Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q. 51-55aad. W/Q Ahmed Hayow

 

Aabe Daahir markuu Kamaal intaa u sheegay ayuu Kamaal yiri: “adeer wiilka aad sheegeyso waxba igama qaadi karaan asaga iyo walaalkiis, waayoo waxaa la ii sheegay inuu walaalkiis nadiifiye ka yahay hotel Manchester ku yaal, haddana aniga Deeqa inti hore waa isaga soo dhow nahay oo sawiro ayaan is dhaafsanay, wiilka aad sheegeysana anigaa howshiisa gelaaya ee aniga ii daa” Aabe Daahir ayaa yiri: “saasaan kaa rabtaa, adiga kaalintaada ka soo bax” kadib ayuu Kamaal ka codsaday inuu Deeqa u dhiibo, markaa ayuu Deeqa oo ka ag tagtay ayuu ugu yeeray, Deeqa markay “hello” tiri ayuu ku yiri: “ninka aad ii dirtay waxaan soo helay akhbaarkiisa” Deeqa oo ku faraxday ayaa tiri: “telefoonkiisi ma soo heshay?” Kamaal ayaa yiri: “gacalka hayska boobin, wax walba waa la helaa, laakiin aniga aan ku siiyo inta aan soo maray” kadib wuxuu yiri: “waxaan wacay dad badan oo aan Manchester ka aqaano, ugu dambeyna mid ayaa igu yiri: (waxaan aqaan Maxamed Rooble nadiifiye ka ah hotel magaalada ku yaal, waa haddii uu midkaa yahaye) markaan telefoonkiisa waydiiyayna, wuxuu ii sheegay in aanu aqoon, haddana aanu Manchester joogin haddiiba uu ii raadin lahaa, sidaa daraadeed ayaan kuu soo wacay si aad iigu sheegto magaca wiil raba iyo telefoonkiisa, kadibna hotelka uu Maxamed nadiifiyaha ka yahay aan ugu tago si aan ugu sheego” Deeqa ayaa tiri: “magaciisa waa Raage Rooble oo lagu naaneyso Rr” kadibna waxay u qortay telefoonka laga helo, ayadoo u raacisay inuu qabanaayo carabka guriga iska leh, markaa ayuu Kamaal yiri: “berri ayaan aadaa Manchester, waa haddii aan firaaqo u helo, haddii kalana maalmaha ku xiga middood” kadib markay cabbaar caadi u sheekeysteen, ayuu khadka uga baxay ayadoo aan Deeqa uga baran inuu dhakhso telefoonka ku dhigo.

Kamaal wuxuu wacay Xaawa Kiin oo aad u careysan, wuxuuna ku yiri: “waan kuu sheegay gabadhaa Deeqa iyo howsha reerkeena kala dhexeeysa, ayadana way kuu sheegay inay Aabayaashu xiriir leeyihiin, waan wacaa gurigooda waxaana inta badan u wacaa odayga inaan wax ka waydiiyo shaqada uu noo haayo iyo safarka Aabe uu ku imaandoono Sanca” wuxuu u raaciyay: “Deeqa waxay iga codsatay wiil ay saaxiib la tahay oo uu walaalkii joogo dalkan Ingiriiska inaan u baadi goobo” halkaa markuu Kamaal maraayo ayay Xaawa Kiin qosol uga kala goysay hadalki, markaa ayuu Kamaal yiri: “maxaad ku qososhay?” Xaawa Kiin ayaa tiri: “waxaan ku qoslay sida aad runta iigu sheegtay iyo maskiintaas waxay aaminsan tahay” Kamaal oo qosol la dhacay ayaa yiri: “waa kheyr haddii aad i aamintay, haddana inaan kuu sii xaqiijiyo ii ogoloow” Xaawa Kiin ayaa tiri: “marba haddii aan kalsooni kaa helay, wax walba waan ogolahay” markaa Kamaal wuxuu Xaawa Kiin siiyay nambarka Raage Rooble, si ay u soo ogaato xaqiiqda ah inuu Deeqa saaxiib layahay, qorshaha uu ka leeyahayna waxay tahay, inay Deeqa kaga maseyrto Xaawa Kiin, maadaama ay u arki karto inay Raage kala wareegi rabto, Kamaal ayaa ku yiri: “markaad wiilkaa wacdo oo runta soo ogaato ayaan kugu soo celinaa” Xaawa Kiina way ka ogolaatay oo waxay wacday guriga Raage oo markaa hurdo laga soo toosiyay, wuxuu islahaa waa Deeqa oo nambarki kuu soo heshay, laakiin waxaa “hello” tiri gabar kale, wuxuu yiri: “yaa ila hadlaayo” markaa ayay ku tiri: “waa Xaawa Kiin, gabadhi kuu raadineysay walaalkaa Maxamed” wuxuu yiri: “nambarkeyga Deeqa miyaa ku soo siisay?” waxay tiri: “soow adiga Deeqa iima soo dirsan?” Raage ayaa yiri: “haa, laakiin gabar kale inaan la hadlo ma aheyn” Xaawa Kiin intay qososhay ayay tiri: “waan gartay inaad Deeqa is jeceshihiin, laakiin nambarkaaga ayaan soo hubinaayay si aan kuu soo woco, marka nambarka walaalkaa la i soo siiyo” Raage ayaa yiri: “gurigan waan ka guuri rabaa, haddii aan guri kale helo, waayoo telefoonka xor uma ihi” Xaawa Kiin oo rabta inay kala goyso Deeqa iyo Raage ayaa fusad u aragtay inay gurigeeda soo dejiso Raage, markaa ayay ku tiri: “anigaa kuu haaya guri iyo telefoon aad xur u tahay, haddii aad berri soo guureyso” Raage oo u qaatay inay Deeqa raali uga tahay Xaawa Kiin ayaa ogolaaday, wuxuuna carabki u sheegay inuu berri subax ka guuraayo guriga.

 

52.

Kamaal wuxuu soo wacay Xaawa Kiin, waxay ka qabatay ayadoo qosleysa, markuu waydiiyay waxay ku qososhay ayay ku tiri: “waa wiil miskiin ah oo aan deganeyn guri uu xog u yahay iyo telefoon uu xor u yahay” Kamaal ayaa ku yiri: “waan ka xumahay inuu sidaa u dhiban yahay, waan kaalmeyn lahaa haddii aan aqaano” danta uu Kamaal ka la leeyahay waxay tahay inay Xaawa Kiin soo dhaweysato Raage, si uu xiriirka Deeqa iyo asaga uu u xumaado, markaa ayay Xaawa Kiin tiri: “wallaahi waan ka naxay dhibka haysta, markaa ayaan ku dhahay isaga guur gurigaas, markuu ii sheegay inuu guri haysan, ayaan ku iri qolka ii bannaan si ku meel gaar ah u soo deg, inta aad walaalkaa ka heleyso” Kamaal ayaa yiri: “si fiican ayaad yeeshay, anigana waxaan xooga saaraa inaan walaalkiis u soo helo”.

Raage wuxuu Oday Cawaale u sheegay inuu berri guuraayo, Odaygi oo la yaabay deg degta uu ku guuraayo ayaa yiri: “ma hubtaa in guri fiican laguu haayo?” wuxuu ku yiri: “Deeqa ayaan u maleynaa inay gabar saaxiibteed u sheegtay inaan guri u baahanahay, marka Xaawa Kiin ayaa gurigeeda qol iga siisay” markuu intaa u sheegay ayuu qolkiisa ka galay.

Raage subaxdi markuu soo toosay, wuxuu aaday guriga Cali Baashi, si uu ugu kaalmeeyo guurista, markuu Cali Baashi ka ogolaaday inuu la raadiyo gaarigi uu ku guuri lahaa iyo inuu alaabta la raro, ayuu qabeys aaday, markaa ayuu Raage wacay Deeqa gurigooda, markay ka qabatay oo uu u sheegay inuu u guuraayo guriga Xaawa Kiin, ayay Deeqa tiri: “Raage ma waalatay, xageen u guuraa ayaad tiri?” Raage wuxuu yiri: “soow adiga Xaawa Kiin sooma siinin telefoonkeyga, ayadaa i soo wacday oo igu tiri gurigeyga u soo guur” Deeqa markaa telefoonka ma haysato, waxaa haysta Aabaheed oo ka qaaday wuxuuna dhegeystay hadalkiisa, Raage ayaa yiri: “gabadhaas lama hadleen haddii aad adiga ii soo dirin, ayadana waan waydiiyay inaad raali ka tahay inaan la hadlo, soow adiga iima soo dirin?” Raage jawaab ayuu waayay, markaa ayuu yiri: “Deeqa raali noqo, mana u guuraayo gurigaas, waloow aan carabka u sheegay inaan maanta guuraayo” qof la hadashay ma laha, kadib Cali Baashi oo qolka soo galay ayuu ku yiri: “telefoonka mala demiyay mise?” Cali Baashi intuu dhegta saaray ayuu yiri: “weli kor ayaa loo haayaa” markaa ayuu Raage u celiyay, wuxuu yiri: “hello Deeqa, waxaan filaa inaad weli i maqleyso, waxaan kuu sheegaa inaan gurigaas degeynin iyo inaan mar kale la hadleynin Xaawa Kiin” markaa ayuu Aabe Daahir yiri: “waxaad ku dartaa inaad mar dambe Deeqa soo wicin” Raage ayaa yiri: “inta ay Deeqa iga tiraahdo ha ila soo hadlin waan la hadlaa, inta ay ka tiraahdo ha ii imaanin waan u imaanaa, marka Adeer macaane haddii aad Kamaal u rabto gabadhaada u sheeg inay xiriirkeena ayada goyso” Aabe Daahir ayaa yiri: “kalsooni intaa la’eg miyaad isku qabtaa?” Raage ayaa yiri: “hadda adiga oo aan telefoonka dhigin, Deeqa u tag oo ku dheh waxaad Raage ku tiraahdaa iga har kuma rabee, anigana waxaan kuu ballan qaadaa inaan faraha ka qaado, laakiin axdiga aan wada galnay lagama yaabo inaan ka baxo” Aabe Daahir ayaa yiri: “inay hortaada ka tiraahdo ayaan ku tusaa, ee guriga imaaw” markaa kadib Aabe Daahir wuxuu isugu yeeray reerka, wuxuuna u sheegay waxa ay ku heshiiyeen asaga iyo Raage iyo sida uu jecel yahay, taas oo ah inay gabadhiisu reerkeeda doorato ama inay Raage doorato wuxuuna yiri: “haddii ay Deeqa igu tiraahdo iga har, waan ka haraa, ayuu Raage yiri sidi inay meel ugu xiran tahay” wuxuu hadlkiisa ku soo gabagabeeyay: “marnaba yaanay dhicin inay Deeqa horteyda ka tiraahdo waxaan raacay Raage, waayoo rajada reerka wuxuu ku xiran yahay inay talada reerkeeda qaadato, sida ay la jecel yihiina ay yeesho” Deeqa way diiday inay go’aankeeda sheegto ilaa ay Raage ka aragto, si kasta oo loola hadlayna waxay ku adkeysatay (Raage aan sugno).

Raage markuu telefoonki dhigay ayuu Cali Baashi u sheegay isbeddelka ku yimid qorshihi uu lahaa, markaa ayuu Cali Baashi ku yiri: “gurigaas waa kii xabsiga laguugu diray, haddana waxaa laga yaabaa in shirqool laguu dhigaayo ee maad iska deysid?” Raage ayaa yiri: “Adeer Daahir waa adeerkeey, haddii uu ii xiro inaan gabadhiisa doonaayo, wax dhib ah uma arko, waayoo ujeedada aan ka leeyahay ayaa igala weyn, maantana waa kama dambeys” Cali Baashi maadaama uu isdiyaariyay wuxuu Raage ka codsaday inuu raaco, si uu uga warhaayo ama xataa bannaanka guriga ugu sugo, Raage wuu ka ogolaaday, markaa ayay isi soo raaceen, marki ay yimaadeen guriga, waxaa ka furtay adeegtadi, kadibna waxay ugu yeertay hooyo Aamina oo u ogolaatay inuu Cali Baashi la soo galo, waxay yimaadeen fadhigi oo ay joogaan reer Daahir oo ay ku jirto Ayeeyo Mulaaxo, markay fadhiisteen ayaa loo keenay shaah, markaa ayuu Aabe Daahir furay hadalki meesha loo yimid, hooyo Aamina ayaa Raage waydiisay inuu hadalkaa yiri iyo in kale, Raage wuxuu yiri: “ballan adag ayaa naga dhexeysay aniga Deeqa, ballantaana wax jebin kara waxaa ka jira aniga iyo ayada, aniga weli barteydi ayaan taaganahay, Deeqa ayaan ka rabaa inay sheegto haddii ay wax iska beddeleen”.

 

53.

Deeqa ayaa tiri: “Raage maxaad ula hadashay Xaawa Kiin? soow kuma aanan ballamin inaad gabar la hadlin?” Raage inta uu hadlin ayuu Aabe Daahir yiri: “way dhammaatay, marba haddii uu Raage ka baxay ballanti uu sheegaayay” Ayeeyo Mulaaxo ayaa tiri: “ballan dhammaatay maaha ee waa eedeyn la soo jeediyay, waxa Raage laga rabrabaan waa inuu eeda qaato ama iska difaaco” markaa ayuu Raage yiri: “waxaa laygu yiri: (telefoon ayaa kuu yaal) marki aan qabtayna waxay noqotay Xaawa Kiin, waan u sheegay inaan la hadleynin ilaa ay iga tiraahdo Deeqa ayaa ii kaa sheegtay, sidaa ayaan kula hadlay” Ayeeyo Mulaaxo ayaa tiri: “gar waa loo islaan, taana gar buu ku leeyahay” markaa Deeqa ayaa tiri: “Aabe gabadha Xaawa Kiin waa Kamaal saaxiibtii, sawiro uu ii soo diray ayay ayadana haysataa, ninka telefoonka Raage siiyay Xaawa Kiina waa asaga, laakiin waxaan idiin sheegaa inaan aniga iyo Raage aanan ku heshiin guur, laakiin mustaqbal inaan ka wada sheekeysano uu naga dhexeeyay, ilaa laga gaaro xilliga aan guurka ku heshiino, waxaa inuu i siiyo ama ii diido go’aankeeda leh Aabaheey, asagoo ninka uu i siinaayo iga fiirinaaya daacadnimadiisa, asagoo iga fiirinaaya kartidiisa iyo raganimadiisa, haddana lama joogo wakhti la yiraahdo ma Aabaad raacday mise Raagaad raacday, Raage waxaan leeyahay Aabaheey cid gaareysa ma jirto, Aabaheeyna waxaan leeyahay Aabe farxadeydu waa farxadaada, taaduna waa teyda, laakiin midki aan kuula imaado ila fiiri” Cali Baashi indhaa ka soo haray, wuxuu ku indha daraandaray quruxda iyo caqliga Deeqa Daahir, markaa Aabe Daahir ayaa gabadhiisa u sacbiyay, Aabe Daahir wuxuu yiri: “Deeqa adiga ayaan kaa war sugaa ilaa aad mid iigala timaado” Raage wuu farxay, markaa ayay Ayeeyo Mulaaxo ku tiri: “nin lagu seexdoow ha seexan”.

Raage markuu soo bixi rabay ayay Deeqa ku tiri: “hadda xagee u soo guureysaa?” wuxuu ku yiri: “meel ma haysto, laakiin waan helaa ilaa galabta” Deeqa ayaa tiri: “kiiski Ayeeyo ayaa kaa cafisay laakiin aniga meel ayuu ii yaalaa, iska ilaali gabar aan aheyn adeegtada gurigeena lama hadli kartid” Raage ayaa yiri: “Deeqa haddii aan ku iraahdo Kamaal lama hadli kartid ka waran?” Deeqa ayaa tiri: “waagi xiriirka aan ku heshiineynay, wax shuruud ah lamaad imaan, haddii aad la imaan laheyd oo aan kaa yeeli lahaa xaq ayaad u lahaan laheyd, laakiin hadda waxaan filaa inay gardaro kugu noqoneyso” Raage wuxuu kula doodo ayuu garan waayay, markaa ayay tiri: “Ayeeyo waxay ku tiri: (nin lagu seexdoow ha seexan) anigana waxaan ku leeyahay, haddii aadan adigu isreebin, ragga mid kaa horeeya ma jiro” sidaa ayuu uga soo tegay, wuxuu u yimid saaxiibkiis Cali Baashi oo taagnaa meel aan ka fogeyn meesha ay ku sheekeysanaayeen Raage iyo Deeqa, markay soo bexeen ayuu su’aalo ka waydiiyay sida ay isku barteen Raage iyo Deeqa, markaa ayuu uga soo billaabay habeenki Xalane, markuu uga sheekeeyay inti muhiimka aheyd ayuu Cali Baashi yiri: “wallaahi saaxiiboow Deeqa hadda waa dumaashideey, laakiin qofta aan arkay sida aad ugu guulaysan karto ninka sawiradeeda arkay waa arrin aad u adag, iska daa kaase waxaa jira rag badan oo haddii ay arkaan aad ka baxsaneynin” Raage ayaa yiri: “seddex sano ayaan afkeeda ka raadinaayay inay igu tiraahdo waa ku jecelahay, sidaa daraadeed waxaan aaminsanahay nin hadda Xalane ka soo billaabaaya inuu iiga guuleysaneyn, waayoo Deeqa waa qof adag oo hal adag, si aad ugu guuleysato waxay u baahan tahay Samir iyo Adkeysi” wuxuu sii raaciyay: “waxaa weli ii harsan sidi aan adeer Daahir ku kasban lahaa, ha u qaadan inuu gabadhiisa ii ogolaaday, laakiin wuxuu afkeeda ka helay inaan guur ku heshiin iyo inuu asaga leeyahay go’aanka kama dambeysta ah, weli far kama qodna faanoole” Cali Baashi markaa ayay arrinti la sii cuslaatay, kadib ayay guri raadis galeen, wuxuuna ugu dambeyn qol ka helay Xaafada Xadda, qolkaas oo leh telefoon u gaar ah, markaa ayuu u guuray, Oday Cawaalana wuxuu ku yiri: “adeer qolka ila soo deg wehelna ii noqo, waayoo haddaba kaligaa ayaad degan tahaye” Oday Cawaale waa ka yeelay, waxaana lagu heshiiyay seddex maalin kadib inuu soo guuro, seddexdaa maalina uu ugu sheego gabadhiisa Saynab iyo Odageeda.

 

54.

Raage wuxuu soo degay guri cusub oo telefoonka uu u dhex yaalo, intuu joodarisiisa ku seexday oo bustaha korka iska saaray ayuu feker galay, waxaa hortiisa timid Ayeeyo Mulaaxo oo leh: (nin lagu seexdoow ha seexan) wuxuu fiiriyay saacadiisa waa tobanki habeenimo, wuxuu damcay inuu waco Deeqa haddana wuxuu is yiri: (berrito subax wac) kadib wuxuu iswaydiiyay sababta uu hadda uga baqaayo inuu u woco, markaa ayuu telefoonki garaacay, Deeqa oo qeylineysa ayaa ka qabatay, waxay tiri: “waryaa ha i soo wicin ma taqaanid miyaa?” Raage markuu yiri: “D, waa aniga oo rabay inaan kuu sheego inaan guri kale degay” Deeqa ayaa tiri: “waxaan ku mooday mid ilaa caawa oo dhan i wareeriyay oo la yiraahdo Saalim” Raage ayaa yiri: “Saalim” markaa ayay Deeqa tiri: “Saalimka miyaad taqaanaa?” Raage ayaa yiri: “ma garan karo inuu yahay mid aan aqaano iyo mid kale” Deeqa oo yaaban ayuu Raage yiri: “yaa telefoonkaaga siiyay?” waxay tiri: “ma aqaan wax siiyay, malaha tii Xaawa Kiin aheyd ayaa siisay” Raage wuxuu ku fekeray inuu Saalimku yahay wiilki ay saaxiibka ahaayeen Cali Baashi, markaa ayuu yiri: “wax yar aan kugu soo celiyo” markaa ayuu Cali Baashi wacay, wuxuu noqday mashquul, dhowr jeer uu ku celiyayna wuxuu ka noqday mashquul, kadib Deeqa ayuu soo wacay sidoo kale waa mashquul, muddo ayuu marba mid garaacay, laakiin markii uu midna u bixiwaayay ayuu telefoonki iska dhigay, wuuna iska seexday, hurdo aan hurdo aheyn ayuu seexday, asagoo dhowr goor ku talamay inuu mar kale woco Deeqa.

Cali Baashi ayaa saaxiibadiis uga sheekeeyay arrinti Raage iyo Deeqa, waxaana ka mid ahaa dhallinyarada uu uga sheekeeynaayay Saalim Baa Cubeyd, oo sawirkeeda arkay, haddana uu Cali Baashi si fiican ugu ammaanay, markaa ayuu xaafada waydiiyay, wuxuu Cali Baashi u sheegay inay degan yihiin Shucuub, markaa ayuu telefoonka waydiiyay, laakiin Cali Baashi ayaa ku yiri: “saaxiib ujeedadaa?” Saalim ayaa yiri: “gabadhaas qurxan oo aan weli qofna la gaarin guurka ayaa damac iga galay” Cali Baashi ayaa yiri: “saaxiibkeey Raage ayay u doonan tahay” Saalim ayaa yiri: “hadalki aad noo sheegtay wuxuu ahaa inay weli go’aan guur cidna la gaarin” markaa ayuu dhallinyaradi kale waydiiyay: “saaxiibayaal soow sidaa nama dhihin Cali Baashi?” ayagana waxay yiraahdeen: “waa saas” Saalim ayaa yiri: “telefoonkeeda waa heli karaa, haddii aad ii diido” kadib wuxuu telefoonka Xaawa Kiin ka qaatay wiilki Raage siiyay, markaa ayuu guriga Cali Baashi ka wacay Xaawa Kiin oo siisay telefoonka Deeqa, kadibna gurigiisa markuu tegay ayuu Deeqa wicid ku billaabay, xataa Kamaal ayaa hali waayay Deeqa oo uu wax badan soo wacay.

Yaasmiin weli qalbigeeda kama go’in Raage Rooble, mar walba horteeda ayuu ka muuqdaa, laakiin waxay ka niyad jabtay meesha uu joogo iyo reerka ay isleedahay wuu la joogaa, habeen ay wax akhrisabeysay ayay u baahatay buug inay wax ka daalacato, buugaas oo ahaa midki ay ku qoratay telefoonki ay Raage ka wacday, markaa ayay fiirisay meeshi ay ku qornaayeen labada telefoon, waxay istiri: (maxaad walaalkiis Maxamed Rooble u weci waysay? inuu akhbaar ka haayo Raage iyo in kale?) markaa ayay Maxamed wacday, waxaa ka qabtay massage way iska demisay, mar kale ma wicin, laakiin wax akhriskeedi ayay iska sii wadatay, Maxamed Rooble markuu arkay telefoonka soo wacay, kaasoo call IDga ka muuqday, ayuu dib u wacay, laakiin Yaasmiin oo seexatay telefoonkana iska aamusisay ayaan ka qaban, balse Maxamed oo baadi ka maqan tahay ayaa fariin u reebay.

 

55.

Yaasmiin markay soo toostay, waxay dhegeysatay akhbaar loo reebay, kaas oo ahaa sidan: (haddii aad soomaali tahay, dad ayaa iga maqan ee fadlan igu soo celi) markaa ayay ku celisay, waxaa ka qabtay Maxamed Rooble, markaa ayay tiri: “Maxamed miyaa?” sidi qof taqaano oo kale, markaas ayuu Maxamed yiri: “haa waa Maxamed Rooble ee adiga yaa waaye?” Yaasmiin ayaa tiri: “walaal isma naqaano, aniga waxaa lay yiraahdaa Yaasmiin Axmed, waxaan joogaa New York, Raage Rr ayaan isnaqiinay, marki aan maqlay baafintaadi ayaan anigana raadiyay Rr oo Yaman lagu sheegay, laakiin telefoonki la i siiyay kama helin, marka waxaan rabay inaad ii sheegto haddii aad wax akhbaar ah ka heshay” Maxamed maalinti telefoonka lagu dhigay, ayuu warqadi uu ugu qornaa ka soo tegay, wixii ka dambeeyayna marba meel ayaa loogu sheegaayay reerkiisa, nayroobi ayuu ka raadiyay, wuxuu ku bixiyay lacag badan si loogu soo helo reerkiisa, asagoo aan waydiin cidda telefoonkiisa soo siisay ayuu ku yiri: “weli wax akhbaar ah kama haayo reerka oo dhan, telefoonki la i siiyayna laba jeer ayaan wacay, mar laygu yiri madegana iyo mar telefoonka leygu demiyay ayay baafinteydi noqotay, markaa laygu demiyay ayaa iigu dambeysay warqadi uu iigu qornaa, kadibna meel aan reerka ka raadin ma jirto” Yaasmiin ayaa tiri: “reerka aad wacday ma waxay kugu dheheen Raage gurigaan ma degana?” Maxamed ayaa ku yiri: “haa, waxay igu yiraahdeen ma degana, markaa ayaan ku iri ii soo raadiya” Yaasmiin waxaa halkaa uga soo baxday inuu Raage la deganeyn reer Daahir, markaa ayay tiri: “nambarki anigaa haayo oo wacaaya mar kale, kadibna anigaa kula soo xiriiraayo” Maxamed ayaa yiri: “waa tahay, haddii aad heshana sii nambarkeyga” sidaa ayay isku macsalaameeyeen, balse Yaasmiin way ka baqday inay guriga Deeqa wacdo, waayoo way ogtahay inay Dd kaga maseyreyso Raage, sidaa daraadeed ayay go’aansatay inay qof kale u adeegsato wicidda reer Daahir.

Raage markuu hurdada ka soo toosay ayuu Deeqa soo wacay, markuu telefooki dhowr goor dhacay oo aanay qofna ka qaban ayuu iska demiyay, ileyn telefoonku wuxuu yaalay qolka Deeqa oo xalay ku dhafartay Saalim oo ay ka seexan wayday telefoonkiisa ilaa ay ka tiraahdo: “hurdaa i haysa ee berri subax i soo wac” markaana uu Saalim ku yiri: “ballan ma tahay inaad berri ila hadleyso?” Deeqa markay ogolaatay ayuu telefoonki ka dhaafay xilli dambe, laakiin wuxuu telefoonki soo garaacay subaxnimadi hore, markii laga qaban waayay ayuu soo aaday guriga Cali Baashi si uu xaafadeeda u geeyo ama uu ugu tilmaamo, Cali Baashi ayaa u diiday labadaba, markaa ayuu Saalim yiri: “Baashi waxaan ku tusaa inay Deeqa dumaashidaa noqoto, haddii ay noqon weyso marada aan ku jiro rag kuma juro, waana helaa gurigeeda” kadib Saalim wuxuu qaatay gaarigiisi, wuxuuna aaday saldhigi Raage lagu soo xiray, wuxuu askarti waydiiyay gurigi ay Raage ka soo xireen, waxaa loo sheegay meesha uu ku yaalo, markaa ayuu soo aaday xaafadda reer Daahir.

Jamaal Dooli iyo xaaskiisa oo u dhashay wiil iyo gabar, ayaa nasiib u yeeshay inay ka mid noqdaan, qaxooti loo qaadaayay dalka Mareykanka, waxaana la geeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaa la keenay meel uu barafku ka da’o oo qabow badan, waxaa la soo dejiyay qoysas badan oo laga keenay xeryaha qaxootiga Kenya.

Raage wuxuu soo aaday gurigi uu deganaan jiray si uu u soo fiiriyo Oday Cawaale, markuu u yimid ayuu Oday Cawaale yiri: “xalay oo dhan ma seexan, waayoo waxaan ka fekeraayay inaad gurigaada nabad ku tagtay iyo kale” Raage ayaa ku yiri: “adeer inta aad iiga soo guureyso, subax walba adiga ayaan ku soo maraa si aad iiga war hayso” Oday Cawaale ayaa yiri: “gabadheyda waxay igu tiri: (Aabe haddii aad Xadda degto, kaama war hayn karno, aadna waa nooga fogaaneysaa) sidaa daraadeed ayaan meesheyda u sii degdanaanaa” Raage wuu ka yeelay, wuxuuna u ballan qaaday inuu galabta soo tuso gurigiisa, si haddii uu waayo uu uga soo raadiyo.

 

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN