Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q14AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q14AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guurowgaan magaciisa waxa la yiraahdaa: “Dhulkaanaan gariirine ma jiro hoog kaloo dhiman” waxa curiyay laashin: Caraboow Maxamed Axmed Xasan, laashinku wuxuu ka qisoonayaa dhibaatada haysata ummadda Soomaaliyeed ee aanay jirin milay iyo maalin ay ka baxayaan jaha wareerka. Laashin Caraboow wuxuu bulshada uga digayaa, haddii sidaan lagu sii socdo in dhulku nala gariiri doono, Eebbe nagu ma keeno’e. Waxaa dhab ah haddii dhiig daadinta iyo Eebbe caasintu dhexdeenna ku badato in Eebbe na ciqaabi doono. Laashinku wuxuu leeyahay inta goori goor tahay, dhibka iyo dhiig daadinta ka soo hara. Guuroowgina wuxuu u dhigay sidaan:

1. Indhawaydba dhaaraanki gabay, meel ayaan dhigaye
2. Dhugmadayda kuma hayninoo, talo dhanaanaatay
3. Dheelligi sidow reer u galay, dhoonta maan rarin’e
4. Maxaa yeelay dhiirraabataa dhiiggi, naga dhuuqay
5. Asay shacabki wada dheeli jiray, kala dhantaaleen’e
6. Nimankii dhaqaatiir dilee, Olombikuu dhaartay
7. Iyagoo qoddood baas ku dhigay, ruuxi lagu dhaafshay
8. Ma dhowraan Abwaankuu dhashaya, dhaqanya Suugaan’e
9. Rabbigay shimbira dhowrayeey, dhagaxi haystaane
10. Ee dhaawac iyo maydka dhigay, dheefna uga doonay
11. Sanadyadi na dhaafey bulshada, dhabar wareemeene
12. asey wali dhallaankiya dileen, Hooyo dhaqan weyne
13. Dhulkaanaan gariirine ma jiro, hoog kaloo dhimane.

14. Dhar gal iyo Dhilmaanyiyo Dhilqaya, Dhuudhi iyo Booddo
15. Dad hadday ku dhoobtaanu waa, dhaqan wareeryaahe
16. Dhallinton tacliin maalin dhigan, sharaftanaan dhowrin
17. Dhididkeeda Soomaaliweyn, dhuux ku kala kaaye
18. Qarnigaan dhamaadaya halkaan, dhalasha kow jooga
19. Inow Eebbehey nooga dhigo, taan u dhiganeynay
20. Inta wada dhaqaaqdaan hal ruux, tala ha loo dhiibo
21. Dhugma laaway kheyr male illeyn, wayska dhalayaahe
22. Iyagaa na dhaamoo hadbana, naga dhabiil roone
23. Haddaan dowlad loo wada dhan yahay, dhagaxa loo duugin
24. Dhaaraankanaan loo xirxiran, Diin ku dhaqankeenna
25. Dhamaa maa dhac iyo boobku ee, dhabarka xoogaysta
26. Dheg-weyn nimadu waa waxa ficiin, idinku dhaafeen’e
27. Dhoorrihi Talyaaniga markaan, dhebay ku raacdeynay
28. Calankeenna dheel laguma helin, dhiig na lagu daadi
29. Ingiriisna nama dhowrinee, seefahaa dhibaye
30. Nimanyow intaan sharafku dhumin, oon la kala dhuuman
31. Isu dhiiba xaajada khilaaf, waa wixii dhacaye
32. Dhulkaanaan gariirine ma jiro, hoog kaloo dhimanee.

33. Afartaa dhameeyaye markaan, dhican kaluu leexdo
34. Anoon dhidibka suugaanta jeben, oon dhan uga bayrin
35. Dhayl iyo Salaad maalintii, geedki lagu dhaaday
36. Ceeynaanshana la gaar dhigay annaan, dhadigi taagnayn
37. Ee dhoombir iyo faal cagool, dhararacdood yeertay
38. Dheg ka faarkinow nagu dhecee, dhididku hooreeyay
39. Asaan ruux ka dhiidhiyay la arag, taa dheg xumadeeda
40. Ee waliba dhaantaya durbaan, lays la wada dhaafay
41. Dharka ceebta waa taan xirrayn, dhal iyo waayeele
42. Shacabkoo dhufaagane qalbiga, dhoobo laga saaray
43. Nimankiisu dhaartaye haddana, dhiiggi wada daadshay
44. Inay iyagi dhaa-dhaan noqdaan, sow dheg xumo maahan
45. Dhulka aabbaheyn nooga tegay, dhaxashi sow maahan
46. Shalay gaalki laga dhuufiyow, sow dhab dhoho maahan
47. Dhuxushaya dhaqaalaha badduna, sow ka dhereg maahan
48. Iyagaa is dhiibaye ku dhici dheriga, sow maahan
49. Nimanyow intaan sharafku dhumin, oon la kala dhuuman
50. Isu dhiiba xaajada khilaaf, waa wixii dhacaye
51. Dhulkaanaan gariirine ma jiro, hoog kaloo dhimanee.

52. Ha yeeshee habiinkoo dhas yiri ow, dhex yahay laylku
53. Anoy weeso ii dhowran tahay, dhabuna ii taallo
54. Dhambaalaa mid ii keenay aan, dhaydu garanayne
55. Waxaan iri: ninkaan soo dhocow, hadalka ii dhiib bal
56. Wuxuu yiri: dhammaad iyo billaaw, dhega maqluu yeelo
57. Waxaan iri: waxaad dhaaggan tahay, waan dhursugayaahe
58. Dhulkana yow iiga dhicin, dhiiqo iyo Ciide
59. Wuxuu yiri: hoggaan dhowrsanaa, haatan dhalanaaya
60. Waxaan iri: dhankow naga xigaa, wow dhib toonnahaye
61. Wuxuu yiri: dhulkaan suubbanow, dhinac ka joogyaa’e
62. Waxaan iri: dhabbaha nooradaan, anunna dhowreynay
63. Wuxuu yiri: wasiirkaan dhexaa, dhaxal u gaaraaya
64. Waxaan iri: Ilaahay ha dhoho, dhiibiyaan nahaye
65. Wuxuu yiri: mar waa laga dhergaa, Dhaylo iyo Caano
66. Waxaan iri: Rabbiga loo dhurtoo, dhooba naga uumay
67. Ee dhiig dhacaan lehe dhiggane, dhogorna noo yeelay
68. Asigaa dhamays tiri karee, taa ha dhigo meel san
69. Kuwi naga dhintana Eebbehey, how dembiya dhaafo
70. Annaguna fidnadi nagu dhacdaan, wali dhutaynaahe
71. Wax oonoon dhahaba Eebbeheyow, ha kala dhaafin
72. Dhulkaanaan gariirine ma jiro, hoog kaloo dhimane.

73. Afartaas intiis reeda dhigay, dhabaha mow daadshay
74. Dhafan dhaaf war looga hadlee, dhaay ma ka caddeeyay
75. Dhegataagya dhoodaan iyo, dheelli tire Raage
76. Dharbaaxyadi Carees Ciise iyo, dhibacyadii Kaarshe
77. Ilaa Seydki laga soo dhacaya, dhuuxi oday Guure
78. Shuuriye ma dhaafaayo waa, dhidibki waynaaye
79. Abwaannadii dhammaantood murtida, dhaxal Alluu siiyay
80. Sideey dhihi jireenoonan dhimin, hadalka muu dhiibay
81. Dhukaan Geela wow daran yahaya, dhugata laysaahe
82. Iyadoo walaalkaa dhib qabo, dhiibina u taallo
83. Lays kama dhaqaaqee asaa, laga war dhowraahe
84. Dhumacyada sawaariiqda iyo, dhiigga qubanaaya
85. Dhaartaya dagaalkaya kolyoon, dhootadaya faanka
86. Is ka dhaafa Soomaaliyeey, dhiidhiyeey tahaye
87. Dhulkaanaan gariirine ma jiro, hoog kaloo dhinanee.

88. Dhaqankaya dhawaaqaya dhashaya, dhiigga iyo Diinta
89. Iyo Calanka dhaystaahu way, naga dhexeeyaane
90. Dhirta yaan la jarin waa arlada, dhaxal galkeediiye
91. Ogaadhana midkii dhoofihaa, dhagax ku raacddeeya
92. Dheddigooga xoolaha qofkii, dhararso maagaana
93. Dhudhumada ka soo xira dad ways, dhogor yaqaannaahe
94. Ilaa jeelka laga soo dhigana, sanatar how dhaafin
95. Dhegto waxay na siisaya waxay, dhaydu garataaba
96. Dhuunyaalkow yare haddan, dheeha malabkiisa
97. Qarankeyna shey laga dhan yahay, oon wax lagu dheefin
98. Rabbi sooma dhigin ee bulshooy, yaanan lagu dheelin
99. Alle inow quluubihi is dhimay, soo dhan taal celiyo
100. Isu dhiiba xaajada khilaaf, waa wixii dhacaye
101. Dhulkaanaan gariirine ma jiro hoog kaloo dhimanee!”

“Shirib nikax ah

“Ilaahow duul dhamays tiroon
Dhib noo naqayn wax noogu dhiib!’

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN