Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.165aad. W/Q. Ahmed Hayow

received_10204784410466642

Waxay Eedo Salaado siisay Yaasmiin Jalaabiib ay isku asturto, inkastoo ay u soo bixisay midkeedi ugu cusbaa oo ay shalay dhaqday, haddana waxay Yaasmiin gashatay ayadoo aan jecleyn dhar islaameed inay xirato, Yaasmiin waxay rabtay inay gasho qolki fadhiga ahaa oo ay Raage kaga qaadatay sawirka, haddii ay suuragal noqon waydayna inay caawa aadaan gurigoodi oo ay seexato qolki ay Raage iskula sawirtay, markaa ayay Raage ku tiri: “Raage aan aadno gurigeeni Kaaraan” Raage ayaa yiri: “gurigiina lama hubo waxa aan kala soo kulmeyno, waxaana nooroon inaan caawa hotelka seexano, berrina aan ka wardoono guriyaha oo dhan” sidaa ayay Yaasmiin isaga qanacday, ayadoo ka xun in aanu u suuga gelin sidi ay rabtay.

     Markay galeen hotelki ayaa lagu yiri: “warqad nikaax ma haysataan?” Raage ayaa yiri: “maya ma haysano, laakiin waxaan rabnaa inaan goor dhow isguursano” waxaa lagu yiri: “haddii aad haysan warqad nikaax, hotelkeena looma ogola inay wada seexdaan dad aan isqabin” Raage ayaa yiri: “waxaan kala degeynaa laba qol oo hal qol wada degi mayno” waxaa lagu yiri: “naag kaligeed oo qol degan lama ogola, mana kuu heli karno laba qol oo aad kala degtaan” Raage mucjisuu lakulmay, asagoo wuxuu sameeyo garan la’ ayaa lagu yiri: “haddii aad rabteen inaad isguursataan, maxaa idiin diidaaya inaad caawaba isnikaaxsataan, oo aan xaflad idiinku dhigno hotelka” Yaasmiin markaa waxay saarneyd gaarigi Xaajiyada ahaa oo aanay ka soo degin ayada iyo darawalki waday, darawalkaas oo ku calaacalaaya inuu gabalki ku dhacay, caawana uu ku laaban karin No.50, muraadka uu leeyahay ayaa ahaa in lasiiyo lacag uu hotel ku seexdo si uu lacag kale uga helo, reerkaan dibadda ka yimid.

Raage iyo maamulihi hotelka waxay isla garteen in caawaba ladiyaariyo arooska Raage iyo Yaasmiin, waxaana labillaabay qabanqaabada xafladda iyo qaabka ay u dheceyso oo ah casho, nikaax iyo gurigal isla socda, taasoo Yaasmiin ay sii joogeyso qolka ay degaayaan, waxay dalbatana halkaa loogu geeynaayo, ha ahaato dharka caruusadda iyo gabdhihi u kaalmeyn lahaa.

Yaasmiin oo layaaban soo daahista Raage iyo darawalka oo ku calaacalaaya, ayuu Raage soo baxay asagoo qoslaaya oo ay lasocdaan Maamulihi hotelka iyo laba gabdhood oo hotelka ka shaqeeya, markaa ayaa boorsooyinki la soo dejiyay, Yaasmiin iyo alaabteedi markii qolka lagu hubsaday, ayaa laguda galay xafladdi, waxaa lacasuumay dadkii hotelka deganaa, waxaa ladiyaariyay qolki xafladaha hotelka, marki howlahaas dhag laga soo dhigay kadib ayaa Yaasmiin loo sheegay arooska ayada iyo ninkeeda inuu goor dhow dhici doono, waxaana u sheegeen labadi gabdhood oo u geeyeen dhowr taaj oo ay ka soo xirato midki ay doonto.

Yaasmiin oo ka xumeyd inay hotelkan yimaadaan, ayaa aad iyo aad ugu faraxday guusha deg dega ah ay gaartay, habeenkaa ayayna aqal galeen Yaasmiin Axmed iyo Raage Rooble, markay labadooda isku soo hareen, ayuu Raage u sheegay sababta soo dedejisay aqalgalkooda, markaa ayuu hotel Naasa Hablood boos weyn ku dhex yeeshay qalbiga Yaasmiin, waa hotelki ay dhibsaneysay saacado ka hor, kaasoo u noqday furihi miftaaxi rabitaankeeda.

Subaxdi Yaasmiin matoosin, mana rabin in guryihi laga wardoono, markaa ayuu Raage ku yiri: “waxaan halkan deganaaneynaa bil, intaana waxaan rabaa inaan ku raadiyo meeshi aan ku wada noolaan laheyn iyo howshi aan dalka ka qabsan laheyn, taa aawgeed ayaan u baxaa” Yaasmiin oo ogeyd inay howlahaasi waajib yihiin ayaa odaygeeda fasaxday, waxayna xasuusisay inuu lahadlo dadki ay Mareykanka uga soo tageen oo uu ku jiro walaalkeed Saacid Axmed.

Siraad ayaa Deeqa u sheegtay inuu Raage ka soo wactamay Kenya iyo inuu goordhow aadi doono Soomaaliya, laakiin telefoonka Kenya inuu ahaa mid lacag ah, waxay Deeqa xanaaqday markay Siraad u sheegtay inay Raage iyo Yaasmiin isla degan yihiin hotel ku yaala Nairobi, habeenkaas oo dhanna waxay ka seexan wayday hotelki Sanca oo ay isla deganaayeen ayada, reerkeeda iyo Raage oo ay qolkiisa la joogtay, waxay isbarbar dhigtay habeenkaa ay ayada lajoogtay iyo habeenada ay Yaasmiin lajoogto hotelka ku yaala Nairobi sida ay kala noqon karaan, waayoo ayada iyo Raage habeenkaas si caadi ah ayay u sheekeysanaayeen, balse waxay ka baqeysaa inay Yaasmiin ula sheekeysato si caadiga ka baxsan, ileyn waxay u aragtaa Yaasmiin inay rabto Raage inay ayada illowsiiso, si kale oo ay ku illowsiin kartana inaysan jirin, markaa ayay Deeqa wacday Layla Cabdi, waxay waydiisay inay qof ka taqaano Nairobi, Layla ayaa ku tiri: “Deeqa telefoon waxba kuu tari maayo, naagtaasna waxaad ka qaadi karto majiraan ee ama Soomaaliya uga daba tag Raage oo Yaasmiin siday kaaga soo wadatay uga soo wado ama calaacalka iska daa, mar dambana ha ii soo wicin afaaraha Raage iyo Yaasmiin” Deeqa ayaa tiri: “aniga firaaqa ma haayo oo berriba safar ayaan u socdaa, khaladka Raage lagu watayna adigaa iska lahaa oo dayacay ninki aan kugu ogaa, waana adiga qofka ay Yaasmiin kala baxday faraheeda, hadda adigaa firaaqo haayee aan Soomaaliya kuu diro oo ninka naagta nooga soo dhici”.

 

La soco. ………166aad.

SHEEKOOYIN