Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.1aad. ….P 1-2aad. W/Q Ahmed Hayow

YAA KHALDAN? Yaana Dulman?

Sheeko cusub oo taxane ah ….1-2aad

Habeen Sabti soo gelaayay oo ah habeenka lagu laabto Dugsiga Xalane, ayuu Raage kula kulmay Deeqa, Albaabka xerada ayadoo wadata alaabo badan,wuxuu dareemay ineey kaalmo Xamaali u baahan tahay, markaa asagoo raba inuu agteeda ka qaado kiiski ugu cuslaa, ayuu ku yiri: “waxaan filaa inaad kaalmo u baahan tahay” Deeqa intay soo fiirisay ayay ku tiri: “haa aboowe” waxay u raacisay: “Wallaahi waxgarad ayaad tahay” Raage oo isxariifinaayay ayaa hal gacan ku soo qabtay kiiski, laakiin markuu kor ula soo kici waayay ayuu gacanta kale ku kaalmeeyay, wuxuu Deeqa ku yiri: “Kiisku culusaa ma dad badan ayaad u soo adeegtay?” Deeqa ayaa ku tiri: “waa siddaas oo aan wax badan iska soo iloobay” Raage oo yaaban ayaa yiri: “yaa kula qaadi jiray, marka aad waxba soo iloobin?” Deeqa oo la yaaban su’aashiisa ayaa ku tiri: “Aboowe magacaa horta?” wuxuu ku yiri: “Raage, laakiin waxaa lay yaqaanaa Rr, oo ah Raage Rooble ama Rolls Royce oo ah Gaari aan jecelahay” waxay ku tiri: “waaaaw waa ka helay magacaas” ayada oo isbareysa ayay ku tiri: “aniga Deeqa ayaa leeyiraahdaa” wuxuu kaga dhexgalay hadalki: “magacaaga caadi maaha Deeqa ama D, haddii uu magaca Aabahaa ka billaawdo D, waxaan ku dhihi lahaa Dd” Deeqa waxay la soo booday: “yaa kuu sheegay inuu magaca Aabaheey D ka billowdo?” Raage intuu qoslay ayuu ku yiri: “Dd, waan asiibay soow maaha?”.

Markaa waxay ku soo dhawaadeen xarada gaarka ah oo ay degan yihiin gabdhaha, xeradaas oo ah meel si gaar ah loo ilaaliyo oo gooni ugu go’an gabdhaha,wiil gudaha u geli karo majiro, mid walba wuxuu gabadha gaarsiiyaa Albaabkooda.      Raage wuxuu habeenkaas Deeqa ka soo tegay, asagoo ka fekeraaya inay runteed tahay inuu magaca Aabaheed ka billowdo D iyo inay si caadi ah ugu camiratay, laakiin Deeqa waxay Raage ka tagtay ayadoo ka fekereeysa inay khasab tahay inuu Raage kor ka yaqaano,maadaama ay gabdhaha kale ka tilmaaman tahay, balse waxay garan la’dahay sababta uu isaga dhigaayo wiil aan arkin, oo aan magaceeda aqaanin,waxay Deeqa isku haaysataa inuu jirin wiil aan jecleyn ama aan ku fekereyn inuu ayada hanto, marki ay gashay xaruunti gabdhaha, waxay isku mashquulisay inay wax ka ogaato wiilka caawa soo dhaweeyay, sidaa daraadeed gabdho ay saaxiib la tahay oo la kala yiraahdo, Shamso, Yaasmiin iyo Cibaado ayay weeydiisay inay yaqaanaan, waxay ku tiri: “wiil loogu yeero Rr oo Xalane nagula jira, mataqaanaan?” Yaasmiin ayaa tiri: “weligeey ma maqlin magacaas, Rrna maxaa laga wadaa?” Deeqa ayaa niyada iska tiri: (faataale iga dheh, maba aha mid layaqaan) Shamso ayaa tiri: “magaciisa runta ah ma kuu sheegyay Mr.Rrka?” Deeqa ayaa tiri: “Raage Rooble ayuu iigu sheegay, laakiin markaan magaceeyga hore u sheegay ayuu igu yiri: (haddii uu Aabahaa Magaciisa D ka billaaban lahaa waxaan ku dhihi lahaa Dd)” Cibaado ayaa tiri: “Alla waa Deeqa Daahir, waana Dd, yaa u sheegay magaca Aabahaa!” Deeqa ayaa tiri: “ma aqaan inuu i yaqaano iyo in kale” Shamso ayaa tiri: “dugsigee ka soo baxay Rrka?” Deeqa ayaa ku tiri: “ma weeydiin dugsigiisa” Yaasmiin ayaa waydiisay: “Muuse maka qurux badan yahay?” Muuse waa wiil ka mid ah wiilasha Deeqa jecel oo baari u ah, laakiin aanay weli ka ogolaanin inay xiriir yeeshaan, caawa waa habeenki ugu horeysay ee aanu Muuse la soo qaadin Alaabta, markaa Deeqa ayaa tiri: “Muuse kama qurxana, laakiin waxaan rabay inaan ogaado siduu magaca Aabaheey ku sheegay” Cibaado ayaa ku tiri: “haddii uu xerada nagulajiro, waa la soo ogaan karaa Mr.Rr” Shamso ayaa waydiisay: “Rr, gaariga Rolls Royce miyaa? wiilkaas oo ma sidi gaarigaas ayuu u qiima badan yahay?” Deeqa ayaa ku tiri: “wuxuu ii sheegay inuu jecel yahay gaarigaas Rolls Royce, daraadiisna uu ula baxay Rr iyo magaciisa” Yaasmiin ayaa intay qososhay waxay tiri: “adigana maxaad u dhihi weeyday Dd ayaan ahay, waxaana laygu bixiyay princess Diana ayaan jecelahay” Deeqa ayaa tiri: “markaan Deeqa ku iri: wuxuu igu yiri D, ma wuxuu ka weday Diana oo D loogu yeero?” Shamso ayaa ku tiri: “waa wiil fany ah, waana laga yaabaa inuu Diana ka waday, asagana armuu Charles kuu noqdaa?” Cibaado ayaa tiri: “Ch magaciisa kama biloowdo Mr.Rrka”.

Deeqa waxay u shanleeysataa sidi princess Diana oo kale, waxayna jeceshahay in lagu naaneeso Diana, waloow aanay ku fekerin Raage ka hor, inkastoo aanay hubin inuu Raage D ula dan lahaa Diana iyo in kale, Deeqa waxaa u soo baxay aragti kale iyo muuqaal kale oo aad iyo aad u cajibiyay, kaas oo ah inay dadka isku barto Dd ama D oo kali ah, uguna fasirto Deeqa Daahir ama Diana ayaan jecelahay.

Deeqa waxay wiilasha ugu jeceshahay midka ay u maleeyso inuu ka fogaanaayo ama iskala weyn yahay inuu ka soo ag dhawaado, waxay isku mashquulisaa inay soo gacan geliso midki wax isbida oo ay u qaadato inaanu wax qiimaha siineeynin Quruxdeeda, ulajeedada ay ka leedahayna ma aha inay xiriir la sameeysato, laakiin waxaa waaye inuu safka ku soo biiro, dabadeedna uu ka mid noqdo kuwa ku heeraarsan oo tartanka ugu jira, wiil la yiraahdo Saacid ayaa ugu adkaa wiilasha ay soo marin habaabisay, kaasna waxay ku qaadatay wax ka yar hal usbuuc, Saacid waxay ka lug gooysay gabar la yiraahdo Safiya oo ay Cusmaan Geedi Raage iskala soo bexeen, Safiya way jecleyd Saacid, laakiin waxay ka calfan weeyday Deeqa oo uu ka raacay, marki ay Deeqa ugu hanjabtay Safiya inay Saacid ka qaadeeyso, dhacdadaas waa mid caan ka ah Dugsiga Cumaan Geedi Raage,sababta ay caanka uga noqotayna, waxay aheyd inuu Saacid laftiisa ogaa loolanka ka dhexeeyay saaxiibtiis Safiya iyo Deeqa, ilaa iyo hadda wuu ka xamaadaa Saacid sida uu uga hiiliyay qofti daacada u aheyd, uuna uga raacay mid balanqaad xiriir xataa anuu ka haaysan, Deeqa waxay aaminsan tahay inay qofka gacanta ku soo dhigi karto, ayada oo aan waxba u balanqaadin, marka uma baahna shuruudo ay lagasho wiil ay ku heli karto eegmo ay eegto oo kali ah, waxay Deeqa wadataa indho qofki ay ku dhacaan sixir ku noqonaaya iyo qurux aan inaba caadi aheyn.

2.

Rooti ismaris ah iyo koob shaah ah ayaa looga quraacdaa Xalane, marka laga yimaado Ptga[orodka], laakiin Deeqa subaxaas waxaa quraacda uga muhimsanaa inay aragto wiilki mucjisada ahaa oo ay xalay la kulantay, ma taqaano ururka uu ka tirsan yahay, taasoo ay isku ciilkaambisay: (maxaad xalay u waydiin waysay ururka uu ka tirsan yahay?) markaana waxaa u sahlanaan laheyd inay abaarto ururkaas ama wiilki ay ka taqaano waydiiso, laakiin waxay hadda ku kaliftay inay urur walba kii ay ka taqaano ay u dirsato Rr.

Deeqa ayadoo ka baqeeysa inuu garan waayo naaneysta Rr, ayay waydiisay wiil la yiraahdo Cumar sii sii: “ma taqaanaa wiil la yiraahdo Raage Rooble?” Cumar sii sii ayaa ku yiri: “Rr soow maaha?” Deeqa ayadoo inkiraysa inay u taqaano Rr ayay ku tiri: “Rr miyaa loo yaqaanaa?” Cumar sii sii ayaa ku yiri: “Rr ayuu kaga caansan yahay Raage Rooble, waaba haddii uu yahay midka aan aqaano oo ururka 2aad ka tirsan” Deeqa ayaa ku tiri: “dugsigee ka soo baxay?” Cumar sii sii ayaa waydiiyay: “maxaa Rr kaa soo galay?” Deeqa oo madaxa dhulka ka qaadanaysa ayaa tiri: “xalay ayuu alaabta ii soo qaaday, marka waxaan rabay inaan u mahadceliyo” Cumar sii sii ayaa u sheegay inuu ka soo baxay dugsiga Bartamaha, isla markiiba Deeqa intay ku tiri: “mahadsanid” ayay bartiisi uga dhaqaaqday Cumar sii sii oo hadli raba, sababtoo ah waxay Deeqa diidan tahay in la ogaado inay raadinayso wiil iyo sababta ay u raadinayso, laakiin waxay soo faa’iiday Raage ururka uu ka tirsan yahay iyo dugsiga uu ka soo baxay, taasoo u sahleysa inay Muuse oo ka tirsan Ururka 2aad u dirsato.

Galabnimadi Raage oo koofida ay ugu jirto jeeb gadaalka, ayay u yimaadeen Deeqa oo ay la socdaan Yaasmiin iyo Muuse oo u soo waday inuu tuso Raage, marki ay isi salaameen ayuu Muuse yiri: “Rr, waxaa ku raadinaysay Deeqa oo rabtay inay kaaga mahadceliso asxaanki aad xalay u sameeysay” Yaasmiin oo fiirineeysa wejigiisa iyo kan Deeqa ayaa intay Raage salaantay ku tiri: “Mr.Rr, barasho wanaagsan” waxay u raacisay magaceeda oo ay ku tiri: “Yaasmiin Axmed” Raage intuu gacan qaaday ayuu ku yiri: “barasho wanaagsan Yaasmiin” kadib ayuu Deeqa ku yiri: “Deeqa adigaa mudan, howsha aan kuu qabtayna waa waajib aan gutay oo ah inaan kaalmeeyo qofka iiga baahan” Deeqa ayaa dadki lasocday ku tiri: “waxaan su’aal gaar ah waydiinayaa Raage, haddii aad raali naga noqoneeysaan Muuse iyo Yaasmiin” marki ay ka dhaqaaqeen, ayay Deeqa cabaar fiirisay indhaha Raage si ay u tijaabiso awooda indhaheeda, Raage oo aan arkin quruxdeeda xalay marki uu xamaaliga u ahaa, ayaa intuu hadalka ka sugaayay, wuxuu fiirinaayay wejigeeda, asagoo la yaaban hadalka gaarka ah ay ka rabto, maskaxda Raage waxay sameeysay dhowr wareeg oo ay isku waydiineeyso: (maxay ku waydiin rabtaa?) (haddii ay kugu tiraahdo waa ku jecelahay, maxaad dheheeysaa?) iyo (waa qurux badan tahay qofta, laakiin maxay kaa fiirineeysaa?) (walaahi indho qurxoon ayay leedahay ee Muuse miyaa saaxiib la ah? mise Yaasmiin ayuu saaxiib la yahay?) Raage marki uu daalay ayuu u jeestay dhanka Muuse iyo Yaasmiin oo sii socda, markaa ayay Deeqa saluugtay Indhaheeda inay taabteen Raage, laakiin waxay isku qancisay dharka ay wadato oo ah kan xerada, waa surwaal iyo shaar kaaki ah, kabo buud ah iyo koofiyad maro kaaki ah ka sameeysan, waxayna aamintay in kuwaas quruxdeeda wax u dhintay.

Deeqa marka ay fiirineeyso wiil ay dan ka leedahay, waxay ka akhrisataa indhihiisa inay saameyn ku yeelatay iyo inkale, laakiin Raage wuu ka xumaaday sida ay ugu talagashay, marba haddii uu ka sii jeestay ayadoo indhaha ku haaysa, kadib intay Raage la soo dhaqaaqday ayay ku tiri: “culeyska aad ii soo qaaday ayaan kaaga mahadcelin rabay” Raage ayaa ku yiri: “runti alaabta aad wadatay ma cusleyn, laakiin marki aan soo qabtay ayay igala cuslaadeen sidi aan u maleeynaayay” Deeqa ayaa tiri: “waa sidaas oo aanay usbuuca igu filneyn toonada iyo oodkaca aan soo qaatay, laakiin adiga waxba masidan oo ma soo qaadatid miyaa toono aad qadada ku darsatid iyo oodkaca quraacda?” Raage ayaa yiri: “waxba sooma qaato” Deeqa ayaa hadalki uga dhex gashay: “saaxiibtaa miyaa kuu keenta?” Raage ayaa yiri: “waaaw, gabdho u soo qaada saaxiibadood miyaa jira?” Deeqa ayaa tiri: “ma waxaad i mooday inaan wiil u soo qaaday alaabteeyda?” Raage oo ka cudurdaaranaaya ayaa ku yiri: “maya, adiga kaama wado oo waxaad ii sheegtay inay kugu filneyn adiga kaligaa” Deeqa ayaa tiri: “way jiraan gabdho ku shukaansada wiilasha toono iwm.” Raage ayaa ku yiri: “arrintaas lama socon inay jiraan gabdho wax ku shukaansada toono, laakiin wiilal gabdhaha wax siiya waan arkay” Deeqa ayaa tiri: “adiga mid wax ku siiso ma arkin miyaa?” Raage ayaa ugu jawaabay: “way i siiyaan gabdho iyo wiilal aan isnaqaano, laakiin mecneheeda maahin inay dan ii siiyeen ama aan uga qaatay” Deeqa ayaa waydiisay: “gabdhaha ku siiya, saaxiibtaa miyaa ku jirta?” Raage ayaa ku yiri: “saaxiibo caadi ah ayaan nahay” kadib wuxuu waydiiyay: “adiga saaxiib miyaad leedahay?” Deeqa ayaa ku tiri: “mid i raba ma arkin” Raage ayaa la soo booday: “waxaan u qaadanaa, mid aan rabo ma arkin” waxay ku tiri: “sabab” Raage oo calooshiisa hadlay ayaa yiri: “waan khalkhalay marki aan si fiican kuu fiiriyay, waxaan aaminsanahay inay jiraan wiilal badan oo sidayda oo kale u khalkhaleen” waxay ku tiri: “waa igu dheeleeysaa, waxaad rabtaa inaad niyada ii dhisto” wuxuu ku yiri: “indho aan laga jeesaneyn ayaa kugu yaala” Deeqa ayaa ku tiri: “aad ayaad ugu mahadsan tahay ammaanta aad i ammaantay” Raage ayaa yiri: “wax aan kugu ammaanay majirto, waxaan sheegay quruxdaada runta ah” wuxuu u sii raaciyay: “D waxaan ku waydiiyay meeqa wiil ayaa kugu tiri inta aan kugu sheegay?” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “D, maxaad iigula baxday D oo kali ah?” wuxuu ku yiri: “waxaad u egtahay princess Diana” Deeqa waxay niyada iska tiri: (haddii uu i arki lahaa anigoo labisan, malaha wuxuu i dhihi lahaa Diana adigaa ka qurux badan) kadib waxay tiri: “Rr ammaanta iga kala yaree” kadib ayuu waydiiyay: “Yaasmiin, Muuse miyay saaxiib la tahay?” Deeqa oo ka shakisay mowduuca uu bedelay ayaa tiri: “maya, Yaasmiin miyaa ku qancisay?” wuxuu ku yiri: “qancin sidee ah?” waxay ku tiri: “macnaha haddii aad Yaasmiin ka heshay” kadib Deeqa intay aamustay oo wejigiisa fiirisay asagoo dhinac socda ayay istaagtay oo ka soo horjeesatay, markaas ayay hadalki sii wadatay “Yaasmiin waa u sheegan kartaa, haddii ay ku qancisay” Raage wuxuu u qaatay inay Yaasmiin ka maseyrtay oo ay ayada isku rabto, markaas ayuu yiri: “waxaan garan waayay inay Yaasmiin saaxiib latahay Muuse ama inaad adiga la tahay oo midkiin inuu xiriir kala dhexeeyo” Deeqa ayaa waydiisay: “ma Muuse ayaa kugu yiri midood ayaan saaxiib la ahay?” Raage ayaa yiri: “Muuse si fiican isuma naqaano, waxaana isku baranay halkan, laakiin inuu inta badan aado gabdhaha xagooda waa laga wada ogyahay ururka 2aad” waxay Deeqa tiri: “gabadha uu Muuse u aado gabdhaha xagooda ma la yaqaanaa?” Raage ayaa yiri: “ma aqaan, mawaydiin, laakiin haddii aad adiga taqaano ma ogi” Raage wuxuu galay imtixaan, su’aalaha ay Deeqa waydiinayso majecleysan, inti ay wada socdeen ayuu ka geesisanaa hadda oo ay ka soo horjeedo iyo indheheeda ku soo maqan, wuxuu ku dhow yahay inuu ku yiraado: (Deeqa waan ku jeclahay ee wax ila qabo) laakiin waxaa yeertay turunbadi safka oo ka dul qaaday culeyski saarnaa.

Raage oo aan ku talagelin inuu wax shukaansado, laakiin lagu soo kediyay ayaa Deeqa intay salaantay ay ku tiri: “wiil aad qurux badan ayaad tahay, magacaaga Rr iyo gaariga aad jeceshahay ee Rr, intaba way qurux badan yihiin, sheekadaadana aad ayay u macaan tahay, marka waxaan kaa codsanaa inaan si fiican isu barano” wuxuu ku yiri: “diyaar ayaan u ahay” waxay ku tiri: “waad ku mahadsan tahay inaad iga ogolaatid barashada, halkana waa wada joognaa, caawa cashada wakhtigeeda ayaan ku soo raadinaa” siddaas ayay ku kala tageen Raage oo talaalan iyo Deeqa oo rabta inay sii waraabiso laabta ay talaashay.

La soco qeybaha dambe

SHEEKOOYIN