Xulka iyo xusuusta suugaanta Q-24AAD W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo xusuusta suugaanta Q-24AAD

Guurowgaan magaciisa waxa la yiraahdaa: ”Inteey gaal ku weyrixi laheyd geeri doorbiday”. Waxaa tiriyey, laashin: Maxamed Gacal Xaayow Eebbe ha u naxariistee. Waa guur waddaniyeed ka hadlaya, gobannimada iyo daljirenimadu waxa ay tahay. Laashinku, wuxuu ku halqabsanaa; ”Geela” geelu waa dheemantii xoolaha ay soomaalidu dhaqato, waana hantida ugu mudan ee ay ebed jeclaayeen soomaalidu, sidaa darteed, waxkasta oo aad loo ammaanayo ayaa geela lagu halqabsadaa, laashinkuna sidaas oo kale ayuu geela ugu saantiranayaa. Laashinku wuxuu si dadban uga maansoonayaa heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray qaranka soomaaaliyeed, sidoo kale, laashinku wuxuu tilmaamayaa habki iyo xeeladdii waddanka looga saaray saancaddaalihii ku soo duulay ee inbadan duljoogay ummadda Soomaaliyeed. Waa guurow aan waxba hambeyn oo uu laashinku si dedan iyo si daalacanba uga hadlay arrimaha ku xeeraan jiritaanka qarannimo.

Guurowgu wuxuu u dhacay sidaan:

  • Geeraarka maansada waxaan, Goda godeeyaaba
  • Goonyahaa jalleecada waxaan, Gudub u eegaaba
  • Waxaan goolya wiishee xisaab, Gaw isku siiyaaba
  • Garra urisay xaajadu gawaan, Waxaan xarriiqaaba
  • Gunta geedka hooska leh waxaan, Gole u xaaraaba
  • Gemberkii guddoonshaha waxaan, Godob u yeeshaaba
  • Germadowga guurtida waxaan, Rag isu geeyaaba
  • Sida aar gadoodsaday waxaan, Guuxa laliyaaba
  • Gaashaan-dhig xoogliyo waxaan, Geesh ku diriraaba
  • Gembi iyo daraawiish waxaan, Ugu garraarshaaba
  • Gu’yaal badan waxaan gobannimeey, Gellin ku dhowraabee.
  • Waxaan gaasaskaan dumay risaas, Gugac ka yeelaanba
  • Hasha goridayee riman waxay, Gooja dhigataaba
  • Gosha waxaan salaaxee hashii, Gaagax celidaaba
  • Sida geesi ceel qaba waxay, Gocasho riintaaba
  • Gaabbeynta socodkii waxay, Gomadda jiiddaaba
  • Medebkeedi gaafnaay wuxuu, Dhogor gaddoomaaba
  • Ubadkeyga gaajoon waxay, Gorof ka eegaanba
  • Goorteey gurgurataye hashii, Godol ka dhowraayey
  • Waxay giiratee labada laaw, Gaw ugu siidaaba
  • Guul ooman weeyee waxay, Ganasacootaaba
  • Gobata iyo jiilaal waxay, Soo galgalataabee.
  • Waxay mici gammaarreey habeed, Gababac siidaaba
  • Garangoor ku naaxayo wuxuu, Ibaha gooyaaba
  • Goosha iyo nirigtii galoof, Waxay dhukaantaaba
  • Gubaystiya udgoonkii gammaar, Waxay ku dheehdaaba
  • Gaadaamka loo xiray waxay, Guura ribataaba
  • Gal xareed leh iyo doog waxay, Gaatan sugataaba
  • Geed-nugeylka fiixa leh waxay, Gowska dhigataaba
  • Gebi dheerya qaran-qaar waxay, Goonya xulataaba
  • Gaballaax fadhiisiga waxay, Digada goobeyso
  • Sida guuta culumee salaad, Waaga galacdiisa
  • Inteey guri masaajida galeen, Gaar isula jeestay
  • Gellin dhexe habiinkii waxay, Gaadda simataabee.
  • Guulatooyin hooriyo waxay, Guga ku naaxdaaba
  • Gafan go’a cidlaa iyo waxay, Hogobka guurtaaba
  • Gabiibta iyo keymaha waxay, Gura dugsootaaba
  • Gu’soor iyo raggii jiray wuxuu, Geeri filayaaba
  • Wuxuu gogosha cowskiyo dhibtii, Ugu garaabaaba
  • Nin gatiya nin gowracay gadaal, Wuxuu amaanaaba
  • Inuu gudo abaalkeed wuxuu, Goodir ugu heeso
  • Kii garderaya gaaliyo islaam, Uga gargaaraaba
  • Wuxuu galawga qeylshiyo colaad, Kala gudaa leylba
  • Gurdankii fardaha iyo gammaan, Wuxuu ka ceyrshaaba
  • Gebagebiyo dullaan wuxuu, Gaarka ka hayaabee.
  • Afartaasu waa garangartaan, Geeddi soo maraye
  • Waxa geela loogu halqabtana, Waydin garansiine
  • Nin u geyfan moogiye ma noqon, Gaasha doqoneede
  • Gacalkeysku waayaa dartiis, Iilka loo galaye
  • Mar haddoow gurguurshaha ratigu, Doobba gorayeeyo
  • Garab-weynka qaalmaha haddoow, Gaar isugu leexsho
  • Geddi abasax weeyee haddeey, Goojo daba qaaddo
  • Gugeey roob dhexaad tahay, Haddii galab la soo waabsho
  • Guri iyo rarkiisii haddii, Gorodda loo saaro
  • Laba gees leh lama siisto iyo, Googo’ lacageede
  • Anna gabay inaan u hindisaa, Igu garweeyaanee.
  • Hayeeshee gargaarkiyo nimcada, Guullow mahaddaa e
  • Gacmo wadajiraad gobannimiyo, Guul ku hanataaye
  • Nin gam’aa hurdada looga tegay, Gooran loo bogine
  • Gurmadkiyo horuu dheelmadaa, Gaaray libintiiye
  • Gogoshaad ku laabtaa faqrigi, Geeska kuu dhigaye
  • Geyigiyo dhulkaad leedahaa, Laga gurguurtaaye
  • Gummeysiga cad iyo kii madow, Waad ka gudubtaaye
  • Gabbalkiyo cadceeddaa la degi, Goor dhaw dabadeede
  • Haddaan gacan shisheeyiyo ka baxay, Gooddi iyo weerar
  • Galladdiyo ayaankeygu waa, Gaadda bulugleeyee.
  • Haddaan gura dambeedkeyga suray, Guuray nacabkiiye
  • Dharaartaan gandaalkuu dhigeey, Godoshay maandeeqe
  • Gulufteeda iyo dhaaydibaa, Deeqay gabankiiye
  • Garoor ruxata weeyaan hablihi, Goomanaa jiraye
  • Guulna kama macaasheen ninkii, Yaabis soo godaye
  • Gurdankeeda kii dhegensadaa, Gaajo kala dheere
  • Gergerkaan abaal uga celshaa, Geedka madareede
  • Gummuc iyo risaasbaan u dhigay, Guudka oogada e
  • Waxaan gobannimeey kugu nacaa, Way garaad yariye
  • Inteey gaal ku weyrixi lahayd, Geeri doorbidayee.

W/D: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”
Emayl: laashin77@gmail.com
Faysbuug: laashin77

SHEEKOOYIN