XUSKA ABWAAN AXMED XAAYOOW W/Q:- Bashiir Cali Barre

            14955936_10207819179933982_3919116107651268305_n

XUSKA ABWAAN AXMED XAAYOOW

Waxaa taariikhdu markey ahayd 03-11-2016 dalka maraykanka gaar ahaan magaalada Mineapolis ku geeriyooday AUN Abwaan & Qoraa marxuum Axmed Macoow Xaayoow.Macallin Xaayoow wuxuu ahaa abwaan & qoraa soomaaliyeed oo aannu isku baranay barta ay bulshada badani ay ku xariiraan ee Facebook dabayaaqadii sannadkii 2013kii, markaannu is baraney kahor ma ogayn inuu nin qoraa ah yahay laakiin waxaan ogaa inuu yahay abwaan ahal-abuur aad u sarreeya leh waana sababta kalliftay inaan saaxiibnimadiisa dalbado.

Halkaas waxaa iiga billowday barashada shaqsigii ugu wacnaa, ugu ixtiraamka badnaa, uguna degganaa noloshayda intii aan dad baranayey, waxaana intaas ii dheeraa inuu ii noqday macallin aan si wanaagsan wax kaga faa’idaystay iyo dhiirrigeliye igu dhiirrigeliyay inaan soo bandhigo wax.Waxyar kadib isbarashadeennii ayuu marxuumku aniga iyo saaxiibbada kale ee bartiisa Faceboogga ku xiranba inoo billaabay sheeko-taxane Noval ah oo aad iyo aad u xiiso badnayd yeelatayna shacbiyad farabadan oo aad ugu taxnaa akhrinta iyo aragti ka dhiibashada sheekadaas aad ka u macaanayd.

Qoraaga RABBI ha u naxariistee wuxuu ahaa qof ALLE hibo u siiyay hab-qoraal aad u qurux badan, taasoo soo jiidaneysa qofkasta oo fahmaya farta ay ku qoran tahay, xitaa hadduu ahaa mid aan xiisayn akhrinta .Marka laga soo tago dhacdooyinka jacayl ee sheekada ku xusnayd waxaa kaloo isla sheekada sida dayaxii uga dhex ifayey jawiga iyo xaaladda uu dalkeena soomaaliya ku sugnaa, halkaas waxaa shaqsiga akhristaha ah ee aan usoo joogin waayahaasi uu si qoto dheer u dhuuxayaa wixii xilligaas jiray, siduu xaalku ahaa iyo dhaqankii markaa taagnaa.

Axmed EEBBE ha u raxmado’e asagoo aad u da’yar ayuu ku hammin jiray inuu noqdo qoraa dadka uga taga qoraallo dhaxalgal ah gaar ahaan buugaag afkeena ku qoran oo Noval ah, taasna halgan dheer kadib waa ay u suurta gashay wuxuuna nooga tagay Buugga lagu magacaabo Nasiibka Nolosha 1975,kaasoo daah-furkiisa lagu soo bandhigay qaar kamid ah waddamada qaaradda yurub bilihii Sebteembar, Octoobar iyo Nofeembar ee sannadkii 2015ka.

Xaqiiqdii anigu weli nasiib uma yeelan inaan buuggaas Nasiibka Nolosha akhriyo balse sida qaar saaxiibbada kamid ah oo buuggaas gacanta ku dhigay ay ii sheegeen, waa buug buug dhaafay una qoran qaab aadan innaba ka caajisayn laakiin taas beddelkeeda aadan si sahal ku joojin karin akhriskiisa haddii aad billowdo, mid saaxiibbadaas kamid ah aya aigu yiri [laba xilli salaad ayaa iisoo gashay intii aan aqrinayay ‘‘Casir & Maqrib’’ labadiiba midkasta waxaan ku sigtay inaan hilmaamo xiisaha ay igu haystay darteed.!]

Qoraanimadu maahan wax layska doondoono oo si sahlan aad ku noqon karto ee hibo iyo farshaxannimo ILAAHEY baxsho, marxuumkuna wuxuu ahaa shaqsi RABBI ugu roonaaday hibo qoraanimo iyo hannaan farshaxan oo aad u qurxoon.

  • Xilkas buu ahaayoo
  • Dadka muu xaqiri jirin
  • Maansooyin xanafiyo
  • Xiqdi aan lahaynoo
  • Laga tiray xajiintiyo
  • Shirib lagu xasuustoo
  • Xaraf wacan ku joogiyo
  • Sheekooyin xulahoo
  • Macaani iyo xiisaleh
  • Ayuu noo xarriiqoo
  • Xiska nooga tuujaye
  • Xaayoow ILAAHOOW
  • Xaruntii fardowsee
  • Xuuralcayntu dhoobnayd
  • Xariir uugu gogoloo
  • Xoortii cadaabtiyo
    Ka xoree jaxiimada
    . Qoraha.

Sidoo kale AUN Axmed Xaayoow wuxuu ahaa nin curiya suugaanta qaybaheeda kala duwan sida:-

  • Gabayga/Guuroowga
  • Geeraarka
  • Shiribka
  • Saarka
  • Jiiftada
  • Masaffada

Abwaan Axmed ayaa ahaa nin hal-abuurkiisu aad iyo aad u sarreeyo, wuxuuna masraxa suugaanta soomaaliyeed gaar ahaan gabayada kusoo siyaadshay habdhac horleh oo uu ugu magacaabay Laba-higgaadleey.Qaabkaan Laba higgaadleeyda ah wuxuu qaabkii hore ee gabayada lagu yaqiinay kaga duwan yahay inuu laba xaraf ku socdo halka aan horay u arki jirnay gabay hal xaraf ku socda, waxaana ka mid ahaa Laba higgaadleeydii Xaayoow gabaygaan hoose oo aanan magaciisa helin balse anigu aan ku magacaabi lahaa Dhaxal Qalin.

                                 DHAXAL QALIN

  • Hadday qaafiyad dhinneyn’ qodob dhigaalkeeda,
    • Deel qaafna aan laga dhex helin’ dha’ iyo Qaafkeeda,
    • Qa’da xarafka laba dhacaya uun’ dheeri lagu qaatay,
    • Dhadhankana macaan qiima badan’ dhug iyo maan qaada,
    • Dhegtii maqasha ay quud ka dhigan’ dhuuxa qabarkiisa,
    • Qasdiga loo dhigaayana tahay’ dhaxalka qiimeeya,
    • Dhib qofkaan u soo marin murtida’ dhuuni qabateysan,
    • Quruumihi na dhaafiyo raggii’’ dhihidda qaabeeyay,
    • Dhallinyaro qurqurisaa jirtoon’ qaladka dhaafeyne,
    • Qaylada inaan dhegensannaa’ qaayo dhiciddeeda,
    • Iyo inaan qaddarinnaa dhismaha’ dhiisha qaradeeda,
    • Dhankaan qaadaneynaan rabaa’ qalin dhigaal keenna.

Wuxuu ka qayb qaatay bandhig faneedyo iyo silsilado suugaaneed kala duwan oo ay kamid ahaayeen:-

*Silsiladda “Diiwaanka nabadda iyo Deelleeyda Qarniga” (Silsilad Maanseed) {Buug isla magacaas wata ayaa laga sameeyay silsiladdaan}
* Silsiladdii Sallaamaley (Silsilad Gabayeed)
* Silsiladii Ismaandhaaf (Silsilad Gabayeed)
* Silsiladdii Tirriig (Silsilad Saareed)
* Silsiladdi Dhallinyariyo waayeel (Silsilad Maanseed)
* Silsiladdii Dhalanrog ( Silsilad Geeraareed)
* Silsiladdii Beled iyo Baaddiye (Silsilad Gabayeed)
* Silsiladdii Dabargoynta Qabyaaladda(Silsilad Gabayeed)
* Silsiladdii Midnimo ( Silsilad Maanseed
).

 

     MUXUU AHAA AXMED MACOOW XAAYOOW ?

  •  Wuxuu ahaa abwaan soomaaliyeed oo u istaagay inuu halkey joogto kasii horumariyo suugaanta soomaaliyeed.
  •  Wuxuu ahaa qoraa soomaaliyeed oo u istaagay inuu garaadka dhallinta soomaaliyeed ku kobciyo suugaan iyo qoraallo aad u heer sarreeya.
  •  Wuxuu ahaa qoraa soomaaliyeed oo u istaagay ku dhiirrigelinta dhallinta soomaaliyeed inay wax aqriyaan waxna qoraan.
  •  Wuxuu ahaa shaqsi leh hanuunin iyo waxtar la eg mid qaran, haddana leh muuqaal iyo siffe qof caadi ah. 
  •  Wuxuu ahaa macallin aan kiro iyo mushaar kaa rabin meelkastoo aad caalamka ka joogtana aad si wanaagsan kaga haqab beelaysay casharrada uu baxsho.
  •  Wuxuu ahaa xeerdheere geeridiisa kadib u qalma in magaciisa far dahabi ah lagula dul qoro meel ku midab ah calanka qarankiisa ee buluugga ah.

                                   JIRRADII MARXUUMKA

Dhammaadkii bishii 2aad ee sannadkii hore [2016] ayey waxaa isoo gaaray aqbaarta ah in abwaanku yara xanuunsan yahay, waxaan isku deyay inaan la xariiro balse kuma guulaysan oo wax jawaab ah kama helin laakiin taas wax dareen ah oo sidaas u weyn kama qaadin oo waxaan is lahaa waa iska jirrooyin yaryar dhaqso ayuuna u caafimaadi doonaa, waxaan ku kalsoonaa ogaana inuu markuu farriintayda arko iisoo jawaabi doono haddii ALLE idmo mase ma idmin.!Laba/saddex maalmood kadDib 1dii maarso ee 2016da ayaa Facebook ku arkey bandhig uu kusoo qoray derbigiisa, kaasoo ay iiga dhexmuuqatay heerka xanuunkiisu gaarsiisan yahay, wuxuuna ku billaabay

[Ayaamahan waa wajacsanaa ee ii soo duceeya, in Ilaaheey inti bugta caafiyo.Safar aan geli lahaa ayuu xanuunku ii saamixi waayay, oo uu dib iidhigay,Roonaana Rabbi ayaa og, hadda ducada waa xagiina].

Markaan arkey in Axmed qadka soo galay uusanna iisoo jawaabin, oo aan ku lammaaniyay inuu maalmo dhowr ah oo uu qadka kamaqnaa kadib inta qadka soo galay dalbaday in looga soo duceeyo xanuunka haya, Waxaan xaqiiqsaday in xanuunka abwaanka hayaa uu yahay mid aan fududayn.Halkaas ayaa aniga iyo intii kaloo baraha bulshaha kala socon jiray qaarkoodna kala xiriiri jiray ugu dambaysay Qoraa sare Axmed Macoow Xaayoow.Waxaa warkii intaas ii xigtay in isbitaal la geeyay xaaladdiisuna ay qalliin tahay ayadoo la ii raacshay magaca jirrada laga helay, taasna waxay hoos u dhigtay rajadii aan ka qabay inaan dib isu maqalno.Asaxaabtii ay isku magaalada joogeen Marxuumka qaarkood oo isbitaalka ugu tagi jiray ayaa markii dambe billaabay inay sawirro kasoo qaadaan soona dhigaan barta Faceboogga, sawirradaasi waxay muujinayeen xaaladda liidata ee macallinkii, abwaankii, qoraagii, dhiirrigeliyihii iyo waxsan sheeggii aan mudada saaxiibka ku ahayn barta ay bulshadu ku xariirto.

                             ISLA DOONASHO RABBI

EEBBE jannada haka waraabiyee marxuum Axmed Xaayoow waxaan barta Facebook ku saaxiibnay 03/11/2013kii maalin khamiis ah maqribkeed ‘‘Habeen jimce soo galayso’’, wuxuuna geeriyooday 03/11/2016 oo ahayd galab khamiis ah oo ay jimce soo galayso.

F.G. xilliyada aan sheegay ‘Maqrib & Galab’ waxaan ku saleeyay saacadda iyo xilliyada dalka aan joogo ee Kenya.Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan saaxiibbadii ay isku dalka joogeen ee isku hawlay inay ka warqabaan xilli uu Marxuumku u baahna cid si gaar ah ula socota xaaladdiisa. oo ay kamid yihiin Safiyo Maxamuud & Axmed C/raxmaan.

W/Q:- Bashiir Cali Barre

         12/11/2016

 

SHEEKOOYIN