Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Qeybta 1aad P 11-15aad W/Q Ahmed Hayow

Raage asagoo maskaxda ka daalan ayuu gurigiisi tegay, intuu qolkiisa galay ayuu kursiga fariistay, wuxuuna miiska soo saartay warqad weyn oo loogu tala galay sawirada gacanta in lagu sawiro, wuxuuna gacanta ku qabsaday qalin risaas (pencil) markaas ayuu is yiri Deeqa sawiro, Raage aad ayuu ugu fiican yahay sawir gacmeedka, laakiin inuu ku shaqeeysto kuma fekerin weligiis, wuxuu is yiri: “sawirka ka billow indhihi Dd” indhahaasoo qalbigi ay ka galeen aan weli ka bixin, Raage uma baahna inay ag joogto Deeqa wuuna hubaa inuu sawiri karo sawirkeeda saxda ah, markuu dhammeeyay indhihi quruxda badnaa ee Deeqa, kadib way u sahlanaatay inta kale, waayoo waxaa soo fiirinaayay indhihi Deeqa uu sawirtay, sidaa daraadeed waxba kuma qaadan inta kale, markuu dhammeeyay ayuu fiiris ugu dhaqaaqay, markaasuu qoslay ileyn sawirka uu sawirtay ayaa ahaa mid ay Deeqa qosleeyso, kadibna intay neef ka soo fuqday ayuu gashaday joodariga laabkiisa, si aan waalidku ugu arag sawirka gabadha uu sawirtay, habeenkaas dhowr jeer ayuu la soo baxay inuu fiirsado, asagoo ku faraxsan xalka uu u helay inuu Dd ku sii sugo.

Deeqa Daahir galabti ballanta ay Raage lahaayeen, waxaa ka baajisay ayeeyo Mulaaxo oo u wadatay xaafad ay rabtay, waxayna ku tiri: (dhakhso ayaan ka imaanaynaa) laakiin wakhtigi ayaa la tegay ilaa habeenki, balse ayaandarada ku dhacday Raage habeenkaas, haddii aanu laaban laheyn way kulmi lahaayeen Deeqa iyo ayeeyadeed oo guriga u sii socda, Deeqana marki ay guriga geeysay ayeeyo Mulaaxo, ayay aaday guriga Jamaal, waxaana loo sheegay inuu shaqo ku maqan yahay, waxay Dooli ku sugtay gurigeeda hirtiisa intuu shaqada ka soo baxaayo, waxayna halkaa taagneyd ilaa habeen barki, markay kulmeen Jamaal ayay Deeqa u sheegtay ballanti ay lahaayeen Raage iyo wixii qabsaday, waxayna u sii raacisay inuu u sheego Raage haddii uu u yimaado, cilladda Deeqa qabsaday oo ay ugu tegi wayday iyo inay soo laabanaayaan laba usbuuc kadib, Jamaal oo daalan ayaa ka tegay Deeqa, asagoo la yaaban isbedelka ku dhacay iyo inuu ogaaday sheekada Raage iyo Deeqa.

Subaxdi ayay reer Daahir bexeen, Deeqana waxay iska dareentay inay ka xuntahay inay baxdo ayada oo aan arkin Raage, waxay nafteeda waydiisay: (muraadka ay ka laheyd Raage inuu ahaa soo xera gelin, laakiin aanu aheyn inay jeclaato) balse waxaa hadda u muuqta inay aad u daneyneyso aragiisa, waxa ku kalifayna waxay tahay: aaminsanaan ay aaminsan tahay inuu Raage la mid aheyn ragga kale iyo cabsi ay ka qabto inay ku fashilanto Raage inay hoosteeda keento, haddii ay gabar kale kula tartantana ay aaminka isku qabin, Deeqa way ogtahay inuu Raage tallaalan yahay, waxa ay rabtana waa inay sii talaasho, si haddii ay ka maarmi waydo uu caana ma daadshe ugu noqdo, waxaa uga muuqata inuu Raage go’aan ka gaari karo, haddii ay si adadag ula hadasho oo aanay dabacsanaan u muujin, Deeqa wiilki ku yiraahda (waan ku jecelahay) waxay ka baartaa (kaama maarmo) inuu ku yiraahdo, wixii ka dambeeyana sidi ay doonto ayay ula dhaqantaa.

 

12.

Deeqa marki ay reerkooda ka soo laabteen safarki, waxay aaday guriga Dooli, markii ay ka soo wayday ayay sugtay ilaa habeenki, laakiin subaxdi dambe ayay soo toostay ayadoo aan xalay arag Jamaal Dooli oo daal haayay daraadiis ay u sugi wayday, ayadoo weli saaran sariirti ay ka toostay ayay go’aan ku gaartay inay Jamaal ugu tagto boosteejada Ceel Gaab, halkaasoo ay saftaan baabuurta aada Degmooyinka ay ka mid yihiin Hodan iyo Howlwadaag, ayadoo og inay saacadaan kula kulmeynin gurigiisa.

Deeqa marki ay aragtay gaarigi Dooli oo ku jira safka, waxay la kulantay kirishbooygi lacagta aruurinaayay oo gaariga wada, kaas oo safka inta lagu jiro gaariga soo dhaweeya ilaa uu ka gaaro in la raro, Deeqa waxay waydiisay Jamaal, kirishbooygi ayaa u tilmaamay meel uu la taagnaa darawalo kale, meesha uu u tilmaamay ayay soo aaday ayadoo Dooli u ilka cadeeyneysa, Dooli oo la yaabay Deeqa waxay ka soo doontay boosteejada ayaa markuu salaamay ku yiri: “Deeqa ahaa, goormee timaadeen?” intay gooni ula baxday ayay ku tiri: “shalay galab ayaan soo laabanay” waxay u raacisay “Rr ma is aragteen? mana u sheegtay fariinyeydi?” Dooli ayaa ku yiri: “Raage isma arkin oo inti aad maqneyd xaafada ma imaan” Deeqa ayaa waydiisay: “gurigiisa ma taqaa?” Dooli oo gaarigiisa la raraayay ayaa yiri: “waan aqaan ee soo raac gaariga si aan rakaabkaan u soo dejiyo” Dooli oo u dhaqaaqi raba dhanka gaariga ayay Deeqa oo weli taagan ku tiri: “walaal howshaada iska qabso, anigu magaalada ayaan rabay oo aan wax ka soo doontay” Dooli oo dib ugu laabtay ayaa ku yiri: “haddii aad i raacdo waan soo wada laabaneeynaa ee soo bax” Deeqa ayaa ku soo gunaanaday: “waa caadi ee iska shaqeeyso walaal” wuxuu ka dhaqaaqay, asagoo loo yeeraayo oo gaarigi u raran yahay, sidaa ayuu uga tegay Deeqa oo aan raali ka aheyn oo ka xun siday kala kulantay, waxay lug ku tagtay Hotel Shabeele bal inay kula kulanto Raage haddii uu joogo agagaarka Hotelka, markii dambana waxay ka soo raacday taxi.

Dooli habeenkaas wakhti fiid ah ayuu shaqada ka soo baxay si uu Deeqa ugu tago, markuu gurigeeda yimid ayay Deeqa intay labisatay bannaanka ula soo baxday, Dooli oo ka raali gelinaaya saaka wixi dhacay ayaa ku yiri: “waxaad saaka ila soo kulantay ayadoo ay rakaab gaariga ii saaran yihiin, waana ka xumahay inaan wakhti kuu waayo” Deeqa oo ka dhex gashay hadalka ayaa tiri: “inaan ku salaamo ayaan kuugu imid, waayoo waan kuu xiisay inti aan maqnaa” kadib intay qososhay ayay ku dartay: “waan ogaa inaad ila yaabeeyso marki aad meelahaas oo kale igu aragtid, soow sax maaha?” Dooli oo la yaabay isbedlkeeda ayaa yiri: “ma inaad i salaanto oo iga yaabsato ayaad iigu timid?” waxay tiri: “soow walaashaa kuuma sheegin inaan ku soo raadiyay shalay galab marki aan soo galnay inta aan gurigeena gelin ka hor?” wuxuu yiri: “maya iima sheeginoo xalay goor dambe ayaan imid, saakana ayadoo la jiifo ayaan shaqo aaday” Deeqa oo ka sugeeysa inuu furo sheekada Raage ayuu Dooli yiri: “Raage inaad rabtay gurigiisa ayaan u maleeyay, sidaa daraadeed ayaan u rabay inaad gaariga u soo raacdo, markaan rakaabka soo dejiyana inaan ku geeyo guriga Rooraaye” Deeqa inay qososhay ayay waydiisay: “maxaad Rooraaye ugu baxsateen, miyuu orod badnaa?” Dooli ayaa yiri: “wuxuu dhihi jiray markuu noo yimaado (waxaan idiinka sheekeeynaa Rooraaye) sheekadaas daraadeed ayaan ugu bixinay Rooraaye” kadibna waxay Deeqa iyo Dooli wada aadeen gurigiisa, markay cabbaar la joogtay ayuu xaafadeeda keenay, waxay Deeqa ku tiri: “saaxiibkaa Raage igu salaan haddii aad aragto” wuxuu ku yiri: “haddii aan arko waan u sheegaa inaad Leego ka timid” Dooli oo ka sii dhaqaaqay ayay ka daba geeysay: “inuu na soo salaamana ha ka illoobin” Dooli asagoo madaxa sii lulaaya ayuu yiri: “waa khasab middaas”.

Waxaa Jamaal u muuqatay Deeqa inay Raage u baahan tahay, laakiin ay iskala weyn tahay in la ogaado, wuxuuna ku tala galay inuu Raage raadiyo una sheego intuu Deeqa ka dareemay si haddii uu rabo uu asagana uga faa’iideysto.

 

13.

Galabti xigtay ayuu Jamaal Dooli tegay guriga Raage, asagoo weli shaqadiisa ku jiray, gaariga asagoo aan ka soo degin ayuu Kirishbooyga u diray Raage, asagana markuu arkay gaariga saaxiibkiis oo albaabkooda taagan, intuu labis isku soo boobay ayuu soo raacay gaariga, markuu kursiga hore soo fadhiistay ayuu Dooli yiri: “ma maleyn kartaa waxa aan kuugu imid?” Raage oo niyada ka fahamsan ayaa yiri “maya!” Dooli intuu qoslay ayuu yiri: “naga daa saaxiib ciyaarta ee sheeg waxa aad u maleeyneeysid inaan kuugu imid?”Raage ayaa yiri: “cid miyaa ii kaa soo dirsatay?” Dooli intuu aad u qoslay ayuu yiri: “maxaa kuu diiday marki hore inaad sidaas u hadasho” wuxuu sii raaciyay “baabuurki Leego ka keenay marki ay ka degatay ayay gurigayga soo abaartay, markay iga waysay ayay subaxdii boosteejada iigu timid, wallaahi anigoo la yaabanaa sababta ay fariinta iigu kaa fartay marki ay bexaysay, ayaan markaan subaxdi ku arkay boosteejada, ayaan horaba ka gartay waxay iigu timid aniga oo aan waydiin” Raage oo ku faraxsan wuxuu sheegaayo, kana xanaaqay sababta uu fariinta loogu dhiibay u soo gaarsiin waayay, ayuu hadalki sii watay Dooli oo uga sheekeeyay ilaa xalay inti ay isla joogeen, Raage oo ka fekeraaya hadalki ugu dambeeyay ay Deeqa ku tiri Jamaal oo ahaa: “u sheeg inuu na soo salaamo” ayuu Dooli ku yiri: “Rooraaye xiiso ayay kuu qabtaa Deeqa Daahir, waayoo waxaan ka dareemay inay ka xishooneyso i gee guriga Raage, laakiin saaxiib ma aqaano waxa idinka dhexeeya, waloow aan qiyaasaayo inaad weli waxba ku hishiin, balse ay sheeko idiin socoto” Raage ayaa yiri: “waa runtaa Deeqa waan isbaranay, si caadi ah ayaana u sheekasanaa, laakiin waxaan ku waydiiyay hadda xageed ii wadaa?” Dooli ayaa ku yiri: “saaxiiboow waxaan ku farxay sida aad saameynta ugu yeelatay gabadha faraha looga wada gubtay, marki hore waan kuu cabsaday, laakiin hadda waxaan arkay sida ay kuu daneeneyso” wuxuu u raaciyay: “si aan toos aheyn ayay Deeqa iigu soo kaa dirsatay, kadib marki ay ii muujisay sida ay uga xumaatay inaan fariinta kuu keenin iyo sida ay ugu mashquushay inay i soo raadiso, marka xaafadeeda ayaan rabaa inaan ku geeyo, si aan u guto balantii aan ka qaaday, waa haddii aad raali ka tahay” Raage markuu ogaaday xaalada Deeqa ayuu saaxiibkii iskaga dhigay nin aan wax muraad ah ka laheyn Deeqa, laakiin way uga cadahay inuu mar uun indhaha saaro, kadib markuu ogolaaday ayuu Dooli geeyay guriga Deeqa agtiisa, markuu dejiyayna shaqadiisi ku laabtay.

Deeqa oo ka walaacsan inuu Dooli geyn waayo fariinti xalay ay ugu fartay Rr, ayuu ganjeeladooda soo garaacay, waxay Deeqa albaabka furtay ayadoo qofki ay maleeyneysay inuu soo garaaco uu u noqtay qofka ay ka furtay, taasoo haddii uu qof kale noqon lahaa ay Deeqa niyad jebi laheyd, Deeqa intay salaantay Raage ayay si tartiib ah u tiri: “Raage waad soo dheeraatay” waxay u raacisay: “soo gal walaal” marki hore uu guriga yimid Raage ma soo dhaafin barandada, laakiin markaan waxaa la geeyay qolka fadhiga, waxaa intaa dheeraa inay Deeqa ka dhaadhicisay hooyadeed iyo ayeeyadeed inuu Raage yahay wiil fiican, isla markaana ku saacidi jiray Xalane iyo inay iskula qoran yihiin Gurmadka Guulwadayaasha, haddana ay jeceshahay in lagu wada qoro hal meel, meeshaas oo ah xerada Guulwadayaasha Xamar oo uu Aabbe Daahir u raadinaayo in gabadhiisa in lagu qoro xeradaas, laakiin aan loo dirin midda Afgooye ama meel kale, Deeqa waxay ayeeyo Mulaaxo u sheegtay habeenki ay qaraaba salaanka u wadatay inay ballan la laheyd Raage oo ay kaga wada hadli lahaayeen xerada ay jeceshay in lagu wada qoro, si uu Raagana u soo qalqaalsado mida Xamar ku taala.

 

14.

Raage aad ayuu ugu farxay soo dhaweynta Reerka oo ay fadhiga cabitaan ugu keentay Hooyo Aamina, waxaa la soo fadhiistay ayeeyo Muxubo oo tiri: “gabadheyda Degan way ii sheegtay inaad balan laheydeen habeenki aan qaraaba salaanka u watay, waxay rabtay inay kugu tiraahdo Xerada Guulwadayaasha Xamar ka soo dhigo si aad iskaga warqabtaan, waayoo inaad wiil fiican tahay way noo sheegtay” Raage oo garan waayay sida ay suurtagal ku tahay inuu dalbado xerada uu doono ayaa yiri: “ayeeyo howl ka muhiimsan ballanteena ayay qabatay Deeqa, haddii ayba kuu raacday inaad soo macsalaameyso Qaraabada” hooyo Aamina ayaa Raage ku tiri: “habeenki aad fariinta iigu reebaysay Deeqa, haddii aan ogahay in isku meel gurmadka leydinku qoray oo aad gacan siiso gabadheeyda, waxaan ku dhihi lahaa soo gal oo guriga ku sii sug inta ay Deeqa ka timaado, laakiin Leego inti aan joognay ayay nooga kaa sheekeeysay inaad wiil fiican tahay” Raage wuu arkay inay Deeqa reerkeeda cabsiisay biyo samsam ah oo ay hadda cabsan yihiin ammaantiisa, markay ka tageen islaamihi oo ay kali ku noqdeen fadhigi ayuu ku yiri: “Dd, toban shimbirood ayaad hal dhagax ku dishay” Deeqa intay qosol wikaac isla siisay ayay tiri: “oo maxaan sameeyay oo aan toban shimbirood ku dilay” wuxuu yiri: “waxaad ii soo dirtay Jamaal, waxay ayeeyo Mulaaxo iiga kaa cudurdaartay maqnaanshihi ballanti aad ii gooysay, hooyo Aamina waxay ii muujisay inuu gurigu gurigeeyga yahay, soow intaa oo shimbirood hal dhagax kuma aadan dilin” Deeqa waxay tiri: “horta ka raali ahoow maqnaanti galabki ballanta, ayeeyo waa runteed inay ii wadatay dad ay soo macsalaameyn rabtay, laakiin guriga soow horaba kaagi uma ahayn?” Raage oo aan hadlin ayay Deeqa tiri: “hadda soow ima geeyneysid gurigaaga?” wuxuu yiri: “waa khasab taas” markay Deeqa is diyaarisay ayay isa soo raaceen, Raage oo ku faraxsan sida ay reer Daahir raaliga uga yihiin iyo dhammaadka Halganki uu ugu jiray Deeqa, marba haddii ay gurigeedi dhex keentay, haddana uu kiisa u wado, waayoo wuxuu ogyahay reerkiisu inay Deeqa raali ka noqonaayaan .

Deeqa waxay baratay guriga Raage iyo hooyadiis Khadiija oo markaa joogtay, kadib waxay aragtay Sawir gacmeed derbiga ku dhegsan, kaasoo ah Raage Aabbihiis, Hooyadiis iyo Walaalahiis uu asaga ku jiro, intay sawiradi ku dheeygagtay ayay tiri: “Raage yaa sidaan gacanta idiinku sawiray?” wuxuu ku yiri: “ma fiican yahay sawirka?” waxay tiri: “ilaa hadda adiga iyo hooyadaa ayaan reerka ka arkay, sawiradiinu caadi maaha” Deeqa intay dhanka Raage u soo jeesatay ayay ku tiri: “walaahi sawirka waxaad moodaa in kaamirad lagu qaaday” Raage oo ku farxay amaanteeda ayaa yiri: “anigaa sawiray” Deeqa ayaa tiri: “waa igu dheeleeysaa, artiste miyaa tahay!” wuxuu yiri: “waan ku barbaranaayay” Deeqa waxay u sheegtay inuu Raage sawirka ku fiican yahay haddiiba uu sidaas wax u sawiraayo, kadib ayay ka codsatay “aniga mid weyn oo sidaan oo kale ah ma ii sawiraysaa?” Raage intuu istaagay oo qolkiisa aaday, ayuu soo saaray sawirkeedi uu weheshan jiray, markuu kala furay warqadi uu siday oo ay Deeqa aragtay sawirkeeda ayay intay “waaaw” tiri ayay ka qabatay sawirki, kadibna intay fiirisay ayay tiri: “Raage caadi maahid, sidee baad u sawirtay adiga oo aad sawir iga haysan?” Raage wuxuu yiri: “sawirkaaga waxaan ku haaystaa meel aan ku keydsaday” Deeqa ayaa tiri: “sawirku waa sidi aan u labisnaa habeenki iigu kaa horeeysay oo aan Shabeele ku kulano, waxaa ii cadeeynaaya dhigaha iyo katiinada aan sitay habeenkaas ayaad igu sawirtay” Raage intuu qoslay ayuu yiri: “sawirku ma habeenkaas ayuu ahaa?” Deeqa ayaa ku dhaaratay: “wallaahi waa habeenkaas, miyaadan xasuusneyn, waxaan hubaa haddii aad dhameyn laheyd ilaa taagnaanta inaad keeni laheyd Toobki, malqabadi, kabihi iyo boorsadi aan sitay habeenkaa”.

 

15.

Deeqa waxay sawirki gacanta ka soo qaadatay Raage oo ka diidan, laakiin waxay u balan qaaday inay caawa soo siineeyso mid ka mid ah sawiradeeda, marki ay gurigi ka soo tageen, waxay ku heshiiyeen inay jardiinka Arbaca rukun ku fiidsadaan oo iskaga sheekeystaan, waxayna Deeqa inta badan ka hadleysay sawirka uu Raage sawiray iyo safarki ay reerkooda ku tageen Leego, marki ay ahayd ku dhawaad 9 kii habeenimo ayay soo wada aadeen dhanka guriga Deeqa, intii ay u sii socdeen ayuu Raage furay mowduuci xiriirka oo ku yiri: “D, waxaan kaa rabaa inaad ii sheegto waxaan ku sugo mustaqbalka dambe” Deeqa ayaa tiri: “wax badan ayaan ku dareensiiyay, marki aan kugu iri ma jiro wiil aan gurigeeyga geeyay oo aan ku iri ma jiro mid aan shaneemo u raacay, iska daa mid aan gurigiisa tago adiga kaa hor” Raage ayaa yiri: “intaa waa hadalo i raja gelinaayay, ina tusaayay inaan liiska ugu koreeyo, laakiin weli kaama haayo go’aan cad” Deeqa ayaa tiri: “Raage, waxaad ka garan kartaa inaan sheekadaada iyo la socodkaaga raali ka ahay, waan jecelahay inaan kula joogo iyo inaan kula sheekeysto, balse midda kale waxaan jecelahay inaan wakhtigeeda la sugno, waayoo waad ogtahay xilliga ii qoraheysan inaan gaaro go’aanka mustaqbalka” Raage erayadaas waxay ku noqdeen fallaar wadnihiisa lagu dhuftay, markaa ayuu yiri: “Dd, raali iga noqo, su’aashaas dib dambe kuuma waydiinaayo” waxay ku tiri: “sabab, maxaadan ii waydiineyn?” Raage ayaa yiri: “ma rabo inaan mar dambe ku waydiiyo” Deeqa ayaa tiri: “waxaad u egtahay qof tiisa kaliya ay u muuqato, laakiin aan wax dan ah ka laheyn qofka kale wuxuu rabo” Raage oo diidan aragtida ay ka aamintay ayaa yiri: “walaaleey sidaa ma ihi, laakiin waxaan kuu sheegay sida aan rabo” Deeqa oo hadalka ka dhex gashay ayaa tiri: “waaba taa midda aan ka hadlaayo, waayoo sida aad rabo oo aad ii sheegtay ayaa kaala muhiimsan sida aan rabo, waxaadna u muuqataa qof haddii uu waayo siduu rabay aan tixgelin siineyn sida qofka kale rabo, taasoo ah sheekadaada iyo la socodkaaga” Raage oo aamusan ayay waydiisay: “hadda aniga oo ku khasban ma kuu yeelaa sida aad rabto?” wuxuu ku yiri: “ma rabo naf aan ii soo jeedin inaan khasbo” waxay tiri: “waan kuu soo jeedaahe, sheeydaanka iska naar, inta aan calafka iyo wakhtigiisa ka gaareynana aan sheekeysano” waxay tageen guriga Deeqa albaabkiisa, markaa ayuu Raage yiri: “habeen wanaagsan” asagoo raba inuu bartaa uga soo tago, Deeqa ayaa ku tiri: “Raage, raali iga naqo haddii aan dhib kuu geystay, ogoowna inaan ku soo raadin doono haddii aadan igu soo laaban, waayoo sawirki aad i waydiisatay adigoo aan qaadan ayaad iska dhaqaaqday” markaa ayuu Raage ku cudurdaartay inuu illoobay, kadib ayay u soo saartay sawir u eg midki uu sawiray.

Deeqa markay qolkeeda gashay, waxay ka fekertay sida uu Raage yeeli lahaa, haddii uu mowduucaan ku furi lahaa, inti ay joogeen Jardiinada xaafadiisa u dhaweyd, waayoo albaabkeeda hortiisa ayuu uga dhaqaaqay asagoo xitaa illoobay sawirki uu hore gacantiisa ugu sawirtay, Raage asagana wuxuu ku mashquulay, waxa ay Deeqa ka waday (aan sheekeysano inta mustaqbalka laga gaaraayo) waayoo saaxiibtinimadu waa wada sheekeeysi ka horeeya guurka, laakiin midka Deeqa ayuu garan waayay.

Dooli ayaa Deeqa u yimid subaxnimadi hore, asagoo muraadkiisu ahaa inuu Deeqa u sheego xaflad aroos ah oo gurigooda ka dheceysa habeenka jimcaha iyo inay arrintaa gaarsiiso Raage oo ay ka soo wada qeyb galaan, balse Deeqa oo aan waydiin cidda arooska loo dhigaayo ayaa tiri: “ma inaan Raage u soo digo arooska ayaad iigu timid? mise inaan ka soo qeyb galo?” Dooli ayaa yiri: “anigaa Raage u tegaayee raali noqo” markuu ka soo dhaqaaqay ayay ku tiri: “JD waan kula kaftamaayay ee anigaa Raage gurigiisa u socdo” Dooli oo sii gelaaya gaarigiisa ayaa intuu ku qoslay magaca JD ayuu ku yiri: “mahadsanid Dd, adigaan kugu haleynaa Rr” wuuna dhaqaaqay.

 

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN