Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q13AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q13AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guurowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Dhaliil igu jirtaa” Waxaa tiriyay: Abwaan Cabdulle Axmad Maxamuud (Cabdulle Geeda-Naar) wuxuu uga hadlayaa arimmo badan ee ka bogasho wacan:-

1. Ma dhawayn Ilaahay markow, Samada dheereeyay
2. Ma dhaweyn Ilaahay markoow, Noo dhanmbalay ciidda
3. Ma dhawayn dhur Aadane markii, dhooba laga uumay
4. Ee feerta dheer laga baxshee, looga dhigay xaawo
5. Dhacdadiyo dhanmbaalladi la qoray, dhaqan billaawgiisi
6. Dhextaalladi la soo maray iyo, dhaydka unun joogno
7. Dhibya dheef waxaan soo marnoo, soo dhedheminaynay
8. Taariikhdu waa dhigantohoo meel, ka dhumi mayso.

9. Alla woxow ku dhaartaya woxow, daba dhigyoo khayra
10. Dhaqamaa Ilaahay na faray, tala ma dhaafaan’e
11. Dhexday nooga yaalliin kutuba, dhowrsan weligoode
12. Qofkii been ka dhigataya qofkuu, dhega nuglaataaba
13. Dhimashada dibkeedaa dhabtiyo, run u dheceysaane
14. Maalimaan la kala dhuumaheyn, dhagarunay oole
15. Nafkastaba waxay dhigato waa, laga dherjaayaahee.

16. Dhaqankii Ilaahay na faray, iyo ma dhaafaanki
17. Dheeraad haddii lagu dartay, dhabaqday howshiiye
18. Wax dhamaa Ibliis dhumiyayow, dhaan xujuu raraye
19. Dhabba waalliyeedaa la maray, oo dhib iyo daal leh
20. Rabbiyow Ibliis dhumay asaan, Dhaanta noo tumine.

21. Is dhammaynta dhiig daadintaya, dhirifya dhaar boobka
22. Dhur beelaha caddaalad uga dhaqay, dhaqamadii beesha
23. Laaluush dhiibka iyo ii dhahdaya, dhuuni ku adeegga
24. Xaq la dhaajay beentoo dhibca leh, garaan dhammaanaynin
25. Dhexdhexaadki tala dhaaftayoo, dheelli loo raraye
26. Baadil laga dhergaayee xaqana, laga dhaqaaqaayo
27. Dhinac beel dhammaan loo saftee, maragu dhaarayso
28. Iga dhaaf rumoo laga dhigee, dhegihi diiddeene
29. Wax ha layga dhigo ina dhisee, dhagax halay dhiibo
30. Inta lay dhisaayana anaa, idin dherjaayaa dheh
31. Ka dib dhuunta how marin sidii, walax dhintuu dhuumo
32. Ummadaha kaleentood la dhaqan, kana dhaqaaleysee.

33. Dhalinyaro an dhaqan toosin qabin, qorana loo dhiibay
34. Ilaa dhalashadoodii dhifdhaya, dhigga ku qaangaaray
35. Sharcigoo dhukaan laga dhigoo, dhegaya laab beelay
36. Dhaayihina ka dhacayoon lehayn, xidid dhaqaaqaaya
37. Dhibaa yimid ayaamaha dhawaay, dhaqanki naafeeyay
38. Adduunyada dhammaa dhiriftayoo, wada dhanaanaatay
39. Cidkasta-na dhabteedaa dhilqaya, boodda loo dhigaye
40. Dhalanteedya anigaa dhahaa, nabad la dhaafsiistee.

41. In kastooy dhibaatadu dhacdooy, ceeb na dhaxalsiisay
42. Dadku waa is dhaaman haddana, waa is dhex joogaane
43. Dadki dhumay ayaamaha dhawaay, oo hunguri dhaamay
44. Inti dhimatay Aakhiro waxay, dhigatayoow yaal’e
45. Dhib woxow ka joogaa kuwaan, dhimane dhiiqaysan
46. Maanyada haddii lagu dhex rido, kuma dhaqmaayaane
47. Haddii sharafku kaa dhoco, Ibliis dhoor lahaa tahaye.

48. Hayeeshee waxbaa dhiman intii, dhaqan danbeeyaa’e
49. Dhasha soo koraysaya ku waan, dhalane soo muuqda
50. Dhalinyarada Soomaaliyoo, dhaawacya agooma
51. Waa inaan u dhiig noxo waddani, dhaladabaan ahaye
52. Waa inaan dhabtii ula hadlaa, iyo madhaafaane
53. Dhallinyarada Soomaaliyey, maqal dhawaaqayga
54. Dhabba waalliyeed kuwa dhex maray, kuna dhex dhiiqoobay
55. Dhaxalkoorunoow ceeb naqdee, shala dhumaa jiraye
56. Dhalinyarada Soomaaliyey, maqal dhawaaqayga
57. Ma dhammaan adduunyadu, wixii dhimanna Eebbaa og
58. Waa na lagu dhaqmaayaa intii, lagu dhex noolyahaye
59. Maalintow idiin soo dhacaa, dhaqan hoggaankiisa
60. Ka dhowrsada wixii dhaxal xunoo, sharafta dhaamaaya!”

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN