Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.162aad W/Q Ahmed Hayow

Yaa khaldan

Aabe Kaahin wuxuu orod ku yimid hotelki ay deganaayeen asaga iyo Qareen Ajay Verma, markaa ayuu Ajay uga sheekeeyay arrimaha ka dhexeeyay asaga iyo reer Baa Cubeyd iyo sida uu hadda uga soo baxsaday gurigooda, wuxuu u sheegay gabadha Soomaaliyeed ee meesha lagu haysto, Qareen Ajay ayaa ku yiri: “waxaan Sanca u nimid inaan la kulanay Deeqa Aabaheed, wax naga galay majiraan gabar la haysto iyo arrimo idinka dhexeeya adiga iyo reerka aad sheegeyso, waxaan kaa rabaa inaad soo hesho reer Daahir oo fure u ah dacwadda wiilkaaga lagu haysto, midda kale haddii aad rabto inaan kiis kale kuu galo, waxaad bixineysaa lacag kale, laakiin maaha inaad igeliso waxaan shaqadeyda aheyn” Kaahin ayaa ku yiri: “waxaan arrintaan kuugu sheegay cabsi aan ka qabo weerar igu soo socda, weerarkaas oo aan rabo inaad iga difaacdo, arrintaasna haddii aad ku rabto lacag dheeri ah waa bixinaa” caadada reer galbeedku leeyihiin ayaa ah inay jirin kowl bilaash lagu qabto, sidaa daraadeed ayuu Ajay u ogoleyn inuu qabto shaqo ka dheeri ah midda loo igmaday, taana waxay ku kaliftay Aabe Kaahin, inuu saxiixo lacag kale oo uu ku difaaco Qareenkiisa.

Maxamed Rooble ayaa qabtay telefoon ka soo dhacay Mareykanka, markuu hello yiri ayay Deeqa salaantay, markuu salaanta ka qaaday ayay Deeqa tiri: “sida aad reer Rooble u tihiin, maxaad mucaarad iigu wada tihiin?” Maxamed ayaa ku yiri: “kuma fahmin” Deeqa oo isbareysa ayaa magaceeda u sheegtay, markaa ayuu yiri: “eedaas waxba kuma lihin annaga, mana nihin qofka Raage u xulaayay midda uu mustaqbalka la wadaagaayo” Deeqa ayaa tiri: “maxaa keenay inaad Yaasmiin soo xariirisaan oo aad aniga isoo xariirin waydaan?” Maxamed ayaa yiri: “taa adigaa u sabab ah, waayoo Yaasmiin ayadaa na soo doonatay, adigana waad nasoo doonan wayday” Deeqa ayaa tiri: “waad awoodeen inaad walaalkiin ka celisaan inuu aado Soomaaliya oo ay dagaalo ka socdaan, laakiin markii aad ka celin waydeen inuu u raaco naagta waalan ee aan laheyn waxay ka naxayso oo aan walaalkeed xitaa u sheegin inay Raage la baxsaneyso, markaa ayaan gartay inaad idinkana raali uga tihiin boholaha ay Yaasmiin ku rideyso Rr” Maxamed Rooble intuu qoslay ayuu yiri: “adigoo naag ah ayaa Raage ka ceshan wayday Yaasmiine, sideen annagoo rag ah uga celin karnaa naagta uu raacaayo, midda kale asagoo ku jecel ayaa lagaa fara maroogsaday ee haddii aad raja ka leedahay intaad ka daba baxdo ka soo wado Yaasmiin” Deeqa ayaa tiri: “waxaan rabaa inaad arrintaa igu garab gasho” Maxamed ayaa yiri: “oo sidee kuugu garab galaa?” Deeqa ayaa tiri: “intaad Soomaaliya tagto inaad Raage ka soo wado” Maxamed ayaa yiri: “maad adigu Soomaaliya tagtid?” Deeqa ayaa tiri: “firaaqo ma haayo ilaa aan qandaraaska ka dhammeeyo, laakiin waan awoodaa inaan bixiyo kharash kasta oo ku baxaaya keenistiisa, xataa haddii ay milyan doolar tahay” Maxamed Rooble ayaa ku yiri: “shaqada markay kuu dhammaato, Allaha ku gaarsiiyo” markaa ayuu telefoonki ku dhigay, Deeqa intay carootay ayay wacday Jamaal Dooli oo ay ka rabtay inuu qaato qandaraaska lagu keenaayo Raage.

Xasan Rooble wuxuu go’aansaday inuu u guuro Minnesota oo ay Soomaalidu ku badan yihiin, kadib markuu kala tashaday Faaduma ina adeerkeed Dooli oo u sheegay inuu Minneapolis ka sameysan karo meel ganacsi iyo inay leedahay Somali Mall oo ah rugo ganacsi oo lagu iibiyo wax yaabaha ay Soomaalidu isticmaalaan, sidaa daraadeed waxaa loogu maqan yahay guri ijaar ah iyo dukaaman iib ah oo uu ka gato Karmel Moll ama Moolka 24ka.

Layla waxay ku dhex waalatay Deeqa iyo walaalkeed Cawil, waayoo waxay ogtahay inuu Deeqa ka maqan yahay Raage iyo inay nin kale u jeedin, waxaa kale oo gaar u haysta culeys lafteeda saaran oo ah inay habeen walba ku riyooto Raage, waxaa ugu darneyd habeen ay ku riyootay asagoo ay ladhici rabtay diyaaradi uu Soomaaliya u sii saarnaa, sababtoo ah waxay habeenkaas waydiisay walaalkeed, sida ay yihiin diyaaradaha Kenya laga raaco oo Soomaaliya loo raaco, wuxuuna u sheegay inay yihiin diyaarado duq ah oo aan leysku haleyn karin, Laylana habeenkaas waxay ku riyootay diyaaradi Raage saarnaa oo baalasha ka go’een oo cirka heehaabeyso, ayadana ay daaqad uga jeedo Raage oo diyaarada dhexdeeda ku gadgadoomaayo, naxdin ayay la soo toostay, Layla waxay aad u nacday gaariga Rolls Royceka ah oo uu weli wato walaalkeed, waayoo waxay soo xasuusanee Raage iyo iyada oo isla saaran, markaana waxay geleysaa riyo maalmeed.

 

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN