Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q. 81-85aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

Telefoonki u horeeyay uu Raage soo woco wuxuu noqday guriga reer Daahir, Ayeeyo Mulaaxo oo ka qabatay ayaa u sheegtay wixi dhacay oo dhan iyo inuu Aabe Daahir weli suuxsan yahay, hooyo Aaminana aanay cisbitaalka weli ka imaan, dharki ay sidatay subaxdi ay Deeqa guriga ka baxday inay hooyo Aamina weli sidato, waxaa kale oo ay u sheegtay inaan la hayn qofki xabbada ku dhuftay, Raage oo dhegeeysanaayay asagoo naxsan oo aan hadleynin ayay Deeqa telefoonki ka qaaday, marki loo sheegay warki oo dhan ayay Deeqa ooyin ka wareegtay, qof kasta oo isku dayay inuu aamusiyana waa ka diiday, waxay laheyd: “Saalim ayaa Aabaheey dilay, waxaana Saalimka i tusay Raage, waayoo haddii aanu sawirkeeyga arki laheyn gurigeena ma yimaadeen” Cawil ayaa ku yiri: “waxaan hadda kula hadalsiin karaa cisbitaalka uu Aabahaa jiifo” markaa ayay Deeqa istaagtay oo Cawil ku tiri: “hadda i gee meesha aan kala hadli karo” kadib intay soo labisatay ayay hore ka soo raacday gaarigi Cawil, kaasoo internetka ka fiiriyay telefoonka cisbitaalada ku yaal magaalada Sanca, kadibna asagoo awooda in telefoonka guriga laga woco ayuu la aaday payphone meel cidla ah ku yaal, wuxuu marba cisbitaal woco, ugu dambeyn wuxuu la hadalsiiyay hooyadeed Aamina oo gabadheeda u sheegtay inta ay Ayeeyo Mulaaxo ku tiri, waxay ugu dartay inuu Aabaheed waxba xasuusan doonin, haddii aan laga saarin xabadda madaxa uga jirta, Deeqa oo muraaradillaacsan ayuu Cawil ku yiri: “sida aan reerkaaga hadda kuula hadalsiiyay, ayaan u awoodaa inaan wax ka qabto arrinta Aabahaa” Deeqa ayaa tiri: “maad ii qabatid haddii aad shuruud wadan” Cawil ayaa yiri: “shuruud sidee ah!” Deeqa ayaa tiri: “waan sameyn karaa, waxaa ku hoos jira laakiin” Cawil ayaa yiri: “maya laakiin ma jirto, waxaanse garan waayay qaabka aad ku wada socoteen adiga iyo Raage iyo xiriirka ka dhexeeya Raage iyo Yaasmiin, sidaa daraadeed waxaan u qaatay inuu jirin xiriir idinka dhexeeya oo dhaafsiisan inuu Raage kugu keeno xaaskiisa” Deeqa ayaa tiri: “waad khaldan tahay, sababta oo ah waxba kama ogid xiriirka naga dhexeeya aniga iyo Raage, mana ogid Yaasmiin muraadka ay Raage ka leedahay iyo halka ay kala taagan yihiin” Cawil ayaa yiri: “way ii muuqtaa ujeedada ay Yaasmiin ka laheyd inaad halkan timaadaan, waxay mar hore iga codsatay inaan xaaskeyga ku keeno gabar joogta Yaman, lacagtana ay ayadu bixiso, waxaan waydiiyay muraadka ay gabadhaa ka leedahay, waxayna ii sheegtay inay ka haysato faraati dheeman ah oo ay rabto inay farteeda kala baxdo, muddo kadib ayay damaanada iga codsatay, laakiin marki aan ogaaday inaad isqabin adiga iyo Raage, waan gartay inuu Raage yahay faraatigi dheemanka ahaa” Deeqa intay fiirisay indhaha Cawil ayay ku tiri: “ma waxaan kuula ekahay qof farteeda faraati lagala bixi karo?” Cawil ayaa yiri: “maya, xaashaa lillaahi, waxaad tahay xuuralceyn adduunka tusaalaha loo keenay, balse waxaan kuu sheegaayay shirqoolo taxan min usa, uk ilaa Yaman oo laguu maleegaayay, sidaa daraadeed ayaan kuugu digaayay, midda kale waxaan rabaa inaan wax kaala qabto arrinta waalidkaa, waa haddii aan ogolaansho kaaga helo, awoodna u leeyahay inaan Yaman ku geyn karo ama dal kale oo lagu daaweynaayo Aabahaa, waxaan filaa inaad aad ii fahamtay” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “hadda damaanadaada ayaan Mareykan ku joognaa, haddii aad na damiinan laheyna maba nimaadeen, sababta aan gurigaaga ku joogno ama aan gaarigaaga ku saaranahayna waa inaad masuul naga tahay, laakiin waxa kale oo aad u baahan tahay ma garan ilaa aad iiga caddeysana waa kaa sugaa” Deeqa way fahamtay muraadka Cawil leeyahay, dhanka kalana way aamintay shirqoolka uu uga digay inuu jiro iyo weliba cabsi ka jirta gurigooda laftiisa, cabsidaas oo ay u aragtay inuu yahay shirqool uu Cawil wato, kaasoo raba inuu walaashiis ku meeleeyo Raage, asagana isku meeleeyo ayada, waloow aanu Cawil waxba kala socon qorshaha walaashii ay Raage ka leedahay.

Rr inti ay Deeqa maqneyd wuxuu wacay Oday Cawaale iyo Cali Baashi oo uu ka wareystay dhibka ku dhacay reer Daahir iyo raaligelin uu raali geliyay saaxiibkii Cali Baashi, markay u sheegeen inay waxba kala socon iyo inay akhbaarkaas ka war doonaayaan ayuu Raage wacay walaalkii Maxamed Rooble oo ku farxay guusha walaalkii gaaray, kadib wuxuu u sheegay in Xasan Rooble loo tarxiilay Soomaaliya iyo inuu Boosaaso joogo, Raagana wuxuu ka qortay telefoonka Xasan, kadib ayuu waydiiyay Yaasmiin, wuxuu Maxamed u sheegay Raage inta ay Yaasmiin u qabatay iyo lacagaha ay asaga u soo marsiisay, sida ay iskugu dayday inay labadooda Yaman uga soo qaado, kadib markuu ku adkeysatay in Deeqana la qaado iyo inay damaanada ayadu keentay haddana ay dhiibto biilka ku baxaaya inta ay gooni ka noqonaayaan oo ay shaqo ka helaayaan, wuxuu Maxamed u sheegay walaalkii inay Yaasmiin ballan qaaday inay caqabad ku aheyn wadajirkooda iyo inay jecleyn inay kala fogeyso, balse ay asaga jeceshahay inay wax u qabato iyo inuu ka soo ag dhawaado, Raage inta uu hadalkaa dheysanaayay wuxuu dareemaayay inuu dembi ka galay qof insaan ah oo jecel horomarkiisa, wuxuuna go’aansaday inuu dib u soo nooleeyo xiriirka Deeqa iyo Yaasmiin asagoo Dd ka dhaadhicinaayo inay Yaasmiin aheyn qof xun oo rabta burbur ku dhaca xiriirkooda.

82.

Xasan Rooble asagoo ku fekeraaya inuu Muqdisho aado oo gurigoodi soo fiiriyo ayuu Raage ka diiday wuxuuna ku yiri: “waxaad timaadaa Yaman, gaar ahaan Sanca, halkaana nagu sug inta aan leyn kaaga heleyno aniga iyo Maxamed” Xasana waa ka yeelay wuxuuna billaabay qorshihi uu Yaman ugu tahriibi lahaa, wuxuu la kulmay dalaal dadka u aruuriya doonyaha tahriibka, markay wax walba isku afgarteen, ayuu arkay gabar niyad jabsan oo kaligeed meel taagan, markuu waydiiyay waxa ku dhacayna waxay u sheegtay inay ka tageen asaxaabti ay la socotay, ayadana aanay haysan wax lacag ah oo ay doonta ku raacdo, waxaa kale oo ay u sheegtay in la yiraahdo Faaduma iyo inay reerkeedi ka soo dhuumatay oo ay soo raacday saaxiibadeed oo u sheegeen inay Yaman geyn doonaan, markay Yaman tagtana ay wacan doonto ina adeerkeed oo Mareykanka jooga, Xasan ayaa waydiiyay: “ma haysataa meel aad caawa seexato oo aad berri subax iigu timaado halkaan?” Faaduma ayaa tiri: “dadki aan ayaamahaan la joognay ayaan la seexanaa, inkastoo ay u haystaan inaan wada baxnay, laakiin adiga miyaa doonta iga bixinaaya?” Xasan ayaa ku yiri: “aniga ayaa doonta kaa bixinaaya, waxaana kuu geynaa saaxiibadaa ee berri halkan iigu imaaw” sidaa ayay ku kala tageen, Xasana wuxuu aaday hotelki uu deganaa, Faadumana waxay aaday xaafadi ay wada deganaayeen saaxiibadeed oo galabta Boosaaso ka shiraacday, waxay Faaduma ilma adeer yihiin Jamaal Dooli, kaasoo marki ay maqashay inuu Mareykan galay ay daraadii reerka uga soo tagtay, inkastoo aanay haysan telefoonkiisa iyo meel uu Mareykanka ka joogo, haddana waxay ka raja qabtaa inay heleyso iyo inuu Mareykanka geyn doono.

Raage inti uu telefoonka diraayay waxaa marba shay u keeneysay Layla oo raadineysay fursad ay kula hadasho, markuu telefoonadi dhameystay ayay ku tiri: “xaaskaaga Aabaheed miyaa ninka la xabadeeyay?” Layla way ogtahay inay isqabin Raage iyo Deeqa, laakiin afkiisa ayay ka rabtaa inay ka maqasho xiriirkooda waxa uu yahay, Raage ayaa ku yiri: “waa Deeqa Aabaheed ninka Sanca lagu xabadeeyay” Layla ayaa tiri: “soow sodogaa maaha?” Raage ayaa u sheegay inay weli is nikaaxsan asaga iyo Deeqa, balse ay ku heshiiyeen inay Mareykanka isku guursadaan, markaa ayay ku tiri: “howl badan ayaa idin sugeysa, waayoo waxaad tihiin laba qofood oo aan la socon dhaqanka iyo dabeecada waqooyiga Ameerika yaala” kadib ayay Layla salaantay Raage waxayna ku tiri: “barasho wanaagsan, Layla Cabdi ayaa lay yiraahdaa, ileyn aniga magacaaga waan aqaan oo bilahan oo dhan ayaan Yaasmiin ka maqlaayay ayadoo ku digrineysa, waloow aan markaa la yaabanaa sida ay xiisaha kuugu qabtay, balse aan hadda u qiray inaad tahay wiil loo xiisi karo” markuu Raage salaanta ka qaaday ayay Layla gacanta u sii deyn wayday inta ay hadleysay, waxaana albaabka ka soo galeen Cawil iyo Deeqa, ayadoo Layla gacanta haysato Raage, markaa ayaa la kala fuqay, Deeqa ayaa tiri: “waxaan rabaa inaan aniga iyo Raage wada tashano, haddii aad firaaqa na siineysaan” markay fadhiga u firaaqeeyeen labadi walaalaha ahaa ayay Deeqa tiri: “Raage waxaan soo ogaaday inay naag Mareykanka ku keensatay, walaalkaana ku kaalmeeyay siday kuu keensan laheyd oo aad khayaano igu wadeen reer Rooble haddii aad tihiin, Aabaheeyna daraadaa ayuu Saalim u xabadeeyay, haddana uu u dhexeeyaa dhimasho iyo nolol, haddii uu noolaadana aanu cidna aqoonsaneynin haddii aan laga saarin xabbadda madaxa uga jirta, intaa oo dhan ayaad igu sameyseen” Raage ayaa yiri: “walaalkeey wuxuu ii sheegay siday Yaasmiin isku barteen iyo dadaalkeena inay ka qeyb qaadatay, anigana ma ogeyn intaa oo dhan, dhibka Aabe gaarayna wuu naga dhexeeyaa ee maaha mid adiga uun ku taabtay, Yaasmiina inaan u mahadcelino ayay naga mudan tahay, waayoo ma aqaan waxa naga reebaayo inaad xiriir caadi ah wada yeelataan, ileyn waad ogtahay inaan Yaasmiin muraad ka laheyn ayadana waxay tiraahdaa (waan ku farxaa guurka Rr iyo Dd) inaan xiriirkeedi saaxiibnimo soo celino ayayna rabtaa sida uu Maxamed ii sheegay iyo inay ayadu na kaalmeyso inta aan wax ka qabsaneyno” Deeqa ayaa tiri: “Mareykanka markaan nimid waxaad ka baxday ballanti aad iga qaaday oo aheyd inaad naag la hadlin, haddana hadal iska daaye xabadi yareyd oo guriga joogtay ayaad gacanta ku dheganeyd, markaa ayaad igu sii leedahay Yaasmiin aan xiriir la yeelano, horta yaa kuu fasaxay inaad naagaha la hadasho?” Raage ayaa yiri: “Deeqa waxaan ka nimid wadan boqolkiiba sagaashan nin uun la arkaayo, waxaan nimid wadan ay naaguhu badan yihiin, hadda marki aan telefoonka diraayay naag ayaa igu laheyd (geli nambarka kaarka) kadibna igu tiri (waxaad haysataa intaa ee geli nambarka aad waceyso) gabadhan yar waa iskay bartay sidaa ayaan isku salaanay, ka soo qaad adeegtadi gurigiina camal, waayoo sidee uga aamusaa, Yaasmiin hortaada ayaan ku leeyahay wixi aad rabto, laakiin iga ogoloow inaan mahadsanid ku dhahno oo aan la walaaloowno sida ay walaaltinimadeena ugu baahan tahay, laga yaabee inay wax badan na tarto”.

83.

Deeqa ayaa tiri: “hadda ma waxaad rabtaa inaan baabi’ino sharcigi ahaa inaad naag la hadlin?” Raage intuu qoslay ayuu yiri: “maya, laakiin xal keen, waayoo waxaa laga yaabaa inaan naago meel ka wada shaqeeyno, sidaa daraadeed waxaa roon inaad shakiga iska saarto, ileyn suuragal maaha halkaan inta aan joogno inaan dumar la hadlin, saaxiibtaana aan soo celino xiriirkeedi si aan reerkan kale uga tagno, waayoo waxaan Yaasmiin waydiisan karnaa inay guri noo raadiso, shaqana nala raadiso, wax badan ayuu noo taraayaa heshiiskeeda” Deeqa ayaa tiri: “Cawil ayaa ugu yiri: (Yaasmiin waxay rabtaa inay Raage kaala wareegto, waxay ii sheegtay inaad faraati ka haysato, fartaadana ay kala bixi rabto) hadalkaasna si waa u aaminsanahay sina wuxuu iila muuqdaa inuu asagu ii baahan yahay, waayoo wuxuu igu yiri: (waxaan awoodaa inaan wax ka qabto arrinta Aabahaa) markaan ku iri maad wax iiga qabatidna, wuxuu ii sheegay sirta Yaasmiin iyo reerkaaga ay halkan igu keeneen, taasoo haddii aan hore u ogaan lahaa aanu Saalim u xabadeyn laheyn Aabaheey” Raage intaa markuu maqlay ayuu Deeqa ku yiri: “waan ka xumahay inaad ku shallaayso maxaan Saalim uga soo tegay, erayadaasna boog wayn ayay iga damqiyeen, waayoo haddii aan ogahay inaad Saalim ama Kamaal intaa u hayso, goor hore ayaan kuu fasixi lahaa, anigana Mareykan xataa ma imaadeen ee Soomaaliya ayaan iskaga laaban lahaa” Deeqa markay aragtay siduu Raage uga xumaaday hadalkaas ayay ku tiri: “Raage sida aad hadalka u dhigtay kuuma dhihin, waxaan ka weday ma soo bixi laheyn” Raage oo weli careysan ayaa yiri: “Saalim oo aan ogahay inuu ku rabo ayaad la sheekeysaneysay, raali ayaan ka ahaa waayoo waan ogaa inaad adiga rabin iyo muraadka uu Aabahaa ka lahaa oo ahaa inuu lacagtiisa ka helo, annagana aan nabad ku soo baxno, adigana waxaad diidan tahay gabar saaxiibtaa ah oo aad ogtahay inaan muraad ka laheyn, inaad xiriirkeeda soo celiso, middaana aad beddelkeeda ka dhigto haddii aan ogahay Yaasmiin kama soo tageen Saalim” Deeqa ayaa tiri: “hadda waan ogolahay inaan Yaasmiin la heshiino, laakiin iga ballan qaad inaad si gaar ah ula sheekeysaneynin” Raage ayaa waydiiyay: “sheekeysi sidee ah?” Deeqa ayaa ku qososhay, wixii ka dambeeyayna waxay ka soo bexeen qolki, ayadoo uu Cawil isleeyahay way dagaalamaayaan, markaana Deeqa ayaa kuu hareysa, balse waxay soo bexeen ayagoo qoslaaya.

Xasan Rooble subaxdi wuxuu sugaayay gabadhi waydiisatay inuu doonta lacagteeda ka dhiibo, cabbaar markuu sugay ayuu is yiri: (malaha way iska baaqatay) markaa ayuu quraac ka soo doontay makhaayad, asagoo quraacdi cunaaya ayuu arkay gabadhi oo wadada socoto, intuu ka daba orday ayuu istaajiyay, markuu waydiiyay waxa ku dhacayna waxay ku tiri: “walaal mahadsanid, waxaan go’aansaday inaan halkaan ka shaqeysto, kadibna aan lacagteyda ku tahriibo, haddana shaqo ayaan helay” Xasan ayaa ku yiri: “ma xuma, laakiin marba haddii aad tahriibeyso oo aadan joogeyn, waxaan ku dhihi lahaa haddaba i raac aan doonta kaa bixiyo si aad saaxiibadaa uga gaarto, ileyn shalay galab ayay bexeene” Faaduma intay cabbaar fekertay ayay ku tiri: “shaqadi ayaan iska soo fasaxaa ee xoogaa halkaan igu sug” galabtaas ayay Xasan iyo Faaduma dusha ka soo raaceen doon tahriib ah, saacado kadibna waxaa lagu daadiyay meel halis ah, Faaduma waxaa garabka ka soo qabtay Xasan, inkastoo aanay doontoodu qofna ku dhiman haddana dad badan ayaa biya ka dhergay, sida Faaduma oo laga mantajiyay marki xeebta la yimid, waxaa loo qaaday xerada qaxootiga Al jaxiin oo dadka markaa la dejiyay.

Cawil markuu arkay inay Raage iyo Deeqa soo bexeen ayaga oo heshiis ah ayuu Raage watay asagoo ku leh: “Raage nakeen waxbaan soo iibineeynaahe” intuu Raage soo labisanaayay ayuu Cawil sii wacay Yaasmiin, asagoo u sheegay inuu Raage u soo wado, Yaasmiin ayaa ku tiri: “yaa Raage u sheegay inaan inta joogo?” Cawil ayaa ku yiri: “Raage iyo Deeqaba way ogaadeen inaad joogto, wax qarsana ma jiraan sidaas ayuuna arrinku ku fiican yahay, waayoo adiga waxaad rabtaa faraatigaagi inaad Deeqa kala baxdo, anigana waxaan rabaa inaan Deeqa u geliyo faraatigeyga, sidaa daraadeed isku dan ayaan nahay” Yaasmiin oo hadli rabta ayuu telefoonki ku dhigay, Raage oo aan ka war hayn ayaa la dul geeyay Yaasmiin, markay aragtay waa naxday, Raage ayaa salaamay oo ku yiri: “Yaasmiin iska waran” Cawilna waa u firaaqeeyay, Yaasmiin ayaa tiri: “Raage si xun ayaad u baaba’san tahay, waadna caatoowday” Raage ayaa yiri: “dhib malaha caatada waa laga baxaahe, caafimaadka ka waran?” Yaasmiin oo weli ka qaracansan rafaadka iyo dhibka ka muuqda Raage ayaa tiri: “aad ayaan uga xumahay geerida waalidkaa ku timid, waxaana filaa inay huqdoodi weli ku dayn, ileyn way kaa muuqataaye” Yaasmiin siduu noqday ayay mashquul ku tahay, ayadoo isu fiirineysa Rrki ay sawirkiisa haysatay iyo Rrka hortaagan.

84.

Yaasmiin waxay niyadda iska tiri: (Deeqa laguma aamini karo Raage, waa inaan sida ugu dhakhsiyaha badan ugala wareegaa) markaa ayay tiri: “Rr dad walaala ah ayaan nahay, waxaana jecelahay wanaagiina idinkana waxaad ii aragteen inaan cadow idinku ahay” Raage oo hadalki ka dhex galay ayaa yiri: “waan ogahay wanaaga aad noo gashay, waxaana ii sheegay walaaleey Maxamed, anigana waa u sheegay Dd, waana ku heshiinay inaan soo celino xiriirki idinka dhexeeyay adiga iyo Dd iyo inaan kaaga mahadcelino wanaagi aad noo gashay” halkaa waxaa Yaasmiin uga soo baxday fursad fiican, markaa ayay tiri: “Deeqa waxaan aheyn dad muddo badan saaxiibo ahaa, saaxiibtinimadaas oo gaarsiisneyd walaalnimo, xumaan uma qabo oo wanaageeda ayaan jecelahay, haddana waxaan diyaar u ahay inaan idiin qabto wixi karaankeyga ah oo aad iiga baahataan, wiilka aad la joogtaan waxaan ku ballanay inuu ii kiin damiinto oo kali ah, marka aad timaadaana aan howshiina la wareego, haddaba aniga ayaa bixiya kharashkiina” Raage markuu ogaaday inay Yaasmiin ku hayso guriga ay joogaan, kadibna ay u sheegtay inay u baahan yihiin dokomintiyo looga baahan yahayna ay jiraan, kuwaas oo ah inay dalbadaan social security iyo ID card, ayuu Raage ku yiri: “Deeqa ayaan berri kuu keenaa, waxaana rajeynaa inay wax walba dhammaadaan” sidaa ayay ku soo kala tageen Yaasmiin oo faraxsan iyo Raage oo ka fekeraaya, sababta uu Cawil ugu keenay Yaasmiin iyo sida ay Deeqa u arki karto.

Layla Cabdi waa ardayad dhigata dugsiga sare, mana taqaano meel dhaafsiisan Dugsiga iyo guriga, waxay walaalkeed la degan tahay guri laba qol ka kooban oo uu rabay inuu ku guursado gabar caddaan ah oo ay saaxiib ahaan jireen, Susan Morris iyo Awil Abdi waxay isku af garan waayeen, magaca dambe ee la qaadanaayo marka ay isguursadaan, Susan Abdi mise Awil Morris, arrintaa oo ay reer Yusuf Cabdi diideen inuu wiilkooda qaato magac gaalo, Susan Aabaheedna waa nin dhaqaale badan leh, sidaa daraadeed wuxuu gabadhiisa u fasaxay inay guursato ninki ay dooto, laakiin aanay beddelin magaca reer Morris, taana waxay keentay inay ku dhegto magaca reerkeeda, Cawilna uu qaato talada reerkiisa asagoo u arkaayay inay Susan jeceshahay ayadana uga tanasuleyso, balse goor ay xeero iyo fandhaal kala dheceen, Susana ay Cawil ka sabartay ayuu isku dayay inuu ka ogolaado qaadashada magaca reerkeeda, laakiin maadaama uu muran badan geliyay, waxay Susan u sheegtay inay asaga oo dhan iska illowday, Cawil weli kama sabrin Susan, balse hadda ayuu helay qof uu isleeyahay Susan waad ku beddelan kartaa, waana ku illoobi kartaa, sawirada Susan waxay ku dhegan yihiin qolkiisa, inkastoo aanay weli arag Deeqa haddana waxaa arkay Raage oo aan waxba ka waydiin, laakiin Layla ayaa inti ay maqnaayeen Raage iyo Cawil, waxay Deeqa tustay sawirada Susan iyo Cawil, ayadoo uga sheekeysay jacelkooda iyo sababta ay isku waayeen, waxayna Layla u sheegtay Deeqa, inuu walaalkeed ilaa hadda ka niyad jabsan yahay sida ay isku waayeen Susan iyo inuu gabar kale la sheekeysan uuna aaminsan yahay inay gabadhaha Soomaaliyeed jaceyl waxba ka aqaanin, mar marka qaarkoodna uu ku yiraahdo: “weli ma arag gabar Soomaaliyeed oo la jeclaan karo” Deeqa inta ay Layla hadleysay, waxay fiirineysay sawirka Susan Morris oo leh indheheeda oo kale, waxay aragtay inay muuqdaan kalxamaha Susan, waxayna ula muuqatay inay caato weyd ah tahay, markaa ayay Layla ku tiri: “tan caato ayayba la dhiman rabtaa” Layla ayaa u sheegtay in wadankaan laga jecel yahay naagaha caatada ah, haddii ay buuran tahayna aan wejigeeda la fiirinaynin, markaa kadib ayay Layla uga sheekeysay qaabka leysu caateeyo iyo inuu guriga yaalo alaabta jimicsiga lagu sameeyo.

Raage iyo Cawil waxay soo laabteen, Deeqa iyo Layla oo tuutayaal qaba, Laylana ay bareyso Deeqa sida mishiinada loogu jimicsado, Deeqa waxay isku soo cariirisay tuute ay Layla leedahay, markaana waxay soo furtay oo bannanka soo dhigtay timeheeda seyn fardoodka la mooday, timahaasoo sidi dhoocil yar ay labada dhinac ka soo xirtay, waxay soo fiirisay Raage iyo Cawil oo niyada iska yiri: (gabar Soomaaliyeed oo qurxan ma jirto waa been) Raage laftiisa weli ma arag Deeqa timaheeda oo feydan, markaa ayay intay xishootay ayay qolka ku carartay.

85.

Xasan Rooble marki uu Faaduma keenay Al jaxiin, waxaa laga waayay saaxiibadeed markaa wuxuu ku yiri: “intaan kadib maxaan kuu sameeyaa?” Faaduma ayaa tiri: “maya aboow iska bax, mar haddii aan imid meel Soomaali joogto wax dhib ah ma arkaayo” Xasan ayaa waydiiyay marba haddii ay wayday saaxiibadeed, qorshaha kale oo ay Yaman u soo aaday, Faaduma ayaa tiri: “waxaan rabay inaan wacdo ina adeerkeey oo Mareykanka jooga” Xasan wuxuu waydiiyay nambarkiisa inay taqaano, Faaduma ayaa ku tiri: “maya ma aqaano nambarkiisa iyo meesha uu ka joogo Mareykanka toona, laakiin inaan raadiyo ayaan rabaa” Xasan oo khiyaar gelinaaya Faaduma ayaa ku yiri: “haddii aad rabto waxaad ii raaci kartaa Sanca oo ah caasimada Yaman, halkaa oo aad ka heli karto akhbaarka walaalkaa, haddii aad ii raacdana waxaad la seexaneeysaa gabdho shaqeysta, adigana shaqo ayaad ka heleeysaa” Faaduma ayaa ku tiri: “inaan ku dhibo ma rabo” haddana markuu ku celiyay ayay ka ogolaatay, halkaa ayay haddana iskala soo tahriibeen.

Deeqa markay soo gashatay dharkeedi caadiga ahaa ayay fadhiga ugu timid Raage iyo Cawil, waxayna aragtay Layla meesha ku fadhida tuutihi ay wadatay oo aan u xishooneyn sidi ay ayadu uga xishootay markay soo galeen Raage iyo Cawil, markay soo fadhiistay ayay Layla ku tiri: “Layla miyaadan ka xishooneyn ragga nala fadhiya?” Layla ayaa tiri: “Deeqa maad i tiraahdid Raage ka xishoo?” Deeqa oo aamusan ayay Layla tiri: “waa caadi tuutaha, gurigana waa lagu joogi karaa, waayoo halkan waa Ameerika (this is America)” Deeqa ayaa Raage gooni ula baxday markaa ayay ku tiri: “Raage waxaan rabaa guri aan xor u ahay, waayoo adigaa meeshaan i keenay, adigaana ka masuul ah haddii aan dagaalno gabadhaa afka dheer leh” Raage ayaa yiri: “waxaan hadda ka imid Yaasmiin gurigeeda” intaa markuu yiri ayay Deeqa hadalki ka daftay: “yaa maxaa tiri Yaasmiin gurigeeda aa, ileyn maanaan garan” Raage ayaa yiri: “D shaki miyaa iga qabtaa?” Deeqa ayaa tiri: “su’aashaa maxaad ku keentay?” Raage ayaa ugu jawaabay: “wax badan ayaan ku arkay adiga oo iga shakisan” Deeqa oo isdejisay ayaa tiri: “yaan kaaga shakiyay?” Raage ayaa ku yiri: “gabadhan yar oo aan martida u nahay oo tuutaha nala soo ag fadhiistay, yaad uga shakisay?” Deeqa ayaa tiri: “gabadha xishood ayaan ku iriye maxaa shakiga keenay?” Raage ayaa yiri: “yaad ka xishood ku tiri oo meesha joogay?” Deeqa ayaa ku dooday: “Layla way ku soo fiirineysay, adiga ayayna ku rabtaa” Raage ayaa yiri: “haddii ay i soo fiirineysay indhaha miyaan ka qataa, aniga miyaa Layla rabo oo fiirinaayay?” Deeqa ayaa tiri: “hadda iiga sheekee Yaasmiin, armay hab ku siisay markay ku aragtay?” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin waa saaxiibtaa waana walaashaa, waxaan ku dhihi lahaa aan ayada ku wareejino masuuliyadeena, waayoo waxay ii sheegtay inay biilkeena bixiso annaga oo inta joogna, shakigana iska saar gabar aan adiga aheyn inaan rabin waad ogtahaye” Deeqa ayaa waydiisay: “taa hore ayaan kaaga ogolaaday inaan Yaasmiin la heshiino, laakiin maxaad horta kaligaa ugu tagtay? yaa kuu fasaxay inaad kaligaa aado oo la soo hadasho gabar xasaasiyad aan ka qabo?” Raage ayaa ugu jawaabay: “Cawil ayaa ii geeyay aniga oo aan ogeyn meel uu ii wado” Deeqa ayaa Cawil u yeertay Raage oo diidan inay waydiiso ayay Cawil ku tiri: “yaa Rr kugu yiri Yaasmiin u gee?” Layla oo walaalkeed qolka la soo gashay ayaa tiri: “waaw Raage miyaa Rr la dhahaa?” Deeqa ayaa tiri: “Raage Rooble ayaa Rr ah, anigana waa Dd oo ah Deeqa Daahir” markaa ayuu Cawil yiri: “Dd xaafada markaan tagnay ayaan Yaasmiin dan ka yeeshay, sidaa ayaan ugu tagnay, laakiin maxaa dhib ah oo jira?” Deeqa ayaa tiri: “mahadsanid” markay ka bexeen ayay Raage ku tiri: “ballanta kuma fiicnid, waayoo waxaan ku ballanay inaad Yaasmiin kaligaa la sheekeysan, waadna iiga baxday ballanti” Raage oo aamusan ayay tiri: “hadda waxaan rabaa guri aan xor u ahay oo aan ku jimicsado” Raage ayaa yiri: “guri waa noo raadinaa, laakiin waa inaan isguursanaa si aan xalaal iskula deganaano” Deeqa ayaa tiri: “taasaa meesha ku jirta, laakiin aroos hadda ma geli karo ilaa Aabaheey uu ka caafimaado oo uu iga kaa siiyo”

 

La soco qeybaha dambe.

 

SHEEKOOYIN