Xulka iyo xusuusta suugaanta Q 21-AAD W/D:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo xusuusta suugaanta Q 21-AAD

Guurowgaan magaciisa waxa la yiraahdaa: ”Dhaqamo Daajoon” waxa tiriyey laashin: Maxamed Gacal Xaayoow Eebbe ha u naxariistee. Laashin: Maxamed Gacal Xaayow, guurowgaan wuxuu tiriyey, gugu markii uu ahaa: 13-02-1978-kii. Laashinku wuxuu guurowgaan uga faallooday ama uu ku diiday; dhaqammo dhawaan gala ah oo bulshada soomaaliyeed amminkaas ku cusbaay. Laashinku wuxuu qoonsaday oo uu ummadda Soomaaliyeed u farfiiqay dhaqamadaas xunxun oo aysan ummaddu ab iyo isir u lahayn. Waxay ahaayeen; dhaqamo meel iska dhigayey dhowrsanaanta diineed iyo xayulka qofnimo, gaar ahaan haweenka. Laashinku wuxuu dareemay in bulshada ay ku soo kordheen dhaqamo silloon oo aan la qaadan karin.

Laashin: Maxamed Gacal Xaayoow Eebbe ha u naxariistee, wuxuu guurowgaan si qotodheer uga hadlay milgaha iyo sharafta dadka soomaaliyeed sidii ay ahaan jireen, sidoo kale, wuxuu tilmaan guud ka bixiyey; dhulkeennu cirifka iyo halka uu ku yaallo, wobiyada, badaha, beerashada tacabka, dhaqashada xoolaha, daqarka iyo diyada IWM. Waa guurow soo koobay habki iyo sidii ay u nooleyd bulshadu, inta aysan ku soo fufin dhaqamada shisheeyee ee soogalootiga ah. Dhammaadka guurowga, laashinku, wuxuu ummadda kula dardaarmay inaan lagu degdegin dhaqamadaas daajoon ama dahsoon ee haddana silloon.

Guurowga ”DHAQAMO DAAJOON” wuxuu leeyahay; sidaan:

  • Dowlad waranya gaashaanlohoo, Diirran baan nahaye
  • Dad is daafacaan nahay haddey, Doqoni maagtaahe
  • Dariiqada islaam baan nihiyo, Duubki Nabigiiye
  • Diiwaanka waqafkaan ku naal, Kii daliishadaye
  • Deeqda Eebbe waxa noogu weyn, Diinta waasaca e
  • Daalicul Qur’aan baan nihiyo, Duul kitaabiya e
  • Danwadaag heshiisaan nihiyo, Duul xaq-dhowr badane
  • Dugsi nabadgelyaan nahay, Haddaan nalan dallaanseyne
  • Dood-yaqaanna waa nahay haddey, Xaajo durugtaaye
  • Deginka afrikaan ugu xignaa, Daanta barigaa e
  • Dusha laba badoodbey xiga, Dululub-hoosaadkee.
  • Dal ballaaran-baan leenihiyo, Dooxa iyo howde
  • Dibirkiyo gawaankeynabeey, Dixi ka fiixdaahe
  • Durdur maaxdabaan leenahiyo, Wobiyo daadaahe
  • Darkaan xiddiginnaa xilliga, Roobku da’yaahe
  • Haddii dirirka cowleed onkodo, Duubbi loo culaye
  • Abaar dohatay jiilaal durgayo, Doogsimaad ma lehe
  • Darku kaallinkii kama degoo, Waa diraac kulule
  • Daawgii gabaabsi leh nafluhu, Dahanka sii raacye
  • Halka daaqu ka cagaaran yahay, Duunyo loo raraye
  • Damaashaadka dhaantada hablaha, Doobku la ciyaaryee.
  • Dadku diga shidkiisuu yaqaan, Degelka jiifaa e
  • Dabeecooyin guud buu qabaa, Waa dan iyo xeele
  • Dabeylaha isrogabaa xisaab, Loogu daabacaye
  • Iyageys dawaansada haddaan, Daallim kala geyne
  • Dubkeennaa madow ee caqligu, Waa dun-dheer yahaye
  • Debkaan madagta kala soo baxnaa, Geed dalcowtira e
  • Dushaa madane lagu koobi jiray, Deegi barartaahu
  • Dabiib la eg naftuna waa midaan, Cidi dabbaaleyne
  • Duufaan xagaay iyo haddii, Duumo laga qoofo
  • Laxda doosha weynliyo wankaa, Lagu durraantaaye
  • Dammootida Alle ha waabiyaa, Lagu duceystaayu
  • Duqaa ugu sed-roon kaan ahayn, Culuma aw diinee.
  • Deeq iyo laf-dhabarbeey yihiin, Daa’in xooluhuye
  • Dambar iyo waxaa laga helaa, Dux iyo iidaane
  • Daahiilka iyagaa ba’shiyo, Diifta dhaxameede
  • Ayagaa dalaalimo u noqon, Daayac iyo weyde
  • Damac lixa jaceyl-baa iyaga, Loogu soo dugaye
  • Disqigiyo firshada waa inay, Doc uga beyraane
  • Dib-jirkaa la amar sii jiriyo, Daalli gaariya e
  • Degin dhacar leh kuma foofiyaan, Deyrka budulkaa e
  • Waxaa dacayga loo dhuujin jiray, Doonniguu rarane
  • Dushaa maqasha loo saari jiray, Arigu daadshaahe
  • Dayaxeey ku geeddeey jireen, Ubadka daalaaye
  • Duddumada ka soo caray waxay, Debin cabsiiyaan ba
  • Diirrimaad cadceedliyo waxay, Hogo dagaalaan ba
  • Waxaa loogu dogob xaari jiray, Dammalka muuqdaaye.
  • Afartaa daliilshaye haddan, Deyrka kale eego
  • Intaan deelka dhaqankaa ku wado, Waan dejinayaahe
  • Dariiqeey ku joogtiyo haddeey, Diiraddu u toosto
  • Da’da soo koreysaa berriba, Buugga daalacane
  • Dersi waaya’arag-beey u noqon, Daaw la soo maraye
  • Dorraad iyo waxay kala gartaan, Duug wixii galaye
  • Waagii dillaacaba waxbaa, Dunida diimoone
  • Dugsi lagu najaxo waa hidda, Duubka loo xiraye
  • Halka awrka dabariirku maro, Qaalinkow dahane
  • Dirka nimaan awoowgii ku dayan, Duufi dhaqankiiyee.
  • Aniguna dabuubtoo murtida waan, Dabbaqayaahe
  • Haddeey dalabya xagal yeelataa, Daawo lagu waaye
  • Wixi daranya reeb laga dhigaa, Dib u macaadaane
  • Dembi malahan dawgii habboon, Labada daaroode
  • Dammiirkiyo niyadi toosan-baan, Dacar abuureene
  • Dahnigeyga maan gelin inaan, Dadab u heesaaye
  • Nin dadaalay waa shaqo wuxuu, Dib u toleeyaahe
  • Dibnohow qallala jeenankaad, Hebel u doontaaye
  • Dareenkeyga waa laga gartaa, Xaajo dabadheere
  • Anna waxaan u doorbiday naxwaha, Diirka faraceeyee.
  • Da’aaddaya cimrigabaa caqligu, Iigu soo degaye
  • Waxaan doodda waasaca u furay, How damqado jiire
  • Daymadow ku koriyaa la yiri, Diinba ubadkiiye
  • Waxa duugya dhaxal kaaga taga, Waa abwaan duqa e
  • Doonimaayo kherkood inuu, Dabin u qoolaaye
  • Waxa labada daan loo qabsado, Waa dan iyo howle
  • Laf ninkeedi soo dohay nafaqo, Diirran laga waaye
  • Doqontii is legeddow ku haray, Diif maloonguhuye
  • Haddaan dabarya koor kuugu xiray, Duudka ka ilaasho
  • Digtoonaadha yaan lagu degdegin, DHAQAMO DAAJOONE.
  • Da’da kalena waa maansadeey, Dihatay laabtiiye
  • Dumarkeynu shaash-beey xirtaan, Medeb dukaalaahe
  • Daaddaheynta ubadkow yaqaan, Dadab xambaarkiiye
  • Daban-daabka gurigaa la baray, Deginka reereede
  • Deyrka shan iyo tobanaad gugeey, Dahabo qaangaarto
  • Duullaan ragbeey filan jireen, Waayo dabadoode
  • Hadba calafku kow daba dhigeey, Daalligii noqon e
  • Duqa ma oggolee diir-qabkeey, Ugu jeclaayeene
  • Doonis iyo yardow keeni jiray, Daalibkii rabaye
  • Isku duubna ma ahayn haddaan, Meherku deynayne
  • Maantana dabeecadi si’ kale, Daaha loo rogayo
  • Inta derisku haasaawayaa, Lays dardarayaahee.

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN