Xuskii iyo Ducadii Dr Maxamed Daahir Afrax(AUN)

Xuskii iyo Ducadii Maxamed Daahir Afrax

Waxa ay bahda Laashin abaabushay kulan ballaadhan oo ka dhacay Barta Zoomka, kulankan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada, weliba bahda qoraalka, hal abuurka iyo barayaasha sare ee soomaaliyeed. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa barroordiiq iyo tacsi lagu muuneynayey Eebbe haw naxariistee, haldoorkii soomaaliyeed ee Maxamed Daahir Afrax oo dhawaan ku geeriyooday carriga ingiriiska.

Maxamed Daahir Afrax oo ahaa qoraa weyn oo qoray dhiganayaal ku kala qoran afaf kala duwan, ahaanna horseedkii iyo abaabulkii somalipen iyo AGA oo uu hadda ka ahaa Guddoomiye.

Aqoonyahannada,Barayaasha sare, Qorayaasha iyo hal abuurka iyo dhammaan bulshada soomaaliyeed ee xuskan ka soo qaybgalay ayaa si weyn u qaadaadhigay, sooyaalkii, waxqabadkii iyo qofnimadiisii wanaagsanayd .

Waxaa madasha ka hadlay aqoonyahanno badan oo la soo shaqeeyey Afrax, si weynna ugu ammaanay inuu ahaa qof hal abuur leh, hal adag oo waxa uu bilaabo jeclaa inuu dhammeystiro, qof dad isku wad leh, dulqaad badan oo haddana debecsan oo aan ahayn mid isla weyn oo dadku u sinaayeen.

Waxaa madasha furay oo Ibraahim Cismaan Afrax oo ah xogyaha Laashin, habeenkana xidhiidhinayey ku soo dhaweeyey codbaahiyaha guddoomiyaha Laashin, Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo ah guddoomiyaha Laashin, Guddoomiye Xuseen ayaa dhammaan bulshada soomaaliyeed iyo qoyska marxuumkaba uga tacsiyeeyey geerida ku timid, sidoo kalena wax ka taataabtey

Waxaa ka hadlay madasha, Eng Cabdiraxmaan Abtidoon oo ka sheekeeyey sooyaalkii Maxamed Daahir Afrax (AUN).

Sidoo kale waxaa ka hadlay Prof Mansuur oo si quman u qaadaadhigay heerkiisa qoraannimo iyo kaalinta uu ku lahaa  horumarinta Afka iyo qoraalka soomaaliyeed

Waxaa isaguna ka hadlay, Rashiid Cabdullaahi Gadhweyne kana sheekeeyey sidii ay isku barteen iyo halkii uu ka ambaqaaday, qoraalka iyo  qofnimadiisii xalnayd ee hufnayd.

Waxaa isna ka hadlay Baresare Siciid Saalax  oo teer iyo intii uu bilaabay qoraalka ilaa haatan oo uu geeriyooday ay ahaayeen, widaayo iyo jaal wadajira oo shaqona ka dhaxaysay.

Waxaa ka hadlay Qoraa Siciid Jaamac Xuseen oo isaguna si qotodheer uga hadlay qofnimadiisa iyo sida uu ahaa qof habdhaqankiisu sarreeyo oo dad isku wad iyo hoggaamin wanaagsan u leh.

Waxaa ka hadlay si weynna u faahfaahiyey, qofnimadiisa, qoraalkiisa,  waxgalnimadaa iyo gobonnimadii Marxuumkaba Prof Cali Jimcaale Axmed.

Waxaa iyana si weyn uga tacsiyeysan ugana hadashay Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ah sii hayaha guddoomiyaha  AGA,ahna guddomiye  ku xigeenka AGA, Marxuumkana si weyn xaalkiisa Waayihii dambe uga war haysay oo ay wada shaqeynayeen

Waxaa isaguna ka soo qaybgalay oo si qiiro leh uga hadlay wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Amb: Axmed Ciise Cawad ayaa isaguna ku tilmaamay qof hawlkar ahaa oo haddana ay yarayd in la arkaa habdhaqankiisa cid leh, waxaa uunna ka marag furay dhammaan tilmaamihii ay ka bixiyeen aqoonyahannada kale.

Waxaa iyana kaalin mug leh ka qaadatay, Wariye Aamina Muuse weheliye oo ay in badan soo  wada shaqeeyeen,

Waxaa iyaguna ka hadlay xubno ka kala socday guddiga AGA oo kala Nimcaan Gowrax iyo Macallin Maxamuud Maxamed

Madashan xuska iyo Baroordiiqda ayaa waxaa lagu martigeliyey oo dhammaantood ka wada hadlay dadka kala ah:

  • Cabdalla Cumar Mansuur
  • Cali Jimcaale Axmed (Saaxiibbo dhow ayey ahaayeen marxuumka
  • Cabdiraxmaan M. Abtidoon – AGA Europe (Taariikh Nololeed)
  • Macallin Saciid Saalax Axmed – wakiilka AGA ee america
  • Qoraa Rashiid Sh. Cabdullaahi (Gadhweyne)
  • Qoraa Saciid Jaamac Xuseen
  • Maryan Qaasim Cariif – Xildhibaanad aqalka hoose, gud. Kuxigeenka AGA ahna sii hayaha guddoomiyaha AGA
  • Amb. Axmed Ciise Cawad(Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda)
  • Cabdulqaadir Ruumi (AGA UK)
  • Dr. Nimcaan Gowrax – Wakiilka AGA ee Jabuuti
  • Macallin Maxamuud – odayaasha AGA ee Jigjiga
  • Garyaqaan Salaad Cismaan Rooble –
  • Burhaan Axmed Daahir – Saxafi
  • Aamina Muuse Weheliye (wariye xubin ka ah AGA iyo Somali Pen)
  • Axmed Ismaaciil Yuusuf (qoraaga turjumay sheekada Maanafaay)
  • Qalbi Taajir

Dhammaan dadkan oo ah Laf dhabartii iyo  haldoorkii bulshada soomaaliyeed ayuu habeenkan xuska iyo baroordiiqda Eebbe haw naxariiste Maxamed Daahir Afrax kulmisay,  waxa ayna dhammaantood ka maragfureen inuu ahaa geed damal ah oo hadhweyn oo bulshada soomaaliyeed ka jabay.

Bahda Laashin ayaa ah kuwo mar walba u taagan in ay taageerto cid walba iyo koox walba oo  dalkan iyo dadkan wanaag uga tagtay, sidoo kale dadka magaca iyo milgaha ku lahaa bulshadan ee dhaxalka wanaagsan uga tegay ugu dambeyn waxaa aan mar kale uga tacsiyeynayaa bulshada  soomaaliyeed iyo qoyskii marxuunkaba  geeridaa ku timid Maxamed Daahir Afrax. Waxaanna  leenahay qof weliba waxaa uu ahaa bulshada ayaa u marag furta “ Waari mayside, war hakaa hadho“

Bahda Laashin

info@laashin.com

Laashin77@gmail.com

 

SHEEKOOYIN