Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q18AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q18AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Gabayadaan waxa tiriyay: Laashin Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil” (AUN). Waa seddex gabay oo kala xilli ah, ujeeddo ahaanna kala duwan. Gabayga koobaad, wuxuu ahaa amminkii ugu horreeyay ee laashinku soo caga dhigtay magaalada Muqdisho oo xilligaa ahayd goob ay ku soo hirtaan, dadyowga Soomaaliyeed, meel iyo waa ay joogaanba. Laashinku wuxuu tilmaamay inuusan aqoon buuran u lahayn magaalada xilligaas. Waa intii saaccaddaalaha heer Yurub waddanka joogeen, gaar ahaan Talyaaniga oo koofurta Soomaaliya haystay. Labada gabay ee xiga waa isku xilli waxayna dheceen dhammaadka qarnigii tegay. Labada gabay kan hore wuxuu ku qaadaa dhigay hablihii Soomaaliyeed ee hore iyo kuwa dambe ee joogay xilligii abwaanku noolaa, gaar ahaan amminkii ay jirtay dowladdii kacaanku.

Gabayga seddaxaad wuxuu ku bidhaamiyay dagaalladii sokeeye iyo sideey u aanfeeyeen qarankii Soomaaliyeed, wuxuu ku tibaaxay qeybaha ay ka koobnaayeen, aaladda wax lagu gumaaday, gaar ahaan kuwa halista ah ee darandoorriga u dhaca ee lagu dhameeyay shacabkii Soomaaliyeed ee dulmanaa. Gabayga koobaad waxa la yiraahdaa: ” Welegeey anoon tuula tegin” kan labaadna waxa la yiraahdaa: Hereg Shabeel” kan seddaxaadna waxa la yiraahdaa: “Bir-madow intii laga rido” waxay u dhaceen sidaan ee ka bogasho wacan:

Gabayga koobaad: “Welegeey anoon tuula tegin”

Waligeey anoon tuula tegin, Oon wax turufaysan
Ayaan kowya toban saac ku tegay, Taranta meel talla
Taksi siima raacine minaan, Yara tagtaagsaayo
Doq xummoo tooxanaa yiri waryaa, Tuuga ii qabo’e
Yaa tahay anoon dhihin minaan, Keni tatoonyeeyay
Teestaroow la soo baxay xambaan, Waa askari taaggan
Isbatoorahaa lays-la tegay, Waana igu tuuray
Minii cawa tagtee maalimo baxdee, Cawa na toobayso
Hala tummo iyo yaan la tummin, Talo minay joogto
Taliye iyo taliye xigeen ayaa yimid asaa, Taladi loo dhiibay
Asow yiri ka taga tubtaad ugu tagteen, Tumina maysaane
Tala xumo rag waa qaba jirtee, Tacaddi weeyaane!

Gabayga labaad: “Hereg Shabeel”

Anigoon hablaha caay laheyn, Amasa hiifaynin
Waa Hooyadii dhaqanka iyo, Habinti caanood’e
Waa hooygi nolosheenna iyo, Lama huraankiiye
Taariikhihii hore haddaan, Hillnki soo raacno
Heerka ay maraayaan balaan, Hadal kasoo jeedsho
Habsamo iyo xarraka loo dhashiyo, Haybaddaya faanka
Hubka xirashadiisaya markeey, Hodon dhaqaaqayso
Haweenki aan laheyn dunida, Waa ugu horreeyeene
Howshana Raggay qeybsadeen, Kamana hoosayn’e
Haaman u toshee iyo dermada, Naq u horseedeeba
Hurdada waxay kasoo toosayeen, Hiirta waa beriye
Halboolaha la gooy dheelmatoo, Hooggan malaheyne
qaar haddaan kacay waxay naqdeen, Horor waraabaahe
Hoygii aad geysaya guryihi, Ku hakan maayaane
Habaar waalid iyo duul xummaa, Ka hab habaayaane
Gaarigi hugmaba qaar ayaa, Ka hor tegaayaane
Hawdkeey sidii niman shuftaa, Ku hergelaayaane
Habiin iyo dharaarey waddadii, Ku hardafaayaane
Hotelladii dhexdoodeey raggii, Kula hadlaayaane
Haafkii sigaarkaya jibbeey, Halafsanaayaane
Hungurigii weelka raggii waa, Uga horreeyaane
Ninkastoo hammuun badanna, Waa uga haraayaane
Hiddihii laga soo kac iyo, Dhaqanki hooyood’e
Halkii kolayga laga qaadan jiray, Shaqada loo haysto
Hablahaynu waxay iibsadeen, Hereg shabeelkiiye
Abaar hollacday jiilaal habsaday, Hoga ku leefaysa
Adigoo harraad kulul qabee, Howsar kugu raagay
Haddii ow hillaac kugu dhacyee, Daadku halacleeyo
Gu’ hagaagay roobkoo balliga, Haqafyadii buuxshay
Howd lamma degaanaa jira, Oo laga hayaamaa’e
Hasha madiya iyo baarrimadaan, Ubadka kaa hoynin
Hor imaadka weesaga mid iyo, Ololka haawdaa’e
Waxay kala haraan maalintaad, Bure ku hiigtaa’e
Lafahaaga yay kuu hambane, Hubi tallaabtaada!

Gabayga seddaxaad: “Bir-madow intii laga rido”

Biiteen iyo beeke’em iyo, Bii’im iyo towr
Baasuuke iyo faal bamba leh, Iyo baroon fiifti
Beebbe iyo dhashiike iyo shilke iyo, Jiib buskicinaysa
Birgaan cadfihii loo baxshay iyo, Boobe iyo Suu
Boqol iyo shan buuraha dunshaya, Kaare bururaaya
Iyo tarantaseetihii berriya bad, Isu dhaafaayay
Beerlaab iyo seyr iyo rashtii, Labada baalooto
Beebeeshee kolay toomsan tahay, Ama bustoolooyin
Iyo hoobiyoon ruux bed qaba, Shacab ku beemeynin
Bir madoow intii laga ridaad, Nagu bilaawdeen’e
Bililiqo iyo boob iyo kufsi iyo, Beela lagu duulo
Haddii ow baqaar loo dhacaa, Baawar noqonaayo
Belo waa ku naaxdeen fusuqi, Baahi daraneey
Waayeel balaakiin sitaa, Idinka buuxaane
Balaayaa idiin raashina iyo, Waxaan bannaanayn’e
Buuqa iyo waxay-diin ku wacan baaba’ Kala haadka
Bismillaahiyoon raashinkii, Lagu billaabeynin
Waa biya ka dheertaan qasliga, Layska bixinaynin
Badawyaheey wuxuushyahey gunyaheey, Bahalyaheey tuuga
Bitikaal yaheey bulshadi, Barakac sooyaanshay
Bura fool ku taallaa tihiin, Ma ahan beenteeye
Idinkaa bannaanka is dhigee barashadaa eeda!

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN