Xulka iyo xusuusta suugaanta Q-23AAD W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo xusuusta suugaanta Q-23AAD

Guurowgaan magaciisa waxa la yiraahdaa: ”Xal u raadi soomaaliyeey xaasid howjebine”. Waxa tiriyay laashin: Maxamed Gacal Xaayoow Eebbe ha u naxariistee. Waa guurow ay ku dhammaatay daljirenimo, ka dhalatay diin iyo dad jacayl. Waa guurow aan haba yaraatee uunan laashinku qofna ku maagin, haddana si aad ah wuxuu u garbaashay kuwa xumaha caadeystay ee diintooda, dadkooda iyo dalkooda iibsaday, shilimaadka yarna siistay jiritaanka iyo qiyamka dadkooda. Laashinku wuxuu tiriyey guurowga ammin aad u fog, balse, waxaadba mooddaa inuu beriga uun tiriyey uu uu yahay guurow cusub. Haddii uu maanta noolaan lahaa laashinku, dib ayuu arki lahaa wixii uu soddon gu’ ka hor saadaaliyey uuna ka digay iyada oo daba laga haayo, balse, taas amarka ayaa u diiday oo Eebbe ayaa oofsaday.

Guurowgu wuxuu u dhacay sidaan:-

  • Xujo lama falee xaajadaa, Lagu heshiiyaa e
  • Xigmad baa wax lagu maamulaa, Xowli orod dheere
  • Nin xisaabtamaa xaal adduun, Laga wareystaa e
  • Xayawaanka camal xoolahaad, Uga ekaatane
  • Xariirrada sokeeyaa la jaray, Xidaddadoodiiye
  • Xayaatada nabsigu waa midaan, Xiiso nagu hayne
  • Xabbad maarabaa laysku riday, Xuub caloolladiye
  • Xinjir duul ku fool dhaqanayaa, Lagu xajiimooye
  • Xarraabada sokeeyiyo xigtada, Maanta kala guurtay
  • Xal u raadi soomaaliyeed, Xaasid howjebinee.
  • Xurguf uur fayaaw maleh dadkuna, Ways xagxagayaane
  • Xaqiiqadu sideey tahayna waa nagu, Xad dhaafeene
  • Xummaatada lafaha gaartay waa, Xaajo doqoneede
  • Walaal aan lagaa xigin warmaha, Lama xaluulsheene
  • Xusulkiyo lugtiis xiga warmaha, Kuma xambaarteene
  • Xagaaybaa ku kacay beelihii, Xoonsanaa jiraye
  • Xadka kuwa tallaabee gudbaye, Xera kaluu dhoofay
  • Iyo kuwa xannibanee madfaca, Lagu xasuuqaayo
  • Mid kastaba xanuun gaar ahoo, Xiiqayaa helaye
  • Xarraabada sokeeyiyo xigtada, Maanta kala guurtay
  • Xal u raadi soomaaliyeed, Xaasid howjebinee.
  • Ximintii bugtaba tii xigtaa, Xoog itaal darane
  • Is xaq-dhowr la’aantiinnu waa, Xaaja muruga lehe
  • Xushma laysku eegiyo kalgacal, Sooma xaadirine
  • Haddii xaal Allaa oge xiskaya, Maanku kala jeedo
  • Oon xannaano guud iyo lahayn, Laba is xaad-qaadda
  • Xag Allaa nabsigu nooga yimid, Xukun Ilaaheeye
  • Haddeey kugu xun-tahay geed xilla’, Laga xaluushaaye
  • Xilligii mid dhaamaa gadaal, Laga xariirshaaye
  • Xummaatadi horreydana god waa, Lagu xawaalaahe
  • Xarraabada sokeeyiyo xigtada, Maanta kala guurtay
  • Xal u raadi soomaaliyeed, Xaasid howjebinee.
  • Ururrada xag-jira iyo midkaan, Xamar ka guuxaaya
  • Haddii laysku xoojiyo xornimo, Kama fogaadeene
  • Mid kastaba dantii xorobsigaan, Looga xaal heline
  • Dadku waa xigtiyo ehel warmaha, Xaasha loo tumaye
  • Tani waaba xeer gudub haddaan, Dib u xasuustaahe
  • Xareebtuna idiinma asturnee, Xoodkad dhigateene
  • Xarrakadii luntaye ceeb haddii, Laga xishoon waayey
  • Dadkiinnuna xushmiyo qiimo ma leh, Lagu xisaabaahe
  • Xarraabada sokeeyiyo xigtada, Maanta kala guurtay
  • Xal u raadi soomaaliyeed, Xaasid howjebinee.
  • Xeer lagu hirtaa iyo haddaan, Xukun la raad-raacin
  • Xog ogaal wax sheegiyo haddii, Xaaja laga maarmay
  • Xaqdarradi haddeey sare martee, Xaqi dabooleydo
  • Xudduudihi Ilaaheey haddaan, Cidiba xaaleynin
  • Xaaraama quutaa batiyo, Xuudki xuud liqaye
  • Xisaabaa horyaal waa kolleey, Xibasha naareede
  • Waxay ka xafideenbeey ibliis, Ku xushma dhowreene
  • Xiisadaha kordhaayana iyaga, Kama xaggeeyaane
  • Xarraabada sokeeyiyo xigtada, Maanta kala guurtay
  • Xal u raadi soomaaliyeed, Xaasid howjebinee.
  • Adduunyadaan xanleydaa xushmeey, Idinku deeqdaahe
  • Xusul jaban ninkiisaa kabee, Wada xasuusnaada
  • Xigmad geesigii lagu bartee, Xaaja madar gooya
  • Xaqna aan ku dhiman iyo jihaad, Diinta la xariira
  • Ee xabag ku taal geed qallalan, Xoog ku jerihaaha
  • Ninkiisaa xabaashuu qodee, Wada xasuusnaada
  • Xamar gubay hargeysana mar hore, Xagasha loo laabye
  • Xaafuunna doonyuhu xammuul, Umma xambaaraane
  • Xeebaha Kismaanyana xinjiru, Waa ku qubataahe
  • Xuddur iyo Jubbada sare xigtadu, Waa ku dirirtaahe
  • Dadku waysku uur xaari jiray, Xeerna waa jiraye
  • Inaan ximin fayaaw laga dhex-helin, Wada xasuusnaada
  • Xarraabada sokeeyiyo xigtada, Maanta kala guurtay
  • Xal u raadi soomaaliyeey, Xaasid howjebinee.
  • Xikin hooyo dhixidiyo dadkii, Xooxda wada nuugay
  • Ee xugunka diintiyo ka mida, Xeerka dhaqankooda
  • Xilligana ku xiran awrtu waysugu, Xariirtaahe
  • Inta xumi qabiil lagu xantiyo, Xagar ma daayaane
  • Balaayada ku xuubsiibatana, Kama xoroobaane
  • Sida loogu xulu waajibyada, Umm xambaartaane
  • Xaqiiqada runtaa kama hadlaan, Xaalku sow yahaye
  • Dad ku kala xisaabtama ma nihin, Xeriyo deegaane
  • Xarraabada sokeeyiyo xigtada, Maanta kala guurtay
  • Xal u raadi soomaaliyeed, Xaasid howjebinee.

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Naga la soo xariir:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN