Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q. 41-45aad. W/Q Ahmed Hayow

 

Raage wuxuu xarunta telefoonada ka tegay xilli dambe, sababta oo ah wuxuu islahaa waxaa imaandoonta Dd, balse ma dhicin oo Deeqa waxaa loo diiday inay guriga ka baxdo, Ayeeyo Mulaaxo oo goor dambe oo subaxdi ah hurdada ka soo kacday ayaa arrinti ogaatay, laakiin awoodeeda ma dhaafsiisna inay la hadasho gabadheeda Aamina, waayoo odayga reerka inkastoo uu ixtiraamo, haddana kalama hadasho arrimaha noocaan oo kale ah, Ayeeyo waxay ogaatay ujeedka laga leeyahay in Deeqa Degan la siiyo wiilka Ingiriiska jira, ujeedkaas oo ka mid ah in reerka cara Yurub lagu geeyo, markaa ayay gabadheeda waydiisay midka ay Deeqa rabto Raage iyo Kamaal, laakiin Deeqa way ka meermeertay jawaabta su’aashaas, Ayeeyana waxay u qaadatay inay ka xishooneyso inay tiraahdo waxaan rabaa hebel, markaa ayay ku tiri: “Raage waa wiil dhib fara badan soo maray oo labadiisi waalid soo aasay, haddii aad dooneynin runta u sheeg si uu danahiisa u raacdo, waayoo waxaa dhici karta inay walaalihiis rabaan inay meesha ka wataan, asagana uu adiga daraadaa halkan u joogo” Deeqa ayaa tiri: “Raage walaalkii hooyo ayaa telefoonka ku demisay, wixii ka dambeeyayna nama soo wicin, aniga iyo asagana weli guur kuma heshiin, laakiin inaan walaaltinimo ku wada socono ayaan ku heshiinay, sababta oo ah wuxuu ii sheegay inuu i jecel yahay, anigana middaa ayaan u tixgeliyay” markaa Ayeeyo Mulaaxo ayaa ku tiri: “aniga waxaan kuu dooray Raage, ileyn waxaad tihiin laba qofood oo is yaqaan, mid aadan aqoona waxaa kuu dhaama mid aad taqaan, hadda waxaad ku dadaashaa inaad nambarka uga qorto walaalkiis, haddii uu mar kale na soo woco” wixii markaa ka dambeeyay Deeqa waxay ag fadhiday telefoonka.

Subaxdi xigtay ayuu Raage soo aaday halka ay Deeqa deganeyd, asagoo og inuu guriga geli karin, wuxuuna ku tala galay inuu dusha ka ilaashado Dd, cid kalana aanu la hadlin, wuxuu xalay qorsheystay inuu Deeqa arko oo arrinteeda meel ku ogaado, haddii ay ku dhinac noqoto inuu Sanca sii joogo, haddii ay dhanka kale ka noqotana inuu Sucuudi isaga tahriibo, inkastoo ay ku adag tahay inuu Dd waayo, subaxdaa markuu waayay ayuu ku fekeray inuu soo woco, haddii ay ka qabatana uu telka kala hadlo, laakiin haddii ay ka qabanin wuxuu yeelaayo ayuu garan waayay: (ma demisaa mise waa la hadashaa qofka kaa qabto ayuu is waydiiyay?) sidi roon Rabboow yeel ayuu ku Alla baryay, markii telefoonki dhacay ayay Deeqa ka qabatay wuxuu ku salaamay: “D ii waran” Deeqa intay labada dhinac fiirisay ayay tiri: “waan fiicanahay, telefoonka ayaan ilaalinaayay oo waxaan islahaa, haddii uu walaalkaa Maxamed soo wactamo aad nambarka uga qortid” Raage ayaa yiri: “ma filaayo inuu mar kale idin soo wacaayo” Deeqa oo hadalka ka qaadatay ayaa tiri: “subaxdi maxkamadda aan saarnaa, wuu ku soo wacay walaalkaa oo anigoo markaa la hadlay oo kuu yeeri raba, ayay hooyo ku demisay weliba anigoo kuleh waa Raage walaalkii” Raage ayaa yiri: “saa uma ogeyn oo marki leygu yiri xaaskiisa ayaa na soo wacday, markaa ayaan ka niyad jabay sida ay reerka ula dhaqantay, mana islaheyn wuu ku soo wacaa, laakiin dhib ma leh ee adiga ii waran?” Deeqa ayaa tiri: “iga raali noqo sidi aan subaxdaa kuula hadlay, waayoo uma haysan sida uu xaalku ahaa” intaa markay Deeqa tiri ayuu Raage xoogaa qaboobay, kadib ayuu ku yiri: “walaalkeey Maxamed dabeecadiisa maaha inuu meeshuu ka xanaaqo dib ugu soo laabto, waayoo reerkaba xanaaq ayuu uga tegay” Raage oo hadalki wada ayuu telefoonki ka go’ay, waxaa Deeqa ka demiyay Aabaheed oo gadaasheeda ka yimid, kadib Raage oo ku soo celiyay ayuu Aabe Daahir ku yiri: “mar dambe haddii aad gurigeeyga soo wacdo, xabsi isu diyaari” Deeqana waxaa laga mamnuucay inay maalinti telefoonka qabato haddii aanu aheyn mid Kamaal soo diray.

 

42.

Raage talaa ku cadaatay marba haddii uu guriga tegi karin, telefoona diri karin, Deeqa oo uu islahaa haka daalin weligaa oo u dulqaado weligaa ilaa ay ka soo dabacdo, ayaa waxaa ugu darsamay reerkeedi, waa howl kale oo daraaseyn u baahan sida wax looga qabanaayo, gurigiisa ayuu ku laabtay si uu maskaxdiisa isku buuqsan u soo dejiyo, markuu irid bannaanka iska soo furay ayaa waxaa arkay oday guriga qol ka degan oo la yiraahdo Cawaale, waa oday aan cidna u maqneyn oo ay kaalmeeyaan dhallinta wax loo soo diro oo uu Raaga ka mid yahay, Oday Cawaale gabadhiisa Saynab Cawaale wuxuu siiyay nin ay isjecel yihiin oo aan waxba haysan, magaalada Sanca ayay dhinac ka degan yihiin, Saynabna waxay khadaama ka tahay guri carbeed oo reer ladan ay leeyihiin, shaqada marki ay ka soo baxdo waxaa hore loo soo siiyaa raashin karsan oo ay reerkeeda u geysato iyo xoogaa Jaad ah oo ay ninkeeda siiso, waayoo Muxudiin waa nin wax bartay, laakiin duruuf hayso, walaalihiisa ayaa dibadda ku maqan oo gacan qaban waayay, Oday Cawaale waxba kama rajeeynaayo gabadhiisa iyo ninkeeda, wuxuuna ku nool yahay dhallinta xaafada.

Oday Cawaale markuu arkay wejiga Raage iyo isbedelka ka muuqda, ayuu waydiiyay waxa ku dhacay, Raage oo u baahnaa qof uu nakhaska iskaga saaro, ayaa uga sheekeeyay min billoow ilaa hadda marxaladihi uu ka soo maray Deeqa Daahir, markaa ayuu Oday Cawaale ku yiri: “horta waxaa ii muuqata inay Deeqa weli ku dhihin waan ku jecelahay, laakiin ay u badan tahay inay ku jeceshahay, waxaa kale oo ii muuqata in waalidkeed ay rabaan gabadhooda inay guursato wiilka dibadda jira, si ay ayagana fursad ugu helaan in dibadda loo qaado, sidaa daraadeed waxaa kuu furan hal dariiq oo kali ah, kaasoo ah inaad dibadda iyo bixitaan raja ka leedahay, marka waxaad ku dadaashaa inaad walaalkaa akhbaarkiisa hesho iyo inaad ogaato wuxuu kuu qaban karo, markaana Deeqa ayadaa ku soo raadineyso, ayada ayuuna saaran yahay xilka soo raadinta, waayoo way ogtahay in guriga iyo tefoonka laguu diiday, midda kale waxaad ogaataa haddii ay Deeqa ku soo raadiso inay aad kuu rabto, laakiin adiga dantaada raaco” Raage ayaa ku yiri: “adeer aniga dibad iyo lacag igama maqna, waxaa iga maqan Deeqa” Oday Cawaale ayaa yiri: “meesha dagaalka kaaga socdo ayaan kuu sheegay iyo gabadha waalidkeed sida aad ku kasban karto, oday kasta sidi aniga maaha oo gabadheyda Saynab ninka qaba, waxaan siiyay ayada oo nin ka dhaqaala badan Muxudiin uu iga soo doontay, ayadaana la baxday midka ay rabto” wuxuu u sii raaciyay: “Deeqa imtixaanki sidi la rabay ugama jawaabin, caloosheedana cid ogaan karta ma jirto, telefoonka haddii ay kugu tiri: (ka raali noqo maalintaas) ha u qaadan inay ooda soo jebineyso, cagaha dhulka dhig howshaadana raaco, haddii kale tag gurigooda aan aragno waxay dhashee” Raage waxaa maskaxdiisa ka guuxaayo telefoonki lagu demiyay, wuxuuna rabay inay Deeqa la sii hadasho, sidaa daraadeed ayuu go’aansaday inuu raadiyo telefoon uu caawa kala hadlo, waayoo wuxuu ogyahay Deeqa inuu Kamaal soo woco habeenki, wuxuuna ku tala juraa inuu caawa booskiisa galo.

Maqribki kadib ayuu guriga ka soo baxay, asagoo Oday Cawaale uga jawaabay su’aal uu waydiiyay oo aheyd: “xagee saacadaan u socotaa?” Raage ayaa ku yiri: “meel dheer uma socdo, laba saac ayaan maqnaanaa” kadib wuxuu yimid xaafadi ay deganaayeen dhallinyaradi galabti uu walaalkiis baafinaayay uu la joogay, markay cabbaar iska wareysteen baafintiisi ayuu telefoonka waydiistay, markay u ogolaadeen inuu dirsado ayuu garaacay waxaana ka qabtay hooyo Aamina, Raagana intuu ka naxay ayuu telefoonki demiyay, wax yar ka dib ayuu ku celiyay, islaanti oo xanaaqsan ayaa ku tiri: “naayaa telefoonka noo dhaaf, Raage Rooble meeshaan ma degana, mana naqaano” Raage ayaa islaanta dhinaceeda ka maqlay Deeqa oo leh: “hooyo ii dhiib aan nambarka walaalkii uga qoree” haddana wuxuu maqlay islaanti oo ugu jawaabaysa: “naa iga aamusaan ku iri” kadib ayay Raage ku tiri: “waxaan sugeynaa telefoon Ingiriiska nooga soo dhacaaya ee khadka nooga bax” markaana Raage wuxuu maqlay Deeqa oo leh: “ninkaas la hadli maayo” hooyadeed ayaa ugu jawaabtay: “sabab” Deeqa ayaa tiri: “hooyo aan horta Raage nambarka u qaado, haddii aad rabto inaan Kamaal la hadlo” hooyadeed ayaa tiri: “ballan soow maaha” Deeqa marki ay ogolaatay ballanta oo telefoonka loo dhiibay ayay tiri: “walaal nambarka keen” Raage markuu la hadlay, ayay tiri: “Raage maxaad noogu ciyaaraysaa oo isaga dhigeysaa qof kale” hooyadeed ayaa telefoonki ka gooysay.

 

43.

Raage telefoonki waa lagu gooyay, wuxuuna ogyahay inuu Kamaal soo wacaayo Deeqa iyo in telefoonka waardiyo laga haayo, ayada haddii ay si qarsoodi ah ula sheekeysan laheyd way u fiicnaan laheyd, laakiin ma dhicin taas, haddana waxaa la joogaa xilligi uu Kamaal soo wici lahaa, sidaa daraadeed wuxuu ku talagalay inuu telefoonka arbush ku sameeyo oo mashquul ka dhigo, markaa ayuu wacay mise waa mashquul, wuu ku celiyay haddana waa mashquul, wuxuu isyiri: “malaha kii ayaa khadka ku jira” asagoo moodaayay inuu niyada ka dhahaayo, markaa ayay dhallinyaradi oo meel agtiisa ah ku qayileysay ay ku yiraahdeen: “Rr, jiro jaceyl maa ku haysa? kaligaa ayaadba isla hadleysaaye?” markaa ayuu Raage u galay qisadiisi oo hadda shaaca ka cadaatay, Cali Baashi ayaa ku yiri: “saaxiib weli waa dambeeysaa haddii aad jacayl jaceyl ku jirtid” Saalim ayaa u raaciyay: “waxaas goormaa laga tegay, saaxiib hadda tan ka tag, taas ayaama raac ay sheekada maree” Raage ayaa yiri: “weli Dd ma aragteen?” Saalim ayaa ugu jawaabay: “maxaan ka arkeynaa meeqa Dd aa adduunka buuxdo?” markaa ayuu Raage jeebkiisa ka soo saaray sawirka Deeqa, markuu tusay ayuu Saalim yiri: “subxaanallaah, tanna adduunka may ku nooleyd” markuu saa yiri ayay dhallinti kale inay arkaan u baahdeen, Cali Baashi wuxuu yiri: “qoftaan Sanca may joogtaa?” dhallinta intooda badan indhihi Deeqa ayaa dhex galay, kadib waxaa ka dhacday sawirka mar kale i tus, laakiin Raage ayaa ka xereystay.

Markuu telefoonka ku celcelinaayay, waxaa ku hadlaayay Aabe Daahir oo ogaaday inuu Rr guriga soo wacay, wuxuu kula hadlaayay Booliiska, asagoo dacwad ka gudbinaayay Raage, markaa wuxuu telefoonka mashquul ka noqday Raage iyo Kamaal oo asagana soo wacay, Raage wuu ka xumaaday, Kamaalna wuu ka carooday, balse marki saacadiisi la dhaafay ayuu Aabe Daahir wacay kana raali geliyay telka mashquulka ahaa, markaa ayuu Kamaal soo wacay oo Deeqa loo dhiibay, wuxuu u sheegay inuu sawirkiisa jidka ku soo jiro lagana yaabo inay berri soo qaadato iyo inuu Aabihii Sanca u soo socdo ayadana uu ugu soo dhiibay hadiyad aanu hadda u sheegeynin, inti ay sheekeeysanaayeen ayay Deeqa maqashay buuq ka socda guriga, markaa ayay telefoonka sariirta iska saartay oo ka soo tagtay Kamaal oo weli khadka ku jira, waxaa guriga xoog ku soo galay Raage, sababtaas ayuu ku billowday buuqa iyo qaylada, Raage iyo Aabe Daahir waxba isulama harin oo afka ayay furteen, qof walba wixi calooshiisa ku jiray ayuu hadlay, Deeqa gudaha ayaa lagu celiyay ilaa Raage laga katiinadeeyo oo gaariga booliiska laga geliyo, Deeqa markay albaabka timid ayuu Raage ku yiri: “Deeqa, aniga ama Kamaal mid dooro” waana lala tegay asagoo Deeqa ka soo fiirinaayo muraayada dambe ee gaariga, Raage saldhiga ayaa la geeyay oo lagu xiray.

Oday Cawaale markuu Raage waayay ayuu subaxdi soo aaday dhallinti uu u sheeka tegi jiray, wuxuu helay Cali Baashi oo u sheegay xalay inuu telefoon diray, kadibna uu ka tegay asagoo careysan, Oday Cawaale ayaa ku yiri: “armuu aaday guriga Deeqa” Cali Baashi ayaa yiri: “adeer way dhici kartaa, laakiin ma hubo” kadib Odaygi ayaa ka codsaday inuu saldhiga kala soo fiiriyo, laakiin Cali Baashi oo ka baqay inay Boolisku qabsadaan ayaa ku yiri: “adeer meeshaas ma tegi karo, laakiin haddii uu ku xiran yahay ii soo sheeg, saaxiibkeey Saalim ayaan u tegaa si Raage looga soo daayo xabsiga, waayoo adeerkiis ayaa saldhiga xukuma” sidaa ayuu Oday Cawaale ku aaday saldhiga.

Raage waxaa u gurmaday Oday Cawaale, waxaana soo daayay Saalim oo u sheegay inuu mar dambe tegin agagaarka gurigaas, laakiin Cali Baashi ayaa ka ballan qaaday inuu kaalmeeyo inti karaankiis ah.

 

44.

Kamaal markii laga tegay asagoo telefoonka kor u haayo ayuu wax yar sugay, kadibna intuu carooday ayuu telefoonki demiyay, daqaaqado kadib ayuu soo wacay mise waa mashquul ileyn telka leysma saarine, reerkina waxay ku jireen buuqi uu sababay Rr, Kamaal laba jeer oo kale ayuu soo wacay oo uu weli mashquul yahay, markaa ayuu iskaga tegay, Aabe Daahir oo soo galay qolka Deeqa ayaa arkay telefoonki oo saaran sariirta asagoo aan la isi saarin, markuu dhegta saaray ayuu telefoonki (dhuu dhuu dhuu dhuu) ku yiri, Aabe Daahir intuu carooday ayuu gabadhiisa u yeeray, markay u yimaadeen ayada iyo hooyadeed ayuu Deeqa waydiiyay: “Kamaal asagoo telefoonka ku jira miyaad uga soo tagtay soow maaha?” Deeqa ayaa tiri: “isug ayaan ku iri” Aabe Daahir ayaa ku qayliyay asagoo leh: “sidee uga soo tagtay asagoo kula hadlaaya” Deeqa ayaa tiri: “maxaa ka micnaa, haddii aan ka soo tago” Aabe Daahir ayaa dharbaaxo ku dhuftay Deeqa, laakiin markaan waxaa ka qabtay hooyo Aamina oo tiri: “buuqa guriga ka dhacay ayay gabadhu u soo baxay, asagana inuu sugo ayay aheyd ee ma aheyn inuu telefoonka demiyo” hooyo iyo aabe ayaa isku tuurtuuray hadalo is qilaafsan, markaa ayay Ayeeyo Mulaaxo oo aan ayaamahaan sariirta ka soo kicin ay ku soo baxday qayladooda, waxay ku tiri: “hadda wax dhacay oo aan soo laabaneyn, maxaad isugu qeylineysaan? soow maaheyn inaad tiraahdaan sidee wax looga qabtaa inta aad iskugu buuqaysaan siday ku dhacday?” markaa ayuu buuqi dhammaaday.

Ayeeyo Mulaaxo waxay ku hartay gabadheeda oo u sheegtay in Raage xabsiga loo taxaabay, markaa ayay Ayeeyo tiri: “Raage waxba uma arko xabsi la geeyay oo waxaa uga daran siduu ku heli lahaa telefoonka walaalkii” Deeqa ayaa ku tiri: “Ayeeyo telefoonka walaalkii maaha waxa uu guriga u yimid, wuxuu rabay inuu aniga ila kulmo” Ayeeyo Mulaaxo ayaa tiri: “Awoowgaa wuxuu ii soo lugeyn jiray seddex maalmood iyo laba habeen, markaasuu iga laaban jiray inti oo kale asagoo aan muraadkiisa iga helin, mudda yar kadib ayuu haddana igu soo laaban jiray, misana sidii oo kale ayuu iiga laaban jiray, waagii dambe ayaan ku iri: (soo laabashadaada dambe, waxaad ii keentaa maro) asana wuu gartay, sidaa ayaan reer ku wada noqonay, marka rag haddii uu muraad leeyahay dhibta gaartaa waxba kama dhibto, laakiin adiga ayaa lagaa rabaa go’aanka kama dambeysta ah” Deeqa ayaa tiri: “Ayeeyo, aabe wuxuu rabaa Kamaal inuu Yurub noo wada kexeeyo oo ma rabyo qof aan na kexeyn karin” Ayeeyo Mulaaxo intay qososhay ayay tiri: “aniga halka aan joogno ayaan dhib ku joogaa, Yurubna uma socdo, Kamaalna maaha ninka Yurub dadka geeya ee Rabbi ayaa qadara, waxaa dhici karta Raage oo aan hadda waxba haysan inuu Yurub ama meel kale idin geeyo” Deeqa waxay tiri: “Ayeeyo aniga Raage ayaan wada soconaa, wuuna i jecel yahay, laakiin reerka ayaa ii diidan” Ayeeyo Mulaaxo ayaa waydiisay: “adiga soow Raage ma jeclid” Deeqa intay ilmeysay ayay tiri: “haa Ayeeyo, laakiin gabar kale ayaa ila jecel” Ayeeyo Mulaaxo intay Deeqa soo fiirisay ayay ku tiri: “Raage ma gabadha kula jecel ayuu jecel yahay mise adiga ayuu ku jecel yahay?” Deeqa waxay tiri: “ma aqaan, laakiin Yaasmiin inay jeceshahay anigaa u sheegay, ayadana way ku tiri waan ku jecelahay, balse aniga uma sheegin inaan Raage jecelahay” Ayeeyo ayaa tiri: “hadda haddii aad aragto u sheeg inaad jeceshahay, waayoo wuxuu guriga ugu soo ordaayo waa inuu ogaado midka aad raaceyso asaga iyo Ingiriiska” Deeqa waxay ku tala gashay inay Raage raadiso, sidaa daraadeed ayay hooyadeed fasax ka qaadatay markuu aabaheed guriga ka baxay, waxay soo ogaatay in xabsiga laga soo daayay, markaana waxay timid barti telefoonada uu ka dirsan jiray, laakiin Raage wuu seexday ileyn xalay oo dhan intuu xirnaa ma seexanin, Deeqa gurigiisa ma taqaano, laakiin inuu Saafiya degan yahay way ogtahay, markay cabbaar joogtay ayay wiil waydiisay inuu yaqaano Raage Rr, wuxuu ku yiri: “ma aqaan, laakiin waxaan aqaanaa wiilal degan Saafiya jowla” kadib wuxuu siiyay telefoonka wiilasha, markaa ayay Deeqa gurigeedi aaday.

 

45.

Deeqa markay gurigeeda tagtay, ayay telefoonki soo qaadatay, waxayna la gashay qolkeeda ayadoo ay hooyadeed ku leedahay: “yaad telefoonka ka waceysaa?” waxay ku tiri: “hooyo gabar aan saaxiib nahay ayaan wacaa” hooyo Aamina inkastoo ay Aabe Daahir isku qabteen dharbaaxada Deeqa, haddana waxay rabtaa inuu Kamaal geeyo Yurub, laakiin ay gabadheeda raali ku noqoto oo si tartiib ah looga dhaadhiciyo qorshaha la damacsan yahay, balse aan khasab looga dhigin, Deeqa waxay wacday telefoonki la soo siiyay, waxaana ka qabtay nin carab ah oo ku yiri: “hello man anta?” (hallo adiga yaa waaye) markaa ayay telki demisay, waayoo telefoonka wuxuu ku jiraa qolka carabka guriga leh, kaasoo dadka ugu soo yeera qofki soo waca, Deeqana waxay istiri: (malaha nambar ayaad khaladay) markaa ayay ku celisay, haddana carabki ayaa ka qabtay oo markaan ku yiri: “hello, anta somali” Deeqa degdeg ayay telefoonki u dhigtay, laakiin markay demisay ayay xasuusatay inuu carabku somali yiri, markaa ayay ku celisay, carabki oo gartay inay Somali rabto ayaa u yeeray wiil guriga deganaa, markuu wiilki qabtay ayay tiri: “walaal Raage Rr ma taqaanaa?” wiilkaa oo ay deris yihiin Raage ayaa Deeqa ku yiri: “wuu xiran yahay Rr, maxaad ka rabtay?” waxay ku tiri: “xagee ka xiran yahay waa la soo daayay?” waxay u sii raacisay: “haddii aad aragto waxaad ku tiraahdaa Dd ayaa ku soo wacday” wiilki ayaa intuu qoslay wuxuu ku yiri: “Dd miyaa lagu dhahaa?” Deeqa ayaa ku tiri: “Deeqa Daahir waaye magaceyga ee u sheeg ha i soo woco, wuu yaqaan nambarkeyga” wiilki ayaa ku yiri: “nambarkiisa ma ku siiyaa?” Deeqa ayaa markaa ka qoratay nambarki, isla marki ayay garaacday, waxaa ka qabtay islaan carab ah, markaa ayay Deeqa tiri: “ashtii Raage somali” (waxaan rabaa Raage) islaanti ayaa u sheegtay inuu ninkeedu maqan yahay, ileyn ayadu ma awoodo inay ragga ajnabiga ah gurigooda tagto oo ku tiraahdo telefoonka qabso, telefoonkaas oo Somalida loo dhigay qol gaar ah, kaasoo baralal ku ah kan yaala qolka milkiilaha guriga, Deeqa afarti carabiga ahaa ay taqaanay, waxay ku ogaatay inay caawa soo wacdo markuu odayga reerku yimaado.

Raage markaa mar u dhow ayuu soo toosay, waxay wada qadeeyeen Oday Cawaale oo bariis iyo digaag kariyay, kadib ayuu Oday Cawaale ku yiri: “meeshaan qof kuuma joogto, xabsi haddii aad gashana waa ku oreysaa oo cid kaa soo saareyso ma jirto ama xerada qaxootiga Cadan ayaa laguu tarxiilaa, hadda nasiib ayaad ku soo baxday, sidaa daraadeed waxaan ku dhihi lahaa gabadhaas haddii ay ku rabto ayadaa ku soo raadsaneysee adiga dantaada raaco” Raage ayaa ku yiri: “xabsiga meeshaan waa lacag, haddii aan galo waxaad isxaan iigu sameysaa inaad ii wacdo walaalkeey Xasan, anigana waa u sheegaa inuu kuu soo diro lacagta leygu soo deynaayo, haddii uu adeer Daahir toban jeer i xiro oo aan toban jeer xabsiga ka soo boxo, asagaa saaxiga keeni doono oo inaan wada hadalno ii ogolaan doono, waayoo gabadha uu daraadeed ii xiraayo ma aha gabar la qabo, xaqna waan u leeyahay inaan guursado” wuxuu sii raaciyay: “Deeqa xiriir ayaa naga dhexeeyay, welina xiriirkaas ma go’in, waxaana ka soo maray wado dheer, marka lagama yaabo inaan wadadaas uga leexdo cagajugleyn iyo xabsi lay dhigo” Oday Cawaale ayaa yiri: “kula yaabi maayo, waayoo Saynab hooyadeed (AHN) dakharo badan ayaa daraadeed iigu dhacay, habeena badana bahal ayaa ii cuni gaaray anigoo meesha ay joogto u socda, laakiin dhulka aan joogno iyo meeshaas ayaa kala duwan, meeshaan waa dhul islaameed, waxaana dhici karto in layla kaa xiro, sidaa daraadeed aan badda kula galee, waxaad i soo tustaa gabadha gurigeeda, si aan reerka ula hadlo” Raage intuu farxay ayuu ku yiri: “waxaad ii tahay Aabe laga billaabo hadda, waana ku soo tusaa gurigooda” wuxuu Oday Cawaale u qoray telefoonka Xasan, kadibna waxay isu raaceen barta telefoonada, Raage markuu walaalkii Xasan u sheegay waxa jira, asagoo ka diidan ayuu u dhiibay Oday Cawaale oo Xasan ku yiri: “Raage nin kheyrkiis ah ayaa dhaxli rabo, sidaa daraadeed waxaa nagala rabaa inaan garab istaagno” Xasan oo eraygaa ka carooday ayaa yiri: “haddii ay sidaa tahay hiil iyo hooba waan garab joogaa walaalkeey Raage, adigana i soo wac mar kasta oo la ii baahdo”.

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.