Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.1aad. ..21-25aad. W/Q Ahmed Hayow

 

Deeqa oo rabta inuu Raage sawirkiisa ka soo qaado Yaasmiin ayaa ku tiri: “Raage, kumanaan kun oo wiilal ah ayaa i waydiistay sawirkeeyga, haddana qofka kaliya oo aan siiyay waa adiga, laakiin adiga waxaad sawirkaaga siisay Yaasmiin oo kuu sheegtay inay ku jeceshahay, anigana ma siinin kuwo ii sheegay inay la’aanteey noolaan karin” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin waxay sawirka iga qaadatay, ayadoo aan ii sheegin inay i jeceshahay, laakiin haddii ay ii sheegi laheyd inta ay iga qaadan ka hor sawirka ma siiyeen” Deeqa ayaa waydiisay: “marka hore, siday Yaasmiin ku aragtay sawiradaada?” Raage oo marki hore ay ku tiri: (waan kaftamaayay) oo islahaa baxarki Yaasmiin wuu dhammaaday ayaa hadda la yaabay su’aalaha, markaa ayuu yiri: “Yaasmiin waxay Albuumka ugu tagtay miiska dushiisa, waayoo ma xereynin marki aan sawirka kaa soo siiyay kadib” Deeqa oo su’aal kale soo wada ayuu ka hor tegay oo Raage ku yiri: “haddii aan Yaasmiin arko waxaan ka qaadanaa sawirkeeyga” Deeqa oo hadalka ka boobtay ayaa tiri: “anigu kuma dhihin ka soo qaado sawirkaaga, laakiin waxaan rabay inaan ogaado sida aan kuugu kalsoon karo, maadaama aad iga rajeyneyso inaan mustaqbal yeelano” Raage ayaa ku andacooday: “haddii aan kuu sheegay inaan ku jecelahay, waxa kali ah ee aan kalsooni kugu geli karo, waa inaan qalbigeeyga ku soo tuso, haddii aan awoodana intaan kala jeexo ayaan bartankiisa ku geyn lahaa” Deeqa ayaa waydiisay: “waxaan kuu tix geliyay wanaagaaga iyo inaad ii sheegtay jecelka aad ii qabto, ayadoo haddana ay jiraan wiilal badan, balse ka waran haddii aan ku dhoho sawirkeeyga ii soo celi, ma iga yeeleysaa?” Raage oo ka jawaabi raba ayay Deeqa tiri: “waxaan filaa waa maya, ma ii soo celineysid inkastoo aad adiga gacanta ku sawiran karto, haddana waxaan ula jeedaa, Yaasmiin oo ku jecel oo ku sawiran karin sidee kaaga yeeleysaa inay sawirkaaga kuu soo celiso?” Raage oo su’aashaas jawaab u waayay ayaa bad kale isku sii furay wuxuuna yiri: “wallaahi ma aqaano sida aan uga helaayo sawirka iyo sida aan ayada ku arkaayo mar kale, waayoo waxay igu tiri: (haddii aan dib dambe nolosha iskugu arkin, waxaad weligaa xusuusnaataa inaan ku jecelahay) markaa ayay iga dhaqaaqday” Deeqana wax walba waxaa kala darnaaday, hadalka Raage looga tegay iyo asagoo taagan inay Yaasmiin ka dhaqaaqday oo aanu asagu ka tegin, waxaana Deeqa u sawirantay Yaasmiin oo sii socota iyo Raage oo sii fiirinaaya, asagoo ka fekeraaya hadalki ay uga tagtay.

Deeqa iyo Raage waxay taagnaayeen meel ku dhow guriga Deeqa, markaa ayay Raage ka dhaqaaqday oo gurigeeda aaday, Raagana intuu ka daba dhaqaaqay ayuu ku yiri: “Dd, maxaa ku helay oo aad iiga dhaqaaqday?” Deeqa intay istaagtay ayay Raage waydiisay: “Yaasmiin, sheekada idin dhex martay si daacad ah iiguma sheegin, waayoo marba meel ayaad ka soo qabataa” albaabkooda intay istaagtay ayay ku tiri: “wax yar albaabka ii sii taagnoow, waxaan kuu soo bixinaa sawirka Yaasmiin” Raage oo ka diidan ayay albaabka intay gashay soo xiratay.

 

22.

Dd, marki ay gashay gudaha gurigooda, Raage oo taagan ganjeelka oo xiran hortiisa, ayay soo miyirsatay ileyn inti hore oo dhan isma ogeyn waxay dheheyso iyo ficilka ay sameyneyso, waxay damacday inay albaabka ka furto Raage, haddana waxay istiri: (maxaad ku leedahay haddii aad ka furto?) intay dhaqaaqday ayay gashay qolkeeda, kadibna waxay soo saartay sawirada ay Yaasmiin leedahay, ha ahaado mid ay isla sawiran yihiin ama mid ay Yaasmiin kaligeed tahay, dhammaantood way jeexjeexday markaana intay gacanta ku soo qaaday ayay Raage indhaha uga tuurtay, waxayna ku tiri: “waa kuwaa sawiradi Yaasmiin ee qaado” Raage intuu albaabka iska qabtay ayuu ku yiri: “Deeqa, maxaad iigu dhedhejineysaa qof aanan rabin, Yaasmiin adigaa i baray, adigaa ii sheegay waxay iga rabto inta aanay ayadu ii sheegin, waxaad igu qabsatay maxaad sawirkaaga u siisay, hadda aniga oo aan ku waydiisan ayaad ii soo saartay sawiradeeda” Deeqa oo hadalki ka dhexgashay ayaa tiri: “waxaad ii sheegeeyso oo dhan waa been, waayoo weli si dhab ah iiguma sheegin waxa aad ku wada hadasheen adiga iyo Yaasmiin” Raage ayaa xaalki sii murjiyay kadib markuu ku yiri: “hadda ayaan mid mid kuugu sheegaa, Yaasmiin marki aan isi salaanay, waxa ugu horeeya oo ay i waydiisay waa inaan xasuusto iyo inkale, markaan ku iri: (Yaasmiin weli waan ku xasuustaa) ayay i waydiisay xiriirka labadeena, waxaan ku iri: (saaxiibtaa waxay leedahay, hadda ma gaari karo go’aan) markaana waxay iga codsatay inaan gurigeena soo baro” halkaa markuu Raage maraayo ayay Deeqa tiri: “bes bes iga dheh, waan gartay inaad Yaasmiin u carab laalaadisay, adigaana doontay inay kugu dhiirato oo kugu tiraahdo gurigiina i gee, waayoo haddii aad dhihi laheyd Dd waa isku fiican nahay, candhuudteeda ayay dib u liqi laheyd” Raage ayaa yiri: “sababta aan u dhahay eraygaas, wuxuu ahaa inay igala kaa hadasho, laakiin si kale ayay u qaadatay, balse kama yeelin xataa haddii ay iga codsatay inay Keyd ii noqoto” sheekadi keydka waxay keentay inay Deeqa albaabka xirato, Raagana wiish ayaa ku yeeray, wuxuuna albaabka guriga Deeqa ka dhaqaaqay 12kii habeenimo.

Yaasmiin Axmed waa gabar ka dheer Deeqa, laakiin aan adeegsan wax yaabaha leysku qurxiyo, waxay taqaanaa dabeecadda saaxiibteed Deeqa iyo inay laheyn sal ay wiil ku hanato, Raage waxay jeclaatay marki ugu horeeysay ay aragto, laakiin wuxuu damucu galay marki ay aragtay Deeqa inay ka tegi rabto, wiilal badan oo ay nasiib u yeelatay saaxiibteed oo ahaa wiilal fiican, ayay ayada daraadeed u dhaaftay waxaana wiilashaas ku jiray kuwa ay rabay inay ayada ku bedeshaan, laakiin ay diiday ayadoo karaameyneysa saaxiibteed, hadda waxay go’aansatay inay Raage cidla uga tegin, jaceylkeedana ka sal gaarto.

Raage cagajiid ayuu gurigiisa ku tegay, wuxuuna gartay inay Deeqa jeceshahay, laakiin ay kalsooni xumo ka qaaday, wuxuuna ka fekeraayay siduu kalsoonida ugu soo celin karo, Deeqana way ogaatay inay qarsan wayday jaceylkeedi, waxayna garwaaqsatay inay Raage ka maarmi karin, laakiin dagaalka Yaasmiin ay kula jirto ayay ka baqday inay ku guuldareysato, waxayna istustay inay labadoodu isku mid yihiin, ayadoo ay hal mar Raage is arkeen Yaasmiin iyo ayada oo wax badan Raage la socotay, waayoo sawir ayay ka wada haystaan, waxa ay dheertahayna waa inuu ayada sawir ka haysto oo kali ah, laakiin aanu Raage haysan sawirka Yaasmiin, haddii aanu caawa dhulka ka gurubaan, sawirada ay jeexjeexday, kuwaasoo ay dib uga soo aruurisay guriga albaabkiisa.

 

23.

Subaxdi jimcaha Rr wuxuu soo aaday guriga reer Daahir, Deeqana ma joogin oo ayadana waxay aaday gurigiisa, balse Raage markaan si fiican ayaa loo soo dhaweeyay, hooyo Aamina ayaa fadhiga geysay oo u sheegtay inay goor dhaw baxday Deeqa iyo inay kala ogeyn xilliga ay soo laabaneyso, marki Raage loo keenay cabitaanka, ayay ayeeyo Muxubo la soo fadhiisatay waxayna Raage ku tiri: “gabadheyda Degan, ayadoo careysan ayay baxday, waxaana ka careysiiyay Aabaheed oo ku yiri, marki aad gurmadka dhameyso, waxaa lagu siinaa wiil adeerkeed dhalay oo dalka Ingiriiska ku nool, ayadana waxay laheyd nin ma doonaayo ilaa aan jaamicad ka boxo” Raage hadalkaas wuxuu ku riday niyad jab weyn, waayoo qorshihiisu wuxuu ahaa, inuu Deeqa ugu dhaarto kitaabka Alle si ay kalsoonida ugu soo noqoto, asagoo ku dhaaranaaya Yaasmiin iska daaye inaanu gabar kale ku bedelaneynin Deeqa, wuxuu guriga ka baxay asagoo aan maqlin, kana jawaabin su’aal ay hooyo Aamina waydiisay oo aheyd: “berri soow xerada isku raaci maysaan Deeqa?” markuu albaabka guriga ka baxay ayuu garan waayay meel uu Dd u raadiyo.

Deeqa marki ay tagtay guriga reer Rooble, waxaa albaabka ka furtay hooyo Khadiijo oo Deeqa ku tiri: “Raage wuxuu raacay gabar u timid oo wasaarada u socotay, maantana wuxuu ii sheegay in aanu soo qada tegeynin” waxaa subaxaas Raage u timid gabar ay isku fasal ahaayeen oo la yiraahdo Kiin, gabadhaasoo ay deris yihiin, taasoo rabtay inuu wasaarada waxbarashada la tago, laakiin uu Raage ka haray, markuu ugu cudurdaartay inuu meel ka deg degsan yahay, Deeqa cirka iyo dhulka ayaa la wareegay waxayna Raage hooyadiis waydiisay: “gabadha uu raacay Yaasmiin miyaa la dhahaa?” hooyo Khadiijo ayaa tiri: “ma aqaan wax la dhoho” waxay u raacisay: “caawa markuu yimaado, haddii aan soo jeedo, maxaan u sheegaa oo fariin ah?” Deeqa waxay niyada iska tiri: (waaba nin habeen walba gurigiisa ka soo daaha) waxay isleedahay markuu kaa maqan yahay iyo markuu kaa soo tagaba, wuxuu Raage ku mashquulsan yahay gabdho kale, markaa ayay tiri: “iska daa oo xataa Deeqaa kuu timid ha ku dhihin” wayna iska baxay, ayadoo hooyo Khadiijo ay dareentay isbedelka ku dhacay Deeqa.

Dd wuxuu muraadkeedu ahaa inay Raage geeyso guriga Yaasmiin oo ku yaala xaafada Cabdulcasiis, markaana uu ka soo qaato sawirkiisa, haddii uu sidaa sameeyana ay u sheegto jaceylkeeda iyo arrinka ku cusub oo soo kordhay oo ah wiilka la siin rabo, markaana ay isla gorfeeyaan xaajada, haddii ay ka fursan weydana inay dariiqi Dooli iyo Caasha isla maraan, laakiin maxay kuugu taalaa, Yaasmiin iska daaye waxaa soo baxay kuwa kale oo habeenki lagu soo daaho, Deeqa waxay ku dhawaatay inay maskaxdu qaraxdo, wadada inta ay socotay wiilki ay cajibiso oo la hadla, waagi hore intay u ilka caddeyso ayay ku dhihi jiray “walaal iga raali noqo” ama “sheeko firaaqo uma haayo” ama “ma anigaa ku cajibiyay, waad iga farxineysaa maahee” iwm, laakiin saaka way ka beddelan tahay, ayadoo aan is ogeyn ayay leedahay “Yaasmiin maad i mooday” iyo “beenaale ayaad tahay” iwm, qofba qofka kale meeshuu aaday ma yaqaano, waa labo isku maqan oo haddana midba kan kale ka maqan yahay, Raage waxaa haaysa cabsi ah armaa Dd lagu khasbaa wiilkaas dibadda jira, Deeqana aad sidaa ku waydaa, Deeqana waxay isleedahay, kii aad ragga ka jeclaatay sidi aad rabtay kuuguma tallalna ee armuu mid kale kaa raacaa.

Yaasmiin way aragtay go’aanka Rr, ayadana waxay qabtaa inay ka war sugto ilaa halka ay isla gaaraan Rr iyo Dd, laakiin aanay ka ag fogaan labadooda si ay axwaalkooda ula socoto, haddii ay fursad soo baxdana uga faa’iideysato, waayoo ma aaminsana Deeqa wiil ay ku cayaarto maahine inay wiilna jeclaaneyso.

 

24.

Raage markuu guriga Deeqa ka soo baxay, wuxuu fiiriyay wadada tagta guriga Dooli, asagoo ku fekeraaya inuu gurigaas ku sugo Dd, haddana way la ahaan wayday oo wuxuu is yiri: (waa reer aroos ah oo subax looma tegi karo, mida kalana ma ogaan kartid inay Deeqa timid iyo in kale haddii aad gurigaas joogtid) naftu raali kama aha inuu boxo, laakiin duruufta ayaa khasabtay, markaa ayuu aaday xaafadiisa, Deeqa lafteeda dhowr go’aan ay gaartay ayaa la xumaaday, balse waxay ugu dambeyn qaadatay, inay aado guriga Yaasmiin, ayadoo rabta inay ka soo qaado sawirki Raage, inkastoo gabdhaha ay Deeqa aaminsan tahay inuu Raage xiriir la leeyahay ay badan yihiin, haddana waxay talo ku goysay inay Yaasmiin ka billowdo, waayoo waxay qabtaa haddiiba ay Raage gabar kale qaadaneyso, inay Yaasmiin noqon midda calfata.

Cali Cumar oo la dhashay Caasha Cumar oo uu la socdo saaxiibkiis Faarax, ayaa weerar ku soo qaaday guriga Jamaal Dooli, dagaalkaas wuxuu keenay dakhar gaaray Dooli iyo dhaawacyo soo gaaray Caasha iyo Faarax, kadib markii ay Caasha kal la dhacday Faarax oo odaygeeda kula goobanaayay walaalkeed, markaana uu walaalkeed haraati beerka uga dhuftay, Caashana haraatidaas ayay la suuxday, sidaa ayuu dagaalki ku istaagay, markuu ciidan yimid ayaa saldhiga loo watay Cali iyo Faarax, gabadhi suuxdayna waxaa loo qaaday cisbitaalka ayada iyo odaygeeda dakhran, waxaana Dooli lagu yiri: “waxaad galabta la timaadaa caddeynta aad gabadha ku qabtid” Dooli wuu soo boobay gabadha oo Faarax u doonan, Faaraxna waxaa markhaati u ah reerka gabadha dhalay, laakiin waxaas oo dhan Dooli waxaa DNA uu ku xalaaleysto u noqonaaya warqada nikaaxa haddii uu la yiraahdo, haddii uu la imaan waayana waxaa loo diraa xabsi.

Dd marki ay garaacday albaabka guriga Yaasmiin, waxaa ka furay walaalkeed Saacid, markay waydiisay inay Yaasmiin joogto iyo in kalana wuxuu ku yiri: “Yaasmiin way maqan tahay ee soo gal” Deeqa ayaa ku tiri: “ayada ayaan dan ka lahaa, haddii aanay joogina cid kale uma imaan” Saacid ayaa waydiiyay: “maxaan u sheegaa Yaasmiin haddii ay timaado?” waxay ku tiri: “waxaad ku tiraahdaa iska keen sawirka aad wiilka ka soo xaday” Yaasmiin walaalkeed oo warkaas ka xanaaqay ayaa yiri: “maxaa dhahday! sawirka wiilka hee” Deeqa ayaa tiri: “wiil aan is naqaano oo la yiraahdo Rr oo aan Yaasmiin aniga baray, ayay gurigiisa ka soo qaadatay sawir” Saacid waa wiilka reer Axmed ugu weyn, uguna degan wuxuuna dareemay wejiga Deeqa iyo waxa ay sheegeyso inay isku ekeyn, markaa ayuu ku yiri: “anigaa u sheegaayo” markaa ayay Deeqa ka soo tagtay.

Raage gurigiisi ayuu ku soo laabtay, markuu soo galay ayay hooyadiis waydiisay: “maxaa ku helay oo ku soo celiyay, soow maadan laheyn maanta soo qada doonan maayo?” wuxuu ku yiri: “hooyo, qorshihi aan lahaa ayaa socon waayay, sidaa daraadeed ayaan guriga ugu soo laabtay” hooyadiis ayaa ku tiri: “gabadhi kula socotay maalin hore ayaa kuu timid, waxaana ku iri wuu baxay maantana soo qada doonan maayo” Raage oo u qaatay inay Yaasmiin tahay ayaa hooyadii ku yiri: “hooyo Yaasmiin miyay aheyd gabadha ii timid?” hooyo Khadiija ayaa tiri: “waxay aheyd mid sidaada oo kale Yaasmiin ii waydiisay” Raage intuu hooyadii u soo dhawaaday ayuu ku yiri: “hooyo Deeqa miyay aheyd” hooyo Khadiija ayaa tiri: “waxay igu tiri ha u sheegin inay Deeqa u timid” markaa kadib ayay u sharaxday gabadha iyo sida ay uga careysneyd inay asaga la kulmi wayday.

 

25.

Raage oo damcay inuu laabto ayay hooyadiis ku tiri: “xagee u laabatay?” wuxuu ku yiri: “hooyo, Deeqa muraadka ay iga laheyd iyo midka aan ka lahaa ayaa isku mid ah, sidaa daraadeed waa inaan xaafadeeda ka raadiyo” isla markaana wuu soo dhaqaaqay ayadoo ay hooyadiis ka daba hadleyso, Deeqa markay ka soo tagtay xaafada Yaasmiin, waxay toos u soo abbaartay guriga Raage oo ay islaheyd malaha saacadaan wuu soo laabtay, Raage oo markaa mar u dhow ka tegay ayay Deeqa timid, hooyo Khadiija marki ay mar labaad aragtay Dd, waxay garatay muraadka kala dhexeeya wiilkeeda inuu aheyn mid sahlan, markaa ayay ku tiri: “gabadheydi muxuu yahay muraadka idinka dhexeeya oo aad u soo raadisay?” Deeqa oo ka xishootay inay tiraahdo waan isjecel nahay ayaa tiri: “eedo wuxuu wiilkaagu iga haystaa sawir aan leeyahay” hooyo Khadiija oo xaalku la noqon waayay sidi ay maleyneysay ayaa tiri: “maxaad marki hore u diiday inaad iigu reebto fariin? waayoo markuu yimid ayaan u sheegay inaad timid, haddana adiguu ku raadiyay, laakiin wuu ku sugi lahaa haddii aad ii sheegi laheyd inaad soo laabaneyso” hadal kale Deeqa kama sugin oo hore ayay gurigooda ka aaday.

Raage markuu mar labaad Deeqa ka waayay gurigooda, wuxuu go’aansaday inuu guriga Dooli ku sugo, laakiin wuxuu tegay meel uu saaka dagaal ka dhacay oo xaajo murugsan tahay, wuxuuna la kulmay Dooli oo markaa raba inuu cagaaran aado, si uu uga soo qaado warqadi nikaaxa, wuxuuna ku khasbanaaday inuu saaxiibkii raaco, wuxuu Deeqa farriin ugu reebay Dooli walaashiis, laakiin nasiib wanaag Deeqa ayaa ku soo gaartay inta uu gaarigu dhaqaaqin, kadib markii cabbaar laga baryay inay raacdana way raacday, inkastoo ay gaariga gadaal ka saarneyd oo ay la sheekeysan karin Raagihi ay raadineysay, kaasoo asagana sheekadeeda u buka, waxay labadoodaba dhegeysanaayeen Dooli oo ka sheekeeynaaya siduu saaka dagaalku u dhacay, marki ay galeen gurigi lagu nikaaxiyay Dooli iyo Caasha, ayuu wadaadki mooday inay Raage iyo Deeqa rabaan nikaax qudbasireed ah, Dooli ayaa yiri: “maya, nikaax ma rabaan oo aniga ayay ila socdeen” Deeqa ayaa tiri: “sheekh mar kale ayaan kuu imaaneynaa” Sheekhi ayaa Raage ku yiri: “maad haddaba iska dhameysataan?” Raage ayaa yiri: “weli kumaanaan heshiin inaan is nikaaxsano” hadalkaa aawgii ayay Deeqa fadhigii uga soo kacday oo bannaanka u soo baxday, Raage intuu ka soo daba baxay ayuu ku yiri: “xalay ma casheyn, saaka ma quraacan oo weli ma qadeyn, laakiin marki aan ku arkay ayay gaajo i qabatay” Deeqa oo sii jeeday ayaa intay xagiisa u soo jeesatay oo indhihi mucjisada ahaa ku soo fiirisay, ayay ku tiri: “sheekadan beenta ah intaad iga daysid, waxaad i siisaa sawirkeeygi” Raage oo hadalkaa ka naxay ayaa yiri: “sawirkaaga inaad iga qaadato miyaad gurigeeyga u aaday?” wuxuu sii raaciyay: “laba kala bariday, kala war la’ ayay soomaalidu tiraahdaa, waayoo anigana adigaan ku raadinaayay, adigana waxaad raadineysay sawir aan laabta ku haysto oo aan sawiran karo” Deeqa ayaa tiri: “haddii ay runtaa tahay, maxaad wadaadka ugu dhihi wayday igu nikaaxi? oo aad u tiri kumaan hishiin?” Raage oo u qaatay, inay Deeqa diidan tahay wiilki ingiriiska jiray, haddana ay diyaar u tahay asaga, ayaa ku dooday: “ma anigaa saa u ogaa, ileyn xataa inaan mustaqbal u wada socono waad iga diiday, waxaadna igu tiri wakhtigiisa lama gaarin” asagoo weli hadalki sii wadata ayuu yiri: “hadda raali ma ka tahay inaan is nikaaxsano?” Deeqa ayaa tiri: “gabar saa lagu helaayo miyaan kuula ekahay!” markaa waxaa soo baxay Dooli oo faraxsan, asagoo gacanta ku wata warqadi nikaaxa, dabadeedna waxay ku laabteen magaalada.

 

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN