Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q. 164aad. W/Q. Ahmed Hayow

Duhurnimo Khamiis ah ayay duushay diyaaradi siday Raage iyo Yaasmiin, markay galeen hawada Soomaaliya ayay arkeen xabado ka dhacaaya meel ku beegan magaalada Kismaayo, kadibna waxaa diyaaradi soo gaaray xabad kaga dhacday baalka midig, inkastoo aanay matoorka wax gaarsiin, haddana waxaa baylootki (naakhuudihi) diyaaradda ka luntay kontaroolki diyaaradda, markaa ayuu ula sii fogaaday gudaha badweynta Hindiya.

Ugu dambeyn diyaaradi oo waadwaadeysa (heehaabeysa) ayaa ku soo degtay garoonka No.50, dadki saarnaa oo wadnaha afka ku haayayna, waxay ka soo degeen ayagoo nabad qaba, Raage wuxuu halkaa ka kireystay gaari Xaajiyo khamsiin ah oo geysa xaafadiisi Boondheere, waxaana gaarigi lagu istaajiyay kontaroolka Afgooye oo ay joogaan ciidamo MMI ah, marki la soo dejiyay oo la arkay qaabka ay Yaasmiin u labisantahay, inta cimaamad lagu tuuray ayaa lagu yiri: “cimaamada xiro” ileyn waxay wadatay Surwaal iyo funaanad.

Waxay ciidamadi ku xukumeen in la karbaasho, laakiin Raage ayaa u sheegay inay hadda dalka soo galeen iyo inay dharkaan iska beddeli doonto, sidaa ayaa lagu sii daayay, waxaana loo sheegay inay gaariga ka soo degin ilaa ay horay guri uga gasho, waxay nasiib ku lahaayeen in ay qabteen koox aan sidaa u mayal adkeyn, laakiin haddii ay qaban lahaayeen kooxaha mayalka adag, waxay noqon laheyd in Yaasmiin la karbaasho, sababta oo ah kooxdaasi ayaa aaminsana inay jiraan dad u baahan in wax loo sheego ama fursad la siiyo, ileyn kooxaha ku mideysan MMI waa kooxo kala firqa ah oo wada leh hal cadow, kaasoo ay ku khasbanaadeen inay u midoobaan, balse kala ujeedo ah, inkastoo aanay ogeyn meesha ay u socdaan iyo waxa ay ugu socdaan.

Raage wuxuu soo gaaray gurigoodi wakhti maqrib ah, waxaa Albaabka ka furtay gabar yar oo ay dhashay islaanta guriga waardiyeysa oo la yiraahdo Iqra, gabadhaas oo la yaabtay dadka boorsooyinka wata oo guriga soo gelaaya, weliba si deg deg ah ayaa Yaasmiin loo geliyay gudaha guriga, waayoo waxaa laga baqaayay in ay arkaan ciidamada madaxa ku sita cimaamadaha oo meel walba gaaf wareegaaya.

Iqra waxaa lagu jiiray albaabki guriga, markaa ayay u qeylisay hooyadeed: “hooyo hooyo dad ayaa guriga soo galeen” Hooyo Salaado waxay tukaneysay Maqrib, Yaasmiin ayaa Iqra ku tiri: “waxaan nahay dadki guriga iska lahaa” maalmahaana waxaa socotay in laga saaro dadka ku jira guriyaha islaameed, sidaa daraadeed ayay Iqra yareey iskaga aamustay, ayadoo ka xumaatay in laga saaro guriga ay ku nool yihiin.

Yaasmiina waxay fiirfiirin u gashay guriga ay halka mar soo gashay, waxay fiirisay meesha ay taagneyd Raage hooyadiis, waxay fiirisay qolki fadhiga ahaa oo ay galeen ayada iyo Raage, waana intaa inta ay guriga ka taqaano oo ay weligeed soo xasuusan jirtay, qolki fadhiga ahaan jiray, waxaa degan laba wiil oo ay islaantu ka ijaartay, waxaa kale oo degan nin iyo naag is qaba oo ayagana laga ijaaray qolki iyo bersadi ay deganaayeen Raage waalidkiis, hal qol waxaa ku xiran alaabo uu dhex dhigay Maxamed Rooble, labada qol ee kalana waxaa degan islaanta iyo carruurteeda.

Raage wuxuu ku mashquulsanaa soo dejinta boorsooyinka ay ka buuxaan dhar aan inta badan la qaadan doonin, waayoo waxaa ku jira goonooyin iyo saraawiil ay leedahay Yaasmiin, waxaa kale oo ku jira funaanado iyo shaarar ay Yaasmiin leedahay, boorsooyinka gacanta oo intooda badan cusub, dharka Raage intooda badan waa la qaadan karaa, waloow ay sawiishu u baahan yihiin in lugaha laga soo gaabiyo ama inuu macawis ku bedesho, shaararkiisa iyo funaanadahiisu inta badan waa la qaadan karaa, inkastoo ay ku jiraan kuwo ay ku qoran yihiin (I love New York) iyo wax lamid ah.

Yaasmiin oo guriga fiirfiirineysa ayay hooyo Salaado ka soo baxday salaadi, markay aragtay naag surwaal wadata oo guriga dhex taagan waxay istiri: (Maxamed Rooble miyaa dibadda kala yimid) ileyn islaantu way ogtahay inay reerka gabar la dhalan oo ay yihiin seddex wiil, taana waxaa u sheegay Maxamed Rooble, markay isi salaameen ayuu Raage oo boorsa wada soo galay, islaanti oo yaaban ayaa tiri: “maxaad aheydeen?” Yaasmiin ayaa tiri: “eedo reerki guriga lahaa ayaan nahay” Raage ayaa yiri: “eedo Salaado, waxaan ahay Raage Rooble, guriga in aad sii degan tihiina waxaa ii sheegay walaalkeey Maxamed Rooble” islaanti waxay ku hadasho ayay wayday, ileyn waxaa soo degay reer u baahan meel ay degaan oo aan loo hayn qol ay degi karaan, waxay tiri: “waxay aheyd in aad goor hore ii soo sheegtaan in aad imaaneysaan” Raage ayaa yiri: “waa runtaa, laakiin meel lagaala soo xariiro ma haynin, haddana dhib malaha haddii aan ilaa wakhti sii wada deganaano”.

Wuxuu Raage u qaatay inay islaantu ka hadleyso guuritaan iyo in ay guriga u firaaqeyso, markaa ayay islaanti tiri: “qolalka oo dhan waa lagu jiraa oo hal qol oo bannaan malaha, laakiin waxaan hadda idiin baneyneynaa qolka ay carruurtu degan tahay, waloow aanu nadiif aheyn”.

Raage wuxuu walaalkiis Maxamed u sheegay inuu islaanta u diro lacag biil ah oo ay guriga ku ilaaliso iyo in ay cid kale soo dejin, waayoo wuxuu ka baqaayay haddii ay dad kale soo dejiso oo ay ogaadaan in ay guriga wakiil ka tahay in ay booska ka xoogaan, ilmaheeda iyo ayadana ay bannaanka ku tuuraan.

Raage waxaa hadda u muuqatay in ay islaantu ka baxday heshiiski ay walaalkiis la gashay, markaa ayuu u soo orday bannaanka si uu uga gaaro Xaajiyadi keentay inta ay dhaqaaqin, wuxuu la kulmay darawalki oo markaa dhaqaaqay, intuu istaajiyay ayuu weydiiyay hotel ay degi karaan, darawalki ayaa u sheegay hotelo badan, Raage ayaa ka codsaday inuu Hotel Naasa Hablood geeyo.

Isla markiina wuxuu saaray seddex boorso oo bannanka tiilay, kadibna wuxuu ku soo laabtay Yaasmiin oo ay islaanti ku ooyayso, ayadoo u qiratay dembiga ay gashay oo ahaa in ay guriga dad soo dejisay ayadoo rabta in ay ka hesho xoogaa dhaqaale ah oo ay ilmaha ku korsato, Raage ayaa Yaasmiin ku yiri: “Yaasmiin waxaan aadeynaa hotel Naasa Hablood” markaa ayay islaanti tiri: “waa khalad aan anigu galay, laakiin berri ayaan guriga idinku wareejinaa, dadka ku jirana caawa ayaan u sheegaa in ay berri guriga ka guuraan”.

Raage ayaa yiri: “maya eedo Salaado sidaa ha sameynin, waxaan kuu imaanaayaa berri haddii Rabbi idmo oo aan ka wada hadleynaa wax walba” sidaa ayay ku aadeen hotelki.

 

La soco. ……..165aad.

SHEEKOOYIN