Xusid: Axmed Cartan Xaange W/D Cabdikaafi Cismaan

 

Xusid: Axmed Cartan Xaange

Cabdikaafi Cismaan[1]

[Waxa aan u mahadcelinayaa Dr. Georgi Kapchits, Prof. Cabdalla Cumar Mansuur iyo Xarunta Baarista Soomaaliyeed (Centro Studi Somali) ee Jaamacadda RomaTreoo ah halka aan ka helay – inta aan helay (marka laga reebo mid) – buugaagta uu qoray Axmed Cartan Xaange.]

 

Hordhac

Da’ walba dhaxal bay u dhaaftaa midda ka dambeysa, (se) dhaqanka wacan iyo aqoonta ayaa ugu qiime badan waxa ay dadku kala dhaxlaan.”—- Axmed Cartan Xaange

Ereyada kore oo ay xaqiiqo mug weyni ku dhantahay, waa kuwo ku jira billowga ararta hore ee buugga Dalkii Udgoonaa, ee uu qoray Axmed Cartan Xaange. Waxa ay ahayd 2014 markii ugu horreysay ee aan akhriyo buuggaa, iyo markii ugu horreysay ee aan barto magaca Axmed Cartan Xaange. Xilligaa waxa aan baadigoob ugu jiray, buug Afsoomaali ku dhigan oo waxtar aqooneed (mid ku aaddan dad, degaan iyo duunyo Soomaaliyeed) iyo wax-ku-oolnimo dhigaal, intoodaba, isku yeesha.

Waa buug kaligii dhaxal ahaan ugu filan da’aaddii ka dambaysay isaga. Buugga waxaa ku urursan aqoon kala filiqsanayd, sidaa haddii lagu dhawran lahaa dhigaal la’ina, maantaba noqon lahayd mid ka tiranta xasuusaha intii aqooni ku ahayd – amaba la dhimata intii dhimatay – ee ogaal ku ahayd.

Laakiin howsha Xaange ma ay ahayn mid intaa – buuggaa ku eg, ee waxa ay lahayd waxqabad ka horreeyay buuggaa iyo waxqabadyo qiro iyo tiro leh oo ka dambeeyay. Howsha weynida iyo waxtaridda leh ee Xaange u qabtay afka iyo dadka Soomaaliyeed waa mid abaal ah, oo aan u maleynayo in, uu halkudheggeedu ahaa; “Allahayow wixii lagu irkado oofi samahayga.[2]”

 

Qofnimada iyo Noloshii Xaange

Intii uu afsoomaaligu qornaa iyo horraanba, Axmed Cartan Xaange waxa uu ahaa aqoonyahan waxqabad intiisa la eg ku qabtay, si aad ahna isugu howlay ururinta iyo dhigidda sheeka-xariirooyinka Soomaaliyeed; hufidda, kaydinta iyo tarjumidda qaar badan oo ka mid ah heesa-hawleedda Soomaalida.

Axmed Cartan Xaange waxa uu, dhammaadka soddonaadkii qarnigii labaatanaad – 1936kii[3], ku dhashay degaanka Laascaanood[4], waxa uuna xilligii carruurnimadiisa ku qaatay, kuna barbaaray isla degaanka Laascaanood ee waqooyi-bari Soomaaliya. Waxa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose ku qaatay magaalada Muqdisho, isaga oo waxbarashada dugsiga sare ku qaatay Magaalada Daara-salaam ee dalka Tansaaniya.[5]Xaange waxa uu (1966–1968) afka iyo suugaanta Ruushka ka bartay qeybta filoolojiyada (Philology) ee Jaamacadda Lomonossov, Moosko ee dalka Ruushka. Isaga oo na buuggiisii dibloomaha jaamacadeed ka diyaariyay qoraagii weynaa ee Ruushka Leo Tolstoy.

Xaange waxa uu ahaa suugaanyahan, qoraa, cilmi-baare, ururiye iyo turjumaan. Waxa uu xubin ka ahaa guddigii farsoomaalida, ee xushay farta ku habboon oo ay Soomaalidu adeegsanayso. Waxa uuna ka tirsanaa howlwadeennada sare ee guddiga. Xaange waxa uu ahaa shaqaale rayid ah, waxa uuna ahaa xubin ka tirsan Akadeemiyaha Dhaqanka, isaga oo waliba ka mid ahaa xubnihii wax ka unkay.[6]Markii dambe, ee Akadeemiyaha Dhaqanka loo beddelay Akadeemiyaha Cilmiga iyo Fanka, waxa uu noqday madaxa Machadka Fanka oo ahaa mid ka mid ah labadii machad ee uu ka koobnaa Akadeemiyaha Cilmiga iyo Fanka.[7]Waxa uu ka qeyb qaatay soo saaridda qaamuskii ugu horreeyay ee ah Soomaali-Talyaani – oo ay 1984 soo saartay Wasaaradda Waxbarashada. Axmed Cartan Xaange waxa uu dabayaaqadii sagaashanaadki ku geeriyooday dalka Keenya.

 

Ururinta sheekooyin iyo hees-hawleedyo

Suugaanta dadweyne, inta uu Xaange wax ka ururiyay, labada ugu waaweyn ee muhiimka ah waxa ay yihiin sheeka-xariirada iyo heesa-hawleedda. Inkasta oo ay ururinta Xaange ahayd mid ku kooban degaanka waqooyi-bari Soomaaliya, sida uu marar badan buugaagtiisa ku xusayo, haddana qaar badan oo ka mid ah heesaha iyo sheekooyinka – waa kuwo aanan gaar u ahayn degaankaas, balse si guud u gaarsan, oo laga heli karo, inta badan ee dhulka Soomaalidu degto.

Sheeka-xariirada

Sheeka-xariirada ha noqoto mala-awaal barax la’ amaba dhacdo iyo arrin xaqiiqo ah oo farshaxan suugaaneed warinteeda lagu labay intii la soo warinayay – sida ay noqotaba, waa mid aan wax badan ka biirsanayno oo aynaan u jeedin in aan dhahno waa been. Been ahaanta xaqiiqada sheekada iyo runnimadeedaba, ma ahan kuwo aan hadda halkan uga wada hadlayno.

Haddii aynu ku horreyno, sheeka-xariiradu ma ahan wax iska been ah, ee waa murti qofka ku hagta in uu wax falkiyo oo uu wax faanbiyo. Waana dugsi uu qofka ka barto (sooyaalka) sida iyo sabada ay awoowayaashiis awoowyaashood abyadood u jireen oo ay ku jireen. Marna, sheeka-xariiradu waa halka uu qofku ka dhugan karo soo jirista dhaqankiisa, ka weeleyn karo sida hadda loo dhaqan yahay – oo uu ka awaali karo in dhaqanku sii ahaan karo, in uu noqon karo – oo uu kari karo ahaan gaar ah – in uu sii ahaado. Sheeka-xariiradu waa mid qofka ku beerta ruux ka-mid-ahaansho (ku tirsanaan) oo u muujisa in uu ka qeyb yahay wax ka weyn qofnimo goosan – oo ka weyn naftiisa.

Sidoo kale, sheekadu sideedaba waa mid wax ka sheegta; dhaqanka asiiliga ah, degaanka, nolosha rumaad, ee aan soo galootiga ahayn, ee ay ummadi leedahay. Waxaa ka buuxa arrimo muujiya sida ay dadkaasi u arkaan adduunka, uunka saaran, abuurtiisa iyo amuurihiisa – sida uu Xaange inoogu sheegayo. Dadka sheekadoodu waa halka ay ka askunto garashada ogaalka kaga aaddan gudahooda, iyo wixii ka baxsan gudahooda – ee jira bannaankooda.

Intaa ma ekeyso e, sheekooyinka waxa aan ka heleynaa, nuxur ah, faham murtiyaysan oo ku aaddan guud ahaan nolosha. Intaa waxaa u dheer bilid, xalid iyo rabbeyn ay ku sameyso – kuna saamayso hab dhaqanka dadka; anshaxa, arxanka iyo ogaalka. Iyada oo ina barta in, caqliga wanaagsani yahay itaal – ka roon itaal kale oo dhan. Sheekada, marka laga soo tago in lagu madadaasho, waayeelka ayaa u adeegsada in uu da’yarta ku hogatuso, ku tilmaamo, oo ku waaniyo – ama uu carruur ku barbaarsho, ku baro casharro nololeed oo anfaaci leh.

Waxaa dhacda, sheekooyinka kolka xitaa ay cabsi yihiin in ay xiiso, mid gaar ah, leeyihiin – xiise ah doonista ku beermaysa akhristaha, ee uu doonayo ogaanshaha badbaadada ama ciridambeedka dhibanaha. Dhawaanahanna suugaanta Soomaalida waxaa ka soo ifbaxay asluub cusub oo sheeka-xariirada, iyada oo si ujeeddaysan ugu qasan, loogu adeegsanayo sheekada-dheer (novel) – habkan waa mid uu adeegsigiisu ku badan yahay mala-awaalka jaadkiisa la yiraahdo‘magical realism’.

Hees-hawleedda

Hees-hawleedda, sida sheeka-xariirada ayay tahay suugaan degaan ka gudubsan, oo aan uga jeedo in ay tahay suugaan aanan degaan gaara ku ekaan, degaanno kalena u gudubta, oo oraah ku gudubta iyada oo afafka dadka isugu gooshta. Heesta iyadu badanaaba waxaa la dhihi karaa, amaba ay tahayba, suugaanta dadweyne midda ugu bilan.

Soomaalidu, marka miyiga la joogo, waxaa jira heesa-hawleedyo luuq cuddoon lagu codeeyo, oo nafta culeyska ka rida, xubnaha jirkana illowsiiya daalka aan kala go’a lahayn ee dhererka maalmeed la soo mutay. Waa dad isku iidaama howsha iyo heesta.[8]Sidaa darteedna, la yaab ma lahan in aad aragto – in howl walba ee miyi lagu qabto – ay hees leedahay.

Hees-hawleeddu kaliya kuma eka heesnimo – in ay kaliya tahay hees lagu luuqeeyo – ee waxaa jirta in ay leedahay Ilwaad iyo dhadhansi ashqaraar leh, iyo ulajeeddooyin fartiimo leh – waana sida ay, hal-abuurrada aanan la aqoon ee sameeya, u haleelaan sawir ka bixinta ebyan, kooban, toolmoon ee ku aaddan aragtiyahooda arrin ama arrimo.

Axmed Cartan, heesaha iyo sheekooyinkaa oo siyaalahaa iyo kuwo kale oo badan u quruxsan ayuu jeclaaday, inuu waariyo ayuu goostay – oo waa uu yeelay. Quruxda dhigan oo ay suugaantaasi tahay, ayuu maanta la xasuus yahay – waana midda ii dirtay in aan xasuusto oo aan xuso.

Dhaxalkii Xaange: dhigaallo aad u qiime badan[9]

Qawdhan iyo Qoran (Xamar, 1967)

Sheekadu waxa ay ku soo baxday warside la dhihi jiray Horseed (1967-1968) oo uu tifaftire ka ahaa Xirsi Magan Ciise.[10]Waa sheeko si u leh mudnaan gaar ah, waayo sida uu B.W. Andrzejewski (Guush) sheegayba, waa sheeko ku dhigan mala-waal tiraabeed middii ugu horreysay – ee lagu dhigo afsoomaali.[11]

Sheekadan-gaabani waxa ay ku saabsan tahay jaceylka Qawdhan iyo Qoran, isla baxsashadooda, hungada baxsigooda iyo ugu dambeyn guusha baxsigooda.

Samawada – Ruwaayad(Xamar, 1968)

Xaange, iyada oo dad ku dhac u yeesha aysan badnayn, ayuu afhayeen iyo cod dhiirran u noqday dumarka – oo uu caddeeyay in aysan caqli fiyoobi ahayn eexda la dhaqameeyay ee ku aaddan doorka uu raggu asteeyay in haweenku ku leeyihiin nolosha iyo noolaanshahooda – intaba.

Ruwaayaddani waa tu ka hadlaysa Samawada oo ah gabar fiiradheer, oo qeyb ka ah halganka gobannimadoonka. Samawada waxa ay u doodaysaa doorka haweenku ku yeelan karaan hoggaanka iyo samatabixinta ummadda, iyada oo Samawada ah ayay tusaalaynaysa sida ay haweenku waligoodba u yihiin seeska insaannimada oo aysan u ahayn wax cillan – oo la dhayalsado – oo la inkiro.

Somali Folklore: Dance, Song and Music, Madbacadda Qaranka, Mogadishu, 1971.

Xaanshadan kooban (pamphlet) waxa uu Xaange ku xusayaa shan iyo toban jaad oo ka mid ah jaadadka heesa-ciyareedka Soomaalida – ee laga ciyaaro dhammaan degaannada Soomaalida. Waa qeexitaanno yaryar oo uu si bayaansan ugu sheegayo; macnaha ciyaar walba, goobta ama goobaha laga ciyaaro iyo goorta ama gooraha la ciyaaro.

Somali Culture and Folklore, Ministry of Information and National Guidance, Mugadishu, 1974

Sheekooyin Gaagaaban, Muqdisho, 1975

Dalkii Udgoonaa (The Land of Spices)Madbacadda Qaranka, Muqdisho, 1984

Waa buugga aan ugu jeclaa buugaagta Axmed Cartan Xaange, ka hor inta aanan helin buugaagtiisa kale. Dalkii Udgoonaa – si kooban – waa buug ka hadlaya ilbaxnimada Soomaalida. Sida ay soomaalida u soo jirtay, iyo asalkeeda, siduu u arko, ayuu in barayaa. Waxaa si fudud, af fudud ugu qoran dhirta Soomaalida iyo waxtarkeeda iyo waxyaabaha lagu samaysto. Waxaa ku qoran oo aynu ku baranaynaa jaadadka dabaylaha ganacsi – xilliyada doomuhu baxaan, iyo hababka samaynta doomaha. Waa buug ay ku dhan tahay aqoon raandhiis leh.

Suugaanta Geela (Tran. The Camel in Somali Oral Tradition),Scandinavian Institute of African Studies, Uppsala, Sweden, 1987

Buuggani Xaange isaga ma uu qorin. Waa buug uu qoray Axmed Cali Obokor, oo uu Xaange u tarjumay afka Ingariisiga.

Somali Cultural Heritage: a collection of articles 1969 – 1986(Xamar? 1988)

Sheeka-xariirooyin Somaaliyeed (Folktales from Somalia), Scandinavian Institute of African Studies, Uppsala, Sweden, 1988.

Waa ururin sheekooyin oo ka kooban tiro gaaraysa 73 sheeko – waxa aynu ku dhiganyihiin laba af; afsoomaali iyo Ingariisi. Sheekooyinkan waxaa jira iyaga oo loo tarjumay af Faransiis.

Ismaaciil Mire: Erey-ururin Suugaaneed, 1990

Waa buug ay ku urursanyihiin ereyo gaaraya ku dhawaad saddex kun oo erey (2,784). Qaar badan oo ereyadaa ka mid ah waa ereyo aanan la adeegsan inta badan. Marka laga yimaado Ingariis ku qeexidda ereyada oo uu ku gaar ahaa, howsha ereyo-ururinta ma ahan midku uu ku kali ahaa, ee sida buugga ku cad, waxaa jiray jaal kala qeyb qaatay ebyidda howsha. Erayadu waa kuwo si gaar u anfacaya qofka darsaya maansadii Ismaaciil Mire.

The sons of Somal, OMIMEE Intercultural Publishers, 1993

Dhashii Soomaal ama dirkii Samaale, waa buug sheeko oo ku qoran afka Ingariisiga – si aan af suugaaneed ahayn – se qurxan. Waa sheeko oo qoraagu ugu sheekeynayo qaabka sheeka-xariirada. Sheekadu waxa ay ka sheekaynaysaa laga soo bilaabo ab-ogaagga asduuriga ah ee Soomaalida ilaa laga soo gaaro dagaalladii sokeeye ee burburkii dawladnimada Soomaalida. Waa buug anfac badnaan leh.

Sheekooyiin II: Favole Somale,Raccolte da Axmed Cartan Xaange (L’Harmattan Italia, 1998)

Sida qeybtii hore ayuu buugganina ka kooban yahay 73 sheeko. Laakiin ururuntani waa mid ku dhigan saddex af; afsoomaali, Ingariisi iyo Talyaani.

Folk Songs from Somalia (Heesa-hawleed Soomaaliyeed), Ururin iyo Tarjumid. Waxaa soo saaray RomaTre-Press, 2014

Buuggan waxaa ku urursan 191 hees-hawleed iyo tarjumaaddooda afka Ingariisiga. Waa buugga kaliya ee heesa-hawleed ka hadlaya ee uu Xaange ururiyay. Waxa uu meel ifaysa uga jiraa buugaagta tirade yare ee lagu ururiyay heesa-hawleedda Soomaalida. Buuggu waxa uu u qeybsan yahay shan qeybood; heesaha huwaayaynta carruurta, heesaha ay haweenku hawlaha ku qabsadaan, heeso la qaado marka xoolaha la ilaalinayo, heeso lagu madadaasho, heeso ku saabsan dugaagga.

Sheekooyin III– (Qabya-qoraal), 1996 – 2017

Waa ururintii u dambeysay ee Xaange, waa buug daftar ah oo ay ku urursanyihiin sheekooyin gaaraya 54 sheeko. Waa buug ku dhigan afsoomaali iyo Ingariisi.

Maqaallo yaryar

Xaange sidoo kale, waxa uu qoray maqaallo yaryar, oo ay ii suuragashay in aan intan ka helo;The Somali academy of Science and arts’ oo ku sharraxayo aasaaska, howsha iyo waxqabadka Akadeemiyaha. ‘Research into the Somali Language’ oo uga hadlayo cilmi-baarista la xiriirta afsoomaaliga. ‘Somali Folklore’ oo uga hadlayo suugaanta dadweyne ee Soomaalida. ‘Suugaanta Kacaanka’ oo aanan ogayn wax nooca suugaan ee uu wax ka qoray.

  

Raadraac

Andrzejewski, B.W. 198-. Somali Literature.

Andrzejewski, B.W. 1988. Developments in the study of Somali poetry 1981-1986.

Andrzejewski, B.W. 1982. Somali prose fiction writing 1967 – 1981.

Axmed Cali Obokor. Suugaanta Geela. Scandinavian Institute of African Studies, Uppsala, Sweden, 1988.

Kapchits, Georgi. Faaliyihii la bilkeeday (A Soothsayer Tested). The Way, Moscow. 2006.

Hawlaha Akadeemiyaha Dhaqanka. Warbixin. Akadeemiyaha Dhaqanka, Muqdisho

Wargeyska Akadeemiyaha Cilmiga & Fanka.Muqdisho, 1987.

[1]Cabdikaafi Cismaan waa arday afka iyo suugaanta Ingariisiga ka baranaya Jaamacadda Muqdisho.

[2]Tix ka mid ah gabay uu leeyahay Xarbi Ismaaciil

[3]Sida ku xusan “Somali Literature” ee uu qoray Andrzejewski, B.W.

[4]Isla “Somali Literature”

[5]Isla “Somali Literature”

[6]Hawlaha Akadeemiyaha Dhaqanka (buug), sida ku xusan

[7]Wargeyska Akadeemiyaha Cilmiga & Fanka, Muqdisho, 1987

[8]Andrzejewski, B.W.Developments in the study of Somali poetry 1981-1986

[9]Ciwaankan waxaan uga hadlayaa buugaagta Xaange. Inta aan hayo ee aan akhriyay faallo kooban ayaan ka bixiniyaa. Inta aan akhrinna tu sii kooban ayaan ka bixiniyaa. Buugaagta inta aan heli waayay waxba kama qorayo faallo ah.

[10]Andrzejewski, B.W.Somali Literature (eeg Bibliography)

[11]Andrzejewski, B.W.Somali Prose Fiction Writing

SHEEKOOYIN