Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.163aad. W/Q. Ahmed Hayow

Saalim markuu qolka ka waayay Aabe Kaahin ayuu aaday saldhiga, wuxuuna arrinti u sheegay Adeerkiis Cali Baa Cubeyd oo ciidamo u diray inay ka soo raadiyaan dhammaan hotelada magaalada Sanca, saacado ka dibna waxaa la soo garaacay qolka uu hotelka ka degan yahay Aabe Kaahin, waxaana loo taxaabay saldhiga.

Markii loo geeyay Adeer Baa Cubeyd ayuu waydiiyay: “maxaad Sanca ka soo doontay? ileyn waad ogtahay sida aad London noogu gashaye?” Saalim ayaa turjumaan uga ahaa.

Aabe Kaahin ayaa yiri: “waxaa Mareykanka ku xiran wiilkeyga Kamaal oo loo haysto inuu ka dambeeyay shirqool lagu dili lahaa Oday Daahir, waxaana u nimid aniga iyo qareenkeeyga in aan Daahir wax ka waydiino arrintaas”.

Saalim ayaa yiri: “way jirtaa arrintaas ah inuu wiilkaagu ka dambeeyay shirqoolki lagu khaarijin rabay Deeqa Aabaheed, waxaana ku tusi karaa ninki uu u adeegsaday oo aan sii deynay, markuu Oday Daahir caafimaaday” waxaa Saalim ku soo dhacday inuu heli karo wado uu uga dabaasho kiiska shirqoolki Aabe Daahir, wadadaas oo ah inuu u saariyo nin magaalada caan ka ahaa, oo inta badan lagu soo xiro saldhiga Adeerkiis taliyaha ka yahay, ninkaas oo haddii lacag la siiyo, qiranaaya inuu Kamaal lacag ku siiyay dilka Aabe Daahir.

Waxaa macquul noqon karta inuu Aabe Daahir laftiisa qirto, inuu ninku yahay midki xabadaha ku dhuftay, sababta oo ah maskaxdiisu caadi maaha, midda kalana waxaa reerka ku jirta cabsi ay ka qabaan reer Baa Cubeyd oo gaarsiin karta inay wax walba ku raacaan.

Aabe Kaahin run way la noqon wayday waxa uu Saalim sheegaayo, markaa ayuu yiri: “ma la’i tusi karaa Daahir?”.

Qof walba tiisa ayaa u darane, Adeer Baa Cubeyd oo ay u darneyd lacagta uga maqan Kaahin ayaa yiri: “seddex sano ka hor, ayaad iga khasaarisay lacag ku dhow afar boqol oo kun, taasoo hadda kugu sii noqotay malaayiin, laakiin hadda nasiibkeeyga ayaa ii kaa keenay, waxaana kaa rabaa in aad lacagteydi i siisid, haddii kalana aan godkaan kugu haysto ilaa aad ka dhimato, weliba anigoo awooda in aan hadda xabad wejiga kaaga dhufto, waayoo cid i kaa wareysaneysa ma jirto”.

Dood dheer ka dib ayuu Aabe Kaahin ogaaday in ay lacagtu tahay malaayiin Riyaal Yamani oo aanay aheyn Doolar, waa lacag afartan malyan oo Riyaal ah oo aan ka badneyn 200 kun oo doolar, sidaa daraadeed ayuu Aabe Kaahin ogolaaday inuu magdhowgaas bixiyo, laakiin ay ku kaalmeeyaan sidii uu ku heli lahaa Deeqa Aabaheed Daahir, arrinkaana waxaa la wareegay Saalim oo dib u dhigtay ilaa uu ka soo diyaariyo Baa Juheydi oo ah ninka uu kiiska u saarin rabo.

Muxsin Baa Juheydi waa tuug caan ka ah Sanca oo dhowr jeer Soomaalida dhacay asagoo ciidan iskaga dhigaayo.

Aabe Kaahin markuu xaaladiisa meel ku hubsaday, oo ay ka soo bexeen xafiiski sarkaalka ayuu Saalim waydiiyay xaalada Xaawa Kiin oo aanu aqoon dheer u laheyn, wuxuu Saalim u sheegay magaceeda iyo inay xaaskiisa tahay, waxaa kale ee uu u sheegay inay qabto waali khafiif ah, taana ay tahay sababta ay biyaha ugu daadisay marki ay cabitaanka u soo waday, inkastoo aanu hubin Aabe Kaahin inay Xaawa Kiintu tahay middi uu ka maqli jiray wiilkiisa, taasoo uu Sanca ka soo weci jiray, haddana wax culeys ah iskama saarin, inkastoo ay naftiisu ku qanci wayday waxa uu Saalim u sheegay, waayoo wuu og yahay in ay khaa’iniin yihiin Saalim iyo Adeerkiis.

Waxaa Aabe Kaahin la geeyay hotelkiisa, waxaana loo sheegay in loo soo raadinaayo reer Daahir.

 

Maalinti shanaad marki la gaaray ayaa Raage iyo Yaasmiin loo sheegay in la baxaayo berri duhurki, markaana wuxuu Raage damacsanaa in ay kireystaan gaari Land rover ah oo geeyo magaalada Mandheera, halkaana ay Soomaaliya kaga galaan Beled Xaawo, ka dibna ay Luuq tagaan, halkaana ay uga sii gudbaan magaalada Baydhaba oo ay joogto Dowladda ku meel gaarka ah, ka dibna halkaa ka aadaan magaalada Muqdisho.

Waxaa qorshahaas beddelay diyaarada berri baxaysa, wuxuuna wacay walaalkiis Xasan oo aanu wicin inti uu Nairobi ku sugnaa, waayoo ma aanu rabin in uu ku yiraahdo soo laabo haddiiba ay xaaladu sidaa tahay, waana taas sababta uu uga gaabsanaayay in uu walaalihiis siiyo warbixinta safarkiisa.

Bini Aadamku waxay kugu abuuraayaan qorshe kale, haddii aad kala tashato arrimaha kaa miliqsan, waana hubaal in aan Raage laga yeeli laheyn inuu gaari ka raaco Nairobi kuna tago ilaa Muqdisho, waxaaba suuragal ahaan laheyd in laga diido inuu diyaarad u raaco, marba haddii ay dagaalo ka socdaan Caasimadda dalka.

Walaalkiis Xasan wuu isku dayay inuu Raage ka celiyo bixitaanka, balse Raage ayaa ku adkeystay kuna yiri: “ii soo ducee” balse Maxamed Rooble ayaa ku dhiirigeliyay tallaabada uu qaaday oo uu ku go’aansaday inuu dalki ugu laabto, waayoo Maxamed wuu soo arkay nolosha magaalada burbursan, wuxuuna dib u habeyn ku soo sameeyay gurigoodi oo ay hadda degan yihiin islaan iyo carruurteeda oo waardiye ka ah, Maxamedna uu u soo diro 50 doolar oo ay ku illaaliyaan guriga.

 

La soco. …….164aad.

SHEEKOOYIN