto ah ayaa ku dhacday. Ma jecla inuu dalka ka tago, oo wuxuu aad ula yaabaa dhallinta uu dhoofku mdaxmaray.
WALI ma ahan iyo WADAAD, haddana, intaa waa riyoodaa, oo indhaha hadduu is galiyo, wax un baa u muuqda. Inta badan haba u badnaadeen xanuun iyo xumaane, haddana, mararka qaar ayuu wanaag iyo same arkaa, oo nolosha ayaa labadaa u dhaxaysa.
Maalintii ugu farxadda badneed, waa maalinta isagoo canku u taqsiiman yahay, uu ka maqlay cod baayihe Masjid, uu agtiisa marayey wadaad leh:
“RIYADU waa WAXYIGA qayb ka mid ah!”. Af labadii ayuu dhawaaqay, oo yiri:
“Inaan NABI noqdo ayaan ku sigtay!” Isagoo ka raadraacayain Nebiga keliya loo waxyoodo. Misna wuxuu yiri:
“Mise, hadda ayaanba ahay, waanan is ogayane” isagoo ku cabbiraya riyooyinikiisa faraha badan. Isagoo is qancinaya ayuu sii raacshay:
“Malaha da’deeda baanan gaarin NEBINNIMADA!”.
Sida maalmahan riyo iyo loogu oon qabay qalbi daalacasho inuu ogaa in kalaba, ee haddana, waa kan shalay galab oo dhan sidii uu Garaabada u laqlaqayey, habeenka barkiisa horena u daaqayey, xilli dambe dhinaca dhulka dhigay, isaga ood jiifkiisa mooddid “Dameer baqtiyey!” oo ilina u xiran tahay midna u furan tahay ama inuu indha guluub ama nal ah leeyahay.
Guuleed inta badan wuxuu la sheekaystaa oday uu ka shaxaado Garaabada Jaadka, oo la yiraa; Aw Raage, oo dhaqan iyo dad yaqaan ah, balse, ay jaalle ku yihiin cagaarsiga, inta badanna wax ka kororsada, maadaama uu waayo arag yahay. Aw Raage, siyaasi ma ahan, haddana, kama marra, oo intaa wuxuu ka sheekeeyaa iyada uun, sidii inuu ajar iyo ka helayo abaal, ay ka waayeen kuwa ku dhexjira.
Xilligii uu soo kici jiray ka hor ayuu maanta soo kacay. Dabuub iyo bargo’ midna ma ahan, gaajana ma soo kicin. Isagoo liicaya, oon lugta dhulka la heli karin ayuu wuxuu soo abbaaray saldhiggii ay isagu iman jireen Aw Raage. Markii uu Guuleed oo agfariistay Aw Raage, oo uu la joogay oday kale, oo muran iyo jaqjaq badan, ayaa waxa odaygii uu durba Guuleed ku yiri:
“War maxaa ku helay, oo aad ugu socotay, sidii gabar la guday ama awr baxsi badan, oo la qabbirey?!” Guuleed, oo ewelba xalay xilli dambe seexday, haddana, aan hurdo fiican seexan, iminkana, ay gaajo hayso, walaacna ku abuuran yahay, ayaa isaga oon u warcelin odaygii ka hinqaday meeshii uu fariistay. Markii uu sii istaagayey, ayaa waxaa garabka ka qabtay Aw Raage, oo ku yiri:
“Ii fariiso, kani waa naga tagayaaye!” Guuleed, oo foorara, ayaa ku yiri:
“Maya, kan agjooggiisa ewelba ma jeclayn, maantana ma xammili karo, ee iga daa, cirrada ayaan ku xushmaynayaa, ee yuusan war na kala gaarine!”. Odaygii kale, ayaa is dareensaday, illeyn “Kor Waayeel, waa wada indhee” oo ku yiri labadoodii:
“Anigu waan idin dhaafaye, bal waxa dhafriyey wiilka weydii Oday Raage”.
Markii uu Guuleed hubsaday in odaygii muqiisii libray ayuu Aw Raage ku yiri:
“Ma hadli karo, gaajo ka sokow, wax aan xalay arkay ayaanan la hadli karin” Aw Raage oo cabsi ay gashay ayaa ku yiri:
“Marka hore horta wax cun, ka dib, isku day inaad hadasho” Guuleed ayaa ku yiri Aw Raage:
“Maanta wax badan iyo wax culus toona ma cuni karo, oo waa ogtahay, raashin la iima tilmaamee, cunta fudud oo yar uun ii dalab adoo raalli, kuna mahadsan”. Guuleed waxaa loo keenay Sanbuus, Bur iyo Shaah Garow (giir caddaad/baraa girix) ah sida uu jecel jeclaa.
Sanbuuskii iyo Burkii ayuu isku goostay, mise wuxuu billaabay inuu ku hingado. Inta badan Guuleed ma ahayn dadka cunto qaashada xun, 20jir iyo da’dii aan xeerada lala gali jirinna waa ku jiraa, Aw Raagana kuma ogayn, markaa ayuu ku yiri:
“Inta aad ka cuni karto ka cun, oo ha isku dhibin hana isku dilin, haddii aadan cuni karin ama aadan awood iyo amiteet u hayn”. Guuleed ayaa ku yiri:
“Labadan si aan ku dhammeeyaba waa inaan dhammeeyaa, si aan wixii aan xalay arkay kuugu sheego, inta kalaba yeelkeedee iyo “Adaa dhaamee dhammee” anoo hirgalaya” markaa baa Aw Raage ku yiri:
“Haye, haye, isku day bal inaad billowdo. Waan kuu jeedaa, xoogaa waad soo dhiirranaysaaye. Ma cuntadaa mise jawiga ayaa caadi kuu soo noqonaya, oo riyada ayaa kaa qastay mise wax kale oo aad xalay aragtay!”.
Guuleed ood mooddo inuu wax gaar ah ka baqayo, oo takaradhabasho aan lagu aqoon iyo ay ku jirto meelo fiirfiirin ayaa Aw Raage ku yiri:
“Horta wax badan ayaad riyo badane i tiriye, taan xalay arkaan haddaan kuu sheego, waxaan ka baqaa, inaad NSS inu noqoto iyo dabagal! Maxaa yeelay, gebi ahaan, waa lid iyo lur, aan lahayn ladnaan, haddii aan laciifnimo ligan lagu loollamayn!” Aw Raage, ayaa isaga oo Guuleed la yaabban cabsida intan la eg, ee uu riyo uu ku riyooday ula baqayo ku yiri:
“Wiil yahow, NSS markii wax lagu dulmi jiray haddii aanan noqon, loona noqon jiray in wax lagu dulmo uun, maanta oo si walba wax loo dulmo, maxaad taa iila aadday? Waxaan filaa inaad iga taqaan in kugu filane, mirrigmirrigta ma ahane, sheekada hore u gal, oo muraadka i deeqsee, adoon marmarin.” Guuleed ayaa qosol yar ku dhuftay, oo yiri:
“Deeqsinnimada iyo dadnimada ka sokow, runta ayaan kugu jeclahay, balse, afeeftu wax kale ma ahayne, haddiiba saraakiishii ciidanka, maamulayaashii degmooyinka iyo xildhibaannadii la iska xiranayo, anigu xaggeen joogaa ayey kula tahay? War iyo dhammaan, sheekadu waxay u dhacday sidan:
Sida aad ogtahay inta badan riyooyinkaygu xumaan dirireed ama dareemeed –anoo dhoocil la rafanaya- ayey ahaan jirtay iyo marmar dhif ah, oo aan same arki jiray, middase aan xalay arkay, waxay eheed wax aan anigu la yaabay, heer aan hurdadii ku laaban waayo, oo sas iyo salal ayaan ka qaaday!
Ma ahan in wax laga naxo ama laga yaabo ay leheed, ee qaabka, qofafka ku jiray iyo qaddiyadaha laga wada hadlay ayaan qaadan waayey. Ma ahayn inaysan hore u dhicin ama marar badan dhicin, haddana, aniga tani, si gaar ah ayey ii taabatay”.
Fisha qaybta xigta ee qormada.
Bashiir M. Xersi