Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q16AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q16AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Gabaygaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Soomaalida dadkii hore haddaan dib uga sheekeeyo” waxaa tiriyay laashin: Cabdulle Raage Taraawiil (AUN) wuxuu billaaw ama hordhac u ahaa gabaygii aan soo qaaddannay isbuuci hore ee “Duqa ha loo sheego” waa gabay ku saabsan Sooyaal iyo Juquraafi, iyo deegaankeennu goobtow uga yaallo Afrika. Laashin Taraawiil gabaygaan dhexdiisa wax badan ayuu ku iftiiniyay. Waa gabay caan ah oo uma baahno inaan is barno, Soomaalidu na waa wada garanaysa’e wuxuu u dhacay sida tan ee ka bogasho wacan:

1. Soomaalida dadkii hore haddaan, dib uga sheekeeyo
2. Taariikhda duuggaa markaan, Daba galnee raacno
3. Degmada Afrikaan waxan ka naal, Dacalka xeebtaa
4. Dal ballaaranaan leennahaya, Duunya fara wayn
5. Iyo Webiya doog iyo abaar, Lagu dabaashaayee.

6. Diintana Furqaanow waxyigu, Noogu soo degaye
7. Dariiqadana Shaafici ilaa, Duudki Nabigiyiiye (SCW)
8. Is daryeelka kaalmaha ninkii, Dalagahee cayra
9. Marki loo dugaal galo martida, Deeqa bixintiisa
10. Degganaashihiya miirqabkiya, Daahirninadayni
11. Reeruhu markay wada gedaan, Deris xaqdhowrkoodi
12. Duwanaha ku noolaan ahayn, Daa’in weligaynee.

13. Daqarka iyo dharbaaxyada megtaya, Qadafka aad diiddo
14. Deelqaafka hadalkoo dhocoy, Damaqda jiirtaadu
15. Danaanada qof laysugu tagaya, Dulunka lays maago
16. Dagaal weligii waa jiri jiryee, Qoladi soo duusha
17. Marka ay heshiisyada dalbaan, Damacda guuraagu
18. Waxa dibadda loo saari jiray, Madar ku daynaawga
19. Kan wax dilay iyo midkii uu dilaya, Labada daafoodba
20. Iyadoon Baliis iyo debleey, Kala dabbaalayn
21. Daawana waxay gaarayeen, Laba daqiiqoodee.

22. Dooqoodo hadalkow yiraa, Doc uma dhaafayn
23. Asigey nidaamkow dejiyay, Uga dambeeyeene
24. Inaan xeer da’ weyn leennahaan, Cidina diidayn’e
25. Dusha sare Islaam uga ekaha, Dedane muuqdaaye
26. Markow nacabku nagu soo degeey, Kala dareereene
27. Dagaalkii ha noolatadiya, Doonistii Calanka
28. Markow Gaalku kaaraha deb ka leh, Nagu duqeynaayay
29. Lama kala dambayn Rag iyo Dumar, Dirirti waagaaye
30. Ha boo sii darraadeen Gabdhaha, Dahabka iibsheene
31. Doorkay ciyaareen Habluhu, Waxa daliilkii ah
32. Daba gaabka sow tolatayaa, Xaawo loo dilayee.

33. In kastoy darbada nagu dheceen, Daqarra waaweyn
34. Waa diidday Soomaaliweyn, Dood ka raradkiiye
35. Diinka iyo waxaa loo cuskaday Ducaya aamiin, La suray daharta, Guudkeeda
36. Dammaashaadki Luuliyo, Markow daramalkii yeeray
37. Digashadi habiinkii lix saac, Taniya diiq yeerki
38. Durbaankiya dhaantadi markaan, Waaga ugu diirnee.

39. Raggi Gaalka dirintoo sidaa, Doontay taladiiye
40. Danta caama uma fiirsan iyo, Duubki loo xiraye
41. Damiirkaa dhintaya waxay galeen, Dabashadoodiiye
42. Naga dega markaan dhihi lahayn, Waa na dubateene
43. Dib jir qada la siiyaa la yiri, Daafac reer hebel
44. Mid dafa iyo mid diidee yiraa, laygu dagi maayo
45. Daldalool gufaystaya halkaan, Dalab ka dhowreynay
46. Duufaan waxay nagu fureen, Deb iyo ree-reere
47. Mid dafaya mid diidee yiraa, Deeqa anigaa leh
48. Mid deda iyo mid soo daba maree, Daanis ku ciyaara
49. Mid diyaarad raacaya midaan, Daawga garanaynin
50. Arrin dalab leh liisaan dulmiya, Xaajo dacaraysan
51. Xaq la diiday been loo dukaday, Dabin la qoolaayo
52. Abaar degatay jiilaal wax dilay, Dayax ma doobaaday
53. Gacan doogan deyn deyn ku gaar, Dad is khiyaanaaya
54. Nin dangaabanoo deeq yar iyo, Dahar nin jeexaaya
55. Soomaali kala daadsan iyo, Gaal daf tumanaaya
56. Dareen nabada duullaan martiya, Duulal kala cayn ah
57. Dulli iyo xumaataya rabshaya, Doorashiyo qeylo
58. Derir cola walaal laysku diray, Dooxatiyo tuugo
59. Laba aan deb kala qaadanayn, Daashna wada seexda
60. Dibin-daabya hoosiyo fidniya, Daacad la hungeeyay
61. Dakanooyin baas iyo maraad, Daqartay Wiilkayga
62. Soomaali dariiqyada qabiil lagu hadliyo, Dacawo laaluush ah
63. Soomaaliyoo daayac iyo, Derejo dhowr qoys ah
64. Duqya Boqor dallaal iyo ugaas, Doqonya beenaale
65. Debotaati moogiye iyadoo, Nolol na loon diiday
66. Annagoo Libaax labadi daan, Daaqilka u naalla
67. Dayax shan iyo tobanaa dhashaya, Debi arooryaadee.

68. Daba dhilif la yaashii waqtiga, Naga dambeysiiyay
69. Dibu socotadii baas markii, Debadda loo saaray
70. Waa kaa dalkeenni is beddelay, Duhur dharaareede
71. Ummad diif iyo gaajiyo jahliba, Duugtayaan nahay
72. Dan-wadaag heshiisee gunnimo, Diiddayaan nahaye
73. Ummad daafac iyo xoog leh, Oo diirranaan nahay
74. Dariiqa toosan ee xaqaa shacbiga, Doortayaan nahaye
75. Diyaar waxan u nahay goor dhaw inan, Dayaxa gaarnaaye
76. Dus-duska iyo warxumo faafiskaya, Shaqa ka soo daaha
77. Dadkaan daacad howshuu ahayn, Diina badan lowga
78. Dambeeyaha gadaal xiga markii, Tacabka loo duubto
79. Waxba yow Ibliis laba duglihi, Daasad noo tumin’e
80. Ha na daayo ruuxaan qalbiga, Daahir ka ahaynu
81. Afka ruux ka dahabaa jiroo, Dabaya uurkiiye
82. Iyagoo ku dagayey haddana, Kula dersaayaane
83. In kastoon digtoonnahay summadi, Duulka kuma taale
84. Haddaadan daawanaayow dhismahaan, ka qabsan daaftaada
85. Adya kii kusoo diraba waa, Laydin dilayaa’ee.

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN