Xulka iyo xusuusta suugaanta Q 22-AAD W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo xusuusta suugaanta Q 22-AAD

Guurowgaan magaciisa waxa la yiraahdaa: ”Togga inaad ku kala baaqataan tii la rabay maahan”. Waxa curiyey, laashin: Maxamed Gacal Xaayoow Eebbe ha u naxariirstee. Waa guurow waddaniyeed ka hadlaya arrimaha murugsan ee soomaaliya muddo ku dhaw soddon dabshid. Laashinku wuxuu tiriyay guurowgaan ammin aad u fog, kuna beegan intii uu socday halaagga iyo kala haadka qaranku. Mar walba waxa jiray indheergarad raadinayey in mar kale nabad lagu ledo, ku waas ayuunaa laashinku ku dhiirrigelinayey suugaantiisa inteeda badan, gaar ahaan guurowgaan. Laashinka suugaantiisa oo dhammaanteedba guurow ah waa xal raadin iyo in xaakimka (Eebbe) laga baqo. Sidoo kale, wuxuu laashinku guurowgaan kula hadlayaa, kuwa mar walba nabadda iyo wada jirka diiddan, wax kastoo sammaan ahna ka doorbida dantooda gaarka ah iyo danaha qoyskooda. Suugaanta laashinku, waa mid aan qofna wax u hambeyn oo cid walba la hadleysa. Kolka aad dhuuxdu, waxaad si’ dhab ah u garaneysaa inuu laashinku nooga tegay dhaxal iyo keyd aan duugoobin, jiilka hadda jooga iyo kuwa imaan doonana u ah marjac iyo manhaj wax barasho.

Haddaba guurowgu, wuxuu u dhacay sidaan:

  • Taariikhda qoran ee waqtigi tegay, Ka sheekeyda
  • Iyo tii markaas taagan ee, Lagu tillaabsaayo
  • Ee tilmaanta tii lagu socdee, Taxaddirkuu baahan
  • Nin tirtiray haddow jiro ninbeey, Taxar u loogtaaye
  • Iyadoo tixgelinteeda mudan, Yaan la kala tuurin
  • Inta talo gudboon-tahay rag, Waysugu tagaa howle
  • Tigaad loo dhan-yahay tuurta waa, Lagu wadaagaahe
  • Nin tooxsigi ma jiro iyo waxaad, Shalay taqiinneene
  • Towxiidka sida loo cuskado, Yey ka tiko wiifin
  • Yaan kutiri-kuteen lagu turjumin, Tii la rabay maahee.
  • Yaan tafaaradkiinnii badnaay, Debadda loo tuurin
  • Baaqse laysu tebiyaa jiriyo, Taar la soo diraye
  • Taariikhda waxa loo ballamay waa, Turxaan bixine
  • Haba tabar-yaraadee ragaan, Tab iyo xeyl weyne
  • Taageeradiinniisu hura, Tala Alluu dhiibta
  • Waxaad tacab qasaartaan markaad, Kala tolowdaane
  • Dadka saad isugu tiirisaan, Taxaddirkeed yeesha
  • Toddobada jallaadnuu cuskada, Towbadiyo diinta
  • Tubta qummanya toobiga qaldani, Waa tartamayaane
  • Marna yaan tashwiish idin dhex-gelin, Tii la rabay maahee.
  • Aqoon taya leh tiirkeedu waa, Inuu adkaadaaye
  • Adinkaa tawaantii bulshada, Teeladdeed galaye
  • Tirakoobka maalmaha tirsane, Tala is waydiina
  • Haddii aad ku tiiq-tiiqsataan, Tuhun wax keenaaya
  • Ama turun-turreeyee kufiya, Waxan ku taameynay
  • Tafaraaruq kii keeni raba, Wadarta taageerta
  • Sidaas waxa ka toolmoon tilmaan, Looga bixinaayo
  • Adinkaa usoo tababartaye, Taxaddirkeed yeesha
  • Tagooguhu haddii laysku xiro, Kala tiigtaane
  • Middi lagu tillaabsado tan kale, Waa la turucdaahe
  • Walaalkaa haddoow kula tashado, Kaama meel tegin e
  • Togga inaad ku kala baaqataan, Tii la rabay maahee.
  • Haddii ula la tubo tii sanbaa, Laga la boodaahe
  • Xaajana middii toosan-baa, Rag isla tiirshaahe
  • Wax matare walaalkii tashaday, Waa tollinayaahe
  • Inaan laysu tegin buu isagu, Taba-tabeeyaa e
  • Tafa xeydashadu waa midaan, Ficil ku taagneyne
  • Tabbat-baa abii Lahab ku degay, Tanafaskiisiiye
  • Ta’diib-buu adduunkuuga tegay, Tuurya leexa lehe
  • Kama tanasulaan ceeb haddeey, Naar ku tegayaane
  • Tif bukaase taawada qurmiya, Taxaddirkeed yeesha
  • Arrimaha la taaftaafayee, Nolosha tiirkeeda
  • Rag umbaa in loo wada tashado, Tebiyey dhowr jeere
  • Ninkeey taabaneydow adeey, Gooni kuu tahaye
  • Ha ka tegin walaalkaa tixgeli, Madasha soo tiigso
  • Togga inaad ku kala baaqataan, Tii la rabay maahee.
  • Tiirkaa aqalka celiyee ninkii, Kor ugu taakeeya
  • Iyo kii talluumada u qoda, Godadka teel-teela
  • Iyo udubka kii tooxayee, Tab isu waydaasha
  • Iyo xarigga lays kula tiq-tiqo, Kii tirjiyey fiidki
  • Ninba meesha uga toosan buu, Turuqa saaraaye
  • Asigoon culayskana tebeyn, Tiisi oofsadaye
  • Inaad taakuleydaan dadkaan, Wada tabaaleysan
  • Tacabkiyo adduunkii dhumana, Tumin la soo ceynsho
  • In dastuur islaamiya la qoro, Laguna towfiiqo
  • Arrimaha in loo wada tashado, Taarka lagu sheegay
  • Isku tiriye soomaalinaan, Kala takooreynin
  • Ee tabaabushuu gaara iyo, Taxddirkuu baahan
  • Ninki nabad ku taageerayow, Madasha soo tiigso
  • Togga inaad ku kala baaqataan, Tii la rabay maahee.
  • Tabantaabadiinnuba inay, Tabba geli waydo
  • Oon tacshiiraddiinuna ku dhicin, Meeshi lagu toogtay
  • Taasaan ka baqayaa murtida, Kuma tagnaadeene
  • Toogootan baas iyo isii, Ximin takoorkeygi
  • Iyo tii horaan shalay ku qaday, Tanuna heey dhaafto
  • Tartan weli ma gaarini tariin, Guuxa ka horreeya
  • Tubta kii ku soo ridi rabee, Talada jiirsiiya
  • Iyo towsta feeraha gashee, Leebka nagu taagan
  • Ta’liifteyda goortaan cabbiray, Taako kala dheere
  • Towbada ha seegina axdiga, Waad ku tumataane
  • Togga inaad ku kala baaqataan, Tii la rabay maahee.
  • Tala lagama maarmiyo hoggsan, Taabac loo yahaye
  • Turaabtiyo tigaaddiyo naflaha, Taxaddirkuu baahan
  • Nimanyohow! In loo wada tashado, Taa bal ku horreeya
  • Bal in nabadda taam laga dhigee, Tacabka loo xayto
  • Iyadana tusaalaha ku dara, Waa la tebayaahe
  • Tacliintaya waxbarashadu inay, Toban jibbaar noqoto
  • Ee tira aqoonyahane badan, Talada loo dhiibo
  • Iyaduna tilmaan kama dhamee, Taa ku dara howsha
  • Haddaan laysku tixin ummaddu waa, Kala tegaydaaye
  • Inaad kala takoortaan bulshada, Taa iska ilaalsha
  • Ururrada la tiriyee ballamay, Badasha taariikhda
  • Waxaa dhegaha loo taagayaa, Say ku taliyaane
  • Togga inaad ku kala baaqataan, Tii la rabay maahee.

W/D:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

SHEEKOOYIN