Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.86-90aad W/Q Ahmed Hayow

 

Waxay Raage iyo Deeqa ku heshiiyeen inay aadaan guriga Yaasmiin, markaa ayay Cawil waydiisteen inuu geeyo, Cawilna markuu geeyay gurigi ayuu ku yiri: “i soo waca marka aad soo bexeeysaan” wuuna ka soo tegay, asagoo ay u muuqatay inuu burburay qorshihiisi, waayoo wuxuu rabay inay Deeqa iyo Raage ku dagaalaan arrinta Yaasmiin, balse middaasi waxay ula muuqatay inay meesha ka baxday, Raage oo aad u jeclaa heshiiska labada gabdhood, ayaa arkay siday isugu soo boodeen Yaasmiin iyo Deeqa oo si kal iyo laab ah iskaga dhunkaday labada daan, markaa ayuu niyada ka farxay, Deeqa ayaa tiri: “Yaaska, waxaa isugu kaaya dambeysay habeenki Xalane la soo xiray, inkastoo wixii ka dambeeyay aad Raage is aragteen ilaa seddex  jeer” Yaasmiin ayaa tiri: “aniga gurigiina waxaan tegay laba jeer, labadaas jeerna ma aadan joogin, laakiin waxaan is lahaa reerka ayaa u sheegay inaad soo raadisay” Deeqa ayaa tiri: “la iima sheegin” kadib intay kursi ku fiirisay ayay tiri: “yaa kula degan labadaan qol” Yaasmiin ayaa u sheegtay inuu la deganaa walaalkeed, haddana uu u guuray gobal kale oo uu shaqo fiican ka helay, ayadana ay halkan ugu hartay ayaga daraadood, Deeqa ayaa tiri: “hadda inaad walaalkaa ka daba guurto miyaad rabtaa?” Yaasmiin ayaa tiri: “waxaan rabaa inaan joogo inta aad shaqo ka heleysaan oo aad meel ka degeysaan” Deeqa intay istaagtay ayay aaday qolka ay Yaasmiin degan tahay, Yaasmiina way daba raacday, Deeqa markay qolka gashay waxay aragtay sariir laba nafar ah inay u taalo markaa ayay tiri: “inta aad guriga Cawil nagu soo dejineysay, maxaad kaaga noo soo dejin waysay? ileyn adiga ayaan kula seexan lahaa, Raagana qolka kale ayuu seexan lahaaye” Yaasmiin ayaa tiri: “haddaba sidaa waan yeeli karnaa” markaa ayay Deeqa u yeertay Raage waxayna ku tiri: “ka waran haddii aan Yaasmiin la soo degno?” Raage ayaa ka ogolaaday, kadibna waxaa lagu heshiiyay inay Yaasmiin qaado oo boorsooyinkooda ay ka soo qaataan xaafada Cawil, inti ay sii socdeen ayay Yaasmiin wacday Cawil oo u sheegtay qorshaha guuritaanka Raage iyo Deeqa, waxayna uga mahadcelisay wanaagi faraha badnaa ee uu u sameeyay, balse Cawil arrintaa wuu diiday wuxuuna Yaasmiin kula dooday sababta keentay in gurigiisa looga guuro, arrintaana xummaan ayuu u arkay, ugu dambeyna wuxuu ugu yimid guriga ayagoo aan weli bixin.

Waxaa gar loo fadhiistay fadhiga, wuxuuna Cawil ku doodaa waxa keenay deg degta ay ku guuraayaan Rr iyo Dd, markaa ayay Deeqa tiri: “walaal, xumaan meesha ma taalo, gurigaa iyo midkaana waa isku mid, sidaa daraadeed ayaan midkaa inaan u wareegno isla garanay” Raage ayaa yiri: “soo dhaweynti aad na soo dhaweysay waad ku mahadsan tahay iyo damaanadi aad noo sameysay, khalad jira oo aan guriga uga guurnay ma jiro” Cawil ayaa yiri: “hadda ayaan dalbay mishiin cusub oo jimicsi, kaasoo aan ugu tala galay inay ku jimicsadaan Dd iyo Layla, lacagtina waan shubay waxaana loo soo wadaa guriga” Yaasmiin oo hadalki ka dhex gashay ayaa tiri: “dhib malaha hadda intaad wacdo waxaad sii addresska gurigeyga, lacagtana aniga ayaa kuu celinaayo” Cawil ayaa yiri: “lacag qiima ma laha, waxaa ka qiima badan dadki aan ugu tala galay oo sidi aan rabay si aan aheyn yeelay” Layla Cabdi oo iyadana diidaneynd guuristooda ayaa tiri: “Raage waad nagu kediseen guuritaanka” Yaasmiin way garatay muhiimada Cawil ka leeyahay joogista Deeqa, Raagana hore ayuu u dareensanaa, laakiin wuxuu is lahaa Cawil ma ka dhib badna Kamaal iyo Saalim oo uu ka soo guuleystay iyo wiilashi kale oo ka badnaa waagii Xalane lagu jiray, arrinti waxay ka badin wayday inay alaabtooda rartaan Raage iyo Deeqa, habeenkaana waxay seexdeen guriga Yaasmiin, subaxdi xigtayna waxay geysay xafiiska Social securityga oo ay soo buuxsadeen, mudo yar kadib markuu u yimidna waxay dalbadeen ID card oo u soo baxay, wixii ka dambeeyay ayay diyaar u noqdeen inay Yaasmiin shaqo la raadiso, intaana waxay Deeqa mar walba la hadleysay reerkeeda, Aabaheed wuxuu ka soo baxay cisbitaalki, wuuna caafimaad qabaa inkastoo ay xabadi weli madaxa uga jirto loona baahan yahay in laga soo saaro, Raagana wuxuu wacay walaalkii Maxamed oo uu u sheegay inay Yaasmiin la soo degeen arrintaana wuu ku farxay, inkastoo aanu aqoonin Dd, haddana wuxuu uga kalsooni badan yahay inuu walaalkii guursado Yaasmiin. Xasan markuu Sanca keenay gabadhi Faaduma aheyd wuxuu u helay gabdho shaqeeyo oo ay la seexato, wuxuuna Faaduma u sheegay inuu u raadinaayo ina adeerkeed, asagana wuxuu degay qol ijaar ah, markaa ayuu Raage wacay, laakiin Cawil ayaa u sheegay inay ka guureen kadibna telefoonka ku dhigay, markaa ayuu wacay walaalkii Maxamed oo marki ay iswareysteen kadib uu siiyay telefoonka Yaasmiin, markuu soo wacay ayuu Raage ka qabtay telefoonka, wuxuu u sheegay inuu Sanca joogo, markaa ayuu Raage ku yiri: “alxamdulillaah haddii aad nabad timid, waxaad raadisaa Deeqa Aabaheed oo degan xaafada Shucuub” markaa ayuu u tilmaamay guriga reer Daahir, Xasan ayaa asagana wuxuu walaalkii Raage ka codsaday inuu Faaduma u soo raadiyo inad adeerkeed iyo xaaskiisa, markuu magaciisa waydiiyay ayuu ku yiri: “waxaa la yiraahdaa Jamaal Dooli” Raage ayaa yiri: “saaxiibkeey Jamaal Dooli miyaa?” Xasan wuu arki jiray Dooli, laakiin si fiican uma aqoon, mana xasuusan Dooligi ay Raage saaxiibka ahaayeen, markaa ayuu Xasan yiri: “ma aqaan inuu Dooligaa yahay iyo meesha uu Mareykanka ka joogo, waxayna Faaduma ii sheegtay in Kanya laga soo qaaday” Raage ayaa yiri: “gabadha soo waydii xaafadda uu Dooli deganaa iyo xaaska magaceeda”.

 

87.

Sina looga kala harin, waayoo Kamaal wuxuu baadi goob ugu jiray inuu ogaado halka ay ku dambeysay Deeqa Daahir, ugu dambeyn wuxuu soo helay telefoonka guriga ay ku degeen Raage iyo Deeqa, matkuu soo wacayna waxaa ka qabtay Layla oo u sheegtay inay u guureen xaafad kale, wuxuu Kamaal ka qortay cinwaanka gurigooda, wuxuuna u sheegay inuu goor dhow imaan doono United States.

Layla Cabdi oo jecleyd inay hesho nin Deeqa uga reeba Raage ayaa dabagal ku sameeysay arrinta Kamaal, waxayna tagtay guriga Yaasmiin si ay Deeqa uga ogaato heerka ay ka gaarsiisan tahay Kamaal, markay guriga soo gashayna waxay aragtay Deeqa oo isbedel ku dhacay, waayoo waxay isla heshay guri firaaqa ah iyo mishiin ay saaran tahay habeen iyo maalinba, markaa ayay Layla tiri: “Deeqa waad sii qurxanaatay” ma joogin Raage iyo Yaasmiin oo waxay aadeen meel ay iskala shaqeeyaan Raage, Deeqa ayaa Layla ku tiri: “weligeeyba waan qurxanaa, laakiin caafimaad ayaan ka helay jimicsigaan” Layla ayaa tiri: “waan ogahay inaad qurux badan tahay, waxaana ii sheegay ex saaxiibkaa Kamaal inuu sawirkaaga u diray jornal quruxda lagu faaniyo oo dalka Ingiriiska ka soo baxa, markaana aad noqotay qof sawirkeeda lagu soo dhejiyo jaldiga ugu horeeya iyo weliba in cadadkaas si badan loo iibsaday” Deeqa oo dhegeysaneysa hadalka Layla ayaa u sii raacisay: “wuxuu Kamaal ii sheegay inay shirkada laheyd joornaalka ay ku siineyso lacag fara badan, haddii aad u ogolaato sawira kale inay kaa qaadaan” Deeqa isla markiiba waxay wacday gurigooda, markay cabaar Aabaheed ka wareystay xaaladiisa ayay waydiisay telefoonka reer Kaahin, Aabe Daahir ayaa ku yiri: “reerkaa way na gooyeen ee telefoonkooda iska daa” Deeqa ayaa ku tiri: “Aabe waxaan rabaa inaan Kamaal la hadlo hal mar” sidaa ayaa lagu siiyay telefoonki, markay wacday oo uu Kamaal ka qabtay ayay ku tiri: “Kamaal yaa kuu fasaxay inaad sawirkeeyga siiso joornaalada?” Kamaal markuu gartay inay Deeqa tahay ayuu ku yiri: “Deeqa waxaad haysataa qurux ayadoo aan cidna wax kuu dhimin aad ku heli karto lacago badan, waxaa tartan sawirkaaga ugu jira ilaa shan shirkadood oo aad ka xulan karto midda ugu lacagta badan, sidaa daraadeed ayaan America kaaga soo raadiyay, waxa aan rabana waa horumarkaaga iyo inaad ka baxdo gacanta dadka aan waxba kala ogeyn oo aad la socoto” Layla way ka naxday sida ay Deeqa ula hadashay Kamaal, waxaase uga darnaa marki ay Deeqa tiri: “Kamaal aflagaadada iska daa, Raage mid aan gacantiisa uga baxaayo ifka ma saarna, sawirkeeyga ciddi rabtana waa inay aniga i waydiisato maahine, ma aha inaad adiga siiso” Kamaal ayaa yiri: “hadda iyo dan, ma waxaad rabtaa inaad wershed xoog uga shaqeeyso, mise waxaad rabaa inaad malaayiin fadhigaaga ku qaadato?” Deeqa ayaa tiri: “adiga shaqa kuma lihid waxa aan rabo” Kamaal ayaa yiri: “haddii aad rabto inaad Aabahaa daaweeysato oo laguu soo xiro Saalimka xabbadda la dhacay oo ay ii sheegtay Xaawa Kiin waxaad soo wacdaa telefoonkeeyga” markaa ayuu telefoonki demiyay, Layla oo la yaabaneyd sida ay ula hadashay Kamaal, ayaa haddana aragtay siday uga carootay telefoonka uu ku demiyay, markaa ayay Deeqa ku tiri: “si xun miyuu kuula hadlay Kamaal?” Deeqa ayaa tiri: “maya, laakiin su’aal uu i waydiiyay aniga oo aan uga jawaabin ayuu igu demiyay, taana waxaa iiga sii daran wuxuu ii sheegay ninki Aabaheey Sanca ku toogtay oo magaalada nabad ku jooga” markaa ayay Deeqa la ilmeysay ciil ay Saalim u qabto.

Yaasmiin waxay gashay nolol farxad leh, inkastoo aanay Rr helin, haddana waxba waxbay dhaamaan, waxay haysataa muuqiisa, waxayna maalin walba ku faraxdaa siduu isu soo bedelaayo jirkiisa iyo dhiigiisa, waxaad moodaa inay tahay hooyadi dhashay, waxay fursad u heshay inuu kaligii soo raaco, waxay ku tiri: “Raage waa inaad soo qaadataa ogolaashaha wadida baabuurta oo aad soo gashaa imtixaanka permitka, si aad wadida u barato” Raage ayaa yiri: “waxaan ku fekeraayay inaan arrintaa galo marki aan muddo shaqeeyo” Yaasmiin ayaa tiri: “waxaa laga yaabaa inuu wakhtigu kuu saamixi waayo, sidaa daraadeed ka waran haddii aan berri subax idiin wado meesha permitka laga qaato?” Raage ayaa ka ogolaaday asagoo u mahad celinaaya, markaa ayay Yaasmiin tiri: “ma aha inaad iiga mahadceliso, waayoo howl aan nafteyda u qabanaayo oo kale ayay ila tahay howsha aan kuu qabanaayo” Raage waxbuu hadlkaa ka dareemay marba haddii aanay dhihin: (howsha aan idiin qabanaayo) oo ay tiri: (hawsha aan kuu qabanaayo).

 

88.

Layla Cabdi markay Deeqa u sheegtay malaayiinta doolar oo sawirkeeda lagu raadinaayo ayay Deeqa ku waanisay: “waa fursad qaali ah oo haddii ay kaa lunto laga yaabo inay dib kuu soo marin” Deeqa ayaa tiri: “waxaan kala tashanaa Rr” markaa ayay Layla waydiisay haddii uu ka diido waxay sameyneyso, Deeqa ayaa tiri: “waan iska deynaa” Layla oo uu hadalkaa u cuntami waayay ayaa ku tiri: “waan ogahay inay raggu jecleyn in la arko sawirka xaasaskooda, sidaa ay tahayna waxay daawadaan sawirada naagaha kale ay lacagta ku qaataan” Deeqa ayaa tiri: “ma filaayo inuu Raage iga diidaayo, inkastoo aanu jecleyn in sawirkeyga la arko, haddana haddii aan ku iraahdo, waxaan rabaa lacag aan Aabe ku daweeyo, waxaan filaa inuu iga ogolaanaayo” waxaa soo galeen Raage iyo Yaasmiin, isla markiiba wuxuu Raage isha ku dhuftay warqadi ay Deeqa ku qoratay nambarka Kamaal, markaa ayuu yiri: “Kamaal miyaa ku soo wacay?” Deeqa ayaa u sheegtay inay ayada wacday iyo sababti ay u wacday, Yaasmiin ayaa tiri: “Deeqa ka bax sheekadaas sawirka, waayoo waxaa ku xiga modal ilaa agtarad in laguu qaato, mar haddii aad badaa gashana lagama soo laabto” Deeqa ayaa tiri: “Aabaheey waxaa madaxa uga jirta xabbad, taasoo laga baqaayo inay maskaxda gaarto, haddii ay gaartana xasuusta ay ka wada lunto, sidaa daraadeed haddii uu iga ogolaanaayo Raage, waxaan rabay inaan hal mar xoogaa lacaga nooga sameeyo, ileyn annagaba waxaan u baahan nahay lacag aan ku aqal galno” Raage wax uu ka dhoho ayuu garan waayay, sababta oo ah waxaa cudurdaarka ku jira Aabe Daahir iyo qaliinkiisa madaxa, asagoo aamusan ayay Deeqa tiri: “Raage, waxaan Kamaal ku wada hadalnay shaqo oo kali ah, wax kale oo naga dhexeeya ama naga dhexeyn kara ma jiraan” Raage waxaa wejigiisa ka muuqatay inuu go’aan gaari karin, sidaa daraadeed ayay Yaasmiin tiri: “Raage haka fekero ee aan wakhti siino, midda kale shirkadahaas ma inta ayay kuugu imaanaayaan? mise adigaa London aadaaya?” Deeqa ayaa sheegtay inay arrimahaa isla gaarin Kamaal, laakiin ay wici karto haddii uu Raage raali ka yahay, markaa ayuu Raage sheegay inuu raali ka aheyn iyo inuu dacwad ka yahay kuwi hore uu joornaalada ku soo saaray, markaa ayuu qolkiisa ka aaday.

Raage iyo Deeqa way isku fahmi waayeen qorshaha uu keenay Kamaal, inkastoo ay Deeqa rabtay inuu u fasaxo, haddana way la noqon waysay inay warkiisa ka tala baxdo, dhowr bilood ka bacdi ayuu Kamaal soo galay Mareykanka, wuxuuna ku degay Hilton hotel, markaa kadib ayuu Deeqa soo wacay, markay ka qabatayna wuxuu u sheegay inuu hotel Hilton degan yahay iyo inuu u yimid qandaraaski photo modelka, Deeqa markaa ayay qandaraaski qaadatay, kadib markii uu u sheegay in sawirada looga qaadaayo Mareykanka dhexdiisa, Deeqa iyo Kamaalna waxay ku ballameen inuu soo wacaayo marka ay shirkadu timaado, qorshahaan waxaa Kamaal ugu jira lacag badan iyo inuu Deeqa lafteeda ku helo, Deeqana qof uma sheegin arrintaas, waayoo wuxuu qorshaheedu ahaa inay cidna ogaan howshaasna soo qabto, marba haddii aan Mareykanka laga bexeyn, sidaana lacagta ku soo qaadato, wixii ka dambeeyana ay Raage maslaxato, Kamaalna wuu fahmay inay howsha kali ku tahay, Raagana uu la socon waana sida uu jeclaa inuu ka soo haro Raage.

 

89.

Raage wuxuu shaqa ka helay warshad eletaroonikada samaysa oo ay ka shaqeyso Yaasmiin, subax kastana waxay isla aadaan shaqada, halka Deeqa laga khayaar geliyay inay shaqo doonato, haddii kalana ay guriga iska joogto, Deeqana waxay dalbatay inay shaqada dib u dhigato ilaa ay jirkeeda ka shaqeyso, maalinba maalinta ka dambeeysa waxay Deeqa sii noqotaa gabar yar oo nacnac ah, waxaa ka degay hilib badan oo culeys ku haayay sidaa daraadeed markay muraayad isku fiiriso, waxay is aragtaa inay Susan u sii ekaaneyso, waxay niyada iska tiri: (Cawil haddii uu hadda ku arko, waxaa hubaal ah inuu ku leeyahay Susan ayaad u egtahay, haddiiba aanu ku dhihin waad ka qurux badan tahay) inta aan dadka kale la gaarin Deeqa ayadaa is cajibisay, intaana guriga kama baxdo, waxaa maalin walba u timaada Layla oo u soo xariirisa Raage inay indhaha isaga soo nuursato, rajada ay ka leedahay inay ku heshana uu aad hoos ugu dhacay, marka ay fiiriso quruxda Deeqada ay rabto inay kula tartanto, waxay dareentaa inay laf cad toobin ku hayso, Layla waa gabar yar oo aan aqoonin khayaanada iyo farsamada loo kala gooyo labada qofood, inkastoo ay ka raja qabto Deeqa inuu Raage kala wareego Kamaal, si ay fursad ugu hesho inay Raage u sheegato dareenkeeda caashaqa, haddana ifafaalahaas uma muuqdo, maadaama ay Deeqa ku soo qaadin sheekada Kamaal.

Leyla waxay jaceylka ku baratay kuna rumeysay jiritaankiisa, qoraalo badan oo uu ka qoray walaalkeed Cawil iyo ayada oo ogeyd siduu Susan Morris u jeclaa, Laylana way jecleyd inay dhadhamiso dareenka caashaqa, kanna waa kii ugu horeeyay oo aan cidna ku ogeyn, cidna aanay u sheegan, balse Layla ma oga inuu walaalkeed Cawil jecel yahay Deeqa, laakiin maanta marki ay guriga timid wakhti hore oo ay soo dhaweyn wakhtigi Raage iyo Yaasmiin ay imaan jireen ayay Deeqa tiri: “walaalkaa Cawil muxuu noogu imaan waayay?” Layla ayaa ku tiri: “sidi aad nooga soo wareegteen feker ayuu ka bixi la’yahay, wuxuu noqday sidi waagii ay Susan ka tagtay oo kale” Deeqa ayaa tiri: “Susan ma sidaa ayuu Cawil u jeclaa?” Layla ayaa tiri: “haddii ay gabar Soomaaliyeed ahaan laheyd, nasiib ayaan qabi laheyn” Deeqa oo hadalka ka dhex gashay ayaa tiri: “gabar Soomaaliyeed maxaad ugu raadin waydeen?” Layla ayaa tiri: “haddii ay jiri laheyd gabar Soomaaliyeed oo uu walaalkeey rabo ama aan ka dareemi lahaa mid uu daneynaayo, waxaan ku dadaali lahaa siduu ku heli lahaa” Deeqa waxay rabtay inay ogaato qofta uu Cawil ka fekeraayo, ayadoo hubta boqolkiiba boqol inay ayada tahay markaa ayay tiri: “soo waydii Cawil waxa fekerka ku riday, anigana waxaan kuu ballan qaadaa inaan kugu kaalmeeyo siduu ku heli lahaa qofka uu ka fekerayo” markaa kadib ayay isku soo qaadeen sheekadi Kamaal, ayadoo markan Deeqa ay sirteeda ku aamintay Layla una sheegtay ballanta ay Kamaal leeyihiin, Laylana arrintaa aad ayay ugu faraxday marba haddii ay ku kala fogaanaayaan Raage oo ay ogtahay inuu arrintaa raali ka aheyn, sidaa daraadeed ayay Deeqa ku sii dhiiri gelisay inay fursadaa qaaliga ah ka faa’iidaysato, waxaa lagu heshiiyay inay Layla sirtaa ka fakan iyo ujeedada ay Deeqa ugu sheegtay oo ah, inay Layla geyso hotelka Hilton, markuu Kamaal soo woco ileyn suuragal maaha inuu guriga ka qaado Kamaal iyo inay kaligeed guriga ka baxdo ayadoo aanu la socon qof guriga ku soo celiya, marki ay yimaadeen shaqaalihi shaqada ku maqnaa oo ay cabbaar Layla iska daawatay muuqaalka ninka ay ifka ugu jeceshahay ayaa la gaaray xilligi ay bixi laheyd, waana marki ugu horeysay ay Layla ku dhiirato inay tiraahdo: “Raage xoogaa i sii dhawee, waxaan ka baqaa dhallinyaro xalay i faduuliyay inay wadada joogaane” Yaasmiin oo rabtay inay gaarigeeda ku qaado ayay Layla tiri: “waa laba baloog oo kali ah inta aan ka baqaayo” markaa ayuu Raage soo raacay, ayagoo aan isla hadlin markuu xoogaa soo fogeeyay, ayay Layla salaantay waxayna ku tiri: “inti aad ila soo socotay, waxaan dareemaayay nabadgelyo aan nolosheyda dareemin, waadna ku mahadsan tahay” sidaa ayuu Raage uga soo laabtay.

Raage oo walaalkii Xasan soo xasuustay iyo baadidoonki Jamaal Dooli, ayaa markuu shaqada yimid wuxuu waydiiyay cid taqaano halka la dejiyay qaxootiga Soomaaliyeed ee Kanya laga keenay, wuxuu soo ogaaday inay u badan yihiin gobalka Minnesota, gaar ahaan magaalooyinka mataanaha ah (twin cities) ee kala ah Minneapolis iyo St.Paul, arrintaana waxay u sahashay, inay Yaasmiin uga dirto walaalkeed oo ka shaqeeya xafiiska adeega bulshada inuu soo raadiyo Jamaal Dooli oo uu yaqaanay waagii ay isku xaafada ahaayeen.

 

90.

Layla markay gurigooda tagtay ayay walaalkeed kala sheekeysatay waxa waayahan ku soo cusboonaaday, Cawil oo aan walaashii uga baran su’aalaha noocaas ah ayaa ku yiri: “maxaad iga dareentay?” Layla ayaa u sheegtay inuu yahay sidi waagi ay Susan kala tageen oo kale, kadib ayay waydiisay dareenka cusub oo ku kalifay inuu sidiisi hore noqdo, Cawil oo aan la hadlin ayay ku tiri: “waxaan arkay Deeqadi nala joogi jirtay oo siday jimicsi u sameyneysay aad u sii qurxanaatay, waxayna igu tiri igu salaan walaalkaa Cawil” markaa ayay ka damaqday boog uu qarsanaayay wuxuuna yiri: “iga daa hadalkeeda ma rabee, waayoo gabadhaa waxay i soo xasuusisay Susan, haddii uu Raage aheyna waxaan ka dhigan lahaa xaas” Layla markaa ayay ogaatay jaceylka uu walaalkeed u qabo Deeqa, waxaana gashay rajo ah inuu helidoono, madaama ay Deeqa ku tiri: (haddii aad soo ogaato gabadha uu Cawil jecel yahay, waan kula baadi goobaa) markaa ayay walaalkeed u sheegtay hadaladi dhex maray ayada iyo Deeqa, Cawilna wuxuu waydiiyay halka uu ku dambeeyay xiriirki ka dhexeeyay Deeqa iyo Raage, waxay Layla u kashiftay sirti Deeqa iyo Kamaal, ileyn walaalkeed ayaa kaga xaq lehe, markaa ayuu Cawil ka toosay jiifki, waayoo wuxuu is lahaa Raage wuxuu kuu ahaa nin marti ah oo aad gurigaaga ku soo dhaweysay, inaad daba mar ku sameeyso ceeb ayay kuu tahay, balse haddii ay sheekadu mareyso nin Ingiriiska ka yimid, adigaa kaga xaq leh Deeqa Daahir.

Maalinti xigtay Cawil wuxuu billaabay inuu Deeqa cagta cagta u saaro, markuu guriga ugu tegay oo ay albaabka ka furtay, waxaa laabtiisa maray baraf qaboow oo uu ka dareemay min tin ilaa cirib, Deeqa ayaa ku soo fiirineysa indhihi sixirka ahaa, markaasuu lugta la gefay jaranjaradi albaabka, intuu taraanturooday ayuu dhici gaaray, Deeqa ayaa ku tiri: “Cawil walaal iska fiiri jaranjartan maaha middi gurigiini oo kalee” Cawil ayaa yiri: “haddii aan jabo adigaa ka masuula wixii igaara” Deeqa ayaa tiri: “aniga oo dhan ayaad Mareykan masuul iiga tahaye, sidee adiga masuul kaaga noqdaa?” Cawil ayaa yiri: “dalka aan joogno dumarka ayaa ragga ka sareeya, waa (ladies first) raggu waa gadaashaa dambe” markay fadhiisteen ayay Deeqa u doontay cabitaan, inti ay ku maqnayd ayuu Cawil soo qabtay album sawiro ku jiraan oo miiska saarnaa, wuxuu ka raadiyay sawir Deeqa leedahay ugu dambeyn ayuu ka helay sawiro ay Yaasmiin la gashay, mid ayuu kala soo baxay, asagoo gacanta ku haaya ayay Deeqa oo cabitaanki wado u timid, waxay waydiisay sababta uu sawirka uga soo baxshay albumkiisa, markuu u sheegay inuu rabo mid uu qaato ayay ku tiri: “sidee u qaadanee sawir aad waydiisan qofki lahaa? midda kale maxaa ku falee sawirkeena?” Cawil ayaa yiri: “maxaa dhacay waa caadi sawiro waa la kala qaataa, midda kale soow sawirada adiga ma lihid?” Deeqa ayaa ku tiri: “Yaasmiin ayaa albumka iska leh, anigana ma ogoli in uu nin qaato sawirkeeyga” Cawil ayaa niyada ka yiri: (asagoo midkaan ka weyn ayaan goor dhow soo gadandoonaa) markaa ayuu ku yiri: “sawirkaaga maxaad iigu diidaysaa, soow ma ogid inaan dhaxalka Raage aniga leeyahay?” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “Raage hadda waa nool yahay, hadduu dhinto xataa qof dhaxalkiisa leh ma jiro” eraygaa wuu ka naxay Cawil, si uu u qaatana wuu garan waayay, waayoo walaashiis waxay u soo sheegtay iyo hadalkaan ayaa is lahaan waayay, intuu Deeqa fiiriyay ayuu yiri: “Susan ayaa erayadaas kuwa la mid ah igu dhihi jirtay marki aan isku fiicneyn, haddana marki aan isqilaafnay ayaan dhowr goor cafis ka dalbaday, laakiin waxay iigu jawaabtay inti aan ku guursan lahaa, waxaa ii dhaanta inaan nolosha nin la’aan ku dhameysto” Deeqa ayaa waydiisay: “hadda Susan ma la guursaday?” Cawil ayaa yiri: “laba bilood kama soo wareegin markay nin kale la saaxiibtay” Deeqa ayaa tiri: “waxaa laga yaabaa inay marki hore run sheegeysay, laakiin xumaan aad u geysatay ay go’aankeeda u bedeshay” Cawil wuxuu fahmay inuu isbedel dhici karo, laakiin dabaacada Deeqa kula dhaqanto ragga shukaansada ayaa ah inaan lagu tashan iyo inaan laga tashan marnaba, cid fahmi kartana waxaa ka jira Raage Rooble.

 

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN