Xuruufta Jacaylka W/Q:- Saynab Xaaji Axmed “Ugbaad”

Xuruufta Jacaylka

Himhimmowga mugdiga habeenkoo soo galay ayey Hani u soo baxday jardiinka gurigooda hortiisa ah. Mugdiga sii xoogaysanaya waxaa garab socday, neecow-raxmadeed dubka xanatayneysa, hawadoo qabow iyo shanqartoo yar awgeed, waxay Hani u sahashay, inay ku nasato riyo-hawaawi ah. Maankay ka sawiratay kana jeclaysatay nolosheeda oo raynrayn la hodantay, iyadoo eegaysa samada xiddiguhu teelteelka ku yihiin, ayey aragtay muuq ka soo leexday waddada soona aaday dhankeeda, wajigeedana kusoo dhawaaday, isla jeerkii uu usoo jirsaday masaafo gaaban waxay garatay inuu yahay Liibaan.

‘Waqti aan kuu baahnaa baa timid’, ‘waa inaan ka hadlaa caawa, guuxa laabtayda’ uurkay ka wada hadleen, indhahay iska salaameen. Liibaan ayeyse eegmadu cuslaysay. Labada gacan ayuu isku maraanmaray isagoo taagan. Eegmadeedaa ka kala daadisay hadalladuu isku soo aaddistay. “Waan ku jeclahay! ”ayuu yiri: arar la’aan isagoo ogaal maqan. Waa sii watay, isagoo markan xoog dareemay. Ammin dheer ayey igu qaadatay inaan iraahdo; hadalkan. Daqiiqad waliba fikirkaaga ayaa ii diidayay inaan ka hadlo dareenkayga. ”Iyadoo dhinac isku janjeerinaysa ayey ka durugtay, meel uu fadhiistana waa ay u bannaysay. “Ma maqashay hadalkayga? Waxaan ku iri: waan ku jeclahay.” ayuu weyddiiyay markuu fadhiistay.

Hani waxay sii wadatay hawaawiga riyada. Aamusnaanteeduu dareensaday. “Ii warran?” ayey tiri: iyadoon soo eegin. “Waan kuu xiisay.” ayuu ku nabdaadiyey isagoo shakisan. Si labalabayn ah ayuu u eegay oo dhawr mar hadalka hakiyay. Eegmada wajigeeda welwelka la’ ayuu ku il-doogsaday. Labadooda, midna ma garanayo meel ay ka billaabato iyo meel ay ku dhammaato soo-jiidashadan yaabka leh!. Intay eegtay ayey ka jeesatay iyadoo dhoollacaddaynaysa. Ma isagay u muusootay mise nafteeda. Laba sano iyo dheeraad ayey bilba bil ku ballaminaysay inuu soo gaaro halkan. Hanina sanadahaas xusuus iyo xanuun bay uga soo kabatay xiriir fashilmay, tagaabada iyo taageerada Liibaan.

Qalbiyadoodu iskamay warheyn. “Waxaan u baahanahay caddayn ayey ku tiri: si deggan. “Caddayn maxay ah!” ayuu lahawareer weyddiiyay. “Maxaa caddaynaya inaad i jeceshahay?” Irkigiyo anfariir buu la aamuusay! “Horay waa laygu yiri: waan ku jeclahay, dhibkii isoo gaarayna cid kaaga ogaal badan ma jirto.” Iyadoo og ra’yiguu ka qabay taariihkdeedii, inay tiraahdo hadalkan ayuu ka gubtay. Inay is garabdhigto isagoo si walba ugu gacan ahaa dhibkii gaaray iyo nin uga dhaqaaqay wadda dhexdeeda ayaa la ahaan weysay. “Sideed isku miisaan u saartay, nin boggaaga dhaawacay iyo kii boogtaada dhayay!” ayuu ku yiri: luqad aysan ka marnayn xanaaq iyo xanuun. “Dammaanad ayaan u baahanahay.” ayey kula asaraartay. Dooddeeduu ka gidaaday. Markuu eegaba baraad la’aan bay eegtaa.

Tamartuu ku raadinayay inuu isku difaaco ama ku caddeeyo rabitaankiisa ayuu ku dhex cara qarxay. Mar quruu karaarka jabiyay. “Waxaa la yiri: ‘dumarka waligoodba waxay jecelyihiin ninka u daran.’ Waa dhaqan doqonnimo ah oo caada idiin ah. Muxuu garaadkiisu u tarayaa ruuxa, haddii uusan u kala sooci karin, wax u daran iyo wuxuu dana? Maya! Haddii aad is barbar dhigay ku dilay oo dhib mooyee aadan kala kulmin wax kale iyo mid ku taamaya saacad kasta siduu kugu hanan lahaa, waa nasiibdarro! Sideen u caddeeyaa inaan ku jeclahay? Ma inaan nafta kuu gooyo, si aad u hubsato inaan ku jeclahay anna taariikhda u galo?” halkaas buu ku neefsaday. Liibaan ayey tiri: iyadoo eegaysa wajigiisa dareenka la diihaalowbay ee dayaxa soo baxaya uu ka dhex muuqanaya. Markuu neef qaatay ayuu rakaaday doodda.

Waxaad iga doonayso waa maxay? Maxaad iga doonaysaa ii sheeg? Maxaa kaga raysaa waxaan?. Aniguba waan ku jeclahay, ayey uga naxsatay iyadoo gacanteeda ku soo qabanaysa tiisa laaban ee naxdinta la qabowday. Hadalkeeduu ka faranaxay. ku celi! “Waan ku jeclahay”. Haddii aad ogaan lahayd sidaan kuu jeclahay Liibaan. Maxaa tiri: Aad baan kuu jeclahay! degganaanteedaa ayaa sii ashqaraarisay. “Haddii aadan i dhihi lahayna, anigaa ku dhihi lahaa, balse, haddii aad iiga hormatay, waxay rahan u tahay xiriirkeenna iyo aayaheenna dambeeto. Waxaa u caddaatay Liibaan, inay Hani ku jeclaatay aqligeeda ka hor qalbigeeda. Eegmadeeduu laba jeclaaday. Waa sii fiiriyay fiira dheer. “Waan ku jeclahay.” ayey uga jawaabtay eegmadiisa kalgacalaysan. Waa qoslay, ilmeeyay oo aamusay. Hadalkeeday ku celcelisay hawada maqalka dhegtiisa. ‘Waan ku jeclahay! ku Jeclahay! jeclahay! lahay! hay! Ololka naftiisuu laabta ka higaadshay. “J..a..c..a..y..l.”

W/Q:- Saynab Xaaji Axmed “Ugbaad

SHEEKOOYIN